Lafaha waxay qeyb kayihiin jirkeena qeybaha ugu muhiimsan oo jirka qaab mayeelan karaayo lafaha la’aantood. Barashada lafaha jirka bini-aadamka waxay qeyb weyn kaqaadataa in qofka fahmo habka lafihiisa isu saaranyihiin, oo fududeyneysa in aad ogaato laftaada hadey jug gaarto dhibaatada kaaga imaan karto iyo inta ey la’ egtahay waxyeelada, si taa lamidana waxaa dareemeysaa qudradda Allah (SWT) sida ey isugu rakibanyihiin markaad aragto.

Haddaba guud ahaan lafaha jirkeena kujira tiradoodu waa 206 lafood oo is heysta sida culimada science-ka laga soo xigto, waxaana isku haaya seedo iyo kalagoysyo.

Shaqada Qalfoofta (Function of the skeleton):

1)waxa ey qaab uyeelaan jirka Aadanaha.

2) qalfoofta Waxa ay difaac u tahay xubnaha jilcsan ee uur kujirta sida; Beerka, Wadnaha, Sanbabada iyo Maskaxda.

3) hab-dhiskani wuxuu kaqeyb qaataa dhaq-dhaqaaqa jirka.

4) jirku wuxuu lafaha kukeydsadaa macdanta sida “calcium phosphate”

5) dhuuxa lafaha waxaa laga soosaaraa dhiigga cas ee jirkeenna ku shaqeeyo.

6) Difaaca lafaha waxay jirka kadifaacaan jukta)

Qeybaha Lafaha Bini’aadamka (Parts of the bones)

  1. Lafaha madaxa = 22lafood.
  2. Lafaha saabka = 58lafood.
  3. Lafaha adimada sare =64lafood.
  4. Lafaha adimaha hoose=62

Lafaha Madaxa(the bones of the head)

Lafaha madaxa guud ahaan waa 22 lafood waxaana isku haya sigsaag (suture), lafaha madaxa waxey u kalaqeyb samaan 2 qeybood oo kala ah:-

  • Lafaha koombada(cranium bones) oo ka kooban 8 lafood.
  • Lafaha wajiga(Face bones) oo ka kooban 14 lafood.

N.B Lafaha koombada waxey xafidaan maskaxda oo ay ku daboolanyihiin.

Lafaha koombada Waxaa Kamid ah:-

  • Frontal bone: waa laf weyn oo ballaaran waana lafta sameysa fadhiga wajiga (Foolka).
  • Occipital bone: waa lafta  qadadka ama jeegada, waana laf ballaaran.
  • Partial bone: waa labo lafood oo waa weyn misana ballaaran, waxayna sameeyaan labada geesood ee madaxa.

Lafaha Wajiga ( the face bones):-

Lafaha wajiga waxay ka koobanyihiin 14 lafood oo kala ah:-

  • Maxilla bones: waxay kamid tahay lafaha aan qaabka lahayn waxeyna qaabeysaa ciridka kare.
  • Mandible bone: waa lafta kaliya ee kadhaq-dhaqaaqda lafaha wajiga waxayna ku taallaa ama sameysaa qalka hoose ee afka waxaana ku tixan ilkaha hoose.
  •  Zangmatic bones:waa labo lafood oo aan qaabeysneyn waxayna samee yaan daamanka iyo gododka isha .
  •  Nasal bones: waa lafata sameysa buundada sanka(Bridge nose).
  •  Vomer: waa carjow ballaaran sameysana sanka labadiisa dul.

 Nuucyada Lafaha:-

Nuucyada lafaha waxaa looqeybiyaa 5nooc:

1.Long bones=lafaha dhaadheer sida “lafta bowdada”.

2.Short bones= lafaha gaagaaban sida ‘ lafaha garaangurta’

3.lafaha aan qaabeysneyn=irregular bones sida ‘lafaha dhabarka.

4.Flat bones=lafaha balballaaran sida ‘laf sakaarka”.

5.Sesamoid bones: iyo lafta daboosha jilibka.

sameysanka lafta & koritaanka =Bone Formation & Growth:

  • koritaanka lafta waxay bilaabataa 6 usbuuc kadib bacriminta=Skeletal growth begins 6 weeks after fertilization.
  • laf waliba waxay kasameysneyd carjow=All skeletal elements are made of cartilage.
  • koritaanka lafta wey socotaa ilaa 25=Growth continues until roughly age 25.

 

Lasoco casharka xiga………………..Waxaa diyaarisay Ilhaan Ciise Maxamed

Fikirkaada Waa Muhiim