Aanadii Negeeye – Qeybtii 26aad

Raage labadii qol ee cusbaa ayuu si kharash yar ugu aqalgalay. Aroosku wuxuu ahaa isla maalmihii ay Leyli dhaawaca la soo noqotay. Waxay aad u jeclayd in ay arooska ina adeerkeed minxiisad ka noqoto, sidii ay iyaga oo yaryar ku ballameen, laakiin weli wejiga waa ay ka dhaawacnayd, waxayna isu xilsaartay hawlaha kale in ay wax ka maamusho. Gurigeedii, ama gurigii Negeeye, sidii ay uga soo alaab qaadatay dib u ma ay ag marin oo waxay joogtay guriga Raage.

Markiiba Raage qol kale oo aan guriga ka fogayn ayuu labaataneeyo kursi iyo dhawr miis oo duug ah dhigtay duruus afka ingiriisida ahna ka bilaabay. Markiiba waxaa ku soo qulqushay arday tiisii hore u badan.

Negeeye isagu toddobaad keliya ayuu Leyla ka dambeeyay oo wuu ka daba yimid. Wax alla waxii dhacay denbiga iyada ayuu saarayaa. Naag waalan oo buugaag jinni ku mashquulsan, oo reer dhaqasho iska daa ee aan malaha diyaarba u ahayn in ay ubad u dhasho, in ay tahay ayuu ku xukumay. In ay carruur badan u dhasho, siiba wiilal, ayaa ahayd dantii uu awalba u guursaday. Isaga iyo aabbihiiba waxay ahaayeen madi, Kaliil isaguna weli waa madi, waana arrin aanu Negeeye sinaba u jeclayn. Maanta Xamar wuxuu ugu socdaa in uu xaalkeeda meel ku soo hubsado.

Isaga oo Laankuruusar ciidanku lee yahay wata ayuu barqadii uu Burco ka soo baxay makhribkeedii Gaalkacyo soo gaadhay. Albeerko ayuu ku degay si uu caawa magaalada ugu dhaxo oo yaryarkii u sii arko. Markii uu qubaystay ayuu aaday gurigii ay Amran iyo ilmuhu degganaayeen.

Kaliil waa shan iyo toban jir, fasalka afraad ee dugsiga dhexe ayuuna dhigtaa. Laf iyo dherer ayuu yeeshay, waana nin aamus badan oo had iyo jeer la moodo in uu dudayo, oo ah nooca ay reer banaadirku u yaqaannaan qabiid. Dadka ma maago, laakiin qofka ay wax dhex maraan sahal ku ma ka la baxaan. Hooyadii mooyee ma jirto cid uu maqlaa, gabdhaha ay walaalaha yihiinna waa ay ka baqaan oo eray ku ma soo celiyaan. Waxbarashada wuu ka adag yahay, wuuna dadaal badan yahay. Isaga ayaa isdira, waana dabeecad ay hooyadii ku jeceshahay. Sababta ugu weyn ee dadaalkiisu waa isaga oo neceb in ay dadku hoos u eegaan. Taasi in ay abuurtiisa tahay ka sokow talada keliya ee uu weligii Negeeye ka helay ayaa ahayd: “Weligaa nin qayrkaa ahi yuu hoos kuu eegin.”

Idil iyaduna waa saddex iyo toban jir, dadkuna waxay wada yidhaahdaa “waa Amran oo halkaa taagan”. Dabeecaddeedu ta Kaliil ayay lid ku tahay. Gabdhaha ay isku da’da yihiin ee dugsiga mid aanay saaxiib la ahayni waa dhif. Qallafsanaanta Kaliil darteed asxaabta badanaa guriga ma keento ee guryahooda ayay u raacdaa. Fanka ayay aad u jeceshahay, heesaha ay maqashana inta badan waa ay xafiddaa kuna heestaa. Hooyadeed iyo dadka oo dhan waxay u sheegtay in ay heesaa noqon doonto. Luuqda waxay kaga dayataa Maryan Mursal oo ay aad u jeceshahay.

Kaliil waxay kaga duwan tahay, iyadu aabbaheed oo aanay inta badan isarag haddana waa ay jeceshahay, muddadiibana mar ayay warqad u dirtaa. Laakiin badanaa jawaab ka ma hesho. Negeeye warqad qorista aad ayuu ugu liitaa, dadaalxumana waa ay u dheer tahay. Ubax iyadu waa bukaan, dugsigana ma dhigato. Marmar ay malcaamadda tagto mooyee inta kale hooyadeed ayay guriga la joogtaa. Walaasheed Idil ee ay guga keliya ka yar tahay waxaa la moodaa in ay saddex sano ka yar tahay. Waa oondiid weyd ah, qof aad ugu sii fiirsada ayuun baa malayn kara iyada iyo Idil in ay walaalo yihiin.

Negeeye wuxuu rumaysan yahay cudurka Ubax haya, oo aanay dhakhaatiirtu wax ku sheegin, in ay ka qaadday qiiqii ay Amran habeen iyo maalin shidi jirtay berigii uu isagu dagaalka Soomaali-galbeed ku maqnaa ee ay Ubax dhalatay. Amran iyadu waxay rumaysan tahay arrin rooxaan ku lug leh in ay tahay, muddadiibana mar ayay hawlo noocaas ah ku la daashaa. Kurdado cascas, kuulo ka la jaad ah iyo cadar furcas ah ayay guriga ugu soo toomisay. Amran berigii hore Negeeye waxay wayddiisan jirtay in uu iyada iyo carruurta Gaalkacyo guri uga iibiyo, laakiin ma uu yeelin waayo wuxuu doonayay in uu ku cadaadiyo in ay Xamar u guurto. Sidii hore iyo ka daran ayuu gurigeedu u yahay gole quruumo dahsoon lagu la xaajaysto. Dhowaan ayay ogaatay in uu ina abtidii guursaday, sababtaas ayay caawa ugu kacsan tahay. In aanay araggiisa rabin ee

guriga uga baxo ayay hadal uga bilawday, saaqid aan ubadkiisa ka war hayn in uu yahay ayayna ugu xijisay. Awalba isma ay qabin ee masayrka ayaa sidaas iska ah. Isagu xanaaqeeda waxba ka ma soo qaadin ee wuu maslaxay. Waxa ay doonto ha ahaatee carruurta ay ka hayso abaal buu ugu hayaa. Inta ay ku soo ag daadiso haddii ay kaga dhaqaaqdo xaggee buu geyn lahaa? Markii uu dejiyay ee ay iswaraysteen waxay sheegtay in ay ku talo jirto arrintii uu hore ugu kari waayay ee ahayd in ay Xamar u guurto. Shaki ku ma jiro in ay rabto guryaha Xamar in ay Leyla ku la tartanto, ayuu markiiba maleeyay. Taladaa wuu soo dhoweeyay, wuxuuna u sheegay:

“Gurigii hore waxaa deggan Leyla, idinkuna ka cusub dega.” “Ka cusubi waa kee, ma ka Madiina iyo meel dunidaba ka fog lagu sheegay? Kaa degi maayo ee kii hore ayaan anigu degayaa.” “Kaa Leyla ayaa jecel waayo waa ay ku barbaartay, ee ka kale ayaa cusub kana weyn ee idinku dega.” “Xaafad sidaas u fog carruurta ma geyn karo ee iyada ayaan carruur hayn ee ha degto.” Canaadnimada Amran wuu la yaabay, wuu se xasuusnaa xaalku isaga iyo Leyla in uu meel xun ka marayo. Sidaas darteed bal horta in uu Xamar ka soo noqdo ayuu ku qanciyay.

Habeenkaa markii uu reerka ka tegay albeerkadii uu ku degay ma tegin ee wuxuu ku leexday gurigii caanka ahaa ee ay beri hore u la baxeen Seybeeriya, wuxuuna ku la kulmay qaar ka mid ah dadkii hore iyo kuwo cusub. Halkaas ayuu ku qaatay habeen dheer kuna waaberiistay. Isaga oo aan hurdo laba indhood isgelin ayuu baabuurkii Xamar afka u saaray. Wuu lulaysnaa oo marba indhaha isku qabsanayay wuxuu se doonayay isla maanta in uu Xamar galo.

Markii uu Dhuusa-Marreeb labaatan kiiloomitir dhaafay ayuu baabuurkii waddada ka la baxay oo xagga kale iska la rogay. Wuu nasiib badnaa waayo in yar ka dib baabuur kale ayaa isu taagay, isaga oo gacanta midig oo laba meelood ka jabtay barkan, dhaawacyo kale oo khafiif ahna qaba, oo miyir la, ayaa laga soo saaray.

Isbitaalka Beledweyn ayaa la dhigay. Markii la kabayna ma hakan isaga oo ay gacantu duuban tahay ayuu Xamar soo galay. Gurigii oo haawanaya ayuu isku qaaday, markii uu Leyla ka waayayna inta uu gurigii Raage tilmaansaday isku sii daayay. Isaga oo aan albaabka garaacin ayuu si xanaaq leh dalaq u soo yidhi. Raage, Deeqa, Leyla iyo laba nin oo marti ah oo daaradda casariye ku wada cabbaya ayuu sidii qof la baacsanayo ka soo dul dhacay.

“Waar yaa Qaawane, meeday naagtaydii? Ma adiga ayaa qaba mise aniga, maxaad halkan ugu haysataa?” Kooxdii meesha fadhiday midkoodna shaki ka ma gelin Negeeye in uu sakhraansan yahay. “Dhegeyso Negeeye, waxyaalo badan oo ay tahay in aynu ka wada hadalno ayaa jira, laakiin imika marti baa ii joogta ee ina ka la kaxee, mar kalena ha inoo ahaato.” “U malayn maayo wax aynu ka wada hadallaa in ay jiraan”, ayuu yidhi Negeeye, oo Leyla oo dadka xaggiisa ugu soo xigtay ku jeestay. ”Leyla, halkan fadhigeeda waa laguu dhaamaa ee soo kac oo kaalay reerkaaga dhaqo.” Leyla ciil ayay jiq la noqotay, sidii qofka uu la hadlayaa aanay iyada ahayn ayayna isu dhegoolaysay. “Leyla wax dambe idinkama dhexeeyaan, waayo waad og tahay waxa aad u geysatay, gurigana iiga bax oo mar dambe yaanan kugu arkin”, ayuu yidhi Raage. Negeeye Leyla ayuu ku foororsaday oo gacantii u bed qabtay cududda kaga soo qabtay si uu u kiciyo isaga oo leh:

“Ninkan nacnacdiisa u ma baahniye soo kac!” Leyla mar keliya ayay sida bamka u qaraxday, oo inta ay iyada oo qaylinaysa istaagtay Negeeye wejiga ka diiratay “I sii daa! I sii daa! Tuug yahow dhiigcabka ahi, i sii daa!” Negeeye ma sii dayn ee xoog ayuu u sii qabtay xaggii albaabkana u jiiday. Dabadeed Raage ayaa isa soo taagay isaga oo leh: “Waar sii daa gabadha oo iiga bax guriga, dameer yahow dameerku dhalay!” Negeeye inta uu Leyla sii daayay ayuu bastooladdii guntiga ugu jirtay la soo baxay oo Raage wejiga kaga qabtay uguna hanjabay: “Wallaahi haddii aadan arrimaha qoyskayga ka bixin inta xabbadood ee ku jirta in aanan mid kaaga reebayn! Inan gumeed yahow inan gumeedku dhalay!” “Igu dhufo, laakiin ha ku talo gelin adiguna in aad iga dambayso”, ayuu yidhi Raage isaga oo aan run ahaantii waxa uu taa uga dan lahaa fahamsanayn. “Inta aan kugu dhufto ayaan weliba laba cali iskaa wayddiinayn haddii aadan…”

Isaga oo daldalmaya, eegmadana Raage ku la maqan, ayay Leyli gacantii uu bastooladda ku hayay labadeeda gacmood isugu geysay ku gilgishay, qaniinyana u raacisay, ilaa ay bastooladdii dhulka uga dhacday. Markiiba Raage ayaa la booday oo Negeeye qudhiisa wejiga kaga qabtay. “Wallaahi adiga ayaanan xabbad kaaga reebayn haddii aadan degdeg guriga uga bixin! Inan gumeed yahow inan gumeedku dhalay!” Wuu hakaday oo eegmo aad u kulul Raage indhaha ku gubay, dabadeed sidii ilmo yar ku sasabay: “Keen bastooladda, Raage. Waa hub dawladeede inta aanay dhibaato kuu soo jiidin iska keen.” “Orod dawladda aad sheegaysid u dacwood ha iiga kaa qaaddee, haddii kale soo soco.” Negeeye cabbaar kale ayuu Raage eegmada ku sii gubay, dabadeed debedda u dhaqaaqay isaga oo sii leh: “Waa yahay. Wa yahay. Yaan geesinnimadaas lagaa waayin.”

Markii uu Negeeye in yar sii maqnaa koox bilays ah ayaa gurigii hareeraysay, laakiin Raage wuu maqnaa. Markiiba saldhigga bilayska ayuu aaday si uu bastooladda u geeyo isla markaas Negeeye oo uu hubay in uu soo dacweynayo kaga horreeyo. Raage oo weli saldhigga lagu hayo ayay qoladii guriga ku soo hungowday oo Negeeye la socdaa soo noqodeen. Taliyihii saldhigga iyo Negeeye oo wada socdaa markii ay soo galeen Raage inta degdeg warbixin kooban looga qoray ayaa qol ay koox tuug u badani ku jirtay lagu soo qufulay.

Qof kasta oo Raage yaqaannay, qaraabo, deris iyo saaxiib, wuxuu galay olole uu wax kaga geysanayo sidii loo soo dayn lahaa. Dad taliyaha saldhigga ku kalsoon ayaa saqdhexe guriga ugu tegay oo wax u tusay arrintu in ay ka dhex dhacday ilmo abti isku yar xanaaqay. Dadaalkaa soo dayntu wuxuu midho dhalay galabtii la qabtay galabteedii. In kasta oo ay mashaqadaasi halkaa ku dhammaatay, tii Leyla iyo Negeeye waa ay sii cakirantay, dhaar ayuuna ku maray haddii ay indhaha dhiig ka keento in aanu furi doonin.

***

Raage markii uu aroos baxay shaqadii ayuu ku noqday, tii gaarka ahaydna gelinka dambe ayuu geli jiray. Maalin ayuu maamule Diiriye barayaasha oo dhan kulan ugu yeedhay. Qolka barayaasha ayaa lagu kulmay, kuraas safsaf u taal oo dhan u wada jeedda ayaa la isku taxay. Diiriye oo kursi ka soo hor jeeda fadhiya ayaa caasha la wada saaray. Isaguna sidii atoor yaco ku dhex jira isaga oo giirka taagaya ayuu u sheegay:

“Wasaaraddu waxay ina soo gaadhsiisay in dugsiyada sare ee gobolka Banaadir loo qaban doono tartan faneed ruwaayad ah, iyada ta kaalinta koowaad ku guulaysata lagu soo bandhigi doono xuska munaasabadda maalinta macallinka, taas oo uu madaxweynuhu ka soo qaybgelayo. Markaas waxaa loo baahan yahay dugsigeenna cid xilkaas u qaadda.”

Waa la iswada eegay, haddana iyada oo la aamusan yahay sidii ido roob hayo gorodda hoos loo wada rogay. Barayaashu waxay u badan yihiin kuwii loo bixiyay ”raaca labaad”, kuwaas oo markii ay barayaashii asalka ahaa shaqada ka yaaceen iyaga laga maarmi waayay. Tiradoodu ciiddaas ka badan tayana lagu ma oga. Waa kuwa marka uu ardaygu su’aal suugaan ama af soomaali ah wayddiiyo inta ay isxanaajiyaan ugu jawaaba: ”Waxaasi waa af baadiye, af baadiyena anigu ma aqaan.”

Markaas ayuu ardaygu uurka iska yidhaahdaa, oo af baadiyuhu haddii uu af soomaali yahay, iyaguna macallin yihiin, in ay bartaan maxaa qalad ka dhigay? In uu Diiriye horjooge u yahay waxay daliil u tahay tayo xumadooda. Aamuska barayaashu maamulaha wuxuu ku dhaliyay niyadxumo. Maalinta macallinka ee la sheegayo bil in ka yar ayaa ka dhiman, waqti badan la ma haysto. Diiriye waxa uu si dawarsi u eg u dhugtay Raage. “Raage, waxaan filayaa taa cid adiga kugu dhaantaa ma jirto, waana fursad aad ku heli kartid billad sharaf iyo dallacaad?”

Fanka iyo suugaanta haddii dhaqan baadiye lagu eedaynayo Raage waa reer baadiye, jacaylkoodu haddii uu reer baadiyenimo yahayna wuu jecel yahay. Laakiin weligii halabuur isku ma dayin. Muu istijaabiyo? Waa run oo cid isaga taa ku dhaantaa dugsiga ma joogto, waana beerlaxawsi uu ku dallici karo. Diiriye isagu waa anaani oo dallacaadda Raage dan kama leh, laakiin isaga ayay dallacaad u tahay haddii uu dugsigiisu tartanka sharaf kaga qaybgalo amaba ku guulaysto. “Waa yahay”, ayuu Raage ballan qaaday.

Markiiba wuxuu bilaabay in uu ka fekero mawduuc xiiso leh oo ku habboon meel uu madaxweynuhu joogo in lagu soo bandhigo. Waxa loo baahan yahay in ay tahay majaajillo gaaban wuu fahmay, waayo ruwaayad dheer madaxweynaha loo ma soo bandhigi karo. Waqti sidaas u dheer cid aan isaga ahayn in la dhegeystaa waa kacaan ka dheerayn, waana denbi.

Fikrad aad u xiiso gelisay laakiin isla markaas baqdin ku abuurtay ayaa qunyar qunyar ugu dhalatay. Dabadeed habeen iyo maalin ayuu awooddiisa halabuur oo dhan miis isugu keenay. Qaabka iyo geeddisocodka sheekada ayuu dhisay, haddana hadal habboon urursaday, dabadeed sidii uu moodayay waaba ay ka fududayd. Markii uu abyay ee dib u eegayna wuu jeclaystay. Aad ayuu se u maleeyay guddiga qiimayntu in aanay sinaba u oggolaan doonin, fursad ay madaxda ku gaadhana siin doonin. Raadgadasho muu sameeyo? Majaajillo kale? Sidaas ayuu yeelay, dabadeed kooxdii la jili lahayd dugsiga ka xushay.

Bandhiggii qiimaynta, oo lagu qabtay Xarunta Ururka Dhallinyarada, Raage wuxuu ku soo bandhigay majaajillo fiican laakiin munaafaqnimo badan. Waxay ka hadlaysay sidii ay bulshada soomaalidu ahayd Kacaanka ka hor, xagga wax qoris iyo akhris la’aanta, iyo sidii uu Kacaanku taa wax uga qabtay ka dib markii af soomaaliga la qoray. Wuu hubay waxa loo baahan yahay in ay tahay wax noocaas ah. Maalintii xigtay waxaa loo sheegay riwaayddiisa in madaxda loo soo bandhigi doono.

Waxaa la gaadhay habeenkii xuska oo lagu qabtay Golaha Murtida iyo Madaddaalada. Madax badan oo uu madaxweynuhu ku jiro ayaa ka soo qaybgashay. Hees ay Ubaxa Kacaanka Oktoobar madaxweynaha ku ammaanayaan ayaa lagu furay, isaguna sidii boqor carbeed ayuu farxad ilaa qawlallada qoslay. Kooxda Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta ee Iftin ayaa ammaan kale u qaadday, isaguna wuu sii qoslay. Kooxda Xoogga ee Waabberi ayaa hees kale oo labadii horeba ka sii ammaan badan u qaadday, madaxweynuhuna qosol iyo raynrayn ayuu ku sii rakaatay.

In qof weyn oo soo taagan la ammaano, ama isagu yidhaahdo “ha la i ammaano”, amaba uu ammaantiisa u rixiyo, sideedaba dhaqanka iyo dabeecadda soomaalida si buuxda ayay lid ugu tahay. Waxa ay se ka mid ahayd dhalanroggii dhaqan ee Kacaanku keenay taas oo isugu jirta carabnimo iyo kelitalisnimo. Ammaanta carruurnimada ah iyo faanka beenta ah ee ay madaxda kelitaliska ahi dadkooda sanka ka geliyaan haddii ay la tahay in lagu jeclaanayo waa u garaadxumo, waayo waa uun lagu sii necbaadaa, ilaa ay gaadho heer lagu yalaalugoodo. Habeenkaa hees iyo khudbad waliba waxay ahayd ammaan, mid walbana sacab kulul ayaa raacayay.

Waxaa bilaabatay ruwaayaddii. Ilayskii baa la gamaariyay, waana la aamusay, shib. Daahyadii cuslaa baa la ka la jiiday, wac. Waxaa soo baxay muuqaal kediso ah: dhul siman oo aad barwaaqo u ah oo ay doogga, caleenta iyo ubaxu dacallada isku la jiraan oo uu webi nadiif ahi si deggan u dhex qulqulayo, iyo cir aad buluug u ah oo ay daruur madaw oo goosgoos ahi ku teedsan tahay. Qorraxduna in kasta oo aanay muuqan ilayskeeda ayaa daruurta, biyaha iyo doogga muuqooda xoojinaya.

Oday suudh qurux badan xidhan (Raage) ayaa soo galay, oo inta daah madow soo jiiday muuqaalkii barwaaqada ahaa ku qariyay. Warqad weyn oo u eg khariidada derbiyada lagu dhejiyo ayuu ka la bixiyay oo daahii ka laallaadiyay. Midabyada iyo xarriijimaha warqadda ku sawiran si fiican loo ma arko oo waxay u eg tahay wax lagu faygaray, haddii fahamkeeda la isku sii taxallujiyana waxaa laga qaadayaa madax wareer iyo xanaaq. Dabadeed inta uu suudhkii iska bixiyay oo calallo jeexjeexan xidhay, oo moqorofad la soo baxay, ayuu dawarsi bilaabay: “Yaa Alle wax siiyay!” Laba nin oo keli keli u socda ayaa soo galay qaddaadiic ayayna moqorofaddii dawarsiga ku daadiyeen. Odaygii markiiba lacagtii moqorofadda wuu ka la booday oo faraqa ku guntaday. Haweenay arradan oo laba ilmood ah oo caatada iyo arradka iyada ka daran wadata ayaa soo gashay, odaygii dawarsanayay ayayna isa soo dul taagtay oo ku tidhi:

“Carruurtaada xilkooda qaad, oo maskaxdaada iyo muruqaaga ku kori, sidii aabbe lagu yaqaannay, haddii kale aniga ayaa korsanaya ee warqaddayda i sii, agtoodana yaanan kugu arkin.” Si hanjabaad leh ayuu fadhiga uga soo booday, oo inta uu si argaggixin leh dhuunta uga galay wejiga wejiga u saaray, sidii uu gebigeedaba liqi doono. “Naa maxaad ku hadlaysaa?” “Kartidaada oo dhami haddii ay tahay dawarsi, magacayga iyo magaca carruurtayda ha ku dawarsan ee iskaa u dawarso, gurigayga iyo noloshaydana iiga bax”, ayay u raacisay iyada oo aan dan ka gelin eegmadiisa naxariista daran ee ku soo maqan. “Cidda aan u dawarayaa waa adiga iyo waxan xunxun ee aad wadatid”, ayuu ku yidhi cod aad uga nolol badan kii daciifka ahaa ee uu ku dawarsanayay. “Aabbennimadu waa xilkasnimo iyo halgan, ee ma aha moqorofad lagu dawarsado?” ayay tidhi.

“Nolol ayaa muhiim ah, sida loo noolaanayaa muhiim ma aha.” “Laakiin waa kuwaas ee maxay ku nool yihiin? Waalid ubadkiisa ku dawarsadaa waa jariimad aan denbidhaaf lahayn, waayo carruurta waxay ku abuuraysaa hoosayn, liidnimo, isku kalsoonidarro, niyadjab iyo quus. Waxaa ku abuurmaya ka haybaysashada dadka kale. Waajibka ugu weyn ee waalid saarani waa in uu ubadkiisa heerka sidaas u hooseeya ka badbaadiyo. Ma intaas baad garan wayday?” Wuu aamusay si xunna u eegay. Carruurtu iyada ayay ku duuban yihiin oo ay faraqyada haystaan. Sida ay isaga uga soo maagayaan aabbahood la ma moodo. Waaba ay ka baqayaan.

Nin tallaabo dheeraynaya ayaa masraxii soo galay oo moqorofaddii odaygu gacanta ku hayay lacag qadaaddiic ah ku daadiyay. Haweenaydii ayuu dabadeed u qoslay, oo isaga oo aan hakan naaskeeda xantoobo ka buuxsaday, socodkiina sii watay. Iyaduna inta ay si xanaaq leh kab u la baxday ayay ka daba carartay, laakiin odaygeedii ayaa si xoog leh u soo qabtay isaga oo ku leh: “Naa miyaad waalan tahay? Ma ninka lacagta ina siiyay baad naas uu ku qabtay ka xanaaqaysaa?”

Daawadaayaasha badankoodu aad ayay u qosleen, kuwii madaxweynaha la fadhiyayna qaar baa qoslay laakiin markii ay arkeen isagu in aanu qoslayn ayay dhakhso u aamuseen. Carruurtii khajilaad ayay la jeesteen, waxayna isku mashquuliyeen in ay marba dacal ka qooraansadaan muuqii quruxda badnaa ee daaha madoobi ku gudbanaa. Aabbahood ayaa dabadeed inta uu ku soo tallaabo dheereeyay halkii ay wax ka daawanayeen ka soo tukhaantukhiyay oo ku canaantay: “Ka taga meesha, wax aan edeb lahayn baad tihiine!”

Jilayaashii waa ay baxeen, waxaana la isu diyaariyay la socodka muuqaalka labaad ee metelaadda. Isla markaas kuraastii daawadayaasha safka hore ayuu dhaqdhaqaaq ka bilawday. Dhawr qof baa ilayskii gamaarsanaa isdhex yaacay oo dhawr qof oo kale marba mid la faqay. Dhawr daqiiqadood ayaan xanshaashaq mooyee wax kale dhicin. Ugu dambayn ilayskii si caadi ah ayaa loo shiday, wasiirka Borobagaandada iyo Dacaayadda ayaa masraxa fuulay codbaahiyahana qaatay, oo sheegay barnaamijka qaybtii madaddaaladu in ay intaas ku eg tahay. Raage iyo kooxdiisii ciidan dharcad ah oo xanaaqsan ayaa qolkii jilayaasha ugu yimid, una sheegay hadaltirada ay meesha keenaan in ay halkaa ku joojiyaan, waxaana la geeyay meel loo qoondeeyay oo ah kuraasta u dambaysa daawadayaasha.

Kuraas iyo miis dheer oo masraxa la dhigay ayaa madaxweynaha loo daaddihiyay, sacab, mashxarad iyo sawaxan ayaana lagu gelbi-yay. Labadii xigeennadiisa ugu sarreeyay ayuu labada dhinac iska xigsiiyay, markiibana khudbad dheer oo i-dhegeyso-ama-ha-i-dhegeysan ah soo afuufay. Taageerayaasha Maxammed Siyaad Barre waxaa laga maqli jiray: “Ma og tihiin madaxwenuhu in uu khudbadayn karo afar iyo labaatan saacadood oo aan kalago lahayn, isaga oo aan xiiq tiran, isaga oo aan weliba soo diyaarsan, taas oo ah rikoodhka khudbadaha dunida?” Markaas ayay kuwa necebina ugu jawaabi jireen:

“Sababtu waxaa weeye, waa qofka keliya ee xaq u leh in uu afar iyo labaatan saacadood oo aan kalago lahayn hadlo, isaga oo aan xiiq tiran, kana biqin eray qaldan oo uu yidhi in ay cidi ka la xisaabtanto, isla markaana waqtiga intaa dherer la’eg heli kara dad u sacabbiya.”

Caawana waa kaa dabada qabsaday hadal dheer oo uu og yahay in aan cidina ka la xisaabtamayn oo cay, habaar iyo hanjabaad isugu jira. Malaha wuxuu doonayay in uu jiritaankiisa iyo weliba madaxweynenimadiisa dadka xasuusiyo, sidii aan la ogayn ama la illaawey.

Qof meesha joogitaankeeda raalli ka ahi waa dhif, haddana sacabka xooggiisa waa lagu dhego barjoobayaa. Dadku fulaysanaa oo munaafaqsanaa! Fulaynimada iyo munaafaqnimada loo ma dhasho waa la bartaa. Marba dhanka ay eegmada madaxweynuhu u badan tahay ayuu sacabkuna u badan yahay. Miyaa laga baqayaa, mise waa la khatalayaa? Ma mowqif la’aan iyo gurdanraacin baa, mise waa doqonnimo iyo garasho xumo? Malaha dadkani intaaba waa ay isugu jiraan?

Raage markiiba waxaa ku bilawday shaki. Majaajillada iyada oo madaxweynuhu daawanayo la joojiyay saadaal xun ayuu u arkay. Laakiin ma uu doonayn col hortii in uu baqo. Dhan kale ayuu fekerkiisa u godlay. Kooxda caawa halkan ku la xaraysan ee malaayiinta qof mas’uulka ka ah ayuu mid mid u eegay ugana fekeray. U ma uu arag in ay yihiin dad xilkaa sinaba u mudan. Bilawgii Kacaanka iyo caawa intii u dhaxaysay isbeddelka dhacay iyo labadaa marxaladood ka la duwanaantooda ayuu aad u la yaabay.

Maxaa dhacay? Maxaa isbeddelay? Ninkan ku soo hor fadhiya, ee ay dad if iyo dad aakhiraba habaarayaan, sow ma aha isla kii toddobaatanaadkii loo wada ducayn jiray? Ma isaga ayaa doorsoomay mise bulshada inteeda kale? Bal malee caawa in uu diyaar u yahay dalkaa dhan dadka ku nool in uu halaago si uu habeen madaxweyne u sii ahaado! Hadda waa dadkiisii iyo dalkiisii, dal iyo dad kalena ma leh oo wuu og yahay! Hadda nolosha qofku in ay tahay maalmo tirsan, nolosha umadduna tahay qarniyo taxan wuu og yahay! Ma jiro noole aadamiga ka yaab badani.

Markii golihii laga ka la dareeray Deeqa iyo Raage waxay ku lugeeyeen waddada Jamaal Cabdinaasir si ay isgoyska ugu dhow bas uga raacaan. Deeqi waa ay arkaysay mashaqada meesha ka dhacday, laakiin ma ay doonayn in ay belo sii saadiso. Su’aal kale oo ilaa caawa ku taagnayd ayay wayddiisay:

“Raage, haddii aad madaxweyne tahay ma ku kici lahayd waxyaalaha uu Maxammed Siyaad ku kacayo?” Wuu la yaabay sida miskiinnimada ah ee ay wayddiinta u qaabaysay. “Maya. Waayo?” “Aniguna maan sameeyeen, una malayn maayo in uu jiro soomaali aamminsan in uu samayn lahaa. Muxuu markaa isagu u samaynayaa? Muxuu inagaga duwan yahay?” “Waxba inagagama duwana, laakiin arrimaha ayuu si qaldan u eegayaa meel qaldanna ka eegayaa, dad badan baana la mid ah.” “Muxuu si qaldan ugu eegayaa meel qaldanna uga eegayaa?” “Waxay ku xidhan tahay waayo’aragnimada uu nolosha ka soo maray oo go’aaminaysa sida uu xaaladda hor taal u eegayo iyo halka ka eegayo, taas oo dabadeed saamaynaysa fekerkiisa iyo fahamka uu arrinta ka la baxayo, iyo sida uu markaa ka dib ficil ahaan taa uga tarjumayo.” “Maxaa ka mid ah waxyaalaha uu waayo’aragnimada uu soo maray awgeed si qaldan u eegayo meel qaldanna ka eegayo?” “Waxaa ka mid ah qabyaaladda. Waa cudur ay bulshadu qofka ilaa yaraanta ku soo abuurto, hadhowna uu iyada ku dulmiyo.”

“Laakiin haddii ay mushkiladdu tahay qabyaaladda, dadka oo dhami maxay sida madaxweynaha u wada ahaan waayeen?” “Waa ay wada yihiin … waa ay u badan yihiin. Laakiin xaaladdiisu ta bulshada inteeda kale waxay kaga duwan tahay, isagu wuxuu haystaa awoodda ugu sarraysa, awood jacaylkuna waa wax dabiici ah oo dadka oo dhan ku jira. Waxaa se jirta mar ay taasi gaadho heer waalli iyo cudur ah oo uu qofku wax walba u sameeyo sidii uu awoodda u qabsan lahaa, haddii uu hayana ugu faro adaygi lahaa.” “Laakiin dunida waxaa jirta madax badan oo haysata ama yeelatay awoodda uu lee yahay oo kale, isla markaa aan laga yaabin in ay dadkooda ku la kacaan waxa uu ku kacayo. Muxuu kaga duwan yahay?”

“Kuwaasi marka horeba xoog ku ma yimaaddaan, ee waxay ku yimaaddaan doonista dadkooda, sidii ay ku yimaadeen ayayna ku khasban yihiin in ay kaga tagaan. Laakiin kuwa xoogga ku yimaaddaa diyaar u ma aha xoog waxaan ahayn in ay ku tagaan. Marka labaad, hoggaamiyaha awoodda dalkiisa sida nabadda ah ku yimaadda kagana tagaa waa qof aqoon ahaan iyo asluub ahaan dhisan, taas oo ah sababta marka horeba loo doortay.” “Laakiin waxaa jirta madax aan la dooran haddana aan sidan u dhaqmin?” “Taasina waxaan u malaynayaa in ay ku sal lee dahay waayaaragnimada iyo duruufta shakhsiga ee aan sheegay.”

Gadaal ayay wada jalleeceen, markii ay xantooda in laga maqli karo cid u soo jirta arki waayeenna Deeqa ayaa wayddiin kale ku dhiirratay: “Haddii ay sidaas tahay, oo ay taasi ka suurtowdo qof kasta, yaa la aamminayaa? Sow ma nihin ummad mustaqbal la’aan ah?” “Haa, haddii ay sidan ahaato. Laakiin ma aha in ay sidan ahaato. Ma aha in marba qof miskiin ah la dabo yaaco, oo sacab macnodarro ah lagu waalo. Waa in aynu taladeenna u aragnaa muqaddas aan cid waliba hawaysan karin, ciddii ku qaldantaana haysan karin.”

Markii ay albaabka gurigooda wax yar u jireen ayuu Raage dareemay jawi aan caadi ahayn. Wax baa muuqaalka xaafadda dheeraad ku ah ama ka dhiman. Wax maxay ah? Haa, meel albaabkooda dhawr tallaabo u jirta waxaa soo taagan baabuur laankuruusar ah oo cad. Isla markii uu gaadhiga arkay ayaa laba albaab oo ka la dhinac ah la furay, waxaana tallaabo giigsan iyo si abaabulan uga soo degay laba nin oo isdherer la’eg oo da dhexaad ah. Si toos ah ayay u soo abbaareen Raage iyo Deeqa oo irridda garaacaya. “Habeen wanaagsan!” ayuu labadii nin midkood ku bariidiyay. “Habeen wanaagsan!” “Raage Xirsi Geelle ma tahay?” “Yaa doonaya?” “Adiga magaca ma lagu yidhaahdaa?” ayuu si ay canaani ku jirto ugu celiyay. Isaga oo huba nimanka waqtigan guriga ku sugayaa magaciisa daaye lafihiisa cadcad in ay garanayaan ayuu ugu jawaabay:

“Magacaas waan lee yahay ee maxaa jira?” “Nabadsugidda ayaannu ka soconnaa ee guriga ina geli.” Ninkii kale markiiba Raage ayuu baadhitaan ku bilaabay, markii damcay in uu iska waabiyana kii hore ayaa bastoolad guntiga ugu jirtay la soo baxay oo ugu digay: “Ha nagu kellifin in aanu xoog adeegsanno.” Isla markaas labada nin mid Raage baadhayay ka kalena bastooladda ku hayay ayay Leyla oo guriga joogtay irridkii furtay. Iyada iyo Deeqa dunidii ayaa ku soo yaraatay. Waxay hoos uga wada hadleen in ay yaacaan oo qaylodhaan tagaan. Laakiin yaa ay u qaylodhaamiyaan oo nabadsugid hubaysan la hadli kara? Raage ayay isku dhejiyeen sidii ay taabashada sharka kaga xijaabayaan.

“Maxaa jira? Maxaad gurigayga uga baahan tihiin?” ayuu nimankii wayddiiyay. “Hadhow ayaynu ka wada hadli ee horta guriga ina geli.” “Laakiin in aad nabadsugid tihiin miyaydaan caddayn i tusayn?” Labadii nin waa ay iseegeen oo muujiyeen in ay tahay wayddiin macnodaran. “Adeer hadal u ma baahnin ee ina dhaqaaji oo guriga ina geli”, ayuu kii la hadlayay yidhi isaga oo mar kale bastooladda dareensiinaya.

Markiiba gurigii ayay baadhitaan ku bilaabeen, wax kasta oo labada qol dhex yaallayna si qallafsan xagga kale uga rogeen. Sariirtii iyo kuraastii fadhiga ayay qalabageddiyeen. Wargeys, buug iyo wax walba fitir iyo faatir ayay u qaadeen. “Fur boorsadan”, ayuu afhayeenkii Raage ku amray isaga oo tilmaamaya boorso dhar oo fadhiga taallay. Markii uu Raage boorsadii furay waxii ku jiray oo dhar u badnaa debedda ayay uga soo qubeen, waxayna ka dhex heleen xidhmo dhambaallo ah. Afhayeenkii ayaa dabadeed dhambaalladii qaar ka mid ah akhriyay isaga oo aan wax hadal ah dhihin ayuuna jeebka gashaday.

“Waa warqado caadi ah oo la ii soo diray mana jirto sabab aad jeebka u gashataa”, ayuu ku ashkatooday. “Waad na raacaysaa, arrin ayaannu wax kaa soo wayddiinaynaa.” “Arrin maxay ku saabsan?” “Waad ogaan ee baabuurka ina saar.” Kii kale markii uu baadhitaankii dhammaystay katiinad ayuu la soo baxay oo Raage labadible ugu yuururiyay, oo debedda u riixay. Deeqa iyo Leyli waxaas oo dhan sidii bisado dhaxamaysan ayay si miskiinnimo ah u eegayeen iyaga oo aan waxba ka qaban karin.

Qabashada qofka haddii aan loo cuskanayn sabab sharci ah, ama aan la dhawrayn xuquuqdiisa muwaaddin iyo xushmaddiisa dadnimo midna, xaalka oo dhamina yahay argagixin iyo xoog, xaq iyo xaqdarro ma ka la jiraan. Awoodda dawladdu waxay sharci tahay marka ay sharci ku socoto, haddii se ay yeelato dhaqanka argagixisada, magaceedana lagu qawlaysto, waxaa bannaan cid kasta ka hor timaadda iyo si kasta oo looga hor yimaaddo. Ma jiro burbur bulsho ku dhaca oo ka weyn in ay awoodda ilaalinta sharciga u xil saaran qudheedu ku tumato.

Fadhiga dambe ee baabuurka ayay Raage iyo afhayeenkii wada fadhiisteen, xagga horena ninkii kale iyo wadihii baabuurka oo aan awal isagu soo degin. Waa la dhaqaaqay, wax yar ka dibna ninkii Raage la fadhiyay inta uu maro yar oo masarka dumarka la’eg la soo baxay ayuu ku soo jeestay. “Maradan yar ayaan indhaha kaaga duubayaa…” “Ma in aad i indhoduubtid baad doonaysaa? U ma baahnid, nin weyn baan ahay, waan kuu ballan qaadayaa in aanan baxsasho isku dayin.” “Maya, maya saaxiib, annaga na laga ma baxsado ee waxaa jirta arrin kale. Inta aynu sii soconno ayuun bay kugu xidhnaanaysaa”, ayuu afduubihii yidhi isaga oo Raage maradii indhaha kaga giijinaya labadeedii dacalna qadaadka kaga guntaya.

Raage wax iscaabbi ah ma samayn, sababta loo indho duubayo garay, waxay diidayaan meesha ay geynayaan in uu ogaado. Muddo uu toban daqiiqo ku qiyaasay ayuu baabuurku xawli ka la duwan iyo leexleexasho badan ku socday. Dabadeed waa la joojiyay, isaga oo weli indhoduuban ayaana la soo dejiyay oo tobaneeyo mitir la lugaysiiyay. Indhoduubkii iyo katiinaddii inta laga furay ayaa, iyada oo aan lala hadlin, qol mugdi ah lagu harraatiyay, albaab culus oo bir ahna lagu soo xidhay. Indhoduubkii uu muddada ku soo jiray ka sokow qolku waa mugdi haddii indhaha faraha lagaa gelinayo aadan arkayn.

Habeen iyo maalin ayuu qolkii mugdiga ahaa ku jiray oo aanu juuq iyo jaaq maqlin, wax noole sheegtana arag, cunto iyo biyana afka saarin. Dabadeed habeenkii labaad, goor uu fiid ku qiyaasay, ayaa albaabkii cuslaa laga furay.

Laba nin ayaa garbaha qabtay una kaxeeyay qol kale oo ilays leh. Markii qolka la soo geliyay waxaa lagu fadhiisiyay kursi, debedda ayaana looga baxay albaabkiina loo soo celiyay. Mugdigii uu ka soo baxay ka sokow waxaa indhaha ka haya ilays aad u cad oo ka soo baxaya nal qaawan oo wejigiisa toos ugu beegan, taas darteed wuu indhodaraandaray cabbaar dhan ayuuna waxba arki waayay oo indhaha marmaray. Markii uu araggii qunyar qunyar u soo noqday wuxuu arkay miis hortiisa qotoma. Nalku keligii ayuu ku soo jeedaa si ba’an indhaha uga hayaa.

Meesha in uu keli ku yahay ayuu maleeyay, dabadeed inta uu yar dhiirraday oo istaagay ayuu indhaha ilayska ka laliyay. Garay meeshu in ay tahay qol yar oo aan cid kale ku la jirin, laba kursi oo miiska dhinaca kale ka soo yaal mooyee wax kalena dhex ool, albaabkuna soo ceshan yahay. Dabadeed fadhigii ayuu ku noqday. Isaga oo aan weli haleelin in uu xaaladda si wanaagsan u oddoroso ayaa loo soo galay. Ma arko waxa soo galay waayo nalka ayaa ka xiga laakiin tallaabada laba qof ayuu ku maleeyay. Labadii kursi ayaa lagu fadhiistay, warqado iyo qalin ayaana miiskii la saaray. Gacmo nin oo ay faruhu isdhaafsan yihiin ayaa waraaqihii oo iftiinku aad u hayo la soo dul saaray. Waxaa ka muuqda kaatun dahab ah iyo saacad qaro weyn oo SEIKO ah. Cabbaar aamus iyo dhaqdhaqaaq la’aan ah ayaa raacay.

“Waa yahay, halkee ayaynu ka bilawnaa?” waxaa wayddiiyay cod nin oo maqalkiisa ku cusub. U ma uu jawaabin waayo u la ma ay ekaan su’aal jawaab ka sugaysa. Dabadeed ninkii ayaa isu jawaabay: ”Waxa aynu ka bilaabaynaa in aynu isku raacsan nahay arrimahan soo socda: In aad tahay Raage Xirsi Geelle oo ah macallin dugsi sare?” “Waan kugu raacsan ahay.”

“Dhawr sano hortood in lagaa soo celiyay waxbarasho aad debedda ugu maqnayd?” “Waan kugu raacsan ahay.” “Sababta laguu soo celiyay in ay ahayd fikrado qarandumis ah oo aad faafinaysay?” “Kuguma raacsani.” “Sidee ayay haddaa ahayd?” “Waxay ahayd in arday aan ka mid ahaa duruufo dalka ka soo cusboonaaday dortood dib loogu yeedhay.” “Maxay ahaayeen duruufaha dalka ka soo cusboonaaday?” “Na loo ma sheegin.”

“Ma jirtay in ay berigaa safaaraddu ku soo gaadhsiisay ashkato ku saabsan maqaal aad wargeys ku qortay?” “Haa.” “Ma jirtay in lagu xusuusiyay maqaalkaasi in uu ahaa fal qarandumis ah?” “Maya.” “Haye, sidee ayay haddaa ahayd?” “Waxay ahayd in uu qunsulku ii sheegay dawladdii aan martida u ahaa in ay maqaalkaas xumaan ka fahmi karto.”

Raage waxa keliya ee uu ninka la hadlaya ka arkaa waa labada gacmood ee miiska dushiisa qalinka ku cayaaraya. Waxaa kale oo muuqata jawaabaha uu bixinayo in aan labada qof midkoodna qorayn. Diyaar ayuu u yahay in uu ka been sheego arrin kasta oo ay la tahay qirashadeeda in uu ku halligmayo, ilaa imika se wax in uu ka been sheego u baahan la ma wayddiin. Ninkii wax wayddiinayay waraaqihii hor yaallay ayuu rogrogay oo waxii ku qorraa cabbaar eegeegay, dabadeed sigaar iyo kabriid jeebka ka la soo baxay.

“Sigaarka ma cabtaa?” ayuu wayddiiyay isaga oo Rothman u soo taagaya. “Maya, laakiin adiga oo mahadsan biyo ii keen.” “Biyo iyo cuntaba waanu ku siinaynaa haddii aad nala shaqaysid”, ayuu yidhi oo qofkii kale ee dhinac fadhiyay ku amray: ”Orod biyo u keen!” Dabadeed xabbad sigaar ah ayuu shitay qiiq culusna ilayskii ku afuufay. Qofkii biyaha loo diray bakeeri dheer oo buuxa ayuu Raage soo hor dhigay fadhigiina ku noqday. Gacanta biyaha u dhigtay iyaduna waa gacan nin. Degdeg ayuu u qurquriyay, wuxuuna dareemay sida ay caloosha madhan ugu dhacayaan.

Afduubihii mar kale inta uu qiiq soo afuufay ayuu Raage wayddiiyay: “Ruwaayaddii xalay madaxweynaha loo dhigay adiga ayaa diyaariyay doorka koowaadna jilayay, sow ma aha?” “Haa.” “Haye, maxay ka hadlaysay? Bal ii macnee.” “Adigu ma daawatay?” “ wayddiimaha aniga ayaa leh adigana waa kugu jawaabaha.” “Waxay ka hadlaysay qoys dawarsi ku nool.” “Qoyska dawarsiga ku nooli waa ayo?” “Waa qoys soomaaliyeed.” “Macnaheedu waa maxay?” “Macnaheedu waa waxa ay metelayso.” “Maxay metelysaa?” “Qoys dawarsi ku nool.” “Maxaa ka galay munaasabadda aad ku soo bandhigtay?” “In ay madaxda gaadhsiinayso xaalka bulshada.” “Bulshadu ma qoys dawarsi ku nool baa?” “Majaajilladu waxay ka hadlaysay qoys dawarsi ku nool.” “Waxii la isku ogaa wax aan ahayn baad meesha keentay, sow ma aha?” “Haa.” “Sow caddayn u ma aha in aad tahay beenaale aan daacad ahayn?” “Majaajilladu been iyo daacad darro ma ay ahayn”, ayuu ku jawaabay isaga oo ku dadaalaya in uu jawiga degganaan ku hayo.

Saddex dhambaal oo gacan ku qoran ayuu warqadihii hor yaallay ka soo saaray oo Raage u soo fidiyay kuna yidhi: “Bal warqadahan isha mari.” Raage wuu ka qaaday isha ayuuna mariyay. Waa warqado uu marar ka la duwan Rooble ka helay. Baqdin cusub ayaa ku abuurantay. “Su’aalihii aad i wayddiinaysay warqadahan waxba ka ma khuseeyaan.” “Wax badan baa ka khuseeya. Miyaad igu diiddan tahay in aad tahay mucaarad firfircoon?” “Warqadahani iga dhigi maayaan mucaarad.”

Afduubihii warqadihii ayuu dib u la noqday oo mid ka mid ah dhawr sadar kor u akhriyay: “…Raage, runtii waan u bogay fikradaha warqaddaadii ugu dambaysay ku qorraa. Aragtidaada ku saabsan xalka mushkiladdu waa mid aad u qiimo badan laakiin u baahan fidin iyo fulin…’ Waa warqad xiiso badan. Rooble waa adeerkaa, sow ma aha?”

“Haa.” “Bal wax iiga sheeg aragtidaada aadka u qiimaha badan ee ku saabsan xalka mushkilada ee aad fidinteeda iyo fulinteeda ku hawllan tahay?” “Ma jirto wax aragti ah oo aan fidinteeda iyo fulinteeda ku hawllan ahay.”  “Waxaan u jeedaa tan uu adeerkaa kaala hadlayo?” “Waa wax qoyskayaga oo keliya khuseeya.” “Isagu shaqada uu mucaaradka u hayaa waa maxay?” “Shaqo noocaas ah ku ma aan ogayn.” “Laakiin warqadahan iyo warbixin kale oo aan hayaba waxaa ku cad in uu yahay mucaarad firfircoon. Caawa oo dhan ma dafiraad baad dabada haynaysaa? “Adigu caawa oo dhan ma waxaad dabada haynaysaa denbi aanan lahayn in aad qoorta ii gelisid?” “Iyada oo aan waxba lagu wayddiin ayaa denbiga laguu haysto ciqaabtiisa lagugu fulin karaa. Sow taa ma ogid?

Haddaba waxaan doonayaa in aad ii sheegtid aragtida aad ku xallinaysid mushkiladda adiga iyo adeerkaa idin wada haysata.” “Ma jirto wax aragti siyaasadeed ah oo aan mushkilad na haysata ku xallinayaa.” “Miyaad diidaysaa in aad mucaarad tahay?” “Haa, waan diidayaa.” “Waa yahay, halkaas caawa ha inoo joogto”, ayuu yidhi oo inta ay warqadihii urursadeen sida sheyddaanka mugdigii ku libdheen, qolkana ka baxeen oo albaabka soo celiyeen.

In yar ka dib waxaa u soo galay laba nin oo uu codkooda ka gartay in aanay labadii hore ahayn. Qolkii ayay ka saareen una hoggaamiyeen barxad dhexe oo ciid ah. Katiinad ayay mar kale labadible ugu yuururiyeen, oo inta ay dhulka ku legdeen miigo dhabarka isugu laabeen, isaga oo xanuun la talalaya ayayna labada cagood dhegaha u sudheen. Wax badan ayuu maqlay jidhdilka loo yaqaan miigo, ama figayn, weligii se caawa ka hor ma uu fahmin xaqiiqada xanuunkeeda. Miigadu waxay dalka soo gashay sannadihii toddobaatanaadkii, waxayna ka mid ahayd dhaqammadii waxshiga ahaa ee ay askartu keentay, taas oo ka bilaabatay kuna dhex faaftay millateriga, dabadeed hay’adaha hubaysan oo dhan u gudubtay: nabadsugidda, hangashta, bilayska, asluubta, daraawiishta, guulwadaha iyo waxa la midka ah.

Erayga miigo sida muuqata wuxuu ka yimid diyaaradda dagaalka Ruushku farsameeyo ee loo yaqaan miig. Sababta loogu magac darayna waa iyada oo qofka la ciqaabayo inta gacmaha labadible loo xidho cagaha oo dib loo soo laabay iyo gacmihii dib u xidhnaa la isa sudho, dabadeed qadaadka iyo badhida la isku dhejiyo, laabta oo soo fiiqantay dhulka loogu mudo, dabadeed faraha laga qaado isaga oo u eg miig hawada duulaya.

Beryahaas markii ay dadnimadu goblantay waxaa jiray kuwo si gaar ah u bahaloobay oo bulshada ilkaha ku cuna, waxayna joogeen saldhig kasta, xabsi kasta iyo meelaha la midka ah ee dadka lagu ciqaabo. Haddii dib loogu fiirsado waxaa la ogaanayaa in ay ahaayeen dad qaba cudurro maskaxeed. Qaar iyaga ka mid ah ayuu miskiinkani caawa shillalka u saaran yahay. Daqiiqaddii dhabarka la isugu laabay, isaga oo sidii dibi la gawracay dhulka duuban, ayuu mid nimankii ka mid ahi si aan arxan lahayn bawdyaha qaare kaga garaacay.

Xanuun ayuu ilkaha isgeliyay, laakiin wuu ka badnaa mid loo adkaysan karo. Marka uu qofku qabo xanuun xad dhaaf ah oo aanu joojin karin, wuxuu miciinsadaa suuxinta ama ambinta dareenkiisa nafsiga ah, wuxuuna fekerka maskaxdiisa u dhoofiyaa meel aad uga fog isha uu xanuunka hayaa ka soo burqanayo. Waa sida ay yeelaan haweenku marka ay foolanayaan, oo ay si ay xanuunka isu illawsiyaan maskaxda ka daawadaan sawir qurux badan oo ah ilmaha ay foolanayaan oo nabadqab kaga soo baxay oo ay farxad ku la cayaarayaan. Shaki ku ma jiro dhalanteedkaa sariirta foosha ka fogi in uu ka dhimayo xanuunka markaas haya. Raage isaguna wuxuu ku tiirsaday hannaankaas nafsiga ah, wuxuuna isku dayay in uu maskaxdiisa ku soo ururiyo feker iyo sawir kasta oo dhamacda uu dhex jiifo dhinac uga yar jiidi kara. Dad ay hortii awoodda sheyddaanku karbaashtay, labadiblaysay oo dishay ayuu maskaxda ka weheshaday. Laakiin ma ahayn xanuun dhalanteed lagu sabaalin karo.

Wax ay garaacaanba mar dambe ayay ka tageen, keligii ayaana sidii shaag baabuur oo la tuuray isaga oo madow barxadda dhex giraangirsan. Cabbaar dhan ayuu sidaas ahaa ilaa uu mooday in meesha lagu illaawey. Awood kasta oo ilbidhiqsi keliya xanuunka ka dhimi karta, oo katiinadda ku roortay ee halbowlaha goysay ka debcin karta, ayuu u mahad niqi lahaa wax walbana siisan lahaa.

Waxay ahayd maalintii uu garaad ku filan iyo aqoon maskaxdiisa gargaarta yeeshay markii uu go’aan ka qaatay qabyaaladda, wuxuuna aaminsanaa in ay tahay cudur halis ah oo u baahan in bulshada laga daweeyo, laakiin dadka dawaynayaa ay horta iyagu ka dawoobaan. Ha ahaato ee caawa reerkii uu ka dhashay oo inta ay hubka soo gurtaan u hiiliya, dadka sidan u silcinayana dhafoorrada xabbad ka la dhaca, isagana birta ka fura, dhabarka la isugu laabayna u toosiya, ayuu dunida ugu jeclaan lahaa. Wax walba wuu ka dooran lahaa in ay intaa u sameeyaan.

Haddana hoosaynta fekerkiisa ayuu la yaabay. Ma sidaas ayaad u burburtay? ayuu iswayddiiyay. Sababta ay dadka u xanuunjinayaan waa in ay dadnimada ka dilaan, miyaa ay tahay markaas in aad daqiiqado ku burburtid? Ilkaha ayuu isa sii geliyay, wuxuu xasuustay tan oo kale diinta islaamku in ay ku tilmaanto “imtixaan” ay tahay in adkaysi lagaga gudbo. Miyaa ay tahay in aad duni wada tijaabo iyo imtixaan ah tii kowaad ku ka la daadato imtixaankii ugu horreeyayna ku dhacdo? ayuu isku canaantay.

Goor dambe oo uu miyirbeel ku dhow yahay ayuu cod iyo tallaabo bani aadam oo ku soo socda maqlay. In kasta oo uu askarta si xad dhaaf ah u necbaaday, markii horena sanqadh kasta oo dhankooda ka timaaddaa argaggax hor leh ku abuuraysay, imika imaatinkoodu in aanu xanuun u dhiman ku soo kordhinayn ayuu ogaa. Iyaga oo wax aanu fahmin ku duryamaya ayay miigadii ka fureen, oo inta ay laba nin gacmaha si naxariisdarro ah isku mar u dhufteen cabbaar jiideen, dabadeed inta ay katiinaddii ka fureen isaga oo aan far qaadi karin qol madow ku rideen, albaab culus oo bir ahna u soo xidheen. Mugdiga dartii xataa ma garan karo qolku in uu yahay isla kii awal laga soo saaray iyo in kale.

Halkii lagu tuuray saacado badan ayuu daadsanaa. Nigis keliya ayuu xidhan yahay, jidhkana inta badan dareenkuba wuu ka maqnaa, inta kalena waa ay wada dubaaxinaysay. Xanuunku wuxuu ugu darraa gacmaha, gaar ahaan halkii ay katiinadu ka haysay. Miyuu jiraa fal ka xun in qof bani aadam ah la jidhdilo? ayuu ka fekeray. Haddana wuxuu dareemay taasi in ay ka tahay nafjeclaysi fulaynimo ah oo markii ay dhibaatadu isaga ku dhacday uun ka damqaday. Wuu ogaa in ay ahayd arrin dalka oo dhan ka socota. Waxan oo liidnimo ahi miyaa ay kugu jireen? Waxan oo xanuun ahi miyaa ay jireen?

In uu boqollaal arday macallin u yahay boqollaal kalena aflixiyay waxay ku abuuri jirtay islaweyni badan. In uu dad sameeyay ayuu aaminsanaa halka ay dad kale lacag sameeyeen. Askartu in aanay sidoodaba dugsiyo dhigan ayuu xasuustay, oo ay dheer tahay iyada a majarehabaabiyay laguna soo carbiyay in ay maamulka u adeegaan bulshadana ka adeegaan.

Waxaa jira maamullo badan oo kelitalis ah haddana leh asaas waddaniyadeed, waxqabad horumarineed iyo daryeel ummadeed. Laakiin haddii uu maamulku ku dhisnaado una dhisnaado maslaxad hoose oo xaqiran, xaaraan ah oo lid ku ah ta bulshoweynta, maamul dawladeed ma aha ee waa maafiyo. Nadaam sidaas ku dhisan qofka u shaqeeyaa waa calooshii-u-shaqayste, dadka xaaladda noocaas ah ku jiraana waa lahaystayaal. Nacdashu qolaba si ayay ugu timaaddaa, soomaalidana waxay ugu timid askarinnimo.

Xanuunka hayaa wuxuu gaadhsiiyay daqiiqad gudaheed in uu mar miyir beelo haddana soo miiraabo, ilaa ay labadaa xaaladood iskaga darsameen oo marba ta uu ku jiro iyo ta kale ka la garan waayay. Daqiiqadihii debedda ugu dambeeyay ayuu xasuusta ku celceliyay iyo Deeqa. Sida riyada ayay fekerka iyo xasuustu isugu dhex qubteen. Wax waliba waxay noqdeen sawirro aan si wanaagsan u muuqan iyo sheekooyin aan taxnayn. Dabadeed wuu suuray.

Saddex bilood iyo labaatan cisho ayuu godkaa madow ku jiray. Marar badan iyo siyaabo ka la duwan ayaa muddadaas loo jidhdilay. Cuntada la siiyaa waxay ahayd mid loogu talo galay in ay bakhtiga uun ka ilaaliso. Afar iyo labaatankii saacadoodba mar baa shuuro arax ah iyo bakeeri biyo ah loo keeni jiray. Dabadeed maalin baa loo sheegay in Xabsiga Dhexe loo gudbinayo.

Warkaasi uga ma farxad yarayn iyada oo la sii daayay. Wuu ka fekeray sida iyada oo aan maxkamad la saarin xabsi loo geynayo, laakiin ku ma dhaco in uu ka hadlo. Sow godka lagu ma sii hayn karo? Wuu ogaa in ay xabsiyada fadhiyaan kumanyaal ku xidhan ciqaabta loo yaqaan ”ii-hay”.

Sidaas ayuu ku galay xabsi aanu ogayn inta uu ku jiri doono. Laakiin wuu ku faraxsanaa, waayo jidhdilkii wuu dhammaaday, cidladii madoobayd waa ay dhammaatay, gaajadii joogtada ahaydna waa ay dhammaatay. Cadaab wehel lihi waxay dhaantaa mid aan wehel lahayn.

Aanadii Negeeye – Qeybtii 28aad

Fikirkaada Waa Muhiim