Dhagaysigu waa xirfad aas-aas u ah isku xirka Bulshada.Waligaa qof makaaga sheekeeyey sheeko aad horey u maqashay ? Ma ka dhagaystay waliba adigoo iska dhigaayo in aadan horay u maqal, mise waxa aad ku dhahdaa qofka oo aan wali sheekada ku dhammeyn haa waan maqlay sheekadaas!!

Ma is weydiisay haddii aad sheekada ku kala goyso qofka sheekada kuu wado saameyn ta ay ku yeellan karto?  Qalbiyaga qofka ayaad dhaawici kartaa. Ma ogtahay qoysas badan oo bur-buray in ay u bur-bureen is dhagaysasho la’aan!!

Haddaba Su’aasha Is Weydiinta Mudan Ayaa Ah Dadka Ma Maqashaa Mise Waad Dhagaystaa?

Dhagaysiga waa in aad  si fiican oo xeel dheeri ku jirto u fahanto waxa aad maqashay, maqalkana waa in aad bixiso jawaab adiga  oo aan fahmin waxi aad maqashay. Dhagaysiga waxa uu tayeeyaa wada shaqeynta iyo wada noolaanshaha dadka.

Dadka marka ay is dhagaystaan waxaa yaraado is qab-qabsiga iyo dagaalka dhexdood ka alloosan. Soomaalidu wax ay ku Maahmaahdaa “ Hadal lama wadaagee caanno ayaa la wadaagaa”  Taasi waxa ay kuu caddayneysaa in marka uu qof hadlayo ay wanaagsantahay in qofka kalena uu dhagaysto. Marka aad noqoto dhagayste wanaagsana waxa aad dagaysaa qalbiyada dadka.

Dhagaysataha ugu wanaagsan waa daqtarka, dadka qaar ayagoo aanan xanuunsaneyn waxay dhaqtarka u aadaan in uu ka dhagaysto cabashooyinka ay qabbaan oo kali ah!!

Allah waxa uu noo sameyey 2 dhagood iyo hal carrab sirta ka danbeysa waa in aan wax badan dhagaysannaa wax yarna  aan hadalno. Ogow dadka marka aad dhagaysto waad qiimeysey.

Haddaba Sidee Ayaad U Noqon Kartaa Dhagayste Wanaagsan? 

  • Marka uu qof kuu sheekeeynayo in aad madaxa u ruxda taasi waxa ay mujineysaa in aad tahay dhagayste wanaagsan.
  • Marka uu qof kuu sheekeeynayo in aad si fiican u dhagaysto xataa haddii aad horre u maqashay in aad iska dhigto in ay tahay marka kugu horeysey ood maqasho sheekada.  
  • In aad fiiriso wajiga qofka sheekada ku wado.
  • In aad u muujiso had-ba xaalada uu qofka kaga sheekeynaayo.Tusaalle hadii ay tahay waxa uu kaga shekeynayaa murugo in aad muujiso murugo.
  • In aad dhoola cadayso marka aad dhagaysaneyno sheekada oo laguu wado.
  • In aad su’aalo ka weydiso sheekadii lagaaga sheekeeyey.
  • Marka uu qof kuu shakeeynaayo ka fogow in aad ku mashquusho telefankaaga gacanta.

 

Mahadsanidiin 


Si aad u aragto dhammaan cilmiga noocyadiisa kala duwan waxaad u baahan tahay oo kali inaad riixdo sawirka hoose

Facebook Comments