12 XEER OO CILMIGA NAFTA AH – AKHRI!

1. Xeerka Raaxada Nafta – In aad meelaha fawdada ah iskaga cararto, qiimaheedu aad buu u sarreeyaa! Naftaada haku cabudhin meel fawdo ah, oo aanay doonayn.

2. Xeerka Maskax-badnaantaIska-dhaga marka dadka qaar, iyo in aanad qofna ka waynaysiinin muggiisu, qof kasta waxa uu kuu muujinayaa waxa uu yahay. Marmarka qaar is-dhaga mar!

3. Xeerka Kaaftoonka – Wax kasta oo aad ka kaaftoonto maad khasaarin, waxyaabaha qaar in aad faraha ka qaaddaa waa BILOW WANAAGSAN!

4. Xeerka Horumarinta NaftaNaftaada xagga sare, iyo martabad fiican u baadh-baadh. Dabaqadda hoose ee noloshu waa buuqe!

5. Xeerka Sugidda NaftaMarar badan dadka u sheeg xeerarka iyo hab-dhaqankaaga, ilaa aad noqoto qof dadku si fiican u wada garanayaan, oo aan waxyaabaha qaar loola iman!

6. Xeerka Heer-sarenimadaIn aad hab cusub nolosha ku soo kordhisid, oo dadka oo dhamina ay kugu daydaan, waa heer-sarenimo!

7. Xeerka Caraynta! In aad dadka kaa waawayn, ee kaa mansabka iyo derajada sarreeya boos ku dhex samaysato, dadkuna ay kuu aqoonsadaan qof intiisa ka wayn, waa caraynta filkaaga!

8. Xeerka Maamulidda Waqtiga – Noqo sida doonta, mawjadaha iyo dabaylaha dhexdooda maskaxda iyo aqoonta ku socota, ee aan bilaa jihada ahayn!

9. Xeerka Yoolasha/Ahdaafta – Nolol bilaa hadaf ahi waa sida jidh bilaa naf ah. Garo wax kasta oo aad samanaysid sababta aad u samanaysid!

10. Xeerka Dhug-yeelashadaHaddii aad haleeli waydo, oo garan waydo khaladaadkaaga, waligaa sida saxda ah baran maysid.

11. Xeerka Waxbarashada Adiga oo aan dhibtoon, waxba ma baranaysid. Waxbarashadu waa jihaad!

12. Xeerka Is beddelka – Haddii ay is beddeli waydo noloshaadu, oo aad hal meel uun taagnaato, si uunna u fekerto, khasaare ayaad ku sugantahay!

Fikirkaada Waa Muhiim