Kan waa wejiga haweeney nooleyd 6,000 oo sano ka hor, oo degganayd Scandinavia oo hadda ah Waqooyiga Yurub.

Waxaa arrintaas ku mahadsan wixii ay qaniintay ee ay ka tagtay gabadhaas oo ah “xanjadii ay ruugtay” oo ah nooc xilliyadii hore la cuni jiray, taas oo culimada Seyniska u fududeysay in ay soo helaan dhiiggeeda hide-sidaha, oo ay u adeegsadeen sameynta qaab-dhismeedka jirkeeda.

Waa markii ugu horeysay oo la sawiro sida uu u ekaan karay qof aadane ah oo kumannaan sano ka hor noolaa, iyadoo aan la adeegsan lafaha iyo waxyaabo kale, ayey sheegeen cilmi-baarayaasha. Waxay u badan tahay in midabkeedu uu maariin ahaa, timaheedana ay bunni ahaayeen, indheheedana ay buluug ahaayeen.

Dr Hannes Schroeder oo ka tirsan Jaamacadda Copenhagen wuxuu sheegay in “xanjada” – oo ay u badan tahay in ay tahay xabag ama daamur geed – ay ahayd wax qiimo u leh dadkii hore oo lagana heli karo DNA-gooda, gaar xilliyada aan la heli karin wixii ka haray aanadinii noolaa taariikh hore.

“Waa arrin fiican in la helo hide-side dhameystiran oo bini-aadam ah oo wax kale laga helay oo aan ahayn lafo”, ayuu yiri.

Maxaan ka garaneynaa gabadhan?

Dhammaan qaabka jirka haweeneydan ayaa dib loo sawiray, waxaana laga shaqeeyay sidii ay u ekeyd.

Waxay aad ugu badan tahay in ay ahayd ugaarato ku nooleyd Qaaradda yurub, wayna ka yara duwan tahay dadkii ku noolaa bartamaha Scandinavia xilligaas, si la mid ah dadkaas, waxay lahayd midab maariin ah, timo bunni ah iyo indho buluug ah.

Waxaa suuragal ah in ay ka tirsanayd bulshadii ka guurtay Galbeedka Yurub ka dib markii barafka uu ka baaba’ay Waqooyiga qaaraddaas.

Sidey ahayd noolosheeda?

Waxyaabo kale oo la baaray oo DNA-ga ah waxaa lagu ogaday in ay ku nooleyd Syltholm ee ka tirsan Lolland – Jasiirad ku dhextaalla badda Baltic ee Denmark. Hide-sidaha waxaa laga ogaaday in ay cuni jireen boolanboolada hilibkeeda.

“Waa xilligii ugu fogaa ee lagu noola nawaaxiga Denmark, natiijada baaritaanka taariikh-yahannadana waxaa lagu ogaday in dadkii ku noolaa halkaa ay si weyn ugu tiirsanaayeen duurjoogta, xilligii la ahaa ugaratada, iyo xilligii ugu horeysay ee la billaabay beeraha iyo in xaywaannada lagu xanaaneysto guryaha ee Koonfurta Scandinavia,” ayuu yiri said Theis Jensen oo ka tirsan Jaamacadda Copenhagen.

Cilmi-baarayaasha waxay sidoo kale DNA ka heleen waxyaabo ku duubnaa “xanjada”. Waxay heleen cuduro sababa qandho iyo oof wareen, iyo sidoo kale caabuqyo iyo bakteeriya badan oo sida caadiga ah laga helo afka qofka aadanaha ah, balse aan sababin xanuun.

Walax jirta 5,700 oo sano oo laga helay xeebta Syltholm, Koonfurta Denmark

Maxaan arrintan ka baraneynaa?

Cilmi-baarayaasha waxay sheegayaan in macluumadkan laga fahmayo sidii ay dadkii hore u noolayeen, ogaanshaha sida awowyadeen ahaayeen iyo caafimaadka.

Dhiigga Hide-sidaha laga helay xanjada waxaa sidoo kale laga fahmayaan sida caabuqyada aadanaha ay isu soo bedelayaan mudaddaas.

“Si loo helo noocyada cuduradii hore iyo qaabkii jirka aadanaha uu ahaa, sida midkan, waa arrin cajiib ah sababtoo ah waxan bran karnaa siday isu soo bedeleen iyo sida ay uga bedelan yihiin dadka hadda,” ayuu BBC u sheegay Dr Schroeder.

“Taas waxaan ka fahmeynaa sida ay u fideen iyo sida ay isu bedeleen”.

Cilmi-baarista waxaa lagu daabacay Wargeyska Nature Communications.

 

Xigasho: BBC Somali

Facebook Comments