Kafeega waxa u kamid yahay cabitaannada ay  aadka u cabbaan dadka. Ma cabtay waligaa kafeey? Mise waxa aad ku jirtaa dadka aanaan wali cabbin?

Caafimaadka ma u fiican yahay kafeega halkaan waxa aan kugu soo gudbineynaa Faa’iidada caafimaad ee laga helo iyo saameynta caafimaad daro ee uu kugu reebo karo.

Kafeega waxa aan dhihi karnaa waa seef labbo af leh. Aan ku billowna faa’iidada caafimaadka ee uu leeyahay :

  • Waxa uu xoojiyaa xasuusta, marka aad cabto kafeega waxa yaraado daalka uu dareemaayo jirkaaga sidoo kale waxa uuna maskaxda siiyaa tamar ay ku shaqeyn karto. Kafeega waxa uu kordhiyaa soo saarida hormoonada farxadda ee loo yaqaano dopomaayn (dopamine)
  • Waxa uu gubaa duxda badan ee jirka ku keydsan.

  • Kafeega waxaa ku jiro Fitimiino iyo Macdan muhiimka u ah jirka,waxa aana kamid ah: Fitamiin B2, B3,B5 iyo Magniisiyam.

  • Waxa uu yareeyaa in uu kugu dhaco cudurka macanka ee aadka u halisata badan,kaasoo saameeyaa caafimaadka maalaayin dad ah oo ku nool daafaha caalamka, waxuuna dhacaa cudurka marka uu jirka soo saari waaye insuliin ku filan.

  • Kafeega waxa uu kor u qaaddaa caafimaadka beerka.
  • Waxa uu la dagaalma murugada.
  • Waxa uu yareeyaa in uu kugu dhaco cudurka kansarka.
  • Waxa uu jirka ka saara sunta.

Aan Isla Fiirinno Saameynta Caafimaad Daro Uu Kugu Reebi Karo Kafeega:

  • Waxa uu keenaa hurd la’aan.
  • Waxa uu saameyn caafimaad daro ku keena hab dhiska dheefshiidka.Tusaalle waxa keeni karaa shuban ama calool fadhi.
  • Waxa uu keenaa murqa qofka in uu ku imaado burbur taasi oo keena cudurka loo yaqaano rabdhomayolyasis (Rhabdomyolysis) waana xaalad aad u daran oo murqaha burburay ay galaan marinka dhiigga, taasoo horseed u noqda kilyaha in ay shaqo gab ku imaadaan iyo dhibaatooyin kale.

  • In aad la qabsato Kafeega ood la’aantii shaqeyn weydo.

  • Waxa uu keena in uu  kugu dhaco  cudurka dhiigg karka.

  • Kafeega waxa uu keenaa kaadi isdaba joog ah.
  • Kafeega waxa uu keenna wadno garaac badan.
  • Waxa uu keenaa daal marka uu jirkaaga ka baxo.

Mahadsanidiin

 

Fikirkaada Waa Muhiim