Naxariista waa dareen ka imaado qalbiga kuna riixo shaqsiga in uu caawiya dadka kale. Diinteenna waa diin naxariis. Subanaheenna waxa uu yiri (N.N.K.H) “U naxariista dadka joogo dhulka waxaa idin naxariisanaayo Allaha samada joogo”.

Sidoo kale Subanaheenna(N.N.K.H) waxa uu yiri “ Dadka muslimiinta waa sida hal qof jirkiisa oo kale oo haddii xubin ka mid ah laga qabto dhamman xubnaha kale waa ay la dareemaan”.

Ma u naxariistaa dadka? Ma darentaa dhibkooda?, Mala qeyb sataa daruufaha adagg? 

Tusaalle naxariista waa in aad culeys qof u waday in aad ka qaaddo, qarasha uu u baahnaa in aad siiso ama aad amaahiso. Hadalka waxa uu kamid yahay naxariis  sida in aad arday  qarashka waxbarsho awoodin in a ad kala hadasho maamulka oo uu  sida uu ku dhammeysto waxbarshadiisa.

Naxarista waxaa kamid ah in aad booqato qofka marka uu xanuunsado. In aad u faa’ideyso cilmi u baahnaa ood adiga garaneyso. Musibooyinka marka ay dhacaan oo kale in aad hiil iyo hooba la garab istaagto walaalahaaaga dhiban.

Waxa aan aad ugu amaaneynaa Bulshadeenna Soomaaliyeed in ay yihiin kuwa is ku naxariisto mar waliba gaar ahaan xilliyada musiiboyinka.Sida fatahaadaha.

Marka aad aragto dadka sida ay iskugu naxariisanaayaan waxa aad oggaaneysa sida ay iskugu xiran yihiin iyo sida ay isku jecel yihiin. Naxariista aad muujiso dadka waa ay ku soo noqoneysaa oo Alle ayaa ku naxariisanaayo, dadka waa ay ku jeclaanayaan, waxa aana ku kordhaayo farxadaadda.

Dadka isbitaaladda ka shaqeeya waa kuwa ugu naxariista badan dadka waxa ay la murugoodaan dhibta bukaanka, waxa ay jecel yihiin in la dhaho bukaankadi wuu fiicanaaday, marka uu dhintana waaba looga tacsiyeyaa waxa aanba dhihi karnaa waa qoys labbaad ee bukaanka.

 Ad-adeegga iyo qalafsanaanta waxa ay ka imaadaan xagg sheydan, halka damqashadda iyo naxariista ay ka imaado xagg Rabi.Aan isku naxariisanno si uu Alle noogu naxariisto.

Facebook Comments