Aayatullah Cali Khameney waa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan, waana mas’uulka dhinaca maamulka ugu sarreeya waddankaas. Wuxuu leeyahay amarka ugu dambeeya ee dhammaan arrimaha la xiriira siyaasadda Iiraan.

Ninkan, oo si weyn loogu yaqaanno inuu jecel yahay fikirka ay ku dhisan tahay jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, ayaa marar badan weerar afka ah ku qaaday dalalka Reer Galbeed-ka, gaar ahaan Mareykanka, oo uu aad u neceb yahay.

Inkastoo uu si buuxda u taageerayay kooxda dalkiisa u qaabilsaneyd wadaxaajoodyada barnaamijka nuclear-ka Iiraan, haddana Aayatullah Khameney wuxuu marar badan muujiyay sida uusan ugu qanacsaneyn natiijadii kasoo baxday wadahadalladii dhex maray Iiraan iyo dalalka quwadaha waaweyn ee caalamka. Aayatullah Cali Khameney wuxuu sanadkii 1989-kii baddalay hoggaamiyihii ruuxiga Iiraan ee ugu horreeyay, ahaana ninkii aasaasay jamhuuriyadda Islaamiga Iiraan, Aayatullah Ruuxullah Khumeyni. Xilligaas ka hor wuxuu labo jeer oo isku xigta madaxweyne kasoo noqday Iiraan intii u dhaxeysay 1981-kii ilaa 1989-kii.

Bishii September 2014, Aayatullah Khameney, oo 72 jir ah, wuxuu magaalada Tehran ku maray qalliin looga sameeyay kaadi-heysta. Lama sii shaacinin wax macluumaad ah oo ku saabsan qalliinka, maadaama xaaladda caafimaad ee Aayatullah ay tahay mid mar walba la qariyo.

7 sano ka hor waxaa soo baxay warar la isla dhexmarayay oo ku saabsanaa geerida Aayatullah, kuwaasoo ku faafay Iiraan iyo guud ahaan caalamka. Sababta loogu maleeyay inuu dhintay waxay ahayd inuusan sheegin hargab daran oo ku dhacay, sidaas awgeedna uu ka qeyb gali waayay munaasabadaha dadweynaha.

Awoodaha su’aalaha la galiyay

Xilligii uu madaxweynaha ahaa Aayatullah Khameney wuxuu si joogto ah khilaaf usoo kala dhex gali jiray Ra’iisul Wasaarihii markaas xilka hayay, Mirhossein Mousavi, kaasoo uu u arkayay inuu dhinaca bidix u janjeeray.

Hase ahaatee, maadaama uu Mr Mousavi taageero ka heystay hoggaamiyihii ugu sareeyay xilligaas ee Aayatullah Ruuxullah Khumeyni, dhammaan aragtiyada kala duwan ee ay ka qabeen arrimaha dhaqaalaha, bulshada iyo diinta waxay ahaayeen kuwo sii xoogeysanayay marba marka ka dambeysay.

Mid ka mid ah tallaabooyinkii ugu horreeyay ee uu qaaday Aayatullah Cali Khameney, kadib geerida hoggaamiyihii hore, waxay ahayd inuu isbaddal ku sameeyay dastuurka uuna meesha ka saaray kursiga Ra’iisul Wasaaraha.

Aayatullah Cali Khameney wuxuu gartay inuusan heysanin jacaylkii iyo taageeradii loo hayay ninkii uu baddalay.

Ruuxullah Khumeyni wuxuu ahaa wadaad heer sare gaarsiisan, oo wax kasta loola soo noqdo. Markii uu Cali Khameney- oo aan ahayn qof wax kasta loola soo noqdo – uu xilka qabtay, waxaa lagu khasbanaaday in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka, si xilka qofka wax walba loola noqdo ay u qabtaan wadaaddo darajo hoose ah.

Wuxuu kursigiisa hoggaamiyaha ugu sarreeya ah ku xoojiyay inuu sameystay shabakado kala duwan oo isugu jira hay’ado iyo laamaha ciidamada amniga, gaar ahaan ciidanka awoodda badan ee ilaalada jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan(IRGC).

Cali Khameney wuxuu cabi jiray sigaarka, arrintaasoo aan lagu aqoonin dadka wadaaddada ah

Sanadkii 1997-kii, waxaa si weyn u soo shaac baxday inuu isku dhac dhex maray Aayatullah Cali Khameney iyo Aayatullah Xuseyn Cali Montazeri, oo ah sheekh si aad ah loo qaddariyo.

Aayatullah Montazeri, oo ahaa nin hadalkiisa dhagta loo wada raaricin jiray, oo dhintay 2009-kii, wuxuu su’aal galiyay awoodaha la siiyay hoggaamiyaha ugu sarreeya Iiraan. Arrintaas waxay sababtay in la xiro Dugsigiisii islaamiga ahaa, oo weerar lagu qaado xafiiskiisa ku yaalla magaalada Qom, islamarkaana muddo kooban la galiyay xabsi guri.

Sida uu go’aannada u qaato Aayatullah Cali Khameney ayaa sidoo kale la cambaareeyay.

Markii uu la saftay madaxweynihii hore ee Iiraan, Maxamuud Axmadinajaad, ka dib markii lagu murmay guushiisii natiijada doorashadii 2009-kii, dad badan oo reer Iiraan ah ayaa waddooyinka ku mudaharaaday iyagoo kasoo horjeeda natiijada. Musharraxiintii looga guuleystay doorashada, Mirhossein Musavi iyo Mehdi Karroubi waxay dood ka keeneen natiijada kama dambeysta ahayd.

Laakiin labadoodaba waxaa la xiray bishii February ee sanadkii 2011-kii, waxaana wehlinayay Mr Musavi xaaskiisa Zahra Rahnavard, ka dib markii ay shacabka ugu baaqeen inay waddooyinka ku dibad-baxaan, si loo taageero dhaqdhaqaaqyada dimuqraaddiyad doonka ah ee ka socda Masar iyo Tuniisiya.

Maamulka lagu koobay siyaasiyiinta garabka midig

Aayatullah Cali Khameney, maadaama uu yahay hoggaamiyaha ugu sarreeya wuxuu awood u leeyahay inuu si toos ah iyo si dadbanba usoo xulo xubnaha golaha mas’uulka ka ah kormeerka doorashada iyo turxaan-bixinta musharraxiinta.

Xilligii ay dhaceysay doorashadii 2004-tii, golahaas waxay gaashaanka u daruureen kumannaan musharrax oo u soo istaagtay kuraasta baarlamaanka, kuwaasoo ay ku jireen siyaasiyiin badan oo dhex-dhexaad ah, kuwo isbaddal doon ah iyo xubno ka tirsanaa dowladdii hore.

Xisbiga talada hayay ayaa ku guuleystay 70% ka mid ah codadkii laga dhiibtay doorashada.

Sanadkii 2013-kii, golahaas waxay tartanka xilka madaxweynaha ka hor istaageen Akbar Hashemi-Rafsanjani, oo ah madaxweynihii hore ee Iiraan, iyagoo u sababeeyay in da’diisu ay weyntahay. Waxaa la xasuustaa in Mr Rafsanjani uu taageeray dibadbaxyadii ka dambeeyay doorashadii 2009-kii. Aayatullah Cali Khameney wuxuu si joogto ah u taageersanaa siyaasiyiinta garabka talada haya, iyadoo xitaa ay soo baxayeen dhaliilo ku saabsan in la xagal daaciyay dimuqraaddiyadda.

Xiriirrada Arrimaha dibadda

Munaasabaddii xilka madaxweynaha loogu caleema-saarayay 1981-kii, Aayatullah Cali Khameney wuxuu ku ballanqaaday inuu bannaanka soo dhigi doono “dadka damacsan in la baddalo hannaanka maamul ee Iiraan, kuwa fikirrada kale mudnaanta siiya iyo waliba kuwa garabka bidix ee uu saameynta ku leeyahay Mareykanka”.

Sanadkii 2009-kii, markii uu madaxweynaha Mareykanka Barack Obama usoo bandhigay Iiraan “billow cusub” oo dhinaca diblomaasiyadda ah, Aayatullah Cali Khameney wuxuu ka bixiyay jawaab dabacsan. Wuxuu sheegay inuusan wax isbaddal ah ka arkin hab-dhaqanka Mareykanka iyo siyaasaddiisaba, isagoo farta ku fiiqayay taageerada Washington ee Israa’iil iyo cunaqabateynnada ka dhanka ah Iiraan.

Cali Khameney wuxuu madaxweynaha Iiraan ahaa muddadii u dhaxeysay 1981 ilaa 1989

Laakiin wuxuu sheegay in haddii madaxweyne Obama uu wax ka baddalo mowqifka Mareykanka, ay Iiraan iyaduna dhankeeda diyaar ka tahay. Sanadkii 2013-kii, markii loo diyaar garoobayay wadaxaajoodyadii u dhaxeeyay Iiraan iyo quwadaha caalamka, Aayatullah Cali Khameney wuxuu sheegay “inuusan kasoo horjeedin diblomaasiyadda”. Isagoo aan horay looga baranin hadallo noocaas ah ayuu sheegay in diblomaasiyadda ay horseed u tahay “dhoollacaddeynta”, wuxuuna codsaday in wadaxaajoodka la guda-galo.

Bishii November ee sanadkii 2013-kii, Iiraan iyo dalalka quwadaha adduunka waxay isla gaareen heshiis hordhac ah oo ku saabsan nuclear-ka, kaasoo ay jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ku aqbashay inay hakiso barnaamijkeeda nuclear-ka, taas baddalkeedana laga khafiifin doono cunaqabateynta.

Laakiin 7-dii bishii July, 2014-kii, labo isbuuc uun ka hor inta aan la gaarin xilligii kama dambeysta ahaa ee loo qabtay in heshiiska nuclear-ka la gabagabeeyo, Aayatullah Khameney wuxuu khudbad uu shacabka u jeedinayay ku fashilay arrimo farsamo, isagoo sheegay in Iiraan looga baahnaa inay awood weyn u yeesho uranium-ta laga sameeyo hubka nuclear-ka.

Xiiligii heshiiska loo qabtay ee ahaa bishii July waa la dhaafay, labada dhinacna waxay qabsadeen ilaa bisha November, 2014-kii. Ka hor iyo ka dib intii uu socday dagaalkii uu Mareykanku horkacayay ee lagu qaaday Ciraaq, Khameney wuxuu dhaleeceyn jiray siyaasadaha maamulka Washington.

“Qabsashada Ciraaq kama dhigna cunto afka la gishto oo uu Mareykanku liqi karo”, ayuu yiri.

Bishii June, 2014-kii, ka dib markii ay xoogagga mintidiinta jihaad-doonka ah ee IS qabsadeen waqooyiga Ciraaq, Aayatullah Khameney wuxuu mar kale kasoo horjeestay faragalintii uu Mareykanku ku sameeyay Ciraaq. Laakiin bishii August ee isla sanadkaas, wuxuu soo dhaweeyay magacaabista Xeydar al-Cabaadi, oo laga dhigay Ra’iisul Wasaarihii Ciraaq, wuxuuna jaray taageeradii ay Iiraan u heysay Nuuri Maaliki, oo horay xulafo ula ahaa.

Facebook Comments