Aanadii Negeeye – Qeybtii 25aad

Maalmihii uu arooska isu diyaarinayay ayuu Raage mar uun ina adeertii Leyla waayay. Wuu ogaa in ay noqonayso hormuudka hawsha arooska, laakiin in aanu dhawr cisho oo isku xiga arag sababteeda ma uu fahmin.

“Waxaan u malaynayaa in aan socdaal Burco ah ka maqlay”, ayay Deeqi Raage ku tidhi. “Ma socdaal sidaas kediso u ah? Ma Negeeye ayay wax ku dhaceen?” “Fili maayo, waxa ay se hadalhaysay arrin ay doonaysay in ay Negeeye degdeg uga la hadasho.” “Laakiin maxaa iyada oo aan cid sagootiyin subax keliya dhaqaajiyay?”

Wayddiintaa ayuu ku soo celceliyay isaga oo maleeyay in ay jiraan wax ay iyada iyo Leyli isla ogaayeen isagana ka qarinayaan, laakiin iyadu inkiraad ayay isla taagtay. Isaga oo maqnaanta Leyla sidaas u la yaabban ayaa maalin jimce ah, goor barqo ah isaga oo hurdo ka toosay keligiina gurigii cusbaa jooga, albaabka lagu soo garaacay. Wuu furay, mise waa Leyla oo garbasaar ku daboolan oo dirqi lagu garanayo.

“Ahlan wa sahlan, Leyla! Sow tan qoftaadii sida jinka dabaysha noqotay.”

“Nabad sow ma aha, Raage?”

“Waa nabad ee bal adigu iska warran?”

Durba Raage shaki baa galay. Dednaanteeda ayuu la yaabay. Wuxuu filayay in ay hab siiso oo diirranaantii caadada ahayd ku salaanto. Waxay u eg tahay qof tacsiyaysan. Wuu ku soo dhowaaday, garbasaartana qunyar uga fayday, naxdintii qabsatayna wuu ogaa! Qofka hor taagani Leylaba u ma ega. Wejigeeda oo dhami wuu beddelan yahay, dibinta sare iyo isha midigba waa ay barareen oo madoobaadeen qolof adag ayaana fuushay. Qof calool jilicsani wuu ka carari lahaa.

“Leyla, waa maxay sidani?” Iyada oo oohin darteed neeftu ka soo bixi la dahay ayay wejiga laabtiisa ku qarisay oo ku barooratay:

“Walaal wuu i dilay. Gacankudhiiglihii tuugga ahaa wuu i soo dilay. Dadkii in uu laayay iyo in uu dhacay ayuu ka dhigay.” Raage u ma baahna gacankudhiiglaha tuugga ahi ka uu yahay in loo sheego.

Mar haddii aad reer kale yeelatay Amran qiiqeeda badda ha ku la dhacdo, ayuu Negeeye ku fekeray. Markii uu aroos baxay wuxuu qalqaaliyay Leyla in uu Burco u raro, iyadu se fikraddaas ma ay soo dhowayn, waayo xaaladda nabadgelyo ee gobolkaasi waa ay xumayd. Dhanka kalena mar haddii ay maalmahaa jaamacadda ka baxayso in ay Xamar shaqo ka raadsato ayay ku talo jirtay.

Markii ay Rooble iyo Qarad Yurub u dhoofeen ayay Leyli u soo wareegtay gurigii ay banneeyeen, waana ay la yaabtay isbeddelka ay ka dareentay. Aad buu ugala duwan yahay kii ay jeclayd ee ku barbaartay. Mas’uul laga ma aha ee iyada ayaa mas’uul ah. Aabbaheed qolka akhriska ma fadhiyo oo marka ay seexanayso inta ay sii dhunkato isaguna hurdo wanaagsan u rajayn maayo. Haddii ay saqda dhexe qufacdo hooyadeed u iman mayso oo madaxa u salaaxi mayso gogoshana u hagaajin mayso. Curad guridambays ah oo la koolkoolin jiray iyo nolosha maxaa ka la haysta! Halkaas ayuu Negeeye bishiiba mar ama laba jeer ugu yimaaddaa, inta uu dhawr cisho la joogo dib isu cayntaariyaa.

Laakiin xataa inta uu la joogo iyada kelinnimada iyo dareenka cidladu ka ma baxaan. Sow gurigeedii iyo guurkeedii ma aha maxay ugu farxi la dahay? Negeeye miyaanay jeclayn? Miyaa ay ku degdegtay? Riyadii quruxda badnayd ee ay guurka ka haysatay iyo hankii ay u haysay noqoshada marwo reer leh xaqiiqo ka duwan ayay maanta calaacasha ku haysaa.

Waa ay qirsan tahay dhawrkii bilood ee ay isqabeen in aanay Negeeye wanaag mooyee xumaan ka arag, waa haddii aanay waxba ka soo qaadin asxaabtiisa aanay jeclayn ee soo booqda, mararka qaarkoodna guriga ku la qayila, kuwaas oo uu Diiriye ugu horreeyo. Waa ay qirsan tahay in uu deeqsi u yahay, oo wax kasta oo ay jamato degdeg u soo hor dhigo, gurigana wax kasta oo ay jeclayd u dhigay. Haddana meel ay garan wayday ayaa nafteeda bannaan. Waxaa jirta mar aad biyaha ku harraad beeli weydid.

Arooskoodii Negeeye Leyla wuxuu hadiyad u siiyay silis dahab ah oo ay aad u la dhacday, waxayna qirtay in aanay weligeed arag silis la qurux iyo qaayo ah, qoortana waa ay ka furi wayday. Deeqa firfircooni hagar la’aaneed hawlihii arooska ugala qayb gashay, dabadeed saaxiibbo isku dheer noqdeen, qudheedu siliskaa waa ay ka heshay oo dhawr jeer ayay ammaanaysatay. Joogto ayay isu booqdaan, filin iyo ruwaayad hadba ka ay gelayaan ayayna inta ay Raage weheshadaan isu raacaan. Galab galbaha ka mid ah Leyla oo niyad wanaagsan, oo inta ay beddelatay qaraabo salaan in ay u baxdo isu diyaarisay, ayaa albaabka lagu garaacay. Waa Deeqa oo aan Deeqa ahayn. Farxad la’aan ayaa ka muuqata. Markii ay wada fadhiisteen Leyli saaxiibteed waxay ka filaysay in ay waabayda gubaysa iska soo tuujiso, laakiin Deeqi waxba iska ma ay soo tuujin. Leyla oo dulqaadan kari wayday ayaa dabadeed wayddiisay:

“Deeqa, bisinka iyo yaasiinkee maanta maxaa jira?” Runtii Deeqi intii aanay Leyla u iman aad ayay arrintan welwelka gelisay uga soo fekertay, waxayna soo goosatay in ay runta farta u saarto. “Leyla, siliskani sidee buu kugu soo galay?” waxay tilmaantay siliskii oo Leyla qoorteeda ka lusha. Su’aashu Leyla dhiillo ayay gelisay waxba se ka ma ay fahmin. “Awal miyaanan kuu sheegin? Sow anigii kuu sheegay in uu Negeeye ii keenay?”

“Xaggee buu kaaga keenay?” “Burco. Waan ogaa in aad ka heshay, waxaan se islahaa arooskeeda hadiyad uga dhig, laakiin imika ayaan ku siinayaa”, ayay tidhi oo bilawday in ay soo furto. “Abbaayo, mahadsanid, laakiin arrintu sidaas ma aha, naagaha deriska ah ayaan nuxnuxdoodii ka joogi waayay. Waan hubaa in ay tahay been iyo balaayo ay abuureen…” “Waa kuwee naagaha nuxnux lihi?” “Kuwo deriska ah oo siliska inagu arkay.” “Oo maxay ka hadlayaan?” “Alle ha ina asturee waxay isla dhex wareegayaan gabadh siliskan lahaan jirtay oo baadiye ka timid in ay xaafadda joogto.” “Deeqa, maxaad ku hadlaysaa? Waa ayo dadka aad sheegaysaa?” Deeqa maalintii ay warka maqashay naxdintii ku dhacday waxaa ka daran ta imika haysa.

“Aniga waxay i la tahay been iyo balaayo, laakiin waxaa la isla dhex marayaa gabadha in siliska laga soo furtay. Isagu ma wuxuu kugu yidhi waan soo gaday?” Naxdin darteed Leyla koob shaah ah oo ay gacanta ku haysay ayaa ka dhici gaadhay. Iyadu ma aha dadka xanta xiiseeya, sheekooyinka xaafadda ee hebel iyo hebla ku saabsanna waqtiba u ma hesho oo waa danteed yaqaan. Ha yeesho ee war xumi dugsi ma fadhiisto, iyada oo aan dan ka lahayn ayuu had iyo jeer albaabka iyo daaqaddaba uga soo galaa. “Deeqa, maxaad ku hadlaysaa? Sida aad wax u maqashay ii sheeg waa sidee?”

“Abbaayo, waa intaas uun waxaan anigu maqlay: gabadh reer baadiye ah oo cid deriska ah u timid ayaa xaafadda gelisay in uu Negeeye adeerkeed dilay iyadana siliskan ka furtay. Waan og ahay in aan war xun kuu keenay, laakiin in aan kaa qariyaa sow ka ma sii xumaateen?” Leyli waxay moodday in ay riyoonayso, fikrado naxdin leh iyo sawirro foolxun ayaa maskaxdeeda weeraray, dhulka ayaa la wareegay, dhiigga ayaa shiilmay, neeftuna dirqi ayay kaga soo baxday, mar waa ay qabowday mar kalena gubatay. Garbosaar dhabta u saarnayd ayay dhidid iskaga masaxday.

“Naagta la sheegayo adigu ma aragtay?” “Haa, indhahayga ayaan saaray, indhaha Alle ka tuurta! Laakiin la ma aan hadlin, waxay i la noqotay horta in aan adiga ku arko. Waa dhoocil reer baadiye ah oo haddii ay rabto waa beenteed.” Muddo dheer ayay Leyli far dhaqaaqda iska wayday oo eray ka soo bixi waayay. Fekerkeedii ugu horreeyay wuxuu ahaa sheekadu in ay tahay ceebayn iyo beenabuur. Sidii ay umaddu mucaarad iyo muxaafid isneceb ugu qaybsantay waa ay ogayd waxii tuute sitaba, siiba saraakiisha gobollada dagaalka sokeeye ka socdo ka shaqaysa, in la neceb yahay. Waxay malaysay ciilka dawladda iyo millateriga loo hayo in Negeeye lagu la dhacay, oo ay tahay fadeexad ay dadka xanaaqsani ka dambeeyaan.

Waa ay isku dayday in ay arrinta ka eegto weji kasta oo ay lahaan karto, laakiin ku ma ay guulaysan. Maba ay awoodin in ay fekerkeeda xagga xun u sii dayso. Waa ay waalan lahayd haddii ay sidaas wax u aragto. Marba ta ka dambaysa waxaa ku soo durkay sawirro baqdin leh. Sheyddaanka ayay iska naartay, oo talo ku goosatay bal horta habaarqabtada la sheegayo in ay aragto. Iyada iyo Deeqi markiiba waxay u wada hawl galeen sidii ay gabadha oo keligeed ah u heli lahaayeen. Haddii ay meel dad kale joogaan ku la hadlaan waxay ka baqeen in ay fadeexaddu sii faafto. Marar badan ayay wada socod iyo kelikeliba sidii dad basaasiin ah gurigii ay joogtay agagaarkiisa ku noqnoqdeen, oo ay hareeraha ka qooraansadeen, bal in ay mar uun helaan iyada oo baxaysa ama gelaysa. Dhawr jeer ayay iyadu ka il horreysay oo wejiga ka dadabtay.

Cishooyin ka dib goor galab ah Leyla oo xaafadda bas kaga degtay ayaa si kediso ah u aragtay gabadhii oo waddada dhanka kale bas ku sugaysa. Eegmo kulul ayay indhaha isdhaafsadeen. Intii ay Leyli sii hubsanaysay ayay tii kale eegmada ku mudday qoorta Leyla oo aan markaa wax silis ahi ka muuqan, dabadeed degdeg uga jeesatay. Xaggii ay qoftu taagnayd ayay Leyli u tallowday.

“Nabad ma la sheegay?” ayay Leyli gabadhii ku bariidisay. “Waa nabad haddii lagaa helo.” “Hodan dhowaan miyi ka timid sow adiga ma aha?” “Maxaad uga baahan tahay Hodan dhowaan miyi ka timid?” “In aan ku la hadlo ayaan rabay ee ma kaa heli karaa?” Hodan waxay jeclaan lahayd in ay naagtan hor taagan ku aragto siliskeedii ay maalmo hore ku aragtay si ay ugu booddo oo wejiga uga diirato, timaha u jiiddo, ciidda ugu camcamiso, dabadeed uga furato. Laakiin imika wax ay samayso waa ay garan wayday, waxa ay Leyli doonayso in ay ka la hadashana waa ay fahmi wayday. Waxay malaysay in ay xantii gaadhay, taasina waxay ku abuurtay baqdin ay ka qabto in iyada iyo reerka ay la joogtaba xabsiga lagu guro.

“Maxaad igala hadlaysaa ee inaga dhexeeya?” “Leyla ayaa la i yidhaahdaa, waanan hubaa in aad i taqaan. Guriga keligay ayaa jooga, waxaanan jeclaan lahaa in aad ii raacdid, waad og tahay in ay jirto arrin muhiim ah oo ay tahay in aynu ka wada hadalno.” “Ma jirto wax aan kaala hadlayaa.” “Waxaa laga yaabaa taasi qudhaada in ay dan kuu tahay. In meelahaa la iska necbaado waxaa ka habboon in waxa la isu qabo la isu sheegto. Wax aad iga tirsanaysaa haddii ay jiraan waan hubaa in aan kaa qancin karo ee i raac.” Hodan sawirkii Negeeye ayaa mar kale hor yimid, in la dabayo ayay malaysay, hadalka Leylana denbi la’aan ayay ka yar dhadhansatay. “Dan baan u socdaaye waxa aad haysid imika soo daa.”

“Dad waaweyn baynu nahay, dariiquna ma aha meel lagu wada hadlo. Haddii aad wax iga tabanaysid adiga ayay ahayd in aad ii timaadid oo igala hadashid, haddii se aan anigu isxilqaamay ha igu diidin ee ina keen.” “Ninkaagii sow ma joogo?” “Maya, dhulkii uu ka shaqayn jiray ayuu ku maqan yahay, wax dhib ahna la kulmi maysid ee i raac.” In kasta oo sidaas wax loogu sheegay haddana Hodan tegista gurigaasi wuxuu u la mid ahaa waraabe ay godkiisa ugu gashay. Sidaas oo ay tahay waa ay raacday.

Markii ay habaryarteed Xamar ugu timid waa ay ka xog la’ayd waxa uu qaddarku u sii qoondeeyay ee ah in ay magaalo ay boqollaal kun ku nool yihiin siliskeedii ku arki doonto. Guriga ay martida ku tahay iyo ka Leyla, in kasta oo ay isku xaafad yihiin, deris ma aha oo waddo ayaa ka la dhex marta, habarwadaagteed Caasha ayaa se noqotay buundo dhacdadaa yaabka leh u gudbisay. Caasha iyo Leyli in kasta oo aanay weligood isdhdexgelin haddana ilaa yaraantii dusha ayay iska yaqaanneen, qiyaastiina waa isku fil. Sida gabdhaha kale ee xaafadda waa ay ogayd Leyla in uu guursaday sarkaal lacag leh oo u dhigay aroos aan mid la mid ah la arag oo la maqal.

Caashi waxay ka mid ahayd kuwii ugu horreeyay ee yidhi: ”Ma maqasheen tii buuryoqabka ahayd ee ina Gaalismood in ay askari guursatay? Dadka xumi isma waayaan!” Isla beryahaas guurku dhacay waxaa kale oo la ogaaday sarkaalku in uu ka mid yahay kuwa gumaadka ka wada gobollada waqooyi ee dalka. Markii ay Hodan timid, ee balaayadii tuuladooda ku dhacday ka sheekaysay, waa ay magacawday sarkaalkii taa hoggaaminayay markaa ka dib caan noqday. Qunyar qunyar ayay dabadeed iyada iyo Caashi arrinta u sii qodqodeen ilaa ay xaqiijiyeen in uu yahay isla sarkaalka qaba Leyla Rooble. Maalin dambe Caasha iyo Hodan oo Suuqa Bakaaraha ka adeeganaya ayay Caashi meel ka yar durugsan ka aragtay Leyla oo iyaduna adeeganaysa oo miis qudaar lagu gadayo ku foororta. Inta ay Hodan hoosta ka gujisay ayay ku tidhi:

“Ma aragtaa gabadhaa dheer ee diraca huruudka ah gashan?” “Haa.” “Waa Leyla Rooble, xaaskii Negeeye.”

Hodan ciil ayay la kurbatay, Leyla oo weli iska baraad la ayayna sidii ay Negeeye ka dhex aragtay aad ugu fiirsatay. Inta ay dhaqaaqday oo ku dhowaatay ayay haddana iyada oo yaab la indhaho caddaynaysa soo noqotay.

“Caasha, ma rumaysanaysaa siliska ay gashan tahay waa kaygiiye?” “Oo waad hubtaa?” “Waa tii aan hooyaday iyo aabbahayba waayaa!” Cabbaar ayay wax ay sameeyaan garan la’aayeen oo sidii laba sanam meesha iska taagnaayeen. Mar waxay damceen in ay Leyla la hadlaan oo runta u sheegaan, haddana waxay ka baqeen waxii tuulada ka dhacay wax la mid ah in ay qoyska u soo jiidaan. Mar waxay damceen haddii ay gar qaadan weydo in ay garaacaan oo siliska ka furtaan, haddana isla sababtii hore ayay uga hakadeen. Intii se aanay wax go’aan ah gaadhin ayay Leyli dadkii ku dhex luntay oo ay waayeen.

Taa markii ay reerka u sheegeen waxaa lagu heshiiyay arrinta in aan waqtigan la furfurin. Dhawr jeer oo kale ayay siliska Leyla iyo saaxiibteed ku arkeen, laakiin marna la ma ay hadlin. Af dumar isu ammaan ma aha ee markiiba xantii xaafadda ayay xushay. Dabadeed gabadh ay Deeqa xaafadda saaxiib ka yihiin ayaa iyadana soo gaadhsiisay.

Daaraddii ayay Leyli laba kursi soo dhigtay, markii ay Hodan fadhiisisayna gudaha cabbitaan ka doontay. Intii ay gudaha ku maqnayd Hodan waxay indhaha la raacraacday waxyaalihii daaradda ka muuqday ee dhar, weel iyo qalab kale ahaa oo ay malaysay in uu Negeeye soo dhacay, waxayna run ahaantii ka dhex eegeegtay wax ay tuuladeedii u aanayn karto. Tuuladeeda weel iyo dhar laga ma soo dhicin ee wuxuu iska ahaa dareen ku talogal la’aan ugu dhashay.

Leyli laba quraaradood oo faanto qabow ah ayay keentay, dabadeed gabadhii kursi ku soo hor fadhiisatay. Indho ka la baqaya si isu neceb ayaa la ka la warwareejiyay, erayo faaruq ahna meelo kale la isla soo maray. Laakiin hadal waa run ka ma rayste.

”Ilaa maalintii ay fadeexadda aad xaafadda ii gelisay i soo gaadhay murugo ayay ii ahayd. Maxaad ku keentay fadeexad intaa la’eg in aad naga fidisid? Haddii aad ninkayga neceb tahay, sida laga yaabo in aad dawladda oo dhan u neceb tahay, miyaad xaq u lee dahay qoys ahaan in aad na aflagaaddaysid?” “Ma jirto fadeexad aan kaa fidiyay, laakiin ma waxaad doonaysaa in aad i xidho?” Leyli waxay xasuusatay in uu jiro dhaqan waxshi ah oo ah qofba ka uu ka awood badan yahay in uu marka uu doono xidhi karo.

“Haddii aan doonayo in aan ku xidho gurigayga kugumaan martiqaadeen, ku lama na hadleen. Laakiin haddii ay caddaato in aad fadeexad aan jirin iga fidisay in aan ku dacweeyo iyo in aan ku xidhaba xaq baan u lee yahay.” “Waa maxay fadeexadda aad sheegaysaa?” “Silis aad lahaan jirtay miyaad igu aragtay?” “Haa.” “Sidee baad ku ogaatay in uu kaagii yahay?” “Waan kugu arkay.” “Muuqaalka sare ka sokow ma ii sheegi kartaa wax u gaar ah oo lagu garan karo?”

wayddiintaasi in kasta oo ay ahayd mid meesha ku jirta haddana labadooduba waa ay dareemayeen in aanay macno badan lahayn, waayo caddaymaha ilaa hadda la isla hayo ayaa ka waaweyn. Ha ahaatee si aan madmadow ku jirin ayay Hodan u sifaysay.

“Sidee ayuu markaa kaaga baxay?” “Ninkaaga ayaa iga furtay.” “Ninkayga xaggee baad isku aragteen?”

 “Kalhore ayuu tuuladii aan degganaa isaga oo ciidan wata nagu qabsaday. Wuxuu dilay adeerkay Xaaji Nuur, waxii ay dadku haysteena wuu ka furtay.” “Wuxuu dilay adeerkaa Xaaji Nuur waxii ay dadku haysteenna wuu ka furtay?” “Indhahayga oo shan ah.” “Haye?”

Hodan baqdintii ay Leyla ka qabtay imika waa ay yaraatay. Waxay hubsatay in aanay wax badan ka ogayn shaqada Negeeye. Waxay tallaabo tallaabo uga warrantay wax alla waxii uu Negeeye tuuladeeda ku la kacay iyo waxii la midka ahaa ee ay ka maqashay. Markii ay warbixintii dhammaysay ee aragtay in aan Leyla eray ka soo baxayn ayay iska kacday dhankii albaabkana u dhaqaaqday.

“Dhegayso gabadh yahay”, ayay Leyli Hodan oo sii baxaysa ka daba tuurtay, ”arrintan waan daba gelayaa, haddii aad dahabka yeelatidna aniga ayaa kuu keenaya, haddii kale dacwad iyo maxkamad isu diyaari. Fadeexadda aad wareejinaysidna jooji.” Hodan waa ay baxday. Socdaal degdeg ah ayay Leyli isu tabaabulshaysay, saddex maalmood ka dibna waxay ku qornayd duullimaadka diyaaradda Burco.

***

Xerada ciidankiisa ayuu Negeeye joogay markii ay u timid farriin ah in ay xaaskii diyaarad soo saaran tahay. Markiiba Burco ayuu baabuur u la cararay. Diyaaraddii oo saddex saacadood soo daahday ayaa afartii galabnimo gegi habaas badan soo caga dhigatay. Siigadii ayaa cirka isku shareertay, ilaa diyaaraddii iyo waxii gegida u dhowaaba la arki waayay. Leyla oo aan shandad yar oo garabka u sudhan mooyee wax kale sidan ayaa sallaanka ka soo hoobatay. Si ayay u yar wareersanayd, arrinta ay darteed u soo dhooftay ee damqaysay ka sokow, waa markii koowaad ee ay diyaarad raacday, daqiiqaddii ay soo fuushay ilaa ay ka soo degtayna baqdin ayay u ahayd. Iyada oo mayd ka qabow ayuu isku duubay, laakiin iyadu waa ay iska maahsanayd, wuxuuna maleeyay in ay safarka ku soo daashay. Isaga oo aan wax badan wayddiin ayuu baabuurkii ku qaaday.

Markii ay magaalada dhex marayeen Leyla waxaa kediso ku noqotay sida ay waddooyinku faaruq u yihiin. In kasta oo ay ahayd afartii iyo dheeraad, haddana isheedu waa ay qaban wayday wax dad ah oo dhaafsiisan kooxo askar ah oo meelo ka la duwan tuban.

“Negeeye, magaalada dadkeedii mee?” “Guryahooda ayay ku jiraan”, ayuu si deggan ugu jawaabay. Isla markaas ayay xasuusatay arrin ay hore u maqashay. “Magaalada ma bandoo baa saaran?” ayay wayddiisay. “Haa. Saddexda galabnimo ilaa sagaalka subaxnimo.” Intii ay sii socdeen Negeeye wuxuu ka hadlayay warar uu islahaa Leyli waa ay xiisaynaysaa oo ku saabsan gobolka iyo magaalada. Iyada se maskaxdeedu waxay qaadan kari la’ayd magaalo intaa la’eg dadka lagu khasbay in ay guryaha ku jiraan sida maxaabbiista. Burco waxaa saarnayd heeryadii dulmiga, waxaa ku foororay hubkii burburka, waxaana hoggaanka u hayay shakhsiyaad damiirka ka buka. Waxaa saarnayd bandoo.

Markaa bandoodu waxay ahayd saddexda galabnimo ilaa sagaal subaxnimo. Lixdaa saacadood ayaa dadka loo oggolaa in ay qorraxda arkaan. Dhaqdhaqaaqa gaadiidku isagu mar walba wuxuu ahaa dembi, baabuurtuna sidii daasado laga dan dhammaystay ayay waddooyinka u daadsanayd.

Bandooda lixda saacadood ahayd marar badan ayay isu rogtay afar iyo labaatan saacadood. Waxay ahayd markii uu qofka xanuunsadaa guriga ku dhiman jiray, haweenkuna guriga ku ummuli jireen. Galabtana waddooyinku waxay u qaawan yihiin sidii meel beri hore laga qaxay, waxay u eg tahay meel dadkeedii daacuun xaaqay, muuqa aadami ee la arki karaa waa millateri keliya oo ah bakteeriyada daacuunka keentay.

In bulsho dhan la jujuubi karo iyo in kale waxay ku xidhan tahay dhaqanka iyo hab fekerka bulshadaa. Ummadaha badankoodu wax ay soo mareen marxaladaha dhiigmiiradka, isku noolaanshaha iyo isaddoonsiga, taas oo ay sababeen beeralaynimada iyo dabadeed reer magaalnimadu. Taasi waxay bulshooyinkaa u soo layliday una soo nuglaysay ku hoos noolaanta talis kasta, xataa mid jujuub ah. Soomaalidu marxaladahaas oo dhan waa ay ka soo dul boodeen, waxbana u ma dhexayn madaxbannaanidii buuxday ee shakhsiga iyo tan cusub ee dawladnimada. Taasi waxay u diidday in ay raalli ka noqdaan nadaam dusha kaga yimid, gumaysi shisheeye iyo kelitalis sokeeye mid uu ahaadaba. Bulshada sidaas ah inta la cabbudhin karaa waa inta ay iska abaabulayso oo keliya, dabadeed waxay u gilgilataa si la eedo.

Talisku si uu dadka soomaalida ee sidaas ah taladiisa ugu sandulleeyo ayuu adeegsaday argagixin iyo arxandarro aan xad lahayn oo u dhigma waxii argagixiso iyo arxandarro ku jiray marxaladihii laga soo dul booday oo dhan. Bandoodu waxay ahayd amarkutaaglayn kelitalis caqliga ka buka oo meesha ugu ba’an gaadhay, iyo dadkii awoodda hayay oo ay ka dhinteen dareenka xilkasnimada iyo damqashada dadnimadu. Waxaa se hubaal ah qofka qof kale xorriyadda ka qaadayaa in uu yahay qof aan qudhiisu xor ahayn oo addoon u ah jahli, doqonimo ama nacayb, ama intaba.

Leyla wuxuu geeyay laba qol oo u kiraysnaa, marka uu magaalada joogana ku danaysan jiray. Isaga oo daalka iyo maahsanaanta ka muuqda ku maleeyay xanuun dumar iyo wallac, ayuu wayddiiyay bal in ay bukto. Waxay ugu jawaabtay: “Bukaankayga iyo caafimaadkaygu ha inoo dambeeyeene horta aynu wada hadallo.” “Haye.” “Ii ballan qaad waxa aan ku wayddiiyo in aad daacad uga jawaabaysid.” “Leyla, caadi ma tihid ee miyaad masayrsan tahay?”

“Caadi ma ahi, mana masayrsani. Aad baan u neceb ahay beenta iyo laablaabka, maantana waxaan kuugu imid in aad ii caddaysid in aadan xaaraan ku noolayn, anigana doonayn in aad igu dhaqdo.” “Judhiiba waan gartay maanta in aadan caadi ahayn. Naa bal sheyddaanka iska naar oo si deggan ii la hadal. Maxaa jira?” “Laakiin ii ma aad ballan qaadin in aad daacad iigu jawaabaysid.” Negeeye madaxa ayuu salsalaaxay, dabadeed si xanaaq leh Leyla ugu soo jeestay.

“Naa daacad iyo nacnac lahaane, haddii aad soo waalatay annaga ha na waalin ee ka hadal waxa aad doonaysid in aad ka hadashid.” “Xoolaha xaggee baad ka keentay?” “Xoolahee?” “Xoolaha aad guryaha ku dhisatay ee jeeb walba kaaga buuxa?” “Xoolaha xaggee baad ka keentay waa maxay? Sow ma shaqaysto?  Miyaanan shaqaysan?” “Mushaharkaagu waa imisa?” “Leyla, waa maxay sida aad wax ii wayddiinaysaa?” “Waan og ahay mushaharkaaga in aad guryo ka dhisatid iska daaye in aanu xataa nolol kuugu fillayn. Xaggee baad ka keentay markaa lacagta intaa tiro la’eg?” “Ma imikaad ogaatay mushaharkayga in aanan guryo ka dhisan kareen? Maxaa kugu soo kordhay?” “Hore kuu ma aan wayddiin laakiin imika ayaan ku wayddiinayaa?” “Leyla, isdeji oo sheyddaanka iska naar.

Ma jiro shaqaale ay mushaharadiisu ku filan tahay, xitaa madaxweynaha tiisu habeen iyo maalin ku ma fillaateen. Ma jiro qof mushahar ku nooli, ee waxaa jira nadaamyo kale oo ay dawladdu ugu talo gashay in ay shaqaaleheeda ku kabto: waxaa jira gunno, waxaa jira daryeel, waxaa jira xaq, waxaa jira kun farsamo oo lagu noolaado. Gaar ahaan saraakiisha si gaar ah ayay dawladdu u xannaanaysaa, haddii kale sow dhici mayso yaa difaacaya?”

“Iska illaw waxa uu maamulku si sharci ah iyo si aan sharci ahaynba idiin siiyo, laakiin ma jirtaa in aad idinku dadweynaha boobtaan oo furataan? Ma jirtaa shakhsi ahaan adigu falal noocaas ah in aad hoggaamisay?”

Negeeye imika si wanaagsan ayuu u fahmay ujeedadeeda. Shaki ku ma jiro in ay Xamar ku soo maqashay sheekooyin noocaas ah. Laakiin waa u miskiinnimo iyo weliba doqonnimo haddii ay sidaas wax uga fekerto, ayuu isyidhi. Ku ma uu degdegin jawaabta, sigaar iyo qaraf ayuu jeebka ka la soo baxay oo xabbad shitay, daymo dhaliil leh ayuu cabbaar eegay qosol quudhsi lehna muunsooday. “Illayn miskiinnimada aabbahaa Rooble ka darrid! Anigu ma waxaan ahay madaxweyne? Dalka ma anigaa xukuma? Sidee bay u dhici kartaa in aan ku kaco fal aan u madax bannaan ahay? Sidee baad ugu fekertay in aan mas’uul ka noqon karo dhac dadweyne loo geystay?” “Xagaagii hore ma dhacday in aad adiga oo ciidan wata tuulooyin gubtay, waxii hanti taallay boobtay, dadkana qofkii aad doontidba dishay?”

Negeeye si weyn ayuu u naxay. Laakiin si uu naxdintaa u qariyo wuu isxanaajiyay, jiman ayuu isku kiciyay, inta uu sare joogsaday ayuu daaqaddii Leyla ka soo horjeedday sigaarkii oo shidan ka tuuray, dabadeed inta uu daaqaddii ku soo tiirsaday oo gacmaha isdhaafsaday si xanaaq leh u soo eegay. Wuxuu garawsan waayay cid kaleba ha joogto ee in ay iyadu maxkamadayso, oo ay halgankii noloshiisa ee uu Ilaahay iyo aadamiba uga go’ay ku dhoobaysato.

“Waxaad u hadlaysaa sidii Raadiyow Kulmis”, ayuu yidhi sidii caadada u ahayd munaasabaddan oo kale. ”Waan rumaysan la’ahay qofka sidan ii la hadlaysaa in ay tahay xaaskaygii. Naa waxaasi waa hadaltiradii qudhmista. Marka aannu weerarkooda jebinno, ama god ay galeen ku gubno, ayay meelahaa la warwareegaan maato ayaa la laayay iyo nacnac. Midda kale, halkan waxa aan u joogaa waa dagaal ma aha diin barasho, waxaan u shaqaynayaana waa danteenna.” “Oo danteennu ma waxay ku jirtaa dhiigga iyo dhaca umadda? Waxa aad ku doodaysaa sow ma aha wax ay xataa tuugtu ka xishoodaan?” “Mar dambe aniga sidaas ha ii la hadlin! Ma fahamtay?” Imika Negeeye xanaaqu waa ka dhab, laakiin iyadu u ma ay joojin. “Dhegeyso Negeeye, xaggee baad ka keentay siliskii ay Allaahidu ku qornayd?” Maddane cad ayaa caloosha ka maray. Maxay baas oo naagtu soo ogaatay.

“Siliskii ay Allaahidu ku qornayd? Sow Kuu ma aan sheegin, maxaad iga wayddiinaysaa?” “Waxaad iigu hambalyaysay in aad dukaanka Burco ugu weyn iiga soo iibisay. Sow ma aha?” “Haye? Ma ka ugu yar in uu ahaa baad soo ogaatay?” “Maya, waxaan soo ogaaday in aad gabadh yar oo reer miyi ah ka soo furatay.” Negeeye Leyla oo kursiga soo kambadhuudha ayuu ku soo booday oo inta uu labada gacmood qabtay oo gilgilay indhahana indhaha ugu muday ku qayliyay: “Mar dambe aniga sidaas ha ii la hadlin! Ma maqashay? Dulligii iyo gaajadii aan kaa saaray baa malaha ku la wanaagsane, eray dambe oo sidaas ah yaanan kaa maqlin!” Intaa markii uu yidhi ee ay Leyli gacmihiisa iska dhufatay ayuu sii daayay, oo inta uu halkii uu awal taagnaa ku noqday isaga oo neeftuuraya si niyadxumo leh u soo eegay. “Gabadhii siliska lahayd waan la kulmay”, ayay tidhi. “Ma jiraan gaajo iyo dulli ka weyn ta aan galabta dareemayo. Nolosha aan u baahan ahay, ee la igu koriyay, waa iliil nadiif ah oo ka soo qulqushay haro xalaal ah, ee ma aha tog huubo ah oo ka soo fatahmay haro xaaraan ah.”

Negeeye waa ay ku dhalaashay, wuu rumaysan kari waayay in ay Leyli la kulantay inantii siliska lahayd. Sidee ayay u la kulmi kartaa, ma Hawd bay tagtay? Mise gabadhii jaan baa Xamar tagtay? Maxaa kulmin kara ee ka dhexeeya? In uu wayddiiyo wuu jeclaa, laakiin maya, waxaasi suurtogal ah ma aha. Waa naag ay quruumo jin durbaan u tumeen, sidii tii hore ayay jiman la shaqaysataa, ayuu isku madaddaaliyay. Waqti intan ka badan oo uu arrinta kaga fekero in u baahan yahay ayuu dareemay, laakiin horta sidee buu Leyla imika isaga furfuraa? “Naa qof la falay baad tahaye orod isfardaami.” “Xataa haddii ay arrintu si kale ahaan lahayd cudurdaar been ah ayaan damiirkayga ku sasabi lahaa, laakiin labadaada gacmood ayaad wax walba ku geysatay. Badanaa baahida aad lacag u qabtaa!” ayay ku tidhi cod maahsan oo la moodo in ay riyoonayso.

Cabbaar dhan ayaa la ka la aamusnaa, oo aan xataa la iseegin. “Noloshu sida aad moodaysid u ma fududa” ayuu mar dambe yidhi. ”Sidaas ayaa la isu wada cunayaa. Dadkani qofkii aan liqin iyaga ayaa liqaya. Waxaa caawa Burco dad ku nooli waa ciidan siyaabo ka la duwan u hubaysan. Waxaannu nahay laba col oo is’hor fadhiya, daqiiqad kasta ayayna xabbadu dhici kartaa.”

Intaasi waa intii uu janaraalka u taliya ka bartay. Wuxuu raaciyay: “Laba toddobaad oo keliya ayaa laga joogaa markii annaga oo kormeer ah aannu koox budhcada ah xadka isku dilnay. Waxaa da’ayay mahiigaan iyaga dan u ah, waayo dagaalkoodu waa dhuumaalaysi iyo argagixiso fuleynimo ah. Labadii baabuur ee aannu wadannay waa ay naga gubteen, ciidankiina waxii noolaa wuu ka   la   firxaday.   Saddex   askari   ayaa   roobkii   ku   dayoobay Jamhuuriyaddu dhan ay ka xigtana garan waayay, waxayna ka fursan waayeen in ay reer miyiga tilmaan wayddiistaan. Bal malee reer miyigaa xunxumi askartii walaalahood ahayd waxa ay ku sameeyeen? Halkii ay xadka u soo tilmaami lahaayeen waxay u tilmaameen ciidan xabashiyeed oo soohdinta dhanka kale ka fadhiyay. Saddexdii askari sidaas ayay xabashi dalqada uga galeen. Dadka noocaas ah ayaannu is’hor fadhinaa.

Xabashida ayay nagajecel yihiin.” “Waxaan maqli jiray: Digaagadda iyo ukunta tee soo horreysay? Dadku miyuu weligii sidaas ahaa? Miyuu weligii ciidankiisa ka xabashida ka jeclaa? Sow idinka ma aha iyo dhaqankiinna xun waxa beddelay? Waxa aad ku doodaysaa ma aha wax qof caqli lihi ku doodo.”

Weligii ma uu arag iyada oo sidan u xanaaqsan haddana u deggan. Wuxuu maleeyay in aanay waxbaba dan ka lahayn oo ay xataa furriin ku soo talogashay. Kursigii uu markii hore ka kacay ayuu ku soo noqday, oo inta uu hoos u foororsaday gacmihiisa eegeegay, oo cod intii hore ka miskiinsan ku yidhi: “Laba qof oo isqabaa sidaas in ay u wada hadlaan ma aha. Waxaad ii la hadlaysaa sidii aynu ka la dan nahay. Soomaalida oo dhami waa ay ku riyoonaysaa derajo iyo shaqo tayda u dhiganta, adiguna waxaad igu tilmaamaysaa horor. Sidee buu reer inoogu dhisnaanayaa haddii aynaan iskaashan?” “Ma dhaca iyo dhiigga dadkeenna ayaynu isu kaashannaa?” “Waxaan ahay askari, haddii ay dhac tahay iyo haddii ay dhiig tahayba, shaqadaydu waa askarinnimo.”

Wejigiisa ayay si toos ah u eegtay, weji labeen xaqiran ku dhaashan, dabadeed ku tidhi: “Taasi waxay burburinaysaa waxii aad ku doodaysay oo dhan. Waxaad qiraysaa waxa dhacaya oo dhan sababta ku gelisay in ay tahay fulinta doonis cid kale. Sow ma aha? Taasi waxay kaa dhigaysaa addoon. Miyaadan adigu lahaan karin doonis xor ah? Dunida qof waliba waa xor, shar iyo khayr waxa uu samaynayana wuu u madax bannaan yahay. Mas’uuliyaddaada shakhsiga ah cidina kaa ma qaadi karto haddii aadan adigu iska qaadin.”

“Ma shaqada ka tag baad i lee dahay?” “Haa, haddii ay taladaydu macno kuu lee dahay.” “Waxaasi caqligal ma aha.” “Haddaba soo beddelo oo Xamar nala soo deg, ama koonfurta kale nabadda ah.” “Xamar iyo koonfur? Xamar iyo koonfur maxaa iga soo gelaya, miyaan ka dawarsanayaa?” “In aad dadka dhacdid iyo in aad dawarsatid mooyee si kale haddii aadan ku noolaan karayn maxaad shaqadaada ugu xilanaysaa?” “Sida dalka looga nool yahay iyo dadka i la shaqada ahi waxa ay ku nool yihiin ayaan ku nool ahay. Waxaad doonaysaa in aan sida odayga ku dhalay wax baa xaaraan ah iyo wax baa xalaal ah if iyo aakhiraba ku seego.”

“Waa adiga ka if iyo aakhiraba seegaye sidan kugu la noolaan maayee warqaddayda halkaa ii dhig, ka dibna waxa aad doontid samee.” Negeeye inta uu si argaggax leh Leyla ugu soo booday ayuu wejiga dhirbaaxo kulul kaga soo gooyay, kursigii ay ku fadhiday ayayna dib ugu dhacday. “Eray dambe oo noocaas ah afkaaga yaanan ka maqlin, ciyaal suuqad yahay ciyaal suuqaddu dhashay!”Aad ayay u xanaaqsanayd, sidaas darteed xanuunkii dhirbaaxda la ma ay ooyin ee inta ay degdeg u soo kacday ayay Negeeye wejiga ka xagxagatay iyada oo leh: “Ha caayin hooyaday, ciyaalsuuq iyo tuugba adiga ayaa ahe.” Inta uu gacmaha qabtay oo soofaha ku tuuray ayuu dhirbaaxooyin  kale isaga daba geeyay. Dabadeed inta uu dusha ka fuulay isku dayay in uu khasab dharka kaga bixiyo, isaga oo ku duryamaya: “Naa bixi dharka! Markii aan fillo cad oo cammiran kaaga tegay waa abaalkay in aad caawa i fur iyo nacnac ii la timaaddee.”

Awooddeeda oo dhan ayay isugu geysay in ay iska difaacdo. Isaguna awal wuu dhirbaaxayay ee imika feedh darandoorri ah ayuu isu raaciyay. Ugu dambayn isaga oo xiiqsan, dhididkuna ka da’ayo, faryarada gacanta midig oo ay wax ka gaadheenna xanuun la ruxaya, ayuu iyada oo aan isdhaqaajin karin oo afka dhiig ka da’ayo wejiguna markiiba wada bararay oo soofaha daadsan, gurigii kaga baxay.

Isma ay ogayn si ay wax ka yihiin iyo meel ay joogto. Wareerka iyo xanuunku waxay maskaxda ku soo celiyeen guuxii ay necbayd ee diyaaradda, waxayna moodday in ay iyadii la soo dhacday. Cabbaar ka dib ayay isqaadday, iyada oo aan meel ay aaddo aqoon ayay baxday. Debeddu waa mugdi, gudcur magangooye aan ilays jirin dayaxuna maqan yahay. Qabow ba’an ayaa isaguna jira. Waa magaalo weyn haddana waa kayn bahalgaleen ah. Dulmiga ayaa ah bahal mugdi ku nool. Albaab ayay garaacday, cidi se ka ma ay furin. Mid kale iyo dhawr ku xigay ayay gargaraacday, laakiin furisi ha joogtee nololba ku ma ay malayn. Yaa waqtigan oo kale Burco irrid iska fura? Ma cid aan askari dil, afduub, dhac iyo kufsi u socda ahayn baa habeen socota ama albaab garaacda?

Markii ay waddada soo gaadhay waxay aragtay dab meel ka baxaya dhawr qofna ka ag muuqdaan. Garatay in ay yihiin askar hubaysan, laakiin ka ma ay leexan ee waa ay ku soo socotay. Iyaguna waa ay u qaadan waayeen qofta goortan iyaga soo abbaartay. Leyla war la’aan baa haysa ee ma askar hubaysan oo saqdhexe Burco dhex taagan baa cagahaaga lagu doontaa? Adiga oo sii ordaya in ay xabbad dhabarka kaaga dhuftaan ayaa caadi ah, sidaas ayaana dhaanta in ay gacan kugu dhigaan. Waxay gaadheen in ay haweenka dharka ka furtaan: googarad, dirac, fooddad, masar iyo wax la mid ah. Oo maxay ku falayaan dhar duug ah oo ay miskiinad ka furteen? Waxaa la isma wayddiiyo. Haddii ay doonaan Xamar ayay u dhoofinayaan.

Askartu haddii ay dadka waddooyinka ka ugaadhsan jireen, guryahana ka la soo bixi jireen, qofkan daadduunka ah ee iskeed ugu timid waxay la mid ahayd laxdii indhaha la’ayd ee iyada oo wehel raadinaysa waraabaha eryatay. Waxay u sheegtay in la dhibaateeyay, magaaladana qariib ku tahay, sidaas aawadeed u baahan tahay in ay axsaan u sameeyaan oo geeyaan meel ay seexato. Kii la hadlayay, in kasta oo uu arkay dhaawaca qofta ka muuqda, haddana ma wayddiin cidda waxyeellaysay. Sidii ay taa uga filaysay ayuu boorsadii ka la booday, isaga oo furayana wayddiiyay:

“Meeqaad lacag sidataa?” Isla markaas ayuu xidhmo lacag ah boorsada ka soo saaray, oo markiiba tirinteeda ku mashquulay. Waxay ku tidhi: “Intaas ayaan haystaa ee wax aan Xamar baabuur ugu raaco uun ii reeb, laakiin aad baan u xanuunsanayaa ee meel aan jiifsado i gee.” “Soo bax”, ayuu ku yidhi isaga oo qorigii garabka gashaday lacagtiina weli mugdiga ku tirinaya. Wax yar ayuu lugaysiiyay, ka dib albaab garaacay, inan dhawr iyo toban jir ah ayaana ka furay: “Waryaa yarow, gabadhan ma u jeeddaa, waa la xoogay, lacagna ma haysato, markaa qol ay caawa jiifato albeerkada ka sii, yaa.” Yarku xoogista kufsi u ma fahmin ee wuxuu mooday in uu lee yahay waa la dhacay, wuuna arkaa lacagta uu askarigu gacanta ku haysto. Sidaas darteed wuxuu wayddiiyay:

“Oo yaa xoogay?” Askarigu isaguba in la kufsaday wuu maleeyay uune iyada ma wayddiin, in ay wax ka galeenba ma dareensana. Laakiin intii uu iyada wayddiin lahaa ayuu inankii canaantay: “Shaqadaada ma ahee meel ay cawada jiifato lee sii adiga.” “Kiradana yaa bixinaya?” ayuu yarkii wayddiiyay isaga oo xasuusan dabeecadda boobka iyo iimaan la’aanta ah ee ay askartu magaalada ku hayso. “Dhegeyso yarow, qoftani waa qof jirran, lacagna ma haysato, ee meel ay jiifato sii. Waa amar. Ma kastay?”

Yarku wuxuu mooday askariga qudhiisu gabadha in uu soo dilay soona dhacay denbigana doonayo in uu isaga dusha ka saaro. Isla markaa wuxuu ka xumaaday qof aan lacag bixin in lagu khasbo in uu albeerkada seexiyo. Laakiin qoriga ayaa taliya, waxba ma samayn karo. Isaga oo ciil la liita ayuu dhawr fure oo meel ka laallaaday gabadhii mid u soo taagay. Askarigii bixid ayuu u holladay, dabadeed Leyla ayaa ka daba tidhi: “Haddii aad lacagtii albeerkada igala tagtay tii aan berri ku dhoofi lahaana miyaad illawday?” Maya ee muu illaawin, garaad xumadiisa mar haddii uu tuute iyo qori sito lacagta Burco taal oo dhan in uu isagu lee yahay ayaa u qoondaysan. “Siisawyadu gabdhaha bilaash ayay ku qaadaane isdebber nooh. Hadday ku dhibaanna aniga i la soo xiriir. Meesha la iga helo waad taqaan.”

Leyli iyada oo ka la garan la dunidan ay caawa joogtaa in ay tahay tii ay taqaannay iyo mid kale, oo murugo, xanuun iyo yaab isu kaashadeen, ayay cabbaar sii taagnayd. Yarkii oo mooday in ay illawday in uu furihii qolka ay seexan lahayd siiyay ayaa isku dayay in uu xasuusiyo: “Maxaad la taagan tahay? Qolka lambarkiisu furaha aan ku siiyay ayuu ku qoran yahay.” Leyli waa ay ooyday, markii ay damacday in ay illinta iska masaxdana wejigii oo dhan ayaa wada damqaday. “Abboowe, askarigii ii kaa keenay iska illaw, anigaba waxaan haystay oo dhan ayuu iga dhacaye. Laakiin adigu axsaan ii samee oo caawa meel aan seexdo i sii. Lacagtana maalinta aan Xamar cagaha dhigo ayaan kuu soo dirayaa.”

Yarka waxaa ku jira shaki ah in ay iyada iyo askarigu u soo heshiiyeen. Laakiin hadalkeedu wuxuu u noqday fursad uu warbixin dheeraad ah kaga heli karo. “Ma isaga ayaa ku dilay? Cabbaar ayay ooyday, dabadeed mar dambe tidhi: “Isaga ama mid kale, miya ay macno samaynaysaa?” “Haddaa muxuu halkan ku seexinayaa? Maxaa idinka dhexeeya?” “Waxba nagama dhexeeyaan ee aniga ayaa ka baryay in uu meel aan seexdo i geeyo.” “Sow isagu ku ma dilin?” “Maya ee mid kale.” Jawaabahaasi yarka fahamkiisa wax badan ma ay tarin, wuxuu se gartay in ay tahay qof ay ayaandarro ku dhacday.

“Waxba lacag ha ii soo dirin ee qolkaa caawa seexo, aroortana nabad gelyo.” “Maya ee abboowe, waan kuu soo dirayaa. Askari xun oo ina wada necebi ma aha in uu iskeen nacsiiyo.”

Iyada oo ooyaysa ayay qubays gashay. Biyaha ay ku qubaysatay weligeed kuwo la qabow ah ku ma ay qubaysan. Iyada oo qarqaraysa ayay bustaha hoosta ka gashay. Badanaa ragga ayaa albeerkooyinka seexda, waana ay og tahay, laakiin dan ka ma leh. Hurdo la sheegi karo ma ay seexan, dhawr jeer oo ay gama’dayna mar walba iyada oo qaylinaysa ayay seleshay. Subaxdii markii waagu beryay ee ay muraayadda isku eegtay wejigeeda waa ay garan wayday. Aad ayuu u beddelnaa, gaar ahaan isha bidix dhiig ayay ka casaatay, barar ayaana qariyay. Labada dibnood waa ay barareen oo luun madow ayaa isku lingaxay. Garbasaartii ayay madaxa iyo wejiga oo dhan ku duubtay oo safar u ambobaxday.

Markii ay soodhoweynta albeerkada damacday in ay furaha dhigto waxaa joogay yar aan kii xalay ahayn iyo nin weyn. “Waa la ii sheegay adiga oo dhibaataysan xalay in aad goor dambe meesha timid ee maad dhakhtar u tagtid, oo kollay cidina wax kaaga qaban mayso ee dadkii sidaas kuu galay ashkataysid?” Waa ay ooyday, laakiin waxay ku guulaysatay in ay odayga u jawaabto oo tidhaahdo: “Adeer, dhakhtar iyo dacwad toonna haleeli maayee waad mahadsan tihiin. Ii tilmaama uun halka ay baabuurta Xamar tagtaa ka baxdo.” “Ma kii halkan kugu soo tuuray baa ku waxyeelleeyay?” “Isaga iyo wax la mid ah.”

“Dulli iyo wax xun oo dhan Alle idin bad! Waxaan se ku wayddiiyay, magaalada haddii aad qariib ku tahay meeye dadkii aad u timid?” “Adeer waa kuwa sidaas ii galay.” Odaygu labadaa arrimood wuu iswaafajin kari waayay, wuu se ka xishooday in uu sii qodqodo. “Haddaa adiga ayaan awalba dad khayr leh u iman. Maxaa waraabayaal ku cunaya wax kuugu daray? Gabadh baad tahaye naftaada dayaca waa laga ilaaliyaa. Nooli ma haysatid, sow ma aha?” “Baabuurta ayaan mid ka baryi doonaa in uu i qaado oo aan xaggaa ka siiyo ee ii tilmaan halka Xamar looga baxo.” Odaygii qaddar lacag ah ayuu jeebka ka soo bixiyay. “Bal hoo intan nooli ka sii dhigo oo mar uun meel nabad ah tag, dalkan meel nabad ahba anigu garan maayee. Waar Ducaalow, orod inanta istaanka Xamar gee!” “Adeer aad baad u mahadsan tihiin! Waxaan ballan qaadayaa maalinta aan Xamar tago cidda ugu horraysa ee aammin ah in aan idiinku soo dhiibo.” “Wax macno leh ma aha ee waxba ha isku caddibin ee bal lafahaaga uun meel gee.”

Leyli markii ay Xamar ku soo noqotay in kasta oo ay nafta iyo jidhkaba ka damqanaysay haddana markiiba iyada oo siliskii habaarka qabay sidda ayay gurigii Hodan tagtay. “Waxaan rabaa in aan Hodan la kulmo”, ayay ku tidhi islaan daaradda tusbax dheer ku werdiyaysa. “Ma joogto, eeddo. “Goorma ayaan heli karaa?” “Eeddo, awalba waa ay na soo yar gaadhay dhulkeedii ayayna ku noqotay.” Leyli waxay malaysay duqdu in ay Hodan ka qarinayso, wax ay se wayddiisay: “Oo ma soo noqonaysaa?” “Maya, soo noqon mayso.” “Haddaba waxaan jeclaan lahaa in aad ii sheegtid qof aammin ah oo aan farriin muhiim ah ugu dhiibo.”

“Eeddo, habaryarteed baan ahay, waxii aad ii fartana cidda ugu horraysa ee tegaysa ayaan u sii fari, haddii Rabbi nafta iigu simo”, ayay tidhi islaantii iyada oo qabta baqdin ay bilawgiiba imaatinka Leyla ka qaadday. In kasta oo aanay islaantu gabadha siliska dhaca ah lagu sheegay gacankudhiiglaha u dhaxday weli arag, haddana waa ay malaysay in ay iyadii tahay. Sidii ay Hodan u la kulantay reerka oo dhami waxay qabeen dhiillo ah in xabsiga laga buuxiyo. Leyli boorsadii gacanta ayay furtay siliskii habaarka qabayna ka soo saartay, oo inta ay islaantii calaacasha ugu shubtay u raacisay:

“Waxaan kaa codsanayaa meel ay joogtaba alaabtaa in aad iga gaadhsiisid. Qof weyn baad tahay oo waan hubaa in aad yeeli doontid.” “Haye eeddo, sida ugu dhakhso badan baan u gaadhsiin doonaa haddii uu Ilaaha awoodda lihi ii oggolaado.”

Habartii yaab ayaa baqdintii ugu darsamay. Waxay ka shakiday Leyli in ay dagayso, in ay dabayso oo ujeeddo qarsoon arrinta ka lee dahay. Silisku in uu kii ay Hodan ka sheekaysay yahay garatay, laakiin sababta ay ugu keentay ma ay garan.

Leyla malaheedu wuxuu u batay Hodan in ay Xamar joogto oo laga qarinayo. Sidii ayay noqotay oo dhawr cisho ka dib waxay aragtay tii oo siliskii xidhan. La ma ay hadlin. Waxay doonaysay iyada iyo Negeeye in ay xasuusteeda ka masaxdo, inta ay ka masixi karto. Markii ay Leyli iyada oo dhaawacan Burco ka soo noqotay, kana warrantay sidii ay wax u dhaceen, markiiba iyada iyo Raage waxay isu raaceen saldhigga bilayska Negeeye ayayna dacwad ka gudbiyeen. Halkaas waxaa loogu sheegay ninka ay dacweynayaan mar haddii uu yahay sarkaal xoogga ah in aan bilaysku shaqo ku lahayn ee ay u gudbiyaan Taliska Xoogga.

Waa ay garanayeen hadalkaasi in aanu dhab ahayn ee iyaga ogaan loogu majare habaabinayo. Dacwad waxaa Xoogga loo gudbiyaa oo keliya haddii ay labada qof ee wax dhex mareen labaduba Xoogga ka tirsan yihiin. Ha yeeshee sidii ayay yeeleen. Halkaas kalena waxay ka la kulmeen: “Meesha wax kale ma yaallaan ee haddii aad rabtid in aad ninkaaga iska furtid maxkamadda madaniga ah la aad.”

Isla markiiba Leyli maxkamadda ayay furriin ka codsatay, laakiin sidii ay moodaysay arrintu u ma ay fudadayn. Waa in ay sarkaal Negeeye ka derajo sarreeya oo u xoog sheegta heshaa. Waxay xaqiiqsatay furriinkeeda in ay ka la kulmi doonto hawl aan yarayn, waxayna la yaabtay sahalkii ay Negeeye ku guursatay iyo dhibaatada ay durba ka la kulantay.

Aanadii Negeeye – Qeybtii 27aad

Facebook Comments