Habdhiska muruqa wuxu ka koban yahay muruqyo aad uafara badan oo keena dhaq-dhaqaaqa jirka oo dhan, badanaaba muruqyadu waxa ay ku dhisanyihiin lafaha,waxaase jiro muruqyo aanan ku dhaganeyn lafo balse ku dhagan jirka, dhaqdhaqaajiyana xubnaha ey ku dhaganyihiin tusaalana waxaa u ah Muruqyada dhaqdhaqaajiya “suniyaha Isha”.

Shaqada Habdhiska Muruqyada ”The finction of muscular systemn”

Muruqyada howl aad uqaayo leh ayey jirka uhayaan waxaana kamid ah:

  1. Waxay keenaan dhaqdhaqaaqa jirka.

  2. Waxay qaab uyeelaan jirka oo dhan.

  3. Waxayna keenaan kul (heat production) fara badan ee uu jirka u baahanyahay.

Nuucyada Muruqyada:

Smooth Muscle:waxaa laga helaa meelwalba uu muruq kujiro marka lagareebo muruqa wadnaha.badanaa waa muruq aan maamuli karno sida muruqa gacanta ama Lugtaba.

Cardiac Muscle:waa muruqa wadnaha, waana mid aadan adigu maamuli Karin. Tusaale ma’istaajin kartid mana socod siin kartid.

Habdhiska Neefta ”Respiration systemn”

Habdhiska waxa uu kakoobanyahay marinno(waddooyin) iyo 2 sambabood oo kala ah:

  • Sanka=Nose 
  • Godka sanka=Pharynx 
  • Godka afka = Larynx.
  • Tubada hawada marto(bocor) =Trachea.
  • Meesha ey tubada ka qeybsanto=Bronchi.
  • Sambabada=Lungs.

F.G:

Sanka: moqorada sanka waxay ka bilaawdaan labada dul ee dibadda ah waxayna ku dhamaadaan meesha ey iska galaan dulka sanka iyo dalqada.

Shaqada Sanka:

  • Sanka wuxuu miiraa(nadiifiyaa) hawada.

  • Sanka wuxuu qaabilsanyahay urinta(smell).

  • Sanka wuxuu ka qeyb qaataa soo saaarista qashinka sida:-CO2, diifka IWM.

  • Sanka wuxuu caawiyaa codka.

Dhuumaha Hawada: (Bronchia):

Hunguriga cad waa dhuun gaaban siina marta luqunta hoosteeda, marka ey dhuuntaas gaarto sambabada aktooda ayey ukalaqeybsantaa 2 qeybood oo loo yaqaan (Bronchiols) waxeyna ku xiriirsamaan 2 sambabood oo waaweyn.

Sambabada:

Waa labo xubnood oo waaweyn lana arki karo marka qofka qalliin lagu sameeyo saableyda Jirka Aadanaha(Operation).

waxa eyna Kuyaalaan Saableyda labadeeda baal, sambabada waxey u qaab ekyihiin tobin waxayna buuxiyaan moqorka ama duleelka saableyda waxayna kakoobanyihiin:-

  • Bronchioles

  • Alveoli

N.B:cuduro badan ayaa jira oo sambabada dhaawaca oo ey kamid yihiin cudurada faafa, brunkiitada, T.Bda iyo kuwo badan.

 

Mahadsanidiin————-lasoco qeybta 4aad

Facebook Comments