Dalkaste amba adduunka oo dhan waxa horumar gaadhsiiyaa waa dhalinyaradiisa, muranna kama taagna in dalka hela dhalinyaro soo jeedda oo wax baratey iney mustaqbalka sii jiri doonto. Balse dalka ay dhallinyaradiisu ka tahriibto inay dhisaan daayee waxaa iska cad inaanu dalkaasi sii jireyn, hadduu sii jirana adduunka aan wax qiimo ah kulaheyn.

Umaddeenna Afsoomaaliga ku hadasha waayadan dambe waxa jirta iney soo baxaan dhallinyaro jaamacado kasoo baxey oo soo dhameeyey, balse nasiib darro ay noqdaamba kuwa ugu tahriibta badan, Xaggii laga rabey inay dalkii iyo dadkii sugayey ee ay wax ubarteen aqoontii dib ugu celiyaan. Kuwii kale ee iyagu dalka ku hadheyna waakuwaa bilaa camalka suuqa la dhex jooga.

Dhammaanteen weynu ka warqabnaa xaalka aynu ku suganney oo cidna looga warrami maayo, waxyaabahaas oodhan bal maxaa sabab u ah, dhawr qodob ayaynu ku sababeyn doonnaa oo aynu ukala qaadi doonno mid qofka shakhsi ahaantiisa ka yimid, iyo mid ka imanaaya dhanka bulshada iyo deegaanka aynu ku noolnay. Aynu ku horreyno kuwa qofka shakhsi ahaantiisa ka yimaadda.

1. Marka hore dhallinyaradu waxay barteen inu anfac iyo wax tar leeyahay niyada kuma hayaaan, oo waa in lagu soo khasbey iyo in iska baratey uun.

2. Dhallinyardeenna dhibaatooyinka ugu waaweyn ee heysta waxa kamid ah; Shaqo abuur la’aan. Qofkii lagu tabcayey muddo dhawr iyo toban sannadood ah maalinta uu gaadho heerkii isagu wax soo celin lahaa ayuu waalidka dib ugu soo noqonaya, haba joogo inuu naftiisa wax taree dhibaato tii hore ka badan ayuu geysanayaa.

3. Dadaaal la’aan xagga ardeyga wax baranaaya ka timaadda. Kadibna sababta in mustaqbalkiisu madow noqdo lagana yaabo ilaa heer jaamacadeed inuu qish kusoo baasey.

4. Niyad-jab dhalinyrteenna waxa ka maqan inuu qofku kaligii wax la iman karo oo uu hal-abuuri karo shay cusub. Taasina waxey sababtey in bulshadeennuba bilaa wax soo saarkaas ahaato.

5. Mushahar raadis qofkasta oo aqoonyahan ahi wuxu Ku faraxsan yahay mushahar yar, oo Shirkad ama dawladdu siso, fiikirkisana ma cabirikaro wayo wuxu ilaashanayaa mushaharkiisa .Haddii uu hadhow shaqadaa ka tagana laga yaabo in aanu isagu sameysan karin ganacsi ugaar ah oo uu iska joogo.

6. Qofka oo aqoontiisa ku koobta intii uu Dugsiga amba Jaamacadda ku dhigtey. Aan wax aqoon korodhsi ah sameyn, lagana yaabo intii uu markii hore dhigtey inuu ilaababa. Waanay dhacdaa.

7. Dhibaatada ugu weyn ee haysata dhallinyarada waa iney qalin jebinta kaddib, mid waliba uu ku fikiro inuu xafiis fadhiisto. Hadhow haddey suurtogal noqon weydana uu aayar isks tahriibo.

Caqabadaha kaga yimaadda Qofka dhanka bulshada iyo deegaanka uu ku noolyay.

1. Heerka shaqo ee ay doonayaan dhallinyaradu mararka qaar aqoon uma laha, amba shaqadaasi maaha mid waddankeena lagaga shaqeeyo, taasina waa dawlad jileeca ina daashatey iyo hoggaan xumada ina haysata. Marka laga yimaaddo in qofku gaar ahaantiisa wax khaldey, waxa jira caqabado kale oo farabadan oo kaga yimaadda dhanka deegaanka uu ku noolyey qofku sida.

2. Tayada aqoonta dalkeenna taalla iyo manaahijta aynu dhiganno oo aan tafatirneyn, taasina ay sababi karto in aanuu qofka waxbaranayaa helin aqoon ku filan. Waxa caddeyn kuu ah markan ku leyahay tayada aqoonta ayaa xun, maanta dalkeenna waxa jooga qof jaamici sheeganaya amba laba shahaado oo degree ah sita, oo aan aqoontii uu soo bartey haddii wax laga weydiiyo waxba ka garaneyn.

3. Aqoonta aynu dhigannaa waxey iskaga badantey hadal (Theory) oo ma jirto in qofkii si toos ah loo tuso waxa uu dhiganaayo, aqoonta wadankeenu waa (Theory) waana sababta hadhow uu qofku waxba uga garan waayayo wixii lagu akhrinayay Shanta Sannadood.

4. Caqabadaha ugu xun ee soo gaadha qofkii wax bartey ee dadaaley waxa kamid ah Qabyaaladda, ninkii uu adeerkii dawladda ugu jiro uun baa hela shaqo uu noloshiisa wax kaga badali karo, kuwii kalena meelahaas ayay ku balanbalayaan, waana sababaha ugu waaweyn ee ninka dhalinyarada ah ee aanu adeerkii dawladda ku jirin uga niyad jabo dalkiisa kadibna uga tahriibo.

Intaas oo kaliyaa maahee, waxa jira boqolaal sababood oo aqoonta aynu barannaa ay waxtar uyeelan weydey. Haddaba akhristayaasha iyo qof walba oo wax kala garanaaya waxaan weydiinayaa, Sidee ayaa looga gudbi karaa caqabadahaas tirada badan si aqoonteennu wax soo saar uyeelato?.
Cabdiqani Qorane

Facebook Comments