Nadaafadda waa qeyb ka mid ah iimaanka, waana tiir kamid ah tiirarka nolosha. Soomalida waxa ay tiraahdaa “Inta uu qashinka kuu jiro ayuu cudurka kuu jiraa”.

Ma ilaalisaa nadaafadda deegaankaga? Maka qaaddaa gurigaada hortiisa wasaqda iyo qajafyada yaallo?

Dadka qaar marka aad dhahdo: Qashimmada ganacsigaaga ama gurigaaga hortiisa yaallo maad ka qaadid? Waxa ay ku leeyihiin Dowladda hoose ayaa shaqo ku leh, maxaa iga gallay aniga canshuurbaa  la iga qaaddaaye!! 

Makula tahay in waddamada ugu nadaafadda badan ee Dunida in ay ka shaqeyeen Dowladda hoose iyo shaqaalaha naadafadda oo kali ah,Maya sidaas maha walaal, qof waliba oo joogo waddanka xataa haddii uusan u dhalan  waxa uu ka qeyb qaataa naadafadda, sidaas ayeeyna ugu qurux badnaaden wadamadda kale.

Gacmo wadajir bay wax ku goyaan, marka qof waliba uu ilaaliyo naadafadda deegaanka, waxaa soo baxaayo bilicda deegaanka, sidoo kale waxaana kor u qaadmaayo caafimaadka dadka ku nool deegaankaas.

Marka aad tagto goobaha dalxiiska, maxaad ku sameysaa wax-yaallaha aad isticmaashay sida weelka aad ku cabtay biyaha ee aan dib loo isticmaalin ma waxaad ku riddaa goobta qashinka loogu talagalay mise waxa aad oga tagtaa halka aad  ku cabtay!

Maxaad sameysaa marka ay waddooyinka biyo fadhiistaan, ma waxa aad ku sii dartaa ood ku shubtaa biyaha aad isticmaashay ood iska daadineyso mise waxa aad raadisaa sida aad xal ugu heli lahayd biyaha meesha fadhiistay.

Waxa aan aragnnaa dadka qaar oo qashin ku shubaayo laamiyadda waliba xilliyada roobka uu da’aayo , waxa ay leeyihiin jaanis waaye waan ka faa’iideysaneynaa biyaha socdo si qashinka noogo qaaddan!!!!

Hadda kahor  wiil ayaa waxa uu lahaa farmashi waxa uu waddada soo dhigey  qashin si uu farmashigiisa uga fogeeyo qashinka.Waxaa arkaayey Macallinkiisa jaamacada u dhigi jirey. Maxay kula tahay in uu macallinkii sameeyey? Macallinkii waxa uu nadiifiyey qashinkii isga oo waliba wiilka salaamay oo yiri hebel haye sidee tahay, waxa soo wada jeestay dadkii farmashiga ka iibsanayey daawada, halkaas ayuu wiilkii ku dareemay qaladkii uu gallay.Wiilkii waxa uu Macallinkiisa ku yiri Macallin maanta waan ceeboobey maanta ka dibna uma laabanaayo oo qashin dambe waddo kuma shubi doono.

Waxaa wanaagsan in aan illaalinno naadaafada deegaankeenna, ha u noqon sabab naadafad darada deegaankaaga ogow qof waliba haddii uu qaaddo qashinka uu  isticmaalay, deegganka waxa uu noqonayaa mid nadiif ah. Aan kawada qeyb qaaddano ilaalinta nadaafadda deegaankeenna.

Mahadsanidiin

 

Facebook Comments