Falsafadda quruxda iyo farshaxanku waxey kamid tahay laamaha Falsafadda ugu xiisaha badan uguna macaan marka lagu gudo jiro wax ka ogaanshaheeda. Waa laan mudan in waxbadan laga ogaado si ruuxa u noqda mid aragtidiisu balaadhan tahay.

“Haddii nidaam iyo isu dheeli tirnaan wanaagsani xubnaha ka dhex jiraan waxey sabab u noqon karaan habboonaantaasi in si cad loo yidhaahdo waxaasi wey qurux badan yihiin, balse haddii ay xubnaha iyo qeybaha uu ka kooban yahay iswaafaqi waayan macnaheedu waxey tahay waxaasi ma qurux badan”

Hadaba mawduuc kastoo oo isweyddiin mudan oo adduunka kajira waxa jira caqliyo daah-fura oo daba-gal iyo baadhitaanno badan ugu hawl gala ugu dambeyntiina ku falceliya jawaabo macquul ah oo qofkastaa fahmi karaa.

Aqoonta iyo cilmigu ma ahayn kuwo lagu indho-dilaacsadey iyagoo jira (markeliya la wada arkey), manna aheyn kuwo si fudud koonka ku yimid, balse aqoonta iyo cilmigu waxey ahaayen kuwo sannado iyo qarniyo tiro badan baadhitaano ku jirey. Maalinba maalinta ka dambeysa wax cusub lagu soo kordhiyey, Sidaas darteed mawduuc kasta oo adduunka ka jira waxa daahfurey ruux iyo caqli ay carrisey jiritaanka sheygaas.

Aragtida quruxdu waxey si gaar ah usoo ifbaxey waqtigii uu noola faylasuufkii weynaa ee plato, balse muu aheyn mid isku dayay inuu kasoo saaro fikradihiisa tognaa ee caqligu bini aadamka su’aalo ku abuuri jirey.

Iyadoo sidaas ah ayaa faylasuuf kii reer german Gottlieb Baumguarten ee noola intii u dhexeysa (1714-1762) isku dayey inuu baadhitaan iyo tijaabooyin badan ku sameeyo quruxda iyo farshaxanka lagu muran sanyahay waxa ay yihiin. Afka qalaad quruxda waxaa loo yaqaan “Aesthetic”. Baumguarten wuxuu ereygan asal ahaan kasoo dhiraandhiriyey erey giriigg ah oo qoraal ahaan sidan u qormaya “Aesthesis” kaa soo macnihiisu yahay [=aragti].

Waxkasta oo dareenka bini aadamka kiciyaa labo mid ayuu noqon karaa: farxadd ama argagax. Quruxdu waxey ka mid tahay dareennada ku abuura qof bini aadam ka soo jiidasho, jaceyl, farxad iyo xamaasad badan.

Kasoo horjeedka quruxda ama sheyga liddi ku ahí waa fool-xumada. “Isku habboonan la’aanta, is waafaqsanaan la’aanta, iyo soo jiidasho la’aanta ayaa ah waxa aynnu ugu yeedhi doono [fool-xumo], ama[ Muuqaal xumo]”.

Madaama aaney quruxdu aheyn wax leys ku faaqasan yahay fikiro kala duwanna laga bixiyey, haddana waxey abuurtey in faylasuufadu aynaaney ka caajisin ra’yi ka biximta quruxda iyo astaamaheeda.

Waxa jira faylasuufyo tiro baadan oo aaminsana in marka la doono in la tilmaamo qurux ay lahaato astaamahan; sheygaa lagu suntayo quruxda iyo bilic wanaaggu waa inuu ahaado mid sawir wanaagsan bixinaya, ahna mid ay isku habboon yihiin nidaam ka ay isu heytaan xubnihisa iyo dhammaan waxa uu ka kooban yahay.

Sidoo kale bini aadamka marka la tilmaamayo quruxdiisa, waa in dhammaan xubnaha qofku noqdaan kuwo dareen-ku-gelinaya, ahna kuwo isku habboon nidaamka ay u dejisan yihiin, sida: Dhagaha, sanka, afka, madaxa, timaha, ilkaha, dibnaha, wejiga. Taas macnaheedu haddii uu qofku u dhameystirmo xubnahaas welibana ay iswaaqaan (=kala dheeraan) ruuxaasi wuxuu astaan tahay uu yahay qurux.

Sidaas si lamid ayuu faylasuufkii weynaa aristotel isna ka dhiibtey fikradiisa ku wajahan quruxda wuxuu yidhi:

“Haddii nidaam iyo isu dheeli tirnaan wanaagsani xubnaha ka dhex jiraan waxey sabab u noqon karaan habboonaantaasi in si cad loo yidhaahdo waxaasi wey qurux badan yihiin, balse haddii ay xubnaha iyo qeybaha uu ka kooban yahay iswaafaqi waayan macnaheedu waxey tahay waxaasi ma qurux badan”

Sidoo kale, markaad u fiirsato waxyaabaha dabiiciga ah ee kamid yihiin ubaxa, geedka, iyo xayawaanka waxey ku kala geddisan yihiin muuqalka soo jiidashada, iyo bilcida.

Haddii labo ama hal kamid ah xubnahu ay ahaadan kuwo aan aragti ahaan is-laheyn ama isku habbooneyn iyanna waa sifada fool-xumada. Sidoo kale Thomas aquinas oo isna ah faylasuuf aad loo qaddarin jirey qarnigiisa, aquinas wuxuu ku dooddaya si loo helo qurux waa in saddex shey muqaddas ahaandaan oo aan laga dhex waayin quruxda.

Kow: waa in la helaa bilic qaddarkeedu aad u sarreeyo muuqaal wanaagsanna leh; labo: waa iney iswaafaqaan xubnaha ay ka kooban tahay; saddex: iyo inuu ahaado mid bayaan ah oo soo jiidasho leh, midab ahaanna dhalaalaya, quruxdu waa ta koobsata buuxisanna shuruudahaas kor ku xusan”.

Qarnigii 18thC, Francis Hutches- wuxuu kusoo biiriyey, erey iyo ra’yi bixinno sababey in dooddii ka dhex taagney faylasuufyadii kuwaas oo weliba intooda badan isku raaceen in quruxdu tahay hadba sida ay isu waafaqaan waxyaabaha uu ka kooban yahay sheygaasi, ayaa Hutches wuxuu keeney fikrad cusub oo ku liddi ah dhammaan aaradi lagu qeexay quruxda, taasina waxey sabab tey in ay sii shiidaaliso dabkii baxayey iyo murankii ka dhex taagnaa culimadi waaweyneyd ee falsafadda. Hutches halku dhiga uu kuso kordhiyey dooddan cilmiyeysan ayaa waxey aheyd: “quruxdu waa waxyaabo kale duwan oo isku tagey / midoobey”.+

Madaama fikrado kala geddisan ay bulshadu waagaas ka heysatay quruxda, hadana waxaa ka dhaadhacsaneyd in in quruxdu tahay xubno si wanaagsan isugu habeysan, wallow ay jireen faylasuufyo kasoo horjeestay qeexitaannada laga bixiyey quruxda. Sidoo kale Edmund Burke wuxuu kamid noqdey culimada iyo aqoonyahannadi diiddey in quruxdu timaado marka ay iswaafaqaan waxyaabaha uu ka kooban yahay, sidaas darteed wuxuu Burke ku dooddaya fikrad ah,

“Ma jiraan wax isku habboon, welibana la odhan karo wey iswaafaqsan yihiin oo si nidaamsan ayay u u habeysan yihiin, u fiirso quruxda ubaxa, iyo jirridda uu kasoo baxey, waxaad arkeysaa in jirridu weyn tahay, haddana aaney quruxi meesha ka maqney.

Mar labaad waxaad eegtaa laamaha geedka, waxaad arkeysa iney qaar gaaban yihiin qaarna dheer yihiin taas macnaheedu waxey tahay muhiim maaha in leys weyddiiyo in ubaxa qurux badan yahay iyo inkale..!! ……sidaas waxaan u leeyahay ubaxu waa geedka ugu quruxda badan adduunka hadyad na leysu siiyo. Sidoo kale, sideynu wada ogsoonahey xayawaanka loo yaqaan Shimbir badeedka (waa Shimbir dhuun-dheer oo midab cad lagana helo badda / Swan). Waxey leedahay lugo dhaadheer, iyo qoor aad u dheer haddana waxey nu odhan karnaa waa mid qaddarka quruxdiisu ay aad usarreyso”.

Waxey tusaalayaashaas oo dhami ina tusinayaan in muhiim aaney in wax quruxdiisa lagu qiimeeyo hadba sida ay xubnihiisu isu heystaan.

Adigu maxaad u taqaan Quruxda?

Facebook Comments