Dariskaaga waa kuwa aad mar waliba iska ag-dhow dihiin sida ardayda aad waxbarasho wadaagga tihiin, kuwa aad shaqo wadaagga tihiin iyo kuwa  aad dariska ku tihiin xagga deegaanka meesha uu gurigaaga ku yaallo.

Haddaba qaab noocee ah ayaad ula dhaqantaa dariskaada? Ma ogtahay dariska in uu nagu leeyahay xaquuqo badan. Subanaheenna (N.N.K.H) waxa uu yiri “ Kama suulin jabriil sida uu iiga dardaarmayey dariska ilaa aan u maleeyey in uu idhaxli doono”.

Kawaran dariski sidaa looga dardaarmay, haddii aad ula dhaqanto si aan habbooneyn, kawaran haddii maalin waliba saddax jeer cunno xaafadaada laga kariyo dariskaadana dabkiisa uu dansanyahay. Oo aad ka warheyn xaaladda ay ku jiraan, ogow kama aadan soo bixin xaqii dariska kugu lahaa oo aadka u weynaa.

Mar waliba waxaa wanaagsan in aan  ula dhaqanno dariskeena si wanaagsan, dadka aan shaqo wadaagga nahay waa dariskeenna kawaran haddii  aflagaado, ama been abuur iyo wixii lamid ah aad kula dhaqanto miyeey wanaagsantahay.

Maxaad sameysaa marka ilmaha aad dhashay ay soo dilaan caruurta dariska? Ma waxaad  dhahdaa ilmaheyga  dariskeyga iguma diraayaan, oo ilmahaada ayaad celisaa oo ku tiraahdaa adinkaa gar-daran oo maagay, mise waxa marka aad arkto cunuggaada oo ooynaayo ayaad dagaal isu diyaarisaa!!! waliba iyada o waxa is dagaalay ay caruur yihiin.

Dariska waxa ay nagu leeyihiin xaq aad u badan xaqooda waxaa kamid ah;

1-Marka ay xanuunsadaan in aan booqanno.

2- Marka ay caawinaad u bbaahdaan in aan caawinno.

3- marka ay guuleystaan in aan u hamblyeeyno.

4- marka uu qof ka dhinto in aan raacno janaasada.

5- in aan cafinno marka ay qalad naga galaan.

6- buuqa iyo wax-yaalaha dhibaayo in aan ka ilaalinno marka ay hurdaan.

7-  in aan  dariskeenna ka ilaalinno  wax-yaalaha gurigiisa dhibaayo.

Xasan Al-basri  waxa uu daris la ahaan jirey nin gaal ah, ninkii gaalka ahaa ayaa maalin u yimid taabiciga weyn, ninkii ayaa dareemay “ur” markaas ayuu Xasan weydiiyay :War maxaa urayo? Xasan Al-basri wuu kameermeeray jawaabta, balse ninkii ayaa aad ugu cel-celiyay su’aashiisa si’uu jawaab uga hel.

Xasan Al-basri waxa uu ugu danbeyn ugu jawaabay “waxaan urayo waa bullaacadda musqushaada, oo maalin waliba sida aan ugaraayay ayaan kudaalay!”

Ninkii ayaa yaabay oo kuyiri:- Maxaad mar hore igu soo dacwoon weysay? Sidee ugu dulqaadatay dhibkeyga?

Xasan Al-basri waxa uu kujawaabay waxa aan diidanaa in aan ku dhibo, maxaayeelay waxa aad tahay dariskeyga!!! Oo diinteenna waxa ey qabtaa in aan dariska ladhibin. Markaas ayu ninkii soo islaamay oo kuyiri diintaan macaanka badan ayaan usoo guurayaa maantay kaddib.

 

Mahadsanidiin.

Fikirkaada Waa Muhiim