Farxaddu waxa ay kamid tahay dareemada dabiiciga ah ee uu Alle nagu abuuray. Qof walibana waxa uu baadi goob u jiraa sida uu ku heli lahaa farxad waarto. Su’aasha is weydiinta mudan  ayaa ah maxaa farxadda maxaa kordhiyo xaggeesa laga helaa?

Dadka duniddan joogo farxadda qofba dhinac buu ka raadiyaa qaarba u qabo farxadda in laga helo hanti, haddana waxa aan maqalnaa hantiiyaal  ka murugo badan dadka caadiga ah qaar ayaa is dilo murugo awgeed.

Haddabe maxaaa kordhiyo farxada?

Farxadda waxaa koriyo ku xirnaanshaha xariga Alle.

Caawinaad dadka aad caawiso waxa ay kordhisaa farxaddaada.

Cafinta qaladaadka laaga galay waxa ay kordhisa farxadda.

Hadaf in aad sameysato waxa ay kordhisaa farxadda qofka hadafka leh waxa uu yaqaanaa halka uu u socdo iyo waxa u qabsoomay.

Ka faaideysiga iyo Illaalinta waqtiga waxa ay kordhisaa farxadda tusaalle; Marka aad maalintaada qorsheysato in aad qabato: Aqris Qur’aan , Duceysi , Caawinaada waalidka iyo Aqoon kororsi haddana ay dhammaan ku qabsoomaan maalinkaas qorshaa haada oo idil waxa dareemi doonta farxadd iyo reyn reen.

Ka fogow dambiyada dambiga waxa uu madoobeyaa qalbiga waxa uuna keenaa murugo.

Ixtraamka dadka kale waxa ay kordhisaa farxadda.

Naxariista aad u fidiso dadka waxa ay kordhisaa farxadda.

Ka fogow is barbar dhiga dadka waxa ay hoos u dhigtaa farxadda.

Sameyso saaxibo wanaagsan, saaxibada wanaagsn waxa ay qeyb qaataan in ay farxdaadda siyaado.

Noqo qof ku imaan qabo waxa uu heysto waxa uu rabana u dadaala taas waxa ay kaa dhigeysaa in aad ahaato qof mar waliba faraxsan.

Fikirkaada Waa Muhiim