Qormadan waxaan kugula wadaagayaa qaar ka mid ah hal-qabsigii iyo xikmadihii dadkii hore, waxaan rumaysnahay in ay jiraan dad badan oo xikmad ehel la ah, waxaan xoogga u saaray xikmadaha dadkii hore wa in aan dadka xasuustan xikmadahaas kana faa’iidaystaan, maahmaah fog baana tiri (dad waa kii hore hadalna waa intuu yiri.).

  • Qofna ha canaanan si aan adiga laguu canaanan.
  • Waxaan bartay in aysan muhiim ahayn “maxaad hadda haysaa”, laakiin ay muhiim tahay “xaggee daqiiqaddaan kaddib rabtaa inaad gaartid”.
  • Geesinimadu waa qofka oo cabsidiisa xakameeya ee mahan qofka oo ay cabsidu ka guurto.
  • Masaafada u dhaxaysa riyada iyo runta waxaa la yiraahda ficil. La imow ficil si riyadaadu ay isugu rogto run.
  • Saaxiibka beenta ah wa sida harka oo kale, had iyo jeer wuu kula socda xilliga aad iftiinka ku jirtid lkn ma arkaysid xilliga aad mugdiga ku jirtid.
  • Intii hankaagu jiro ayey dadnimadaadu jirtaa.

    “Dhaqanka Soomaalida waa hab nololeedka iyo nidaamka dhaqan ee dadka Soomaalida ah; taasi ooy ka mid tahay luuqada, cuntada, suugaanta, fanka, farshaxanta, habaynta iyo soo bandhiga heesaha Soomaalida, ruwaayadaha, majaajilooyinka u dhaqanka ah dadka Soomaalida ah meelkasta ooy joogaan, gaar ahaan inta ku dhaqan Bariga Afrika. Guud ahaan, dhaqanka Soomaalidu waa haybada iyo sharafta u gaarka ah bulsho weynta Soomaalida meel kastooy caalamka kaga dhaqan yihiin. Sidoo kale, dadka ku hadla Af Soomaaliga waxay leeyihiin fan iyo suugaan aad u heersareeya, qani ku ah aqoon iyo xirfad qoto dheer. In kastoo fanka maanta jira yahay mid aad u da’ yar wuxuu leeyahay waaxyo iyo noocyo aad u badan. Kuwaasi waxaa ka mid ah heesaha qaaciga, qaraamiga, heesaha jaaska, ruwaayadaha, majaajiloyinka, filimaanta, bandhigyada fanka, qoob-ka-ciyaarka iyo guud ahaan madadaalada ku baxda luuqada Soomaaliga.” – Tuke Somalism

  • Farxadu waxay kaa dhigaysaa mid wanagsan oo la jeclaysto, isku day inaad abidka faraxsanaatid.
  • Waligaa kuma noolaanaysid nolol farxad leh hadii ad ka walwalysid waxa ay dadka kale kaa aaminsanyihiin.
  • Qurux ma ahan in aad leedahay waji nuuraya lakiin waa in aad leedahay maskax qurxoon, wadne qurxoon iyo naf naf qurxoon.
  • In aad wax dhagaysato waa faaiido, in aad wax akhrisaa waa horumar balse in aan wax qortaa waa haybad.
  • Waqtigu wuxuu go’aamiyaa qofka aad la kulmayso nolosha, qalbigaagu wuxuu go’aamiyaa qofka aad rabto nolosha laakiin dabeecadaada iyo dhaqankaagu waxay go’aamiyaan qofka kula joogaya nolosha.
  • Hadii aad doonaysid in aad gaartid horumar aan macquul ahyn oo sare u fakar si aan loo fakarin.
  • Taariikhdaada iyo hab nololeedkaaga ayaa ka turjumaya qofka aad tahay, laakiin adiga ayaa ka masuul ah qofka aad noqon doontid mustaqbalka.
  • Waqtigu waa khayraadka noloshaada, waa khayraadka kaliya ee aad haysatid, waxaad go’aan ka gaari kartaa sida aad u bixinaysid khayraadkaas hubi halka aad ku bixinaysid iyo waliba sida aad u bixinaysid khayraadkaas.
  • Tuugu waa midka ku xada, dilaagu wuxuu laaya dadka, laakiin beenlow ma lahan jaho loo raaco.
  • Dulqaadku waa geed kharaar oo soo saara miro macaan- Charles Swindoll
  • Kasbo inta aad awoodid, bixi inta aad awoodid, kaydso inta aad awoodid- John Wesley.
  • Qofka aan lahayn mala-awaal ma lahan baadad- Mohamed Ali.
  • U duul dayaxa haddii aad awoodi waydid waxaad dagaysaa xidigaha.
  • Nasiibku waa marka ay kulmaan diyaargarowga iyo fursadu-Earl Nightingale
  • Balan kasta waxa ay leedahay qiime.
  • Lacagtu waxa ay kuu gadi kartaa daawo lakiin kuuma goyso caafimaad.
  • Dad badan ayaa iska dhigaya wax aysan ahyn markaas waxay ilaawan waxay ahaayeen waxaana dhuma awoodohoodi.
  • Noloshu waxa aay aadka ugu dhowdahay wa dhimashada.” —Alan Harris
  • “markii aad dhalatay, waad ooyday aduunkuna wuu farxay(ehelka), u noolow si marka aad dhimatid aduunku kuugu ooyo adiguna aad u faraxsanaatid. ” —Cherokee Expression
  • Waqtigu wuu ku gaabiya kuwa suga,wuu ka dheereeya kuwa ka baqa, wuu ku dheeryahay kuwa murugooda, wuu ku gaabanyahay kuwa faraxsan, laakiin kuwa jecel waqtigu wa daa’im.” —Henry Van Dyke
  • Ma joojino ciyaarta marka aan waynaano laakiin waan waynaana sidas darted wan joojina ciyaarta.” –George Bernard Shaw
  • Ma badali karno dabaysha lakiin waxaan xajin karna doonta.
  • Macnaha noloshu waa in nolosha macno loo yeelo.” —Ken Hudgins
  • Qofka aan lahayn hadaf waa sida markab aan raadaar lahayn.” —Thomas Carlyle

 

Wabillaahi towfiiq

Mahadsanidiin 


Si aad u aragto dhammaan cilmiga noocyadiisa kala duwan waxaad u baahan tahay oo kali inaad riixdo sawirka hoose,

Fikirkaada Waa Muhiim