Macadnta waxa ay kamid tahay nafaqadda lagama maar-maanka ah ee jirkeenna ubbaahan yahay. Macdanta waxa ay ka qeyb qaadataa joogteynta caafimaadka shaqsiga,sidoo kale waxay door muhiin ah ka cayaartaa koritaanka,Taranka iyo Xilliga nuujinta .

Macdanta jirkeenna ubbaahan yahay waxaa kamid Ah:

  1. -Botaasiyam (Potassium).
  2. kuubar (Copper).
  3. Soodiyam koloraadh (Sodium chloride)  iyo
  4. Aayron (Iron)

Maxay Macadanta Jirkeenna U Qabataa?

  1. Macdanta waxa ay ka qeyb qaaddataa sameynta lafaha iyo ilkaha.

  2. Waxa ay laga maar-maan u tahay sameynta xinjirowga dhiigga.

  3. Macdantu waxa ay noo sameysaa dheecanada dheefshiidka.

  4. Waxa ay ka qeyb qaaddataa koritaanka uur jiifka.

  5. Waxa ay noo sameyaan dheecanada jirka sida: Dhididka, Candhuufta iyo Kaadida.

  6. Macdanta waxa ay noo sameysaa unugayada dhiigga.

  7. Waxa ay caawiyaan unugyada difaaca jirka.

Calaamadaha Lagu Garto Macdanta Marka Ay Jirka Ku Yaraato Waxaa Kamid Ah:

  • Dhiciska mararka qaar waxaa sababo macdanta jirka Hooyada ku jirto oo aad u yar.

  • Korniinshaha ilmaha oo istaagga waxa ay kamid tahay calaamadaha muujinaayo in macdanta ku yar tahay jirka.

  • Lafaha oo qafiif ku imaado taasina waxa ay sahleysaa lafaha in ay dhaqso jabaan. Tusaalle: Haddii qofka kursi ka dhaco oo kale inuu jabo.

  • Omateetka oo yaraado.

  • Dhiigg la’aan

  • Dhaawac oo dhaqso reysan waayo.

  • Murqaha qofka oo wada shaqeyn waayaan.

  • Miisaanka ruuxa oo lumo.

  • Xaaladaha qaarna qofka waa uu u dhiman karaa haddii jirkiisa  laga waayo  macadanta noocyadeeda kale duwan.

Xagee laga Helaa Macadanta?

  • Mooska.
  • Caanaha.
  • Beerka.
  • Qudaarta cagaaran sida bagalka ansalaatda.
  • Shukulaatada madow.
  • Malaayga.
  • Dhigirta.
  • Afakaadhada.
  • Baataatiga

 

 

 

 

Fikirkaada Waa Muhiim