Asalaamu calaykum Warraxmatullaahi wabarakaatuhu.

Salaan dabadeed aan kula wadaago nuqulkan aan diiradda ku saari doono suurta galnimada dib u noqoshada noolaha hoygiisii ka hayaamay.

Noolaha oo dhan ayaa caan ku ah hadba in uu ka fakado halka uu ka waayo cunto, biyo, iyo badbaado. Mararka qaar ayey noolayaashu socdaalaan, waliba socdaal dheer iyaga oo raadinaya biyo, xilliga abaaraha, laakiin haddii dhulkoodii uu roobsado waxa ay noolayaashu caan ku yihiin in ay dib ugu soo laabtaan halkii ay ka hayaameen.

Waa tan aan soomaalideennii hore dhaxalka uga helnay “lama huraan waa cawska jiilaal”. Sidaas oo kale haddii ay nooluhu waayaan wax ay quutaan waxaa khasab ah in ay hayaamayaan si ay u raadshaan cunto.

Xaqiiqda ayaa ah marka dhulkoodii barakoobo in ay dib u laabanayaan. Arrin kale ayaa u wehelisa noolaha raadinta biyaha iyo baadka, waana badbaadada. Haddii nooluhu uu waayo badbaado waxaa khasab ah in uu ka hayaamayo halkii uu daganaa, uuna u hayaamayo meel uu badbaado/nabad ka helayo isaga oo aan eegayn dookh kale, sida nolosha halka uu u hayaamayo iyo la qabatin keeda.

Noolaha koonkan ku nool Ilaahay ayaa aadanaha ka fadilay, isaga waxaa intaas u dheer dhisida nolosha iyo naashnaashkeeda, oo waxa uu u baahan yahay sad bursi marka loo eego noolaha kale. Kuma koobna baahidiisu biyo,cunto iyo badbaado. Gabaad, waxbarasho, adeeg, caafimaad,koronto,internet, iyo dhammaan adeegyada aadanuhu nolosha maanta saldiga ka dhigtay halka aysan ka suurta galayn waxa uu u arkayaa in ay ku habboon tahay in laga hayaamo.

Burburkii ka hor waxa dadka soomaaliyeed ku naaloonayeen ayaamo barisamaad ah, oo wanaagooda hel, dal koraya dhinac kasta ayey dhex mushaaxayeen, hayaanku maankoodaba masoo galin, oo ma jirin wax ku khasbi karayey. Mararka qaar ayey kaaga qisoonayaan kuwii muddooyinkaas noolaa, dal hebel ayaan u waxbarasho tagay waanan soo laabtay. Oo muxuu usoo laabtay? waayo ma jirin sabab ka wayn waxbarashadaas oo hayaaminaysay.

Dawladii soomaaliyeed ayaa dhacday, jaahwareer siyaasadeed ayaa bilowday, waji kale ayey lasoo baxday noloshii dalku. Waa waji ku oranaya, haddii aad badbaado rabtid halkan ka carar. Loo qaadan waa ayaa dhacay. Ayaamihiin baraaraha ayaa gabogabo fool xun ku dhammaaday. Marka laga yimaado sadbursigii aadanaha, waxaa la waayey biyo,baad iyo badbaado.

Waa inta nooluhu la’aantood aanu noolaan Karin. Dadkii ayaa u qaybsamay kuwo dalka gudihiisa ku barakacay, oo goobo badbaado leh tagay, iyo kuwo dalka ka qaxay oo dibadda magangelyo u raadsaday.

Bulshooyinkan tiro beelka ah ee u qaxay dibadda, kuna baahsan dunida daafeheeda, ee mudada daganaa, ma sida noolayaasha kale ayey la qabatimi doonaan dhulkaas oo halkaas ayey ku abuuri doonaan qoomiyado soomaali asal u leh, mise hadba nabad gelyada isa soo taraysa ee dalka ayey isha ku hayaan oo mar ayey dib usoo ruqaansan doonaan?

Gunaanad: aan ka dhigno gunaanadkeenna socdaalkii Moorgan.

Maroodi Moorgan.

Moorgan, maroodi u dhashay Soomaaliya, colaadaha ayaa barakiciyey. Maarso 2016 ayaa dib cilmi baarayaal u xaqiijiyeen in uu ku laabtay dalkiisii. Kaliya maalin iyo bar ayuu ku qaatay gudaha Soomaaliya. soo laabashadiisa ayaa astaan u ah in uu aaminsan yahay in uu badbaadi doono haddii uu dalkiisii booqasho ku tago.

Cilmi baarayaashuna waxa ay sheegeen in tani ay calaamad u tahay in amnigu soo wanaagsanaanayo.warbaahintu waxa ay summad ka dhigtay “Maroodi ayaa Soomaaliya u gudbay oo badbaaday”. Tani waa astaan ku tusaysa in aadunuhu uu sida maroodigaas indhaha ku hayo suurtagalnimada badbaadadiisa haddii uu laabto.

Aan ku soo gabogabeeyo hadalkii Ghandi:

“Waa in aad adigu noqotid isbadalka aad ka rajaynaysid inad ka aragto aduunka.” —Mahatma Ghandi

 

Tixraac

  • “hal-qabsi iyo xikmado” Cabdiraxmaan M.warsame
  • New york times(nytimes.com)

 

Wabillaahi towfiiq

Mahadsanidiin

 

Fikirkaada Waa Muhiim