Maqaalkan waxaan diiradda ku saari doonna sida magaalooyinka Soomaaliya ay ugu baahan yihiin qorshe bilic dhowr iyo qashin tuur wanagsan oo deegaannadaas ka caawiya bilicda iyo muuqaalka.

Waa sidee bilicda magaalooyinka Soomaaliya?

Waxaan daah saarnayn in bilicda magaalooyinka Soomaaliya ay si wayn u kharribantahay, waxay indhahaagu qabanayaan afaafka magaalooyinka waaweyn oo qashin tuuran yahay , tan ayaa saacidaysa in magaalooyinku ay waayeen bilicdii iyo quruxdii magaalonimo oo ay istaahilaan in ay yeeshaan.

Waxaa fagac iyo yaab ah in marka aad galaysid afaafka magaalo waawayn oo kasta oo Soomaaliya ku taalla aad la kulmaysid wax aad u fool xun oo runtii xitaa suurta galin kara in aad sawir fool xun ka qaadatid magaaladii aad u riyaaqsanayd, tan ayaa u baahan in wax badan laga taxaddaro oo wax badan laga qabto runtii.

Sidee xal loogu heli karaa dhowridda billicda magaalooyinka?

Abuuridda shirkado qashin tuuris(waste disposal companies) iyo qorshe dagsan oo lagu dhowrayo bilicda magaalooyinka ayaa ah xalka ugu cajiibsan oo haddii la helo aan rumaysnahay in wax badan ay iska badali karaan bilicda magaalooyinka, haddii ay suurta gasho abuurida shirkado howleedka noocan oo kale ah waxay ahaan doonta fursad dad badan u noqon karta shaqo abuur xoog leh, ganacsatada ayaan aad ugu dhiiri galinayaa in ay suurta galiyaan firkadaan ganacsi oo aad u caawin doonta suurta galinta bilic qurxoon oo ay yeeshan magaalooyinku qaybna ka ahaan doonta shaqo abuurka iyo kor u qaadida dhaqaalaha dadkeena.

In dadka lagu baraarujiyo in ay ka qayb qaataan dhowrida bilicda iyo muuqaalka magaalooyinkooda ayaa saameyn wayn yeelan karta, baraarujintan oo la mariyey warbaarinta noocyadeeda kala duwan ayaa saacidi karta dhowrida bilicda magaalooyinka, aan idinla wadaago sheekadan:

‘’Waxaan xili habeenimo ah dhex soconayey gudaha mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Soomaaliya, waxaa dariiqa i hor socday labo dumar ah oo shay aan u maleeyey jawaan wax ku jiidayey, wax yar haddii aan soconay waxay ugu baaqday mid ka mid ah gabdhuhu tii kale in ay tuurto jawaanka, hadalka ay adeegsatay ayaa aad iiga yaabiyey waxay ku tiri: “abaayo halkaan ayaa lagu tuura qashinka”. Meesha ay u tilmaamayso ayaa ah xaafado dhexdood, wallow qashin hore uu yaalay hadana sii wadida ayaa ah wax fool xun, tan waxa looga hor tagi karaa in dadka lagu baraarujiyo in ay masuuliyad iska saran dhowrida bililcda magaalooyinkooda.’’

Dowladaha hoose ayaad mooda in ay kaalintoodii gabeen, ka qaybqaashadada dowladaha hoose ee dhowrida bilicda magaalooyinka ayaa macno wayn samaynaysa, dadka ayaad mooda in badankood ay yihiin ilku garaadle taas oo khasbaysa marba haddii dowlidii hoose ka seexatay in ay iyaguna ka seexdaan.

Is xilqaan la’aanta bulshadeena ayaa aad u caawinaysa arintan, taas oo haddii ay dawladaha hoose qaban waayan shaqada khasbaysa mid sii xumaysa bilicda magaalooyinka, waaxaha fayo dhowrka iyo bilicda magaalooyinka ayaa masuuliyad wayn oo aad moodid in ay gabeen ka saaran tahay dhowrida bilicda magaalooyinka.

Guntii iyo gabogabadii waxan rumaysnahay haddii la suurta galiyo dhamaan hal qabsiga aan kor ku soo xusnay in ay suurta gal tahay in la helo magaalooyin bilicdoodu aad u sarayso oo waliba aad u qurxoon soona jiita indhaha bulsho waynta.

Wabillaahi towfiiq

Mahadsanidiin


Kordhi aqoontaada, si aad aqoontaada u kordhiso waxaad u baahan tahay meel ku anfacdo oo aad ku horumariso naftaada iyo waajibaadka kaa saaran noloshaada. Si aad u aragto dhammaan cilmiga noocyadiisa kala duwan waxaad u baahan tahay oo kali inaad riixdo sawirka hoose

 

Facebook Comments