Saxaafaddu ama warbaahintu (journalism) waa ururinta, diyaarinta iyo baahinta wararka iyo wixii la halmaala. Iyada oo loo marayo hab electronic ah. Sida jaraa’iddada, magazines- ka, buugta, blogs -ka, webcasts-ka, podcasts-ka, Social networking-ka iyo Social media. Iyada oo wararka la isu marinayo radio iyo television.

 

Markii ugu horraysay ereyga saxaafad ama journalism waxa loo isticmaali jiray keliyaata jaraa’iddada, balse wixii ka danbeeyay qarnigii 20-aad waxa loo isticmaalay hab kasta oo war la isugu gudbin karo. Gaar ahaan habka electronic ah.

Taariikhda saxaafaddu way dheer tahay balse waxa aynu ku bilaabi doonaa inta la ga warhayo. Warqaddii ugu horraysay ee qaab jaraa’id ahaan loo isticmaalo waxa isticmaalay Romans-kii hore, waxaana la odhan jiray (Act Diurna) hillaadii xilli ku beeggan 59 sanno kahor dhalashadii nebi Ciise (Cs). Warqadani waxa ay ururin jirtay dhacdooyinka muhiimka ah ee ka dhaca dhulka Romaanka.

Sidoo kale Shiinaha waxa jirtay warqad sida jaraa’idka usoo baxda oo la odhan jiray( Bao) xilligii ay talin jirtay boqortooyadii Tang dynasty Ilaa laga gaadhayay boqortooyadii kale ee lagu magacaabi jiray Qing dynasty hillaadii 1911-kii.

Haddaba jaraa’idkii ugu horreeyay ee si caadi usoo baxa taariikhda adduunka inta laga war hayo waxa uu kasoo baxay dalka Jarmalka sanaddii 1609-kii. Jaraa’idkii u horreeyay (Newspaper) ee isna English ah waxa uu soo baxay oo la daabbacay sannaddii 1622-kii. Halka jaraa’idkii u horreeyay ee maalinle ah usoo baxay sannaddii 1702-dii waxaana la odhan jiray Daily Courant. Haddaba imika oo ay korodhay baahida loo qabo jaraa’iddada iyo saxaafadda waxa ay la korodhay xaddiga aqoonta oo korodhay (Literacy).

Maanta oo wacdaraha iyo dhacdooyinka caalamka ka dhacayaa tiro bateen, ayaa waxa baahi aad u badan loo qabaa jaraa’iddada iyo saxaafad waxtar leh.

Magazines oo iyagu ka duwan, waxa ay kaga duwan yihiin iyagu waxa ay leeyihiin cover sare oo daboola. Midda kale waxa ay usoo baxaan bille iyo usbuuc ahaan (monthly and weekly). Sidoo kale waxa ay ka kooban yihiin sheekooyin, warbixino dhaadheer (essays) iyo sawiro. Markii ugu horraysay ee ay soo baxaan waxa ay hillaaddii ahayd qarnigii 17-aad. Waxa ay ka warrami jireen xaaladdaha markaas daaran. Waxaana ka mid ah magazine-kii la odhan jiray Tatler (1709-11). Iyo magazine-kii kale ee isna la odhan jiray the spectator (1711-12).

Kaddib markii la ikhtiraacay telegraph- ka iyo radio-ga waxa ay sababtay in warbaahintii xawaare aad u sarreeya ku dhaqaaqdo. Inkasta oo gabayaaqadii qarnigii 20-aad internet-ku xawli ku socday waxa ay keentay in warkii daafaha dunida ka kala dhaco. Isgaadhsiintii warbaahintu illaa xad ay aad u korodho.

Haddaba intaas kaddib wixii ka danbeeyay qarnigii 20-aad saxaafaddu waxa ay noqotay xirfad lagu takhasuso. Taasna waxa sababay afar qodob:

  1. Ururadii journalists-ka oo batay.
  2. Baahi loo qabay takhasus waxbarasho oo journalism ka ah.
  3. Dhibaato ka timid xigashada taariikhda iyo suugaanta iyo farsamada isgaadhsiinta (problems and techniques of mass communication).
  4. Masuuliyad laxaad leh oo bulshadii iska saartay xaga warbaahinta. (Increasing sense on social responsibility on the part of journalists).

Isla jeerkaas markii saxaafaddii baahi weyn loo qabay waxa dhacday in lagu dhawaaqo ururo ay ku midoobaan warbaahintu. Urur weyne lagu dhawaaqay sanaddii 1883-dii kaas oo lagu sargooyay qaanuunka u dejisan machadka Ingiriiska ee lagu magacaabo (England’s chartered institute of journalists).

Maraykanka ayaa iyaduna mid kale laga ga dhawaaqay (American newspaper Guild), kaas oo la aasaasay sannaddii 1933-kii. Ugu danbaynna waxa lagu dhawaaqay ururkii laga ga dhawaaqay dalweynaha Faransiiska ee lagu magacaabi jiray ( National de la presse Francaise).

Intaas kaddib waxa aynu ku xigsiin doonaa waxbarashadii iyo jaamacadihii bixin jiray journalism-ka. Sanaddii (1879-84) jaamacaddii Missouri ee ku taallay gobolka Columbia dalka Maraykanka ayaa bixisay degreegii ugu horreeyay ee jaamacadi bixiso. Mar kale jaamacadii Columbia ee ku taallay Newyork ayaa iyaduna bixisay degreegii ugu horreeyay journalism ( first graduate program). Saxaafaddu keliyaata maaha in war iyo dhacdooyin la soo tebiyo balse waa in la soo gudbiyo dhammaan qeybaha kala duwan ee nolosha sida siyaasadda, ganacsiga, dhaqaalaha iyo sayniska. Sidaa daraaddeed waxa loo baahanyahay in qofka saxaafadda ku jiraa noqdo ruux leh aqoon.

Taasina waa midda sababtay in jaamacado la yagleelo si suxufiyiintu u noqdaan dad aqoon leh. Nasiib darrada ugu weyni waxa ay u sugnaatay weriyayaasha Soomaaliyeed oo ay aad u yartahay qaar leh waxbarasho saxaafaddeed. Waana sababta Tv-yada Soomaaliyeed gebi ahaantoodba u soo gudbiyaan dhacdooyin iyo warar keliyaata. Way yartahay in aad aragto Tv ama journal ka warramaya qeybaha kala duwan ee nolosha iyo deegaanka.

Haddii aynu wax yar ku hakano saameynta muuq-baahiyayaasha (television). Markii ugu horraysay ee la ikhtiraaco television-ka waxa ay ahayd sannaddii 1927-kii. Waxaana sameeyay wiil yar oo 21 jir ahaa oo aan noloshiisa wax koronta ah kusoo barbaarin illaa uu ka gaadhayay 14 jir – Ninka aan sheegayaa waa Taylor Farnsworth – aasaasihii muuq-baahiyaha.

Maanta televisionada ka hanaqaaday geyiga Soomaalida tiradoodu aad ayay u badan tahay shaqada ay hayaan keliyaata waa war soo tebin iyo dhacdooyin u joog. Waxaa loo baahan yahay saxaafad xor ah oo xikmad iyo cilmi ku dhisan.

Bal haddii aynu ku yara laabano saxaafadda Soomaalida iyo heerka ay ka taagan madax banaanida. Eegga Saxaafadda Soomaalida waxa ay haystaan xornimo iyo madax banaani buuxda. Inkasta oo haatan ay soo wajahaan hagardaamooyin iyo saxaafadda xorta ah oo lagu tunto siiba deegaano gaar ah oo Soomaaliyeed. Meesha ugu cakiran ee ugu khatarta badan suxufi ka hawlgalaa waa magaalada Muqdisho – caasimada Soomaaliya. Meeshaas subaxii beryaba waxaa la khaarajiyaa suxufi – waana deegaan aad ugu adag in suxufi ka hawlgalo. Taariikhdda Saxaafadda Soomaalidu way dheer tahay waxa ay soo martay marxalado badan oo kala duwan. Illaahay amarkii maanta waxa ay maraysaa meel la mahadin karo.

Guntii iyo gebogabadii waxa aynu kusoo koobi doonaa dhibaatada iyo hagardaamada internet -ku hayo warbaahinta. Social Media waxa ay sabab u noqdeen in lagu faafiyo warar ku-tidhi kuteen ah, warar been abuur oo shakhsiyaad gaar ahi bulshada ku dhex faafiyaan kuwaas mijo xaabiya runtii iyo xaqiiqadii dadku isku ogaa.

Fikirkaada Waa Muhiim