Aanadii Negeeye – Qeybtii 27aad

Sidii Raage loo afduubay Deeqa waxay u ahayd oohin iyo welwel. La ma ka la ogayn in uu dhintay iyo in uu nool yahay, waxaa se la hubay in uu cadaw arxandaran gacanta u galay. Waxay eersatay Diiriye iyo ruwaayaddii jaan ee uu ku qalqaaliyay. Waxay eersatay waraaqihii sheyddaan ee Rooble ee guriga laga helay. Waxay eersatay wax kasta oo sabab u noqon karey in Raage la qabto. Taa waxaa ugu darsamay xanuun dumar oo beryahaa dhinaca u dhigay oontiina ka jaray.

Iyada, Leyla, ehelkii iyo asxaabtii kaleba wax walba waa ay sameeyeen cid kastana la kaashadeen sidii ay u ogaan lahaayeen meesha uu Raage ku dambeeyay, iyo geeri iyo nolol waxa uu ku sugan yahay. Ugu dambayn nin ay aabbeheed Warsame isyaqaannneen oo sarkaal nabadsugidda ah ayaa soo sheegay Raage in uu ku jiro Godka Jilicow. Ma ahayn war la hubo, laakiin Deeqa wuxuu u ahaa naruuro.

Shaqadii qaranka waa ay dhammaysay, laakiin sidii ay ku talo jirtay jaamacada ma ay dalban. Leyla ayaa guriga ku la nool oo wehel u noqotay. Leyli shaqo saxaafadeed macno leh markii ay wayday shaqadii hore ee Caymiska Qaranka ayay dib u qalqaashatay kuna noqotay. Gelinka dambena dugsigii gaarka ahaa ee uu Raage furay ayay ingiriisida ka dhigtaa.

Deeqa iyo Leyli markiiba waxay warqad ku cayntaariyeen Raage reerkoodii miyiga, laba toddobaad ka dibna Xirsi-Micilibaax ayaa Xamar yimid. Qof kasta oo maamulka ka tirsan oo ay meel uun iska qaraabaysan karaan ayuu cid u kaxaystay oo albaabka xafiiska ama guriga ku garaacay, laakiin waxba u ma suuroobin. Qof waliba marka uu ogaado Raage in uu siyaasad u xidhan yahay ayuu miiska hoosta ka galaa, inta godka laga soo saarayo in la sugo ayaana lagu wada marmarsoodaa.

Micilibaax dani waxay badday kii ay walaashii dhashay ee Negeeye ahaa, kaas oo uu khayr darradiisa miyiga ku maqlay. La ma oga awooddiisu inta ay gaadhsiisan tahay, waxaa se la hubaa isaga iyo asxaabtiisa uu Diiriye ka midka yahay in ay aad u galgal badan yihiin, waxyaalaha noocan ahna ka shaqaystaan. Dadka la xidho ama la qafaalo, dadka dhulka iyo hantida kale laga boobo, iyo xaaladaha la midka ah ayay lacag ku qaataan oo dad xafiisyada sare u fadhiya ku la galgashaan.

Markii uu Micilibaax arrintaa u la tegay Negeeye wuxuu muujiyay waxtarnimo iyo niyadwanaag, wuxuuna u ballan qaaday hawshaa in ka soo dhalaali doono. Isaga iyo Raage isqaddarin badani ka ma dhexayn, ha ahaatee waa uu jeclaa in uu soo dayntiisa sabab u noqdo. Wuxuu doonayay isaga, Rooble iyo reerka oo dhan in uu iska dhiso oo sameeyo wax uu ugu abaal sheegto. Sidaas darteed bilawgii wax wuu isku dayay, markii se ay waxba u socon waayeen wuxuu door biday in uu odayga soo celceliyo oo rajo aan jirin geliyo, waayo ma uu doonayn in loo arko nin aan awood lahayn.

Haddii uu xabsigu yahay meel loogu talo galay dilaaga, tuugga, khaa’in waddanka iyo guud ahaan dhuqurjaaga iyo cadowga bulshada, maanta waxaa yuurura dadka qofba kii uu ka dadnimo iyo garasho wanaagsanaa. Si kuwa damiirkoodu nool yahay meel loogu banneeyo ayaa kuwa uu damiirkoodu dhintay la sii daayaa. Sidaas ayuu xabsigu, oo awal ahaa ceeb la qarsado, u noqday milge lagu faano. Ha xanuun badnaado, laakiin maanta dad badan oo damiirkoodu siin waayay in ay bulshada burburtay la burburaan ayuu u yahay dhufays ay ku gabbadaan. Raage xabsiga wuxuu ku la kulmay dad badan oo aqoon leh, kuwaas oo uu intii uu halkaa ku jiray wax badan ka kororsaday. Taasi waxay u fududaysay culayskii ay noloshaasi lahayd.

Markii halkaa loo beddelay ayaa si dhab ah loo ogaaday in uu nool yahay. Toddobaadkii xigay ayaa loo oggolaaday in xabsiga lagu soo booqdo. Waxaa u yimid Deeqa, Leyla, aabbihii Micilibaax iyo soddoggii Warsame oo wada socda. Dhawrkii cisho ee uu Xabsiga Dhexe ku jiray wax badan baa iska beddelay. Waa uu qubaystay, dharkii maxaabbiista oo nadiif ah ayaa la siiyay, gadhkii iyo timihii wuu iska gaabiyay, cunto ay maxaabbiista kale ehelkoodu u keeneen ayuu wax ka cunay, dabadeed dad ayuu u ekaaday. Sidaas oo ay tahay haddana sida uu noqday dadkii u yimid waa ay ka naxeen. Wuxuu ahaa lafo qayaxan. Maxay se yeeli lahaayeen haddii ay arki lahaayeen nabarrada sida  addanaha ugu suntan? Wuxuu doonayay qoysku welwelkii ay qabeen in uu ka dhimo, sidaas darteed dhibkii uu soo maray haba yaraatee la ma uu soo hadal qaadin. Wuxuu u sheegay uun in meel cidlo ah lagu hayay.

Dadka booqashada ugu yimid waxay u ahaayeen daaqad uu mar kale dunida ka arkay. Muddadii uu godka ku dabranaa waxay u la mid ahayd sannado badan, waxaana si aan la malayn karin isagaga darsamay xaqiiqada iyo riyada. Waxyaalo badan ayuu ka la garan waayay in uu ku fekeray iyo in uu soo maray, in uu ku riyooday iyo in ay dhab ahaayeen. Laakiin imika waa tan Deeqi iyada oo sidii u qurux badan. Micilibaax oo da’du wax ay eryataba soo gaadhay waa kan dhab ahaan hortiisa fadhiya. Dubka kogay ee aad mooddo in uu dheecaankii ka dhammaaday, madaxa booska ah ee aan tin madow laga soo qabanayn, seedaha gacmaha iyo mergiyada ee la moodo taarar soohan oo ay shaqo badani riftay, wejiga ay muruqyadu ka dhammaadeen ee lafuhu wada muuqdaan, iyo indhaha sidii biyo sii gudhaya godka ku shiiqay, sinaba uguma ega kii inta uu awr sagaal jir ah qoorta isugu laabo dhulka ku legdi jiray. Ma aha doobkii dhiirranaa ee aar laayaan ah oo jeex fadhiya shafka u garaacan jiray.

Waa siddeetan jir ku dhowaad socodkii uu ku dhashay weli ku jira, intaasna ay dhirbaaxada dhaxanta iyo milicdu ku laba dhacayeen, daalka iyo harraadkuna noloshiisa qayb joogto ah ka ahaayeen. Micilibaax dawlad, siyaasad iyo kelitalis midna ma aqoonsana, iyaguba isaga ma aqoonsana. Xabsiga inankiisa u ma arko wax aan ahayn colaad tolkii iyo qabiil kale dhex taal. Wuxuu aad uga xun yahay dagaalka oo ka duwan kii uu yaqaannay ee la isdili jiray. Welwel badan ayuu ka qabaa ninkan sida neef xoolo ah xerada lagu ootay.

“Hadhow baan maqli adiga oo khuraafaad ku sheekaynaya oo leh qabiilka waa laga maarmi karaa, dawlad baynu nahay, iyo wax la mid ah. Ma tolkaa oo xukunka haysta ayay maanta niman qayrkaa ahi sidan kuu silcin lahaayeen?” ayuu wiilkiisa ku yidhi. 

Dhiidhi gelinta uu marar badan oo hore dhego nugul uga waayay ayuu malaha doonayay in uu xaaladdan qallafsan uga faa’iidaysto, si u taabsiiyo waxa uu u arko runta ma dhaafaanka ah ee ah in aanu jirin soomaali tolkii ka maarmi karaa. Waxa inankiisa halkaa dhigay wuxuu u arkaa nabsi uu tolkii ka galay, ee uu aamminay riyo iyo khuraafaad soomaalinimo la isku dagay oo magaceeda la isku dooxay. Raage marka uu aabbihii u fiirsado, hadalkiisana sii dhuuxo, wuxuu si fiican uga dhex arkaa dabeecadda dhabta ah ee ninka soomaaliyeed. Wuxuu ku baraarugaa xaqiiqada ay dhegaha ninka soomaaliyeed maqli karaan dhaayihiisuna arki karaan, ama sidiisaba maskaxdiisu ka fekeri karto, taas oo ah waxa uu tolkii la damcay ama reer hebel ka damcay.

Micilibaax wuxuu xaq u lee yahay in uu madaxweyne, wasiir iyo janaraal intaba noqdo. Yaa kaga xaq leh oo fekerka geeljirka wax aan ahayn haya? Isagu layaab ma leh, madax iyo kuwo badan oo aqoon sheeganaya ayaa qabyaaladda hormuud u ah. Qaar badan ayaa taliska faashilka ah u taageeraya oo keliya in uu madaxweynuhu qabiilkooda yahay, kuwo kalena waxay u la dagaallamayaan oo keliya in aanu qabiilkooda ahayn. La isma waafajin karo qarannimo iyo qabiil in lagu wada noolaado. Sinaba. Labada xaalo mid uun in la doorto ayay ahayd, ta la jecel yahay.

Raage wuxuu aabbihii ku la taliyay in uu miyigii iskaga noqdo, hawsha wax ka qabashada xabsigana dadka magaalada u daayo, isagana marba waxii soo kordha lala soo socodsiin doono. Leyli waxay Raage u sheegtay iyada iyo Negeeye in ay ka la dhammaadeen, dhibaatadii uu u geystayna beryahan ka ladan tahay, aanay doonayn marnaba in ay dib uga fekerto kana hadasho. Waxay ugu bishaaraysay dugsigii gaarka ahaa ee uu furay in ay iyada iyo macallimad kale sii wadaan, gelinka horena ay Caymiska Qaranka ka shaqaysato. Waxay kale oo u sheegtay in ay gurigii Hodan ka soo guurtay, buugtiina ka soo wada rartay, imikana Deeqa la nooshahay.

Waqtiga booqashadu aad ayuu u gaabnaa, markii in la ka la tago la isu diyaariyayna Raage waxaa la siiyay alaabo yaryar oo ay ka mid ahaayeen saabuuno, cadayo, dhar hoose iyo cunto. Leyla oo aragtay sida ay Raage iyo Deeqi indho isu jeellan isugu eegayaan, sida muuqatana niyadda ka wada habaaraya sheyddaanka jacaylkooda ka la afduubay, ayaa inta ay ina adeerkeed afka u dhoweysay hoos ugu sheegtay: “Ku bishaarayso haddii ay ku dili lahaayeen adiga oo goblan ah ma aad dhimateene.”

Mar kale ayuu Deeqa daawaday, wuxuuna arkay uur yar oo diraca hoos ka soo riixaya. Wuxuu jeclaystay in uu salaaxo ama dhunkado, laakiin odayaasha ayuu ka xishooday. Waa la isa sagootiyay. Negeeye Togdheer ku ma uu noqon. Lacag badan wuu haystaa xaaladdii nabadgelyo ee xaggaasina waa ay ka soo dartay. Jabhaddii dhuumaalaysiga ku dagaallami jirtay imika waa ay gaamurtay oo dharaar cad ayay xeryaha ciidammada weeraraysaa. Mar haddii uu laba guri ka iibsaday, lacag badan ka soo xaabsaday, saddex xiddigoodna ka soo toshay wax kasta oo uu samayn karo waa in uu sameeyaa, cid kasta oo uu ku la galgalan karana ku la galgashaa si aan meeshaa jaan dib loogu celin.

Gacantii uu ka jabay iyo galgal kale oo uu Xafiiska Wasiirka Gaashaadhigga ku sameeyay waxay u suurto geliyeen in uu Xamar u soo beddesho. Markaas ayuu kibray, araaji isdaba joog ah ayuu madaxweynaha u qortaa uu doonayo in wasiir, wasiir xigeen, amaba wax la mid ah laga dhigo. Cidina codsigiisa rakhiiska ah uguma soo jawaabto, waa se rajo ku nool sida dad kale oo badan.

Leyli ashkatadii ay xafiisyada garsoorka ku la wareegaysay waxba kagama ay qaadin, markii ay ku daashay ayayna iska samirtay. Furriinka qudhiisa iyada oo albaab keli ahi u furmi waayay ayuu isagu ugu deeqay oo weliba hadalxumo u raaciyay isaga oo ku yidhi: “Wax macno ah ii ma lihid, waxaan se doonayay adiga iyo doqonkii ku daba socdayba in aan awooddiinna idin tuso.”

Markii Xamar loo soo beddelay shaqo kale ma qabto oo aan ahayn in uu iska xaadiriyo Rugta Saraakiisha, wuxuuna waqti u helay tumasho. Gurigii Hodan ku yaallay markii ay Leyli ka qaxday Amran iyo carruurtii ayaa u soo guuray, halkaa ayayna waxeeda ku walwalaaqataa.

Isaguna filladii Wadajir ayuu la wareegay oo xertiisa ku la xadreeyaa. Fillada cad ee Negeeye macaamiishu rag iyo dumarba aad ayay u jecel yihiin. Waxay ku dhex taal xaafadda Booliqaran oo ah meel deggan kana durugsan indhaha foqorada ee xaasidka ah. Waxay u la baxeen Fillo Adduun. Fureheeda dhawr nin oo isku kalsoon baa haysta. Waa lagu wada danaystaa laguna ka la danaystaa. Kharashka tumashada la isku ma riixriixo ee hadba ninka ay gacantiisu jeebka u horrayso ayaa bixiya. Khamri, qaad, heeso, cunto iyo galmo ayaa lagaga haqab la yahay. Dumarka meesha lagu quutaa waxay u badan yihiin gabdho aad u yaryar oo dhaylo loo la baxay oo faqrigu ka hiiliyay. Waxay sheegtaan rag Ilaahay wax siiyay, balaayo ayaa se wax siisay.

Fillo Adduun waxaa ku meegaaran derbi saddex mitir dhulka ka kacsan, waxayna lee dahay beer qurux badan oo dhir, doog iyo ubax ah. Ganjeelo cas oo bir ah ayaa laga soo galaa, dabadeed wadiiqo jay ah la raacaa ilaa albaabka looxa ah ee guriga la gaadho. Wuxuu ka kooban yahay kijo weyn, laba musqulood oo qubays leh, fadhi weyn, qol cunto iyo shan qol oo kale. Qol uu Negeeye seexdo iyo mid kale ay sariir weyni taal mooyee inta kale waxaa goglan furshaan iyo barkimooyin debecsan, halkaas ayaana hurdo iyo soojeedba lagu danaystaa. Dhawr nin oo isyaqaan ayaa joogto ku ah, laakiin dumarka maalin maalin ayaa loo beddelaa. Ta keliya ee ku raagtay waa Raxmo-Yarey oo adeegto ku magacaaban si walba se looga muraadsaday.

Filladaas ayaa waxii bad ka soo dega iyo waxii barri ka soo baxaba la isugu keenaa laguna burburiyaa. Qofkii raba in uu waasho qaboojiyaha iyo miisaskaba khamri baa uga buuxa, qofkii raba in uu marqaamo marduufyo dhaylo ah baa mafrishka daadsan, qofkii gaajo yar dareemana kijada ayaa heegan loogu yahay. Maxaa loo lee yahay dalku waa sabool? Waa dad baas oo dhanka xun uun wax ka arka. Inta bakhtiyaysaba la arag ee inta dheregtay maa la arko? Soomaaliya ha noolaato hana isku noolaato!

Qofka qaad lagu qabtaa waa xabbis, gaadiidka laga helo iyo guriga lagu gadaana waa xaraash. Laakiin diyaaradda ayaa keenta dawladduna waa ay og tahay. Maafiyo ayaa lagu naasnuujiyaa Madaxtooyada ku xidhan. Dalku cashuur ka ma helo dadkana waa ku qaali. Laakiin Fillo Adduun waxba ka ma qaaliyoobaan waxbana mamnuuc ka ma noqdaan. Waxii qaaliyooba qiimo kasta waa lagu gataa, waxii sharcigu diidana shaati garbo cas baa loo xidhaa. Balwad baa shidan beesana waa loo hayaa. Waxaa la fuushan yahay mawjad lacag ah oo si xun lagu helo si xunna ku baxda.

Filladaas ayaa maanta oo jimce ah sidii caadiga ahayd firaashan. Goortu waa fiid galabnimo ayaa se la fadhiistay. Xaafadi waxay xaafad ugu wareegtaa waa xasarade dhawrka qol midba xayn baa fadhida xaalkeedu u gooni yahay. Laba laba ayaa la isugu lammaan yahay. Qolka saddexaad ee bidix ka soo jeeda Negeeye iyo Diiriye ayaa laba gabdhood oo ay dhali karaan dhabta ku haysta.

Waa qol waasac ah, waxaana dhulka si qurux badan u yaal furshaan iyo barkimooyin. Dhexda waxaa qotoma miis yar ballaadhan laakiin dhulka u dhow. Quraarado khamri ka buuxo, miirow badan oo ay caleen muus ku duuban tahay maro cad oo nadiif ahina ku sii duuban tahay, iyo baakado sigaar ah ayaa miiska dul saaran. Waxaa dhinac yaal rikoodh weyn oo Panasonic ah, kaas oo ay luuqdii jacayl calaacalka ahayd ee Cumar Dhuule ka soo burqanayso.

Qaad kale ayaa gogosha lagu fadhiyo ku furan oo ay ilaa galabta afarta qof si habsami leh u laan qaadayeen. Cabbitaanka quraaradaha ku dhaansan lagu degdegi maayo waayo duulka meesha lagu hayaa waa hablo yar yar oo habid u baahan.

Gelinkii hore, intii xanafta la isu qabay, sheekada waa la wadaagayay, laakiin goorahan waa la ka la soocmay. Laba waliba waxa ay isku qabaan waa u gooni oo qolka labadiisa gees ayaa barkimooyin buurbuuran lagu ka la lumay. Diiriye iyo yartiisii sida muuqata meel fiican ayay u maraysaa oo qosol ayay firixdu ka dhammaatay. Laakiin Negeeye tiisa fari ka ma qodna, waxaa ku soo hagaagtay mid geeso leh.

Isaga macawis keliya ayaa korkiisa ku hadhay, laakiin iyada weli hugeedu wuu u dhan yahay. Qubays mooyee weligeed si kale dhar iskagama ay wada bixin, wuxuuba u la mid yahay dubkeeda. Maanta ayaa la barayaa dubkeeda iyo dharkeedu in ay ka la laba yihiin. Sidii loo qaawin lahaa ayaa falkeed la hayaa. Faraha afartan jirka ah ee marba meel ka xadantaynayaa waxay marsan yihiin fal iyo maddiido aanay iska caabbiyi karin. Labaduba waa nooca loo la baxay dhaylo, ta Diiriye la fadhida ayaa se in kasta oo ay gu keliya weyn tahay gaangistarsan. Durba waa taas miirowgii iyo maaxdii isku muudsatay ee jirjircadka u taal. Tan kale bilawgii aad ayay u didsanayd, welina waa ay fiigsan tahay, laakiin xaalkeedu waa “Qofkii qayrkii loo xiirayoow adiguna soo qoyso”.

“Naa taadan yari, jaad uun baad afka ku haysaaye, ma waxaad tahay ri’dii Burco? Bal hoo bakeerigan farxadda la dhididaya dhabannada qabso”, waxaa ku yidhi Negeeye. “Adeer iga dhaaf.” “Adeer? Ma aniga ayaad adeer igu lee dahay?” “Maxaan ku dhahaa hee?” “Gacaliye i dheh.” “Haye, gacaliye waxaan weligay ma cabbin ee iga dhaaf.” “Wax walba mar uun baa la bilaabaaye hoo. Saaxiibtaa waxa qosol ka dhacaya sow maqli maysid?” “Qosol beele iga tag! Qoftaan waalatay ee maryihii xoortay maa qosol wax ka og?” “Maryaha farxad bay la tuurtaye, nolol aadan waxba ka ogayn waalli ha ku sheegine, bal horta dhadhami.” “Iga tag, Ilaahow aanan dhadhamine!” “Ha iska habaarine bal horta tijaabi. Imisa jir baad tahay?” “Toban iyo shan.” “Ma toban iyo shan ku dhan? Nin la’aan baad la dhali wayday markaasaad sharoobo ka baqaysaa.” 

“Sharoobo? Suntan maa sharoobo eh?” “Yareey, dawada sun ha ku sheegin!” “Alla beentaa iiga daran aan habartay dhahay saaxiibtay aan la soo seexanaa.” “Haddaba sow saaxiibtaa la ma joogtid?” “Haddii la joogo intee la joogaa? Saaxiibna ma aha ee waxan dhan ayadaa ii keentay. Wiilal fiican aan soo booqanaynnaa ku leheed! Saan maa fiicnaan eh?” “Wiilasha naga fiicani xaggee bay joogaan? Maxay haystaan?” “Waxaan dhan filin aa ka roon. Wallaahi beeso shineemo ku galo haddii heesan lahaa cawada inta ma idinla joogi leheen.” “Shineemada waxaa gala dadka aan guryaha waxba ku haysan.

Maxaad u baahan tahay hadda aan kuu keenaa?” “Wax kasta oon rabo ma ii keenee?” “Haa, wax kasta oo suurtogal ah.” “Aniga iyo saaxiibtay laba buug ma noo gadee?” “Laba buug oo maxay ah?” “Sheeko cusub oo la dhaho ‘Jeceelkii jin aa galay’?” “Wax yar baad sheegatay. Aniga ayaa jacaylkaa jinku galay idiin iibinaya. Waa ballan. Laakiin dhar badnidaa ma salaad baad ku jirtaa? Kulaylkiisa aan kaa bixiyo ee keen.” “Alla maya adeer, waan ku tuugaa ii dhaaf.” “Sow ku ma aan odhan gacaliyahaaga adeer ha ku sheegin? Ma waxaad  onaysaa in aan ku furo?” “In aan ku furo? Oo shimeen isguursannay?”  “Markii aad ii timid. Maba ogid miyaa?” “Aar kanaa! Haye, shimee i furee?” “Marka aan doono, imikaba ma ku furaa?” 

“Maya, saacaddan xaafaddii ma aadi karo.” “Haddaba aan dharka kulaylkiisa kaa bixiyee keen, adiguna aniga iga bixi.”  Meeshanaa?” “Haa, meeshan. Ma cid aan saaxiibtaa iyo saaxiibkay ahayn baa ina arkaysa? Hadhowna qol kale ayaynnu labadeennu u guuraynnaa. Laakiin bal horta dharka iska fududee.” “Bacdeen qaawanaan maan joogaa?” “Maya, innaga ayaa isgashanayna.” “Innaga seen isu gashanaynaa dhar maan nahay?” “Aniga ayaa ku tusaya sida la isu gashado.” “I dhaaf! Dhaaf! I dhaaaaf!” 

Cabbaar ayuu xaaraamaha sidaas ugu doocdoociyay oo mar kaftan uga dhigay marna dhab. Wuxuu og yahay haddii uu balwad dhadhansiiyo in ay sidii qof maddiiddaysan agtiisa iyo aqalkiisa oggolaan doonto. Dhallinta da’dan ahina balwadda wax uga nugul sida ay wax walba ’ka war doon’ isu leh yihiin ayay af yaxaas galaan. Yartu waxan caawa oo dhan la daba wado, ee saaxiibaddeed jirjircadka u legday ee kaga qosliyay, may tijaabiso? Negeeye wuu farxay markii ay goor dambe soo debecday.

“Waa kaa yeelaa, laakiin waxii dhaca ad lee waaye.” “Waxba dhici maayaane intaa isdhaafi.” “Uf, waxa ur badanaa!” “Xaggee baad sharoobo udgoon ku aragtay?” “Akh, qaraar badanaa!” “Carrabka ha geline caadi u kabbo. Haa, sidaas. Ha soo tufin ee liq!” “Akh, akh, akh! Balaayada qaraar badanaa, armaan ku dhintaa!” “Xaggee baad ku aragtay dawo lagu dhinto? Mar kale kabbo. “Qux, qux, qux!” “Shifo! Qufacu waa caadiye mar kale kabbo.” “Alla ceeb badanaa! Cawadaan u darnaa aan aalkolo cabay!”

Miiskii ayuu Negeeye tiigsaday oo cajaladdii Cumar Dhuule mid Maamed Mooge ah ku beddelay. Iftiinku wuu gamaarsan yahay, wuxuu se dirqi ku arkay Diiriye iyo yartiisii oo inta ay cidhifka ugu fog ee qolka isku la durkeen laabta isku haya oo isku juuq daayay. Laba xabbadood oo sigaar ah ayuu soo shiday oo mid isagu nuugay midna inantii dibnaha u geliyay.

“Imika sow maad kululaan? Keen haddaba dharka kaa yareeyee”, ayuu ku yidhi. “Sug nooh adiga, see waaye! Aaa! Adiga jinni maa qabtaa intee noo qaniinee!” “Ma dhunkashada ayaad qaniinyo u taqaan?” “Ilkaha maa la isku dhunkadaa?” “Wax walba waa la isku dhunkadaaye aamus oo adiguna i dhunko.” “Horta carrabkaaga naga dhaaf. Tartiib nooh adiga, waxaaga xoog waayee!” Usuus!”

Ilaa muddo dheer ayaa la durduuranayay, cosobkana la mayracanayay. Goor ay saacaddu tahay kowdii habeennimo ayay baroor gabdheed deriska intii seexatay toosisay intii soo jeeddayna dhego barjaysay. Waa labadii gabdhood oo iyaga oo aan cagaha isku taagi karin carrabkana ceshan karin Fillo Adduun horteeda galgalanaya. Labadii nin oo aan iyaga qudhooda hablaha dhaamin ayaa la legdamaya, marbana derbi ku la dhacaya, oo isku dayaya in ay guriga ku xereeyaan. Gabdhuhu miyir iyo muruq toonna ma hayaan laakiin waxay diidayaan in ay guriga galaan. Mid baa aad u ooyaysa oo cod daallan ku leh:

“Adeeer… adeer… waaa… ku tuuugaaa… tagsi… isaar… imti… imtixaankii… habartay… waan… ballanqaaday… inaan baaso… faraha iga qaaad…” Nacnac! Faduushii Filla Adduun soo gelisay ha ka saarto! Meesha ma waxay moodayeen malcaamad Qur’aanka lagu barto?

Negeeye iyo Diiriye waa ay feedho qaawan yihiin, qaarka hoosana laba macawisood oo fadhigii badnaa ku jactaday ayaa kaga duuban. Inta ay habluhu ooyayaan iyaguna waa ay duryamayaan oo waxay diiddan yihiin naagahaa yaryar ee kharashka iyo waqtiga badan ka lumiyay in ay habeenkii oo intii badnayd hadhay guryihii hooyooyinkood isaga hurdo doontaan.

“Gurigayaga ma waxay moodayaan mawlac qofka meel kale waayaa u soo nolol doonto marka uu cokanaadana ka carraabo?” ayuu Negeeye ku dooday. “Denbiga oo dhan adiga ayaa leh, naago yar yar oo casarka soo xareediya cawayskana carrabka ceshan kari waaya wax badan baad aragtaye maxaad ugu oggolaatay in ay soo baxaan?” ayuu Diiriye saaxiibkii ku hiifay. “Balaayo ku dhacdaygu goor ay soo baxeenba ma anigaa ogaa.” Dad badan oo deriska ah ayaa meeshii ku soo xoomay. Negeeye iyo Diiriye waxay isku dayeen dhawrkii qof ee ugu soo horreeyay in ay ka la diraan.

“Naga taga! Naga ag dareera! Guryihiinna miyaanu idiinku nimid? Naga qaada shoobbaraha.” Laakiin marka ay dadku soo bataanba xanaaquna wuu sii badanayay. Diiriye wuxuu isku dayay arrinta in uu qaboojiyo, oo xataa markii dambe wuxuu oggolaaday haddii ay habluhu diideen in ay guriga ku noqdaan in uu tagsi saaro. Laakiin yartii weli waa ay ooyaysaa, taasina dadkii meesha ku soo ururay ayay kaga xanaajisay, gaar ahaan markii la ogaaday gabdhuhu in ay sakhraansan yihiin isla markaasna imtixaan iyo dugsi u barooranayaan.

“Waa kuwaas kuwa dalka qarribay dadkana fasahaadiyay. Bal inta ay laala’eg yihiin iyo waxa ay carruurta ku dullaynayaan eega! Dulli Alle idin bad!” waxaa ku haaraamay oday codkiisa xabeebtii hurdada uu ka soo kacay laga garanayo oo go hullaaban.

Intii aanay Negeeye iyo Diiriye hadalka odayga ka jawaabin ayay cay iyo canaan kale sida hogosha ugu hooreen. Dadka Filla Adduun ku tunta iyo deriska aqooni ka ma dhexayso, ismana dhex galaan, xataa isma salaamaan. Laakiin intooda waxay u furan tahay ogi nacayb badan ayay u qabaan.

Dhawr eray oo canaan ah markii la isweydaarsaday ayay xiisaddu cirka isku sii shareertay, Negeeye iyo Diiriye ayaa sida Buurta Carrafa dhagax la huwiyay. Iyaga oo nabarro qaba markii ay gudaha u yaaceen filladii oo dhan ayaa isu dayaantay. Quraaradihii daqaadaha oo dhulka u daadanaya ayaa la maqlay, ganjeeladii ayaa la gilgilay kooxdii gudaha ku jirtayna kabash kabashtii ayaa ka dhammaatay oo marba qol ayay isu dabo yaaceen. Dadka meesha ku jira waxaa ka mid ah Negeeye iyo sarkaal kale oo bastoolado ku hubaysan.

“Iska fadhiya, iska fadhiya idinku, bani aadan kibiray aniga ayaa shaqadooda aqaane”, ayuu Negeeye martidii u sheegay, nabar dhafoorka kaga dhacay inta uu dhiig ka masaxay ayuu bastooladdii la soo baxay oo cabbaystay.

Inta uu mar kale ganjeeladii furay ayuu dadkii oo dhagax la soo tuban laba xabbadood cagaha u geliyay. Kabtaydii meeday ayaa ka dhacday, iyaga oo orodkii isa sii dul fuulaya ayuuna sii daawaday. Labadii gabdhood ee muranku ka bilawdayna dadkii yaacay ayaa hore u sii jiitay. Habeenkaas ayaa dadkaa masaakiinta ah ugu dambaysay in ay filladaa barakaysan ku soo xad gudbaan.

Aanadii Negeeye – Qeybtii 29aad

Facebook Comments