Daryeelka caafimaadka Asaasiga ah waxuu dabooli karaa inta badan baahiyaha caafimaadka ee qofka noloshiisa oo dhan ay ku jirto, sida kahortagga, Daaweynta iyo baxnaaninta.

Ugu yaraan kale bar dadka ku nool adduunka ma helaan daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

Daryeelka caafimaadka Asaasiga ah waxaa laga helaa xarun bixiso daryeel caafimaad waxaana  muhiim ah in laga helo xarumahaas meel waliba oo ay dad ku nool yihiin min tuulo illaa dagmo.

Daryeelka caafimaadka Asaasiga ah waa qaab bulshada oo dhan looga wada shaqeeyo caafimaadkooda qof, qoys ama bulsho. Waxay ka hadlaysaa  go’aaminta ballaadhan ee caafimaadka waxayna diiradda saartaa dhinacyada dhammaystinaanta caafimaadka shaqsiga iyo isku xirka bulshada. 

Maxay Muhiim U Tahay Daryeelka Caafimaad Ee Aasaasiga Ah?

Daryeelka caafimaadka aasaasiga ah  marka ay bulshada helaan waxa ay ka qeyb qaadataa sara u kaca dhaqalaha iyo teknolojiyada .

Inta badan dadkeenna soomaaliyeed ma helaan daryeelkaan, waxa ay ku tiirsan yihiin badadanaa, Isbitaalo gaar loo leeyahay, ma jiraan illaa hadda xarumo caafimaad oo daryeelka aas aasiga ah bixiso, marka laga reebo qeybo fara ku tiris ah oo sidii loo baahnaa aan u shaqeyn. 

Yaa Laga Rabaa Xaruntaan In Meel Waliba Gaarsiiso? 

Daryeelka caafimaadka aas aasiga waxa ay kamid tahay shaqooyinka waaweyn ee qabtaan  dowlada hoose gaar ahaan wasaarada caafimaadka ayaa laga rabaa meel waliba inay ka furan xarumo caafimaad oo lagu daryeelo caafimaad bulshada.

Caafimaadka bulshada marka kor loo qaaddo waxa ay ka qeyb qaadanaysaa  hormarka dalka.

Dad caafimaad qabo ayaa howl waliba qaban karo. 

 

Facebook Comments