Shifo ku absaar
Shar kuuma lahee”

Labo nin ayaa wax kala ibsanayey, iibsaduhu wuxuu ka codsadey iibiyaha inuu ka iibiyo alaab daqiiq ama Bur ah. Iibiyuhu wuxuu bilaabey inuu Miisaanka u saaro alaabta, kaddib na wuxuu sameynayaa inuu daqiiqda badh ka nusqaamiyo Miisaan ka, kaddiba na ninkii wax ibsanayey ayaa weyddiiyey sababta uu alaabta u kala dhimayo.

“Si qaadiddeedu kuugu fududaato ayaan kaaga kala dhimey” ayuu yidhi ninkii.

Isma ba uu dhibin wax iibsadihii, ee isna lacagtii ayuu badhka saarey, kaddib na ninkii siiyey. Ninkii wax gadayey, ayaa yaabey, wuxuu na weyddiiyey sababta uu lacagta Diinaar ka ukala dhimey. “ Si ay tirinteedu kuugu fududaato” ayaan kaaga kala dhimey buu ugu jawaabey.

Sheekadani, waxey ifafaale u tahay nuxurka qoraalkeenna. Fasiraadda iyo fahamkeeda na guud adiga ayay waajib kaa saran tahay, intaanad u dhaadhicin qoraalka, bal ka yar feker!.
Aragtida caqliyeysan, mawjadaha nolosha ee soo wajaha nolosha ruuxa, waxey kamid yihiin xeerarka kuwooda ugu hodansan ee aad ku maareyn karto qallooc kasta oo nolosha kaa gala, hab ah: inaad mushkiladaha jira aad kala jajabiseyso, si xal kama dambeys ah looga gaadho.

Tusaale, cilmiga Saynisku wuxuu sheegaya, hababka uu geedku quudkiisa ku sameysto, ay yihiin – waddarta ‘biyaha’ ‘macdanta’ hawada’ iyo ‘cadceedda ‘ ay noqdaan “ quudka geedka” – xalna u yihiin [ gaajadda, iyo oonka] geeda.

Falsafadda noocana, waa mid soo martey tijaabo caqli, anshax, iyo ka gungaadhis muskhilad jirtey, ayna qabatimeen dadyow Maankoodu furnaa, xadka fikirkooduna ku tiirsanaa quruxda u fekeridda sida ugu fikirka wanaagsan. Tusaale ahaa, halabuur Johannes Gutenberg, xeelad-dagaalyahan John Boyd, iyo aabbihii gaarabidhaanka aqoonta – ibtiladu waxey tahay – majirto cid sitoos ah u tijaabisey – oo ka tijaabis badan mucjisada lagu magacaabo “ Elon Musk”.

Aragtida ah inuu samada u diro gantaalaha dayax-gacmeed ka, waxey ku dhalatey 2002 – gii, aragtidan oo mar dambe noqotey inuu yeesho shirkadda dayax-gacmeeddada hawada sarre. Sida usha lagu ciyaaro ee kubadda gacanta lagu tuurtuuro ayuu la mid ahaa markii uu ku gudo jirey ka midho dhalinta aragtida uu ku doonaya inuu samada innaga sarreyso u diro gantaal, isagoo raadceyna oo booqanaya shirkadaha sameeya aaladaha hawada loo diro.

Haddaba, Elon, inuu hawada gantaal u diro waxey ku kaceysey lacag dhan ilaa – 65 milyan oo dollar. Ma uu awooddeyn qiimaha intaas leeg, wuxuu se ka fekerayey waddo kale oo uu hawada ugu diro gantaalkaas] [= he began to rethink the problem].

“… Wuxuu yidhi: waxaan ka fekerey qaabdhismeedka gantaalka”, ayuu Musk ku sheegey wareysi laga qaadey, “..Cilmiga Fiisigis ku wuxuu ku barayaa ‘sababta, bilowga, iyo qodidda xeesha iyo dheesha xeeladda aasaska sheykasta’ – isbarbardhig se kuma barayo”. Sidaas darted, wuxuu yidhi: aynu fiirino bilowga: “Muxuu ka sameysan yahey / What is a rocket made of?”.

Almuuniyam waaweyn, oo lagu darey Titaaniyam, Koobar, iyo maaddada Kaarboonka waayareysan – ayuu ka sameysan yahay dayax-gacmeedku. Wuxuu haddana kasii fekerey, badeecadahani suuqa imisey ka marayaan?.. Waxey alaabahani ku joogaan suuqa qiimo 2% ka noqonaya 65 milyan dollar ee uu dayax-gacmeedka yahey.

Halkii uu ka ibsan lahaa rocket ku kacaya malaayiin dollar, Musk wuxuu go’aansadey inuu abuuro shirkad isaga u gaar ah, intuu soo ibsado alaabaha qaydhin ee kor-ku-xusan iyagoo qiimo jaban ah, ayaa wuxuu sameyn karaa dayax-gacmeed dhammeystiran. Kaas oo lagu magaacibi karo “ Dayax-gacmeed ka” oo lagu lammaaniyey shirkadda magaceeda [ ROCKET SPACEX ], Sidaas wuxuu Elon ku ikhtiraacey dayax-gacmeed isaga uu leeyahey, qiimihii ka galey toban laabkii ayuu faa’ido u heley.

Musk, wuxuu caqligiisu farayaa in xaalad kasta la qurbiyo ilaa qaddar ka [=Amount] sheygaasi shiigmayo, waana xeerka guusha u horseedey taajirkan. Ay u dhaadhacno, sida xeerkani shaqadaada iyo noloshaada ba ula xidhiidho.

XIDIDKA QUUDIYA FIKIRKA

Labo boqol oo sano kahor ayuu Aristotel ku qeexey xididka fikirka sidatan: “ Bilowga aasaaska uu walax ama shey waa in la ogyahey / the first basis from which a thing is known”.

U feker sida Saynisyahan / Thin like a scientist, waayo Saynisyahanadu waxba ma maleeyaan, waxna ma malaawaalaan, weyddiimahan ayay fikirkoodu ka shiidaaleymaa: Waxa ayn si kama dambeys ah u hubiyaan ayay u hubaan, waana wax la soo tijaabiyey.

Inaad u fekerto si qotodheer oo qotodheer, ilaa la gaadhayo ‘runta’, Rene Descarte, ahaa filosoofer iyo Saynisyahan reer faraansiya, ayaa soo dhaweeyey aragtidan, isagoo adeegsanayo xeerka iminka loo yaqaan “ Cartesian doubt”. Siddeedaba kashaki waxkasta sida ugu macquulsan ilaa meesha ay baxeyso waxkasta oo aad u arkeyso in aanu runta waafaqsaneyn” – ayuu Rene Descarte aragtidan ku qeexey. Nolosha ma aha inaad waxkasta si fudud u eegto, adigoo ka duulaya aragtida qurubeynta.

John Boyd, dagaalyahan duuliye ah iyo xeeladeyste dagaalyahan ahaa, ayaa ififaaleyneysa aragtida qurbeynta iyo xididka, iyo sida loo isticmaalayo.
Tusaale ahaan: waxaad heystaa saddex shay:

  • Doon ku shaqeyneysa Motoor.
    • Taangiga dagaalada
    • Iyo, baaskiilad.

Aad haddaba eegno, waxey ka sameysan yihiin:

  • Doonta Motoorku, waxey ka sameysan tahay: labo loox iyo dhisme guud
    • Taangiggu: biro laalaaban, xadiid gaashaaman iyo qori xabbada tuura
    • Baaskiiladu: labo taayir, fiilo wareegeysa, iyo kursi.

Saddexdaas haddii midkasta gaarkiisa wax looga soo qaato, wax cusub ayaa laga sameyn karaa, saw ma ogid!. Labada gacmood ee Baaskiiladda, kursiga baaskiiladda, biraha laalaaban ee Taangigga, iyo Mishiinka doonta, waddartoodu waxaad heleysa nooc cusub oo ikhtiraac ah, oo loo yaqaan “ Doonta barafka dul socota /Snowboat”. ( Qurbee halkii aad rikibi laheyd / [= Deconstruct rather Construct).

Waa aragti fudud in la qeexo laakin aad u adag in la dabaqo. Caqabbadaha cufjiidadka ku sameyaa inaad dabaqdo aragtidan shiilan, waa awoodda fekerkeenna oo u sameysan qaab “ Hannaan / form” halkii “ shaqo /function “ uu fekeri lahaa.

Si kale, inaad abuurto oo soo kordhiso wax cusub oo aad jeceshey, waxa keliya oo kaa hortaagn waa adeegsiga xeerkan oo aad dabaqi kariweydo; halkii aad soo kordhin laheyd wax qurux badan oo ay manaafacsadaan uumiyuhu, waxaa ceeb kugu ah – inaad ku celceliso wax horey oo jirey, oo aad keliya u beddesho hannan kale, halkii aad wax kale oo shaqo cusub adeega suubbin laheyd. Sheekada Shanddada lugaha leh ee la jiido [= Suitcase] ka ayaa tusaale nool u ah.

Waqtigii Roomaanka, askartu waxey shandado ka sameysan Maas [=leather] iyo boorso yar oo ay cuntada ku qaatan [= Satchels]. Isla sidoo kalena, Roomaanku waxey lahaayeen gaadhi shaagag yar leh, ilaa waqtigaas, kumannaan sano kaddib, ma jiro qof ka fekerey inuu isku xidho shanddada iyo taayirada, si uu u sameeyo “ Shandad Lugo leh /Suitcase”. 1970-kii ayaa la ikhtiraacey Suitcase-kii u horreeyey.

Sawirashada muuqaalka noloshaada dambe, inta badan bini’aadam ku waxey xoogga saaraan iney horey u dhaqaajiyaan waxa hadda jira – halkii ay ka ahaan laheyd, dhallanrogidda hawsha, iyo hakinta muuqaalkiisa, si loo helo wax aan horey loo arag.

Farqiga u dhexeeye ‘ Horumarka socda / continuous Improvement’ iyo aragtida Qurbeynta. Horumarka joogtada ahi, wuxuu sheega inaad ku sugnaato xuduuda asalkeeda, halka aragtida Qurubeyntu, kaa waanineyso inaad qabatinto xeerar hore oo jira oo sida – walxaha laalada ee lulmada ee walhada, aad taagno dhiisha.

Waxaan leeyahey dhiisha tuur, oo dabaq—fidinta fikirka Cilmiga, kana haajir –hoogga iyo caado soo jireen daamurka ku shubey dhiisha fekerkaaga. Isku dey inaad wax ka duwan sameyso, si aad u hesho wax ka duwan wixii hore. Nin baa yidhi: haddii aad sameyn jirtey, wixii aad horey u sameyn jirtey, waxaa kusoo baxaya wixii aad heli jirtey. Si kale, xagga horumarka, haddaad toban tallaabo horey u qaado, toban tallaabana dib—u-qaado, micnaheedu waa inaad kusoo noqotey halkii aad ka dhaqaaqdey.

Facebook Comments