Aanadii Negeeye – Qeybtii 24aad

Dhallinyarada soomaalida ee reer magaalka ah malaha ma jirto dunida dhallinyaro ka badowsani. Boqollaal kun oo magaalo ku wada dhaqan, dan joogto ahna wadaaga ama wadaagi kara, ayaa raba isbarashadooda iyo xidhiidhkooda oo dhan in ay hayb qabiil u maraan. Waxaa la isku qalday oo la ka la saari kari waayay dhaqan iyo hidde – dhaqan in uu yahay hannaan ay waqti la joogo bulsho u nooshahay, halka uu hidde yahay dhaqan mar hore lagu soo noolaa.

Haddii marxalad nololeed lagu dhagaxoobo, laguna dhiirran waayo geeddiga xiga, waxaa abuurma dhaqan silloon oo casriga la joogo magan iyo marti u ah. Sidaas ayaa dhacday markii ay soomaalidu ku guuldarraysatay in ay abuurto habnololeed magaalo oo ka duwan kii geela. Makhaayadda waxaa lagu ka la hayaa laba barafasoor oo qabyaalad isku af dhaafay.

Qof waliba wuu jeclaan lahaa in uu ku dhex noolaado bulsho u siman, waana la isku raacsan yahay danta guud in ay sidaas ku jirto, wax diidayaana ma jiraan, haddana la ma sameeyo. Dadku waa laba: mid aanay maskaxdiisu u bislayn in qabiil laga maarmi karo, iyo mid og laakiin aan lahayn kartida iyo dhiirranaanta ay tallaabadaasi uga baahan tahay.

Raage weligii Deeqa qabiilkeeda ma uu wayddiin, ku talogal ayayna ka ahayd iyo go’aan. Laakiin run ahaantii marar badan ayay arrintaasi naftiisa su’aal ku abuurtay oo uu cidda ay noqon karto maleeyay. In aanu qabiilkeeda wayddiin mar wuxuu u arkaa fikrad miskiinnimo ah oo aan macno lahayn, waayo bulshada oo dhami qabiil ayay ku dhisan tahay. Mar kale wuxuu dareemaa in uu ku saxsan yahay, oo si qabiilka looga xoroobo ay tahay in mar uun cidi bilawdo. Mar kale wuxuu iswayddiiyaa jacaylka uu iyada u hayo haddii uu qabiilkeeda ku lammaaniyo bal saamaynta ay ku yeelan karto. Wuu og yahay xataa haddii uu isagu tijaabo aan looga horrayn ku dhiirrado, oo qabiilka ay tahay dan ka geli waayo, in aanay jirin cid kale oo uga garaabaysaa, loona arkayo nin waalan oo dhalanteed ku jira.

Deeqa qudheedu bilawgii cidda uu yahay dan ka ma ay lahayn, markii se uu noqday qofka nolosheeda ugu muhiimsan ayay qunyar qunyar in ay ogaato u xiisaysay. Ha ahaato ee markii ay sida uu arrintaa uga maagayo aragtay ayay ku la dhici wayday. Dhawaaqa af soomaaligiisa, asxaabtiisa iyo siyaabo kale oo dadban ayay isku dayday in ay kaga xog hesho, u ma ay se suurtoobin. Dhawr jeer ayay sarbeeb ugu dheg hadashay, markii uu u bixi waayayna runta ayay ku dhalaalisay “Raage, haybi waa summad ee isu kay sheeg.”

“In aan soomaali ahay waad aragtaaye maxaad ka helaysaa ogaanshaha qabiilkayga?” ayuu u celiyay isaga oo jikaar, kaftan iyo dood intaba uga dan leh. “Dadkuba waa wada soomaali waana la is haybsadaa. Haddii la i wayddiiyo ninka aan la socdaa cidda uu yahay oo aanan aqoon sow la i la yaabi maayo?” “Laakiin haddii aan mid qabiilooyinka ka mid ah noqdo miyaad igu nacaysaa, haddii aan mid kale noqdana igu jeclaanaysaa, adiga aan shakhsiyadayda aad ilaa hadda jeceshahay dan ka gelin?”

Jawaabta inta uu iyada ka sugayo in la’eg ayuu naftiisa ka sugayaa. Waa ay yar fekertay dabadeed u celisay: “Waa dhaqan iyo caado, denbigana anigu ma lihi.” “Horta wayddiinta ka jawaab: qabiil miyaad igu nacaysaa ama igu jeclaanaysaa?”“Maya.” “Haddaa maxaad ku falaysaa?”

“Qofka in magaciisa la ogaado maxaa lagu falaa?” “In loogu yeedho dadka kalena lagaga tilmaamo.” “Haddaba haybtuna waa la mid.” “In aanay la mid ahayn adiguba waad og tahay.” “Adigu maxaad isu qarinaysaa?” “Waxaan og ahay in uu yahay dhaqan abaaday oo aan xin iyo faquuq mooyee macne kale lahayn.”“Taasi waa fikraddaada, laakiin anigu sida dadka kale ayaan u dhaqmayaa, haddii aadan ii sheeginna kollay waan ogaanayaa.”

Wuxuu u sheegay qabiilka uu yahay iyo ilaa lafta ugu hoosaysa ee ka sii yahay. Dabadeed inta uu wejigiisa indhaheeda ku beegay ayuu wayddiiyay: “Haye, wax ma iska kay beddeleen?” “Haa. Awal indhuhu waa ay ku ka la weynaayeen imika se waa ay isla’ekaadeen.” Iyaduna qabiilkeeda ayay u sheegta, dabadeed inta ay sidiisii oo kale wejiga ku beegtay wayddiisay: “Anigana maxaa iska kay beddelay?”

“Awal indhuhu waa ay iskaa la’ekaayeen, laakiin imika waa ay ku ka la weynaadeen.” Cabbaar ayay ka la aamuseen oo gooni gooni uga fekereen shakhsiyaddii hore ee ay isku doorteen iyo tan ay qabiilka ku lifaaqeen waxa ay ku ka la duwan yihiin. Isuma ay qiran, laakiin runtii naftooda waxaa ku dhashay dareen liidnimo ah kaas oo ay malaha dooddii is’haybsigooda ka horreysay sababtay. Raage badanaa fasaxyada wuxuu tegi jiray miyiga, laakiin sannadkan Xamar ayuu joogay. Dugsi gaar ah ayaa inta uu fasaxa yahay macallinnimo af ingiriisida ah laga siiyay. Waa u dan oo mushaharadiisa suququlka ah ayuu ku kabanayaa. Laakiin Deeqi waxay booqasho ugu kacday reer abtigeed oo miyi deggan.

Labadii bilood ee ay maqnayd Raage waxay ka la dheeraadeen sannad dhan. Muddadaa wuxuu dareemay hilaw iyo cidla aanu weligii dareemin. Mararka qaarkood isaga oo meelahaa maraya ayuu maqlaa codkeeda, marka uu ku jeestana muuqeeda waayaa. Marar badan ayuu gabadh si uun ugu eg ama dharkeedii oo kale xidhan iyadii mooday dabadeed ku hungoobay.

Goor fiid ah isaga oo keligii waddada tamashleynaya ayuu arkay iyadii oo waddadii uu hayay ka sii leexanaysa. Dirac iyo garbasaar marar badan ku arkay ayay xidhan tahay, timahana sidii caadiga ahayd ayay dib u shanlaysay. Aad ayuu u farxay haddana u naxay. Wuxuu la yaabay haddii ay soo noqotay sababta ay uga soo war dooni wayday. Tobannaan wayddiimood oo foolxumada ka la daran ayaa isku mar maskaxdiisa ku soo wada dhacay. Malaha nin kale ayay baratay, oo maba ay socdaalin ee marmarsiinyo ay kaaga indho qarsato ayay ka dhiganaysay? Malaha waaba Diiriye, ama mid kale oo ku dhaqaale dhaama?

Iyaga oo su’aalahaasi madaxiisa ku legdamaya ayuu orod iska dabo maqiiqay. Sidii uu u duulayay ayuu soo gaadhay, oo inta uu labadeeda garab labada gacmood ka buuxsaday xoog u soo jeediyay. Laakiin naxdin ayay la qaylisay, ilaa ay dadkii waddada marayay soo wada eegeen. Iyadii se ma ay ahayn, waxay ahayd gabadh kale oo aan soojeedka Deeqa ugaba egayn. Wuu naxay, sheyddaanka ayuuna iska naaray isaga oo mooday in uu soo waalanayo.

Berigaas ayuu xaqiiqsaday jacaylka aan xadka lahayn ee uu Deeqa u qabo iyo sida weyn ee uu ugu baahan yahay. Dabadeed wuxuu goostay marka ay Xamar cagaha soo dhigto in uu reerkooda wayddiisto. Markii uu go’aankaa gaadhay wuu xafidsanaa waddada taa loo maro. Waa in uu dhawr oday oo ay isku reer yihiin sii kaxaystaa. Haddana taa wuxuu u arkay macnodarro aad u weyn. Waxyaalaha bulshada ku sii haya dabarka adag ee qabiilku in ay yihiin waxyaalahaa yaryar oo isbiirsaday ayuu rumaysan yahay. Marka ay laba nafood oo isdoortay doonayaan in ay midoobaan laba beelood in is’horfadhiistaan, si ay u ansixiyaan, waa caado abaadday oo aan wax wanaag ahi ku jirin.

Guurku wuxuu ka mid ahaa hawlaha dhaqanka soomaalida ugu dhibaato iyo qaxar badan. Badanaa waxaa loo mari jiray geeddisocod dheer oo hakad iyo hantaaqo badan, xujooyin iyo shuruudo adadagina ku xayndaaban yihiin. Markii ay nolosha casriga ahi dalka ka bilaabatay, miyi iyo magaalaba, waxyaalihii ugu hor burburay waxaa ka mid ahaa dhaqankii guurka. Dhallinyaradu, wiilal iyo gabdhaba, iyaga oo aad mooddo in ay dhaqankaa adag ee jacaylkooda xayiri jiray ka aarsanayaan, ayay xataa iyada oo aan la isu diidin iskood isu la dhuunteen. Isla baxsigu ma noqon oo keliya xal ay ku badbaadaan labada isjecel ee la isu diiday, amaba ay ku ka la badbaadaan labada aan israbin ee la isku khasbay, ee waxayba noqotay moodo ay dhallinyaradu ku cabbiraan doonistooda xorta ah, kuna gooyaan majarihii adkaa ee waalidka damaaciga ah.

Laba qof oo isdoortay in ay mustaqbalkooda cid kale ka baryaan haddii ay tahay caado aan wanaagsanayn, haddana dhanka kale raalli gelinta waalidku waxay door weyn ka cayaaraysaa xidhiidh wanaagsan oo qoyska cusub iyo ehelka intiisa kale dhex mara. Raage iyo Deeqi iyaga oo huba dunida in aanay jirin cid jacaylkooda iyo qorshaha guurkooda is’hortaagi kartaa ayay haddana isku raacsanaayeen madax u buuxinta waalidku in ay muhiim tahay. Taa darteed isu oggolaanshaha ama isu diidku qiimo weyn ayay u lahaayeen.

Waxaas oo dhan isaga oo og ayuu Raage keligii galab reer Warsame u ardaa fadhiistay. laga ma xog la’a, Deeqa ayaa magaciisa, shaqadiisa iyo ujeeddada uu u imanayo reerka ku sii wargelisay. Warsame wuxuu filayay marti culus, sidaas aawadeed gogol badan ayuu sii dhigay, shaah badan ayuu kariyay, laba oday oo ilmo adeerradii ah ayuuna dhinacyada iska sii fadhiisiyay. Laakiin yaab iyo amankaag ayay isaga iyo odayaashii kaleba ku noqotay markii uu nin caddaysimo ahi irridka uga soo galay. Qacdii hore waxay moodeen nin kale oo dan kale u socda, dabadeed Warsame ayaa kacay oo Deeqa hoos u soo waraystay, markii ay u sheegtay in uu ninkii la sugayay yahayna isaga oo yaabban ayuu fadhigii ku soo noqday.

Odayadii iyo Raage waa ay isbarteen, kaftan gaagaaban oo waxa loo wada fadhiyo aad uga fog ayayna cabbaar isku tuurtuureen. Keli socodkiisu odayada wuxuu bilawgii ku dhaliyay in uu yahay reer xamar aan xeer iyo dhaqan toonna aqoon, laakiin intii ay kaftamayeen si kale ayay u arkeen, waxaana ku sii batay yaabka ah waxa uu tolkii u soo kaxaysan waayay. Ninku miyaanu tol lahayn?

ayay niyadda iska wayddiinayeen. Raage in isaga laga war sugayo wuu ogaa, baqdin aan yarayna wuu qabay, laakiin wax aadan hurayn hore ayaa loo yeelaa, ayuu ku calool adaygay. “Warsame, Guuleed iyo Aw Ciise, waxaan idiinku imid arrin la isu la yimaaddo ta iigu la qiimo badan, oo ah in aynu xididno. Sharaf weyn ayay ii ahaan lahayd in aad i siisaan oo aad guur noogu wada ducaysaan inantiinna Deeqa Warsame.” Haa, sidaas ayaa loo hadlaa, wuu soo xafiday. “Mahadsanid Raage. Sharafta aad noogu timid mid la’eg ayay noo tahay in aad gabadh na wayddiisatid”, ayuu Aw Ciise oo saddexdooda ugu da weynaa hadalka ku qaatay. ”Laakiin waxa la arki jiray waxooda ayaa lagu akhriyaa, waxa aan la arki jirinna Subxaan Allah ayaa laga akhristaa. Toddobaatan jir ayaan ahay, waana ii koow nin dadabdhig ah oo haddana keli socda. Maxaad noogu soo kaxayn wayday, midna ha ahaadee, odayadii reerkaaga?” Raage wuu hubay su’aashu in ay imanayso, wuuna u diyaar garoobay. “Sidaas ayay ahaan jirtay, waanan ogaa in aad taa iga sugayseen, xaqna iigu leh dihiin, runtiina waan samayn kari lahaa, waxaan se u arkay in aanay muhiim ahayn. Xumaantayda iyo samaantayda, aniga ayaa gabadhiinna jeclaaday doonayana in aad i siisaan. Haddii aan odayaal wanaagsan oo aad isfahamtaan idin soo hor fadhiisiyo, asaan anigu ahay qof xun, miyuu wanaaggoodu gabadhiinna wax u tarayaa? Taa darteed waxaa habboon sidayda in aad Deeqa igu siisaan.” “Maya, maya, adeer, goortii kale ee aad doontid nagu soo noqo oo odayo noo keen, maanta se naga tag”, ayuu Aw Ciise yidhi.

“Haddii ay lamahuraan tahay waan yeelayaa, waayo helista Deeqa wax taa ka adagba waan u samayn lahaa. Laakiin idinkuna i la garta in aynu nahay ka la casri iyo ka la duruuf. Waqtigii hore waxaa muhiim ahaa tolka uu qofku ka dhashay, laakiin maanta waxaa muhiim ah bulsho weynta aynu ka tirsan nahay. Sidaas darteed aniga fikraddiinna aad u qaddarinaya, shardiga aad igu xidheen wuu fudud yahay laakiin aniga iyo Deeqa dulmi ayuu nagu yahay.”

Odayadii waa ay yar aamuseen. Guuleed wuxuu jeclaa in hadalkii Aw Ciise la taageero oo kulanka halkaa lagu joojiyo ilaa uu Raage tolkii la yimaaddo, Warsame oo awal aamusnaa ayaa se si kale u hadlay: “Raage, hadalkaagu waa gar laakiin daw ma aha. Caado soo jireen ah ma fududa in sidaas yar looga xuubsiibto. Dadkuna wuu iswada yahay oo qudhaydan idinka ayaa i dhalay, laakiin maxaad adduun lee dahay oo aad reerka ku dhisanaysaa?” ayuu yidhi Warsame. “Tacliin ayaan lee yahay, imika waxaan ahay macallin, mustaqbalkana ka ma niyad xumi.” “Laakiin maxaad gacanta ku haysaa oo aad haddii aannu gabadha kugu darro ku dhaqanaysaa?” ayuu Aw Ciise carrabka ku xejiyay.

Su’aaluhu Raage waxay kaga kululaayeen jeedal ku laba dhacaya. Haba yaraatee wax hanti ah caawa gacan ku ma hayo, in uu sidaas u qirtana foolxumo ayuu u arkay. Laakiin mar haddii ay isaga iyo Deeqi wax walba isla oggol yihiin odayada si kasta waa in uu ku qanciyaa. Waxaa meesha soo geli karta maahmaahdii ahayd “Naag been baa lagu soo xero geliyaa runna waa lagu dhaqaa”. “Runtii ma lihi hanti aan ku faano, laakiin in aan wax tacban karo ka sokow, waxaan ka dhashay qoys geel badan leh.” “Geel badan?! Oo ma waxaad doonaysaa in aad miyi degtid?” ayuu Aw Ciise si yaab leh u wayddiiyay.

“Maya, laakiin geelaa dan kasta oo aan doono ayaan ku fushan karaa.” Labada oday ee kale awalba may jeclaysan halka uu Warsame hadalka mariyay ee ah in Raage hantidiisa la wayddiiyo, waayo waxay u muuqanaysaa siin, taas oo aan xaaladda sidan ah diyaar loo ahayn. Aw Ciise ayaa inta uu qalab qaadasho isu diyaariyay, isaga oo huba in aan laga dabo hadli doonin, kulanka ku soo gabogabeeyay: “Raage, gabadh nin keliya lagu la ma xidido ee qabiil dhan baa lagu la xididaa. Haddaba mar kale iyo tolkaa oo ku la socda ha inoo ahaato.” Hilib bir baa goysa hadalna guddoon. Raage wuu arkaa Ciise in goobta ugu da weyn yahay go’aanka ugu dambeeyana isagu lee yahay, sidaas darteed hadal ma hadhin. Wuu kacay iskana tegay. Intii uu sii socday oo dhan wuxuu ka fekerayay odayada ay isaga isku reerka yihiin ee magaalada jooga.

Wuu og yahay qaar kuwaas ka mid ahi in ay neceb yihiin, inta kalena dhawr mooyee ismaba yaqaannaan. Dhaqan ahaan waxaa la rumaysan yahay labada nin ee isku tolka ahi in ay isku tolan yihiin oo aanay sinaba u ka la maarmin: tol waa tolane. Laakiin isagu wax isku tolaya ma arko. Kuwa necebi wax ay ku la colloobeen dhawr jeer oo uu diiday qaadhaan loo ururinayay dagaalka qabiilkooda iyo qabiil kale miyiga kaga dhex socda, iyo shirar Xamar lagu yeeshay oo uu ka baaqday. Taas awgeed wuu garanayaa marka uu arrintan u la tago waxa ay ku fekerayaan kuna jawaabayaan: ma soo taabatay runta ah tolkaa in aadan ka maarmin?

Haddii se ay diidaan in ay raacaan, iyaga oo taa ciqaab uga dhigaya, muxuu Warsame ku la noqon doonaa? Tolkay waa ay i diideen miyuu la shir tegayaa? Sow loo arki maayo qof qarriban oo tolkii dayro ka ah? Wuxuu maqli jiray rag qaatay go’aan aan tolkood raalli ka ahayn dabadeed lagu caayay ”waa sheegato ee annaga ma aha”, ”waa garac”, ”isaga oo yar baa la helay” iyo wax la mid ah. Laakiin hadal sidaas ahi muxuu qof weyn oo xilkas ah yeeli karaa? Waxba haddii ay bulshada kale hagaagsan tahay oo ay qofka shakhsiyaddiisa oo keliya xukumayso. Maanta se xaalku sidaas ma aha oo inta tolku qofka ku khasbayo in uu addoon u ahaado in la’eg ayay dadka kalena ku khasbayaan in uu tolka magangalo. Xaalku waa ”Hal labamidigle dhengedeeyay dhanna u ma fayooba”.

Si kastaba ha ahaatee Raage wuxuu ku tashaday in uu qaar odayaashaa ka mid ah raadiyo, kuwa ugu caqligalsan. Dhaqanka dambeeya ha lagu wada rarnaado ee waa la isdhaamaa. Fiidkii ayuu mid wadaad ah oo dadka kutubta u raaci jiray guriga ku garaacay. Waxba in aanu ka qabin ee uu laba ama saddex kale war geliyo ayay isla garteen. Mid kale oo aanu wanaag mooyee xumaan ku aqoon ayuu u tegay, Xaaji Guure. Gabadh bariido macaan oo Xaajigu dhalay ayaa albaabka ka furtay una hor kacday qolkii uu aabbaheed fadhiyay. Nasiibdarro Xaaji Guure waxaa caawa la jooga AadanAflaw oo ay Raage dunida isugu neceb yihiin. Halkii ay fadhiyeen ayay isagana shaah ugu shubeen, markiibana Aflaw waxaa fuushay dhedo qabow oo Raage la socotay.

Maalintii Aflaw iyo Raage isugu dambaysay ka yari wuxuu diiday qaadhaan dagaal, dabadeed si xun ayuu u aflagaaddeeyay. Waa shan iyo konton jir ay noloshiisa oo dhami ka kooban tahay cay, fadeexad, shaxaad iyo diradire. Weligii shaqo kale risiq ku ma cunin. Labada fool iyo labada dhoollood ee sare oo maqan laba jeer oo ka la gooni ah ayay gacan ka dirir kaga dhaceen, labada jeerbana qabyaalad ayaa lagu diriray. Wuxuu afka dulaaqan isaga asturi waayay, oo cirridka daloola isaga gufayn waayay, wuxuu doonayay in uu tolkii dhiigga ku dhaqaajiyo, oo marka uu lacag ururinta ku jiro ayuu ku xasuusiyaa waxa uu dhib iyo dhaawac u soo maray ilaalinta sharafta iyo jiritaanka tolka.

Qaadhaanka uu intaa u guntan yahay wuxuu lee yahay toban magac: dagaal, mag, yarad, kaalo, siyaaro, dhoofin, soo dhoweyn, xaal, aas… Waxaas ayuu jumlad iyo tafaariiq marba sida uu ku qaadi karo ama ay kaga socon karaan ku suuq geeyaa. Wuxuu ku faanaa in isagu tolka isu hayo haddii kale Xamar lagu gumoobi lahaa. Dagaalka miyigu marba meesha uu marayo, run iyo beenba, isaga ayaa ka warrama. Dadka ay isku magaca yihiin ee Xamar awoodda iyo lacagta ku leh ayuu habeen iyo maalin shaxaad iyo qaadhaan aan meel ay ku ka la baxaan la aqoon la hor taagan yahay. Qof weyn iska daaye wiilka xalay dhashay ee ay isku haybta yihiin wuu u tirsan yahay. Waxa uu intaa la wareegayo qofka su’aal ka keena carrab dheer oo la moodo in uu cadaabta soo daray ayuu ku leefaa oo dubka kaga siibaa dadnimadana kaga dilaa. Rikoodh weyn iyo cajalado badan oo gabay qabiil ah ayaa guriga u yaal, suugaan kale ma xiiseeyo. Waxa ugu muhiimsan ee uu carruurtiisa baro, ama bari karaa, waa loollanka suugaaneed iyo dagaal ee qabiilkiisa iyo qabiil kale dhex maray. Haddii uu maqlo iyaga oo gabay uu nin cid kale ahi tiriyay akhriyaya ama ka hadlaya haddii uu qoladiisa yaqaan wuxuu yidhaahdaa: “Waxaasi gabayna ma aha ee waa cantarabaqashkii reer hebel.” Haddii kale markaa ka dib ayuu cidda uu yahay raadiyaa.

Sidaas oo uu yahay Aflaw salaadi ka ma tagto, inta badanna masjidka ayuuba jamaacada ku la tukadaa. Tukashadu inta badan Alle ka cabsi ma aha ee waa iska caado. Dadka kuwa ugu qabyaalad iyo xumaan badan baa ugu salaad badan. Boqollaalka xaasid ee qabiilka isu wada neceb aamiintooda wadajirka ahi u ma ega mid samada laga aqbalo. Jamaca mid walba labada dhinac waxaa faryarada cagta faryarada ugu haya mid uu qabiil u neceb yahay. Marka uu midig u salaama naqsado mid buu indhaha ka nacdalaa bidixdana mid kale. Haddii diinta lagu sheegay salaaddu in ay dadka xumaha ka ilaaliso kuwa marka ay masjidka ka soo dareeraan xanta iyo xumaha makhaayadaha isla wada hor yuurura maxay ka ilaalisay?

Aflaw marka uu suugaanta, taariikhda, faanka iyo cayda giddigood qabyaaladda ku salaysan ka soo jeesto waxaa nasasho u ah Laanta Afka Soomaaliga ee BBC, taas oo aan sinaba ku dhaafin. Marka uu dhegta ka qaadana waxii ay sheegtay oo boqol jeer beddelan ayuu goobaha la isugu yimaaddo ku faalleeyaa. Caawa markii muddo aan dheerayn la wada fadhiyay shaahiina la cabbay ayuu Raage debedda u la baxay Xaaji Guure una sheegay ujeeddada uu ugu yimid. Berri in halkan la isugu yimaaddo ayaa lagu ka la tegay.

Aflaw in kasta oo uu Raage horeba ugu xanaaqsanaa caawana wuxuu kaga sii xanaaqay in uu isaga oo odaygii reerka ah ka faqay. Markii ay labadooda noqdeen ayuu Xaajiga wayddiiyay: “Ninkii meeshan dafdaf lahaa muxuu waday?” Raage Xaajiga ka la ma uu hadlin in aanu doonayn Aflaw arrintiisa in uu galo, ha yeesho ee mar haddii lala faqay in uu sidaas u garto ayay ahayd. Laakiin sabab macno leh oo uu uga qariyo ma arko.

“Ina Micilibaax waa guurdoon oo wuxuu u baahan yahay rag la ardaadhiga.”

“Rag la ardaadhiga? Adduunow ba! Qaawane durba dani ma keentay?”

“Isagu nin xun u ma ega ee kii jaan ee adeerka u ahaa ayaa ficil darrada iyo dhiig la’aanta qaadsiiyay.”

“Wallee isaga iyo aabbihii ka la raggannimo badan! Mas baa abur dhala! Xirsi-Micilibaax boqol nin geed ugama kaco, isaguna waa kaas aan dad iyo xoolo toonna ahayn.”

“Si kasta ha ahaato ee mar haddii uu reer dhisayo aynu raacno.” “Ma Qaawane ayaad lee dahay aynu raacno? Raaci mayno halkaasna u dhaafi mayno. Waa kii isxoonfaadhin jiraye ha isku fillaado.”

“Maya ee, Aadan, aynu raacno, qudhiisa in Alle ku soo hanuuniyo oo uu tolka u soo noqdo ayaa la arkaaye.”

“Guure, waxa aad ku hadlaysaa talo ma aha. Dhallinyarada kii waxaas oo kale ku kaca haddii aan la xanuunjin sow sidiisa wada noqon maayaan oo midba meel isaga dhaqaaqi maayo? Sidee loo dhaqnaanayaa?”

Guure wuu aamusay waayo, in kasta oo labadooda uu isagu da weyn yahay, haddana talada reerka kagama daba hadlo. Dabadeed Aflaw ayaa mar dambe su’aalay:

“Ma wayddiisay naagtu cid ay tahay?”

“Waa reer Gabbal.”

“Reer Gabbal? Ina ayaheeda iyo meel ay deggan yihiin ma wayddiisay?”

“Sida uu ii sheegay waxaa dhalay oday lagu magacaabo Warsame Kooshin oo reer Hawlwadaag ah.”

“Warsame Kooshin reer Gabbal ah oo Hawlwadaag deggan?

Armuu yahay odayga dakharka leh ee iskarogada cas wata?”

“Wax aqoon ah u ma lihi”, ayuu yidhi Xaaji Guure.

“Waa isaga ee iska daa, maalin dhoweyd ayuuba yarka aan adeerka u ahay guriga u soo raraye. Adigu dadka ma ka la taqaannid qudhiisa abti baa loo yahay oo waxaa dhashay ina Indhoyare.”

Xaaji Guure wuxuu ka fekeray wax kastaba ha ahaadee ninkaas guursanaya sidii la isu garab taagi lahaa, laakiin Aadan-Aflaw isagu si kale ayuu u fekerayay, si sheyddaan. Sidii la isku ogaa galabtii xigtay oo jimce ahayd Raage wuxuu yimid guriga Xaaji Guure oo ay ku sugayeen isaga iyo laba kale. Warsame in caawa la wargeliyo berrina ay afartoodani isu raacaan ayay ku heshiiyeen. Galabtii taa ka dambaysayna waxay marti sharaf u ahaayeen saddexdii oday ee maalintii hore Raage soo hungeeyay uu weheliyo Deeqa walaalkeed, Cawil. Waa isla gogoshii, waa isla ujeeddadii, waana isla raggii, haddana niyadwanaaggii maalintii hore Raage lagu qaabbilay galabta meesha ka ma muuqdo. Maxaa jira?

“Gabadha in aanu idin siinno waanu jeclayn, guur se waa calafe, waxaa na soo gaadhay adeerkeed in uu Sacuudiga ku bixiyay oo nin xaggaa jooga siiyay.”

“Dorraad bay ahayd markii aad inanka soo farteen in aanu soo raacno, goorma ayaa markaa gabadha la bixiyay?”

“Ilaahay baa ina asturay ee haddii aanu dorraad idin siin lahayn waa aynu wada ceeboobi lahayn. Shalay tadan ayuu telefoon ku soo warramay.”

Odayadii martida ahaa luggooyada ku dhacday iyaga oo ka xun ayay iseegeen, laakiin Raage xanaaq, welwel iyo yaab dartood ayay neeftu ka soo bixi la dahay. Wax baa qaldan! Maxaa qaldan? Nin aan aniga ahayn yaa Deeqa siin kara? Bal nacdashan ka la koofiyadda xumi waxa ay ku hadlayaan dhegeysta! Jaahiinna Alle gub! Nin Sacuudiga jooga ayaa la siiyay ku lahaaye! Iyadii meeday? Waxaa maxay ka og tahay? Maxay ii la soo socodsiin wayday? Miyaa ay maddiideeyeen? Maddiido? Horta maddiidadu ma jirtaa? Miyaa ay qasbeen? Imika guriga ma joogtaa? Meeday? Wuxuu damcay in uu iyaga wayddiiyo amaba qudhiisu u yeedho. Maya, taasi waa fudayd. Ha degdegin. Isdeji oo wax hubso. Mashaqada ku hor taal maskax ku maamul.

“Adeer, Deeqa nin kale oo la siin karaa ma jiro. Annaga ayaa isjecel heshiisna ku ah in aanu isguursanno, idinkana sharfid iyo qaddarin ayaan idiinku imid ee mid la’eg ii muujiya. Miyaad khasbaysaan? Ma waqti hablaha guur aanay rabin lagu khasbo ayaa la joogaa?” Wuu xanaaqsan yahay oo waa la arkaa. Weligiiba se ha xanaaqo, yaa dan kaa leh. Wax aan edeb lahayn baad tahay ee annaga ha na dhihin gabadhiinna aniga oo aan idin wayddiisan baan guursan karaa. Inan gumeednimada lagugu sheegayo ayaa dhab ah ee nin gob ahi waxaas ku ma hadlo. Sidaas ayay odayada kale ku fekerayeen. Aw Ciise oo sidii caadiga ahayd qolada martida loo yahay afhayeen u ah ayaa ku jawaabay: “Raage, hadalkaas aad na tidhi isku ma lihin. Gabadha na la ma aad dhalin ee waad na wayddiisatay, wax suurtoobi waayay ayayna noqotay. Gabdhuhuna waa ay badan yihiin ee gayaankaa ka raadso, innaguna aynu ka la ceeb la’aanno.” Sidii qof la maray ayuu dhididayaa oo indhaha taagayaa. “Laakiin iyadii aaway? Wax ma wayddiiseen?” “Dhallinyaronimooy ba! Xaaji Guure, inanka maad naga qabataan?” waxaa ku dacwooday Guuleed. Xaaji Guure isaga oo sii kacaya ayuu ku jawaabay: “Annaga iyo idinka toonna hadal inoo ma furra. Gabadh baanu idin wayddiisannay, gabadh la isu diidaana inagama ay dhaxayn, laakiin runtii waxaan dareemayaa Deeqa in aad noo diiddeen. Haddaba bal nabad gelyo!” “Rag gabadh loo diido waad nagala culus tihiin, guur se waa calafe nabad diino!” ayay odayadii kale ku jawaabeen iyaga oo niyad-da kaga ducaysanaya mar uun nimankaa in uu Eebbe guriga uga saaro.

Iyada oo haybad la’aan la dareemayo ayaa kabo illasho loo dareeray. Raage weli naxdin ayuu la kurbanayaa oo xanaaq ayuu jiq la yahay. Sinaba arrinta wuu u fahmi kari la yahay. Ma laga yaabaa Deeqa oo inta aad og tahay ku jecel in laga sayidcaleeyay oo madaxeeda mijo loo rogay? Ma ilmo yar baa marka laga sayidcalaynayo, mase neef xoolo ah baa marka madaxeeda mijo loo rogayo? Maya horta waa in aad iyada aragtaa, talo taa ka horraysaa ma jirto, ayuu ku calool adaygay oo isaga oo aamusan raggii sii baxayay raacay. Intii uu kabaha illanayay dhegihiisa iyo dhaayihiisu waxay u nuglaayeen, maqal iyo muuqaal, wax Deeqa ku saabsan. Laakiin bakeeri kijada ku ka la jabay sanqadhiisa mooyee cid aan ragga uu ka soo ag kacay ahayni in ay guriga joogto la ma moodo.

Xaaji Guure iyo labada nin ee kale jacaylkan gawracu saaran yahay ma arkaan ee waxaa la weyn foolxumada ku soo dhacday. Raage ayay ku hiifayaan in uu u geeyay gun aan qawl lahayn oo ay ku sharaf waayeen. Laakiin isagu weli wuxuu garan la yahay sida ay wax yihiin. Ninka Deeqa bixiyay ee la sheegayaa ma markii aan anigu doonay ayuu ogaan ugu beegay? Wax baa qaldan. Malaha waa beentood oo marmarsiinyo ay kuugu diidaan ayay ka dhiganayaan? Oo maxaad galabsatay oo ay kuugu diidayaan? Xoolo la’aan? Dorraad sow kuwii sida fiican kuu la hadlay ee weliba ku dhowaa in ay gabadha ku siiyaan. Maya, horta waa in aad iyada degdeg u aragtaa.

Isaga oo ciil la liita ayuu gurigiisii iska tegay. Wax kale oo ay maskaxdiisu ka fekeri kartaa ma jiraan. Dhan walba markii uu arrinta ka eegay wuxuu niyadda isugu dhisay sida uu moodayo in aanay xaaladdu u xumayn. Deeqi in ay ku jeceshahay waad hubtaa, dadka badankooduna maanta iyada oo aan la isa siin ayay isguursadaan, markaa maxaad isla waalaysaa? Warsame isaga ayuun baa isceebeeyay ee Kuu ma diidi karo, nin Sacuudi iyo meel daran jirana ku ma khasbi karo. Dunidan ma wuxuu moodayaa tii Bucur Bacayr iyo Geeddi Baabbow? Laakiin iyadu maxay arrinta kuu la soo socodsiin wayday?

Waxaa dumay habeen dheer oo in uu dhammaado diiday. Wax uu hurdo la’aan sariirta laba bogleeyaba waagii beri. Nasiib wanaag maanta shaqo ma leh oo dugsigu waa fasax, taa darteed aroortii ayuu gam’ay. Duhurkii ayuu haddana welwel iyo xanuun la toosay. Dunida wuxuu ugu jeclaa in uu Deeqa arko, bal in uu mar uun arko. Isaga oo sidii uga fekeraya ayay casarkii u soo gashay. Iyada oo aad mooddo in uu horor eryanayo ayay isaga oo sariirta jiifa laabta iskaga tuurtay. Illin kulul oo biyo la kariyay la moodo iyada oo qubaysa ayay isku duubtay ilaa ay qof keliya u ekaadeen. Inta uu isku marmaray oo xoog isugu cadaadiyay ayuu sidii uu cunayo jidhkeeda meel walba dhunkasho boob ah ku cancantuugay. Neef shalay sambabbada iskaga gunudday ayaa iyada oo kulul ka soo boodday. Waxii uu culays la kici waayay mar keliya ayaa sidii awr rar laga dhigay laga dul qaaday, wuxuuna ka fududaaday baal. Ma iyadiiba qofkan uu mar kale laabta ku hayaa? Dhawr ilbidhiqsi gudahood ayuu boqol jeer wejigeeda hubsasho iyo daawasho ugu noqday. Horta iyadii ma tahay? Waa taa kor iyo kal carrabka iyo calaacalaha la isku duugay. Waa taa la isku suuxay, ee meel cirka iyo dhulka u dhexaysa la heehaabay. Waa taa sidii noole ay naftu iska gurayso ama isku gurayso xanuun iyo taah lala galgashay. Dhidid kululi waa kaa gogoshii dhushuq ka dhigay. Qunyar qunyar ayaa loo soo miiraabay, markii hadal la karayna waa la iswaraystay.

“Maxaad noo khatashay oo cid aadan ahayn noogu sheegatay?” ayay wayddiisay.

“Maxaad ka waddaa?”

“Odayada aad wax isu tihiin se wejiyo badanaa!”

“Odayada aanu wax isu nahay ee wejiyada badani wa kuwee?” “Kuwii aad shalay la socotay iyo qaar ka horreeyay.”

“Kuwii aan shalay la socday gartay ee kuwa ka horreeyay waa kuwama?”

“Saddex dorraad aabbahay u yimid.”

“Oo maxay rabeen?”

“Waxay u sheegeen in aadan reerkooda ahayn.”

Aadan-Aflaw markii uu tilmaanta Warsame qaatay baadidoon ayuu u galay, ilaa uu soo ogaaday in uu kii uu malaynayay ee ay ina Indhoyare dhashay yahay. Laba kale oo noociisa ah ayuu kaxaystay, waxayna Warsame u sheegeen in ay maqleen nin Raage lagu magacaabaa in uu gabadh ka doonay, kaas oo qolada ay iyagu yihiin sheegtay. Waxayna ugu warrameen:

“Xamar waa magaalo weyn oo qof waliba cidda uu doono sheegan karo ee yaynnaan ku qaldamin. Waa ay jirtay Rooble oo annaga ahi ninkaas in uu soo koriyay, markii uu weynaadayna dunida iyo dadka Ilaahay ayuu dhinac ka galay. Markaa haddii aad gabadha siinaysid iskaa u sii, laakiin ogow in aanu annaga ahayn nagana dhalan. Waxii cid yeelo na loogu ma yimaaddo, wiaxii isaga la yeelana annaga na la ma yeelin.” Isla markaaba oday Warsame xusuustiisa waxaa ku soo noqotay Raage in uu shalay kelinimo ugu yimid, markii in uu odayo soo kaxaysto laga codsadayna wejigabax ku dhacay. Marka wax laguu sheego ayaad wax garataa, ayuu ku fekeray. Deeqa qudheedu waxay xusuusatay sidii uu u necbaa in uu haybtiisa sheego. Raage Deeqa wuxuu wayddiiyay: “Markaas sheekada Sacuudiga waxba ka ma jiraan, sow ma aha?” “Waxba ka ma jiraan ee odayada ayaa marmarsiinyo ka dhigtay.”

Sida ay wax yihiin oo dhan ayay isla falanqeeyeen, wuuna ku guulaystay in uu Deeqa ku qanciyo runta ah in uu jiro oday sheyddaan u raran oo lagu magacaabo Aadan-Aflaw. Waxayna isku dhaarsadeen wax kasta oo dhaca iyo cid kasta oo xumaan ka dhex abuurta in aanay ka la aammin bixin, guur meel ka sokaysana geeddiga ku furin. Isla markaas in ay sii wadaan qancinta Warsame. Inta uu Deeqa sagootiyay ayuu makhaayad uu Aflaw ku malaynayay isku sii daayay. Isaga oo sidii dabayl jin u duulaya ayuu Aflaw oo kuwo kale makhaayad horteed la fadhiya cirka u la booday, oo inta uu labada gacmood dib u maroojiyay, oo mid kilkisha bidix gashaday ta kalena isla gacanta bidix aad uga buuxsaday, oo dhaqaaq u diiday, gacanta midig si aan arxan lahayn cunaha ugaga qabtay oo derbiga qadaadka ugu garaacay, isaga oo isla markaa ku qaylinaya:

“War maxaa la iga kaa siiyaa? Maxaa la iga kaa siiyaa? Sheeg eey yahow afka daloolaa waxa aad igu lee dahay?”

Aflaw weerarka oo ku kediyay ka sokow wuxuu ahaa nin tabar yar, waxbana iska ma dhicin ee sidii digaag baalasha la hayo ayuu mijo yaryar ka firig firig siiyay oo dhulka ku xoqay. Markiiba waa lagu soo yaacay si loo ka la qabto, laakiin durba waxaa la arkay Aflaw oo miyir la’aan dhulka la daadsan.

Mashaqadii galabtaa dhacday maalin dambe ayaa laga garnaqay. Raage waxaa lagu xukumay waxyeelladii uu odayga u geystay in uu qoon ka bixiyo, laakiin isaga qaladkii laga galay loogama garaabin xaalna laga ma siin.

“Nin nasabnimadiisa la duray waa foolxumo weyn, laakiin Raage haddii aad nasabnimo dan ka lee dahay tolkaa ayaad wax la qaybsan lahayd. Hadal iyo murti, hawsha waa laguu raacayaa, waxii qaldamayna waa la saxayaa, adigana maanta ka dib, dood, deeq iyo dirir mar walba halka lagaaga baahan yahay ha lagaa helo.” Taladaa diiday iyo yeelay midna isaga laga ma maqal. Haddii waxii lagaa qalday laguu saxayo afkaaga hayso, ayuu ku fekeray. Mar kale ayaa Warsame wadajir loogu noqday, lagana raalli geliyay khilaafka lagu la galgashay. Dabadeed Raage wuxuu galay tabaabulshe aroos. Kharashka arooska iyo hadhow waxii reer lagu yagleeeli lahaa markii uu xisaabiyay waxay noqdeen buur dheer oo aan la fuuli karin. Lacag badan oo Aflaw loo xukumayna waa laga rabaa. Hawl adduun baa ku soo hamaansatay. Mushaharkiisu ma aha wax macno leh oo xataa kirada iyo noloshiisa ku filan. Wax uu talada rogrogaba la ma huraan wuxuu noqday caws jiilaal. Nin guursaday xuunsho xoolo mood. Miyi iyo geelii aabbihii ayay dantu ka badin wayday.

Xirsi-Micilibaax si weyn ayuu inankiisa beryahan u dhaliishan yahay. Nin magaalo iska dhex jooga oo aan naftiisa iyo naf xigta toonna wax tarin ayuu u arkaa. Marar badan ayuu farriimo u soo diray uu lee yahay: “Meesha haddii aadan waxba ku hayn kaalay geela i la dhaq.” Jawaabta joogtada ah ee Raage, ee ah in uu dalku xaalad dhaqaale iyo siyaasadeed oo foolxun ku jiro lagana bixi doono, odayga dhego daloola ugama helo. Geeliisa boqolka ah in uu manaafacsado waxaa uga weyn in uu daawado kuna faano. Isaga oo jeex caleen leh casar ku soo rogay, oo ay kurayo walaalo ahi hareeraha ka joogaan, dhawaaqyada ka la duwan ee kooruhuna isu baxeen, oo baarqab dhibi iyo dawaad isku aslay marba dhan kaga doobyay, oo haleeladu dhasha u reentay, oo habeeddu hawada buuxisay, maalintaa ma jiraan macne iyo magac nolosha Micilibaax ka dhimani. Waa se macne iyo magac faalso ah ee nin geel raacay cidi ka ma liidato. Isaga oo ay kaadi geel lugaha madoobaysay waa kaas harraaddan ee arradan. Kumanyaal sano ayay noloshu intaas ahayd oo waxba lagu dari kari waayay. Kumanyaal sano ayaa geeddi la ahaa oo habeenba jabad loo hoyanayay haddana dib loo hayaamayay.

Waxaa jira dad hab-nololeedka sidaas ah weli difaacaya. Oo waa maxay aayaha laga dhaxlay ee loo difaacayaa? Intii aadamigu ka la qoqobnaa, ee qolo waliba waxa ay qabtaa iyada u gooni ahayd, geeljirenimadu ha iska silic badnaato hana iska dambayso ee waxay ahayd nolol nin aan wax kale aqoon iskaga filan. Laakiin markii uu xayndaabkii ummadaha ku ka la xeernaa burburay, nin raalli ku ah cad iyo caano geel wallee wax badan qayrkii gunnimo wuu ugu gurguuran. Waa hubaal haddii aan laga bixin Soomaaliya in ay noqon doonto “zoo” loo daawasho tago. Jiritaanka ummadeed waxaa shardi u ah horumar joogto ah, horumarna waxaa shardi u ah dhaqaale hagaagsan, dhaqaaluhuna wuxuu hagaagsan yahay marka uu waxsoosaarku ka badan yahay baahida. Haddaba waa maxay horumarka geel raacasho laga samayn karaa? Maskax quus ah oo rajo dhigtay iyo indho ilayska mustaqbalka ka daboolan oo keliya ayaa geeljirenimo difaaca. Laakiin sow wax lala yaabo ma aha Raage xaaladda uu sidaas u dhaliilayo in uu haddana ka maarmi waayay oo gacmaha hoos dhigtay? Maya haddii la og yahay isla markaa in uu jiro geeljir aan magaciisa qori aqoon oo nolosha ugu wanaagsan Xamar kaga nooli. Markii uu aabbihii u sheegay in uu ugu yimid hawsha guurka in uu ka kaaliyo Micilibaax waxay ku noqotay yaab iyo afkalaqaad.

“Waar ma ninkaagii intaa tacliin iyo magaalo ku maqnaa ayaa geelayga marti u ah?” “Aabbe, dalkii baa sidaas noqday, denbigaygana ma aha.” “Waa denbigaaga, maxay u ahaan wayday. In aad diyaaradaha duulisid baan kuu diray, markaasaad macallin iyo wax jaan ku wareegaysaa. Haddii aad macallinimo doonaysid maad halkanba Qur’aanka ku baratid, maanta ayaad sida aw Ibraahin malcaamad dhan haysan lahayde. Ma aw Ibraahin baa maanta Ilaahay mooyee cid kale u baahan?” Aw Ibraahinka uu odaygu sheegayo Raage wuu garanayaa. Waa isku da, weligiina beesha dhan ugama bixin, tacliintiisuna waa Quraanka oo uu xifdisan yahay. Isaga ayaa beesha malcaamadda u haya, aad ayaana loo qaddariyaa.

Micilibaax wuu la socdaa in wiilkiisa lagu kari waayay tolka Xamar la jooga in uu wax la qaybsado, iyo weliba in uu raggaa halkaas jooga ninkii ugu firfircoonaa gacan u la tegay. Aad ayuu taas ugu canaantay. Wuxuu kale oo ku canaantay talo xumada uu maanta u la yimid ee lee yahay geel ha la ii gado. Geel la isa siiyo wuu arki jiray, geel yarad loo bixiyo wuu arki jiray, geel mag loo bixiyana wuu arki jiray, laakiin geel la iibiyo dhaqan u ma leh, ceeb iyo magac xumo weyn ayuuna u arkaa. Wax badan ayuu codsiga Raage hadba geed iskaga xoqay, laba habeen ayuuna seexday isaga oo aan jawaab cad bixin. Laakiin Raage wuu yaqaan sida aabbe reer miyi ah loo maalo. Wuxuu u faalleeyay quruxda Deeqa, dadnimadeeda iyo cidda ay ka dhalatay gobannimadooda. Wuxuu ku sheegay naag kun lagala baxo oo ay rag badan u beratameen. Ugu dambayn wuxuu ka helay saddex tuldood markii uu gaday qiimo wanaagsan u gooyay, wuxuuna Xamar ku la soo noqday farxad.

Mar haddii uu gacanqabsi helay wuxuu waqti isaga lumiyaa waa macnodarro. Markiiba wuxuu galay qabanqaabo aroos. Qolkii wuu ka baxay, guri qabyo ah oo ay laba qol dhisan yihiin, oo aan kii hore ka fogayn, ayuu kiraystay. Guurka kii wax la isu hadoodilayo ayaa lacag iyo alaab lagu kabkabaaye haddii uu meesha jacayl jiro hadba waxa la hayo ayaa lagu meelmaraa. Markii uu lacagtii Aflaw loo xukumay iska bixiyay, waxoogaa uu yarad ahaan u qorsheeyay waa ay u baaqdeen. Warsame in uu ka qaato iska daaye wuuba kaga khajiliyay isaga oo ku la kaftamay: “Sow adigii iska dhigayay nin casri ah oo dhaqanka intiisa xun iyo intiisa wanaagsan ka la hufaya? Aniga yarad waxaa iigu filan Deeqa nolol ay ku faraxsan tahay ku noolaata.” Dabadeed alaab waxay u baahnaayeen markii ay labadii qol dhigteen waxaaba u soo hadhay lacag uu markii dambe u qorsheeyay in uu dugsi gaar ah oo af ingiriisida laga barto ku furto.

Aanadii Negeeye – Qeybtii 26aad

 

Facebook Comments