Aanadii Negeeye – Qeybtii 23aad

Rooble bil ka hor ayuu isaga oo wefdi hoggaaminaya u dhoofay dalka Ingiriiska si uu uga qaybgalo aqoon isweydaarsi caalami ah oo ku saabsan wax ka qabashada akhris- iyo qoris la’aanta dunida sookoraysa. Laakiin wefdigii dalka wuxuu ku soo laabtay iyada oo aan Rooble iyo afadiisii la socon.

Intaasna Leyla iyo Raage la ma ay soo hadlin. Dabadeed maalin ayuu Raage sanduuq ay isaga iyo reerku Boosta Dhexe ku wada lahaayeen soo furay, kaas oo khamiis walba la soo furi jiray. Wuxuu ugu tegay laba warqadood oo isaga iyo Leyla ku ka la socda.

Isaga oo waxa warqadda ku qoran sugi kari la ayuu beerta dhismaha boosta kursi dhagax ah fadhiistay oo akhris ku boobay. In kasta oo qorraxda kulul darteed warqadda cadi indhaha ka cawaraysay haddana si xamaasad iyo degdeg ah ayuu u akhriyay. Dabadeed inta uu farta murdisada wejiga dhidid kaga hooriyay oo warqadihii isku babbiyay ayuu cabbaar dhan cidlada hortiisa ah ku dhaygagay. Mar dambe oo dhidid qooyay ayuu kacay oo waddada Baar Shabeelle tagta cagta saaray, halkaas oo uu Deeqa iyo Leyla ku la ballansanaa.

Rooble wuxuu soo sheegay in uu Ingiriiska magangalay, mucaaradkana ku biiray, dalkana ku soo noqon doonin jeer isbeddel ka dhaco. Wuxuu kale oo soo sheegay in uu ku dadaalayo sidii uu labadoodana dalka uga kaxayn lahaa. Runtii Raage wuu ka naxay sida uu adeerkii u fekeray. Waa heer ka hooseeya kii uu ku malaynayay.

Qofkii dalka qalad ka arkaaba haddii uu debedda u cararo gudaha waxaa lagaga tegayaa dad aan waxba arkayn, taas oo xaaladda uga sii daraysa, ayuu Raage ku fekeray. Haddii isbedel loo baahan yahay muxuu beddeli karaa qof dalkaba ka tegay? Debed u cararku waa moodo ay soomaalidu beryahan u tartanto, waa se fulaynimo ta ugu weyn. Waa uun baqecarar ee wax kale ma aha.

Nasiibdarro inteeda la’eg ayay ahayd in la aaminsanaa in uu jiro indheergarad qurbaha ku maqan oo mustaqbal aayo leh soo sidaa. Aragtida uu Raage taa ka qabay aad ayay uga duwanayd ta dadka badankiisa. Rag badan oo aqoonyahanno sheeganaya, ama dalka xilal muhiim ah ka hayn jiray, oo Yurub qaxooti ku ah, ayuu intii uu carrigaa joogay bartay. Kuwaa dalalka ay maganta u yihiin waxaa laga siiyay nolol yar oo aad u xaqiran laakiin ay inta badan raalli ku yihiin. Qaarkood si maangaabnimo ah ayay mashaakilka dalkooda ee ay ahayd in ay wax ka qabtaan warbaahinta debedda kaga caayaan. Had iyo goor guuldarrada waxay dusha kaga tuuraan hoggaamiyaha siyaasadda, waxayna meesha ka saaraan qaybta weyn ee ay iyaga qudhoodu taa ku leh yihiin. Waa musiibo reer Afrika oo dhan ku yuururta.

Hoggaamiyaha siyaasaddu haddii uu wax ku dhaawacayo joogitaankiisa khasabka ah ee aan loo baahnayn iyagu waxay wax ku dhaawacayaan ka maqnaanshaha dalkooda iyo sida ay dadka uga dhex baxeen. Sideedaba xilka koowaad ee siyaasigu ma aha in uu bulsho dhiso, ee waa in uu hoggaamiyo ka dib marka ay iyadu isaga dhisto. Taasi waxay lid ku tahay indheergaradka oo ay tahay in uu isagu bulshada dhiso. Halkaas waxaa ka muuqata isa saamayn ka dhaxaysa saddexda qolo: bulshada, siyaasiga iyo indheergaradka. Marka uu indheergaradku ku guulaysto diyaarinta bulshada ayay bulshadu ku guulaysan kartaa barbaarinta iyo xulashada hoggaamiye siyaasadeed oo hagaagsan.

Waana dhab maahmaahda tidhi ”Hal booli ahi nirig xalaal ah ma dhasho”. Haddaba cabaadka macnodarrada ah iyo dhaliisha joogtada ah ee uu aqoonyahanka afrikaanku u soo jeedinayo hoggaamiyaha siyaasadda, marna dadweynaha, waa mid uu kaga dhuumanayo waajibkiisa uu gabay. Raage waa ay ku adkaatay in uu rumaysto Rooble in uu dalka ka tegay nadaamka ka jira oo uu dhaliilayo dartii. Wuxuu u soo hadlay sidii uu dal ka tegista cid kaga aargudanayo.

Qof kasta oo dunida ku nool adeerkii wuu ka la sarrayn jiray, qaddarinta uu u hayay waxay gaadhsiisnayd in uu ka sarraysiiyo aabbihiisa reer miyiga ah ee aan magaciisa qori aqoon. Laakiin fikraddaa maanta wuxuu u arkaa in ay ahayd fudayd carruurnimo. Run ahaantii odaygaa geelleyda ahi wuxuu mudan yahay xushmad, waayo noloshii uu isu xil saaray wuu ka soo dhalaalay. Wuxuu ku guulaystay in uu geel badan dhaqdo, wiilal badan dhalo, degaanka ku nool yahayna maamulkiisa iyo habsami u wada noolaantiisa door ka cayaaro. Ma waajib aan intaa ahayn ayaa ninka halkaa ku nool saaran? Sidaas ayuu sharaf iyo qaddarin kaga mutaystay bulshada uu la nool yahay.

Laakiin Rooble hawshii uu isu xil saaray, ama loo xil saraay, in uu ku guuldarraystay miyaa ay tahay wax uu dafiri karo? Sannadihii badnaa ee uu waxbarashada ku lumiyay, buugaagtii badnayd ee armaajada weyn ku ururin jiray iyo islaweynidii uu dadka aan waxbaran u arkayay in ay dadnimadoodu hoosayso, muxuu kaga midho dhaliyay? Joogista liidata ee qurbuhu sow qirasho u ma aha guuldarradda culus ee uu weheshanayo?

Raage wuu maleeyay xaaladda nololeed ee uu Rooble Ingiriiska kaga noolaan karo, wuxuuna hubaa tacliintii uu la tegay oo Soomaaliya wax weyn ka ahayd xaggaas in aanay waxba uga noqon doonin. Haddii uu Soomaaliya ka ahaa qof dadkiisa abaal u gala xaggaa wuxuu ka noqonayaa uun qof had iyo jeer loo abaal sheegto.

Maalin uu kuray caddaan ahi ku yidhaahdo ”Go home nigger!” ayaan u qalmin konton sano oo martigelin ah. Waa haddii uu odaygu weli yahay nin dhug leh oo dhimirkiisu fayow yahay. Haddii uu ka qaxay xaaladda siyaasadeed iyo nololeed ee uu dhaliilay ma wuxuu doonayaa in ay cid kale taa wax ka qabato, dabadeed marka wax walba la hagaajiyo isaga ubax lagu soo dhoweeyo? Laakiin waa ayo cidda ubaxa ku soo dhoweynaysaa? Waa ayo cidda laga sugayo in ay wax hagaajiso?

Xushmad badan ayuu odayga u hayay, laakiin maalintaas wuxuu u ahaa qof kale. Haddana wuxuu ku fekeray in uu yahay tuhun dulmi ah. Qof waliba sow xaq u ma leh in uu noloshiisa meel ku tiiriyo? Kee baa horreeya waajibka qofka naftiisa ka saaran iyo ka bulshada kale ka saaran? Haddii ay jawaabtu tahay ta hore, danta guud yaa u xilsaaran? Haddii se ay jawaabtu tahay ta dambe, nolosha qofku maxay macno lee dahay? Ma in uu naftiisa dayaco, oo dal iyo dad jaan sida addoonka ugu shaqeeyaa?

Jawaabtu labada midna ma aha ee waxaa halkaas ka soo baxaysa xaqiiqo kale. Waxaa sax ah in la iswaafajiyo, la isuguna adeego, danta gaarka ah iyo ta guud. Sida ay dulmi u tahay in uu qofku waajibka bulshada ka saaran dayaco ayay dulmi u tahay bulshadu in ay xaqa muwaadinka lumiso. Wuxuu se qofku noqonayaa weli barakaysan haddii aanu ka fekerin waxa dalkiisu taray, ee ka fekero uun waxa uu isagu dalkiisa taray, sidii uu ku taliyay J F Kennedy.

Isaga oo sidaas isku qanciyay ayuu istusay mushkiladda Soomaaliya in ay tahay labadaas oo iswaayay: bulshadu muwaaddinka xaqiisa ma siiso, muwaaddinkuna waajibkiisa ma guto. Dabadeed waa taa jiritaankii soomaalida ay isu tuurtuureen maamul nacayb ka buuxo iyo mucaarad mid la’egi ka buuxo. Waa maxay mucaaradnimada ay inta dalka ka yaacday sheeganayaan? Ma in London, Roma iyo Addis Ababa la istubo oo warbaahinta shisheeyaha laga yooyootamaa? Ma in cadow burburkaaga jecel loo galo oo hub iyo ciidan laga soo urursadaa? London, Roma iyo Addis Ababa sow ma aha saddexda soomaalida halkaas dhigay, ee sidii hal la qalay waaxyaheeda jarjaray? Labada dhinacba tanaasulka iyo fahamka ay dalalkaa u samaynayaan, iyo debecsanaanta iyo jajabnaanta aan xadka lahayn ee ay u muujinayaan, maxay iyagu isugu waayeen?

Maamulka iyo mucaaradka mid waliba wuxuu wax kasta u samaynayaa helista barakada shisheeyaha, wuxuu uga tanaasulayaa karaamo iyo sharaf kasta, dhulka ayuu u galgalanayaa, gunnimo kasta ayuuna u qaayibayaa, si uu u helo xabbad uu soomaaliga kale ku dilo. Laakiin in yar u samayn maayo soomaaliga kale si khilaafka jira xal loogu helo. Soomaaliga sidiisaba weli maskaxdiisa ku ma ay dhicin in la soo dhaafay marxaladdii uu cadawgiisu ahaa soomaaliga kale.

Haddii uu waajibka mucaaradku yahay in uu isbeddel wanaagsan ku sameeyo siyaasadda dalka, taa miyuu ku gaadhi karaa Xabashi, Talyaani, Ingiriis iyo Maraykan uu magangalo? Mushkiladda ugu weyn ee Afrika ka taagan ayaaba ah cabbudhinta uu kelitalisku ku hayo fikradda aan tiisa waafaqsanayn, iyo dabadeed fikraddaas oo naflacaariga magangasha cadawga ugu daran ee qarankaasi lee yahay. Fekerka maamulku waa ”Cad yahow wallee ku cunay ama ku ciideeyay”, ka mucaaradkuna waa ”Waxba dhawran maayo ee Alloow dhagaxyo soo daadi”. Waddo labadaa cadaabood u dhaxaysa inta aan la helin aayuhu wuxuu ku jiraa mugdi.

Isaga oo sidii oday cantatabay isu la hadlaya ayuu Baar Shabeelle ugu yimid Leyla iyo Deeqa. Miis ay fadhiyeen ayay isagana biyo qabow iyo shaah ugu dalbeen.

“Gacaliye, bisinkee maxaa dhidid kaa da’aya! Miyaad soo lugaysay?” Deeqa ayaa wayddiisay iyada oo wejiga gacanta ka marinaysa.

“Haa, qorraxduna maanta waa cadaab.”

“Oo miyaad lacag la’ayd?”

“Maya.”

Leyli warqaddii ayay akhris ku la boodday, markii ay laabtayna kursiga si nefis leh dib ugu tiirsatay. Waxay sheegtay in ay ku faraxsan tahay aabbaheed in uu Ingiriiska magangalay.

“Waxaan maqlay xabashidu marka ay dalkooda ka dhoofayaan ciidda ayay ku galgashaan oo waa ay ooyaan, laakiin innagu waa aynu faraxnaa oo xafladaynnaa. Sidaas oo ay tahay inna ma nolol dhaamaan, haddii ay caddaalad noqotana weligood kelitalis arxanlaawe ah ka ma ay hoos bixin. Maxay idinla tahay haddaba sababtu?” ayuu hablihii wayddiiyay.

Leyli waxay malaysay Raage in uu tegista aabbeheed ama farxaddeeda dhaliilayo, waxayna bixisay jawaab isdifaac ah:

“Aniga xabashi iyo soomaali toonna waxba igama gelin, in uu aabbahay meel nabad ah ku noolaado ayuun baa muhiim ah.”

“Laakiin Yurub meel nabad ah ma u tahay?”

“Isaga ayay u taal, haddii uu nabad ka helayo ha joogo haddii kale cirka ha aado, laakiin ma aha isaga oo toddobaatan jir ah in sida tuugga marba xabsi lagu tuuro.”

“Deeqa, adigu ka la duwanaanta dal jacaylka innaga iyo xabashida sidee baad u aragtaa?” ayuu Raage wayddiiyay.

“Leyla waa runteed ee qof naftiisa badbaadinaya maxaa ka galay isbarbar dhigga Soomaaliya iyo Itoobbiya? Laakiin xabashidu in ay inaga dal jecel yihiin waxaan ku garanayaa gumaysigii waa ay iska hor joogsadeen.”

“Sababtuna waa maxay?”

“Dawladnimada ayay inooga bisil yihiin, taas ayaana bartay waajibkooda waddaniga ah ayay i la tahay.”

“Ma waxaad lee dahay markii aynu qabiil nafta u huri jirray xabashidu qaran ayay u huri jireen?”

“Waa uun intaas.”

“Ku   darso   oo    iyaga    dawladdoodu   waxay   ka     dhexaysaa qowmiyado badan oo aan wax kale wadaagin, innaga se qowmiyad keliya ayaa boqol qabiil u ka la taagnayd.”

“Welina u ka la taagan”, ayay Deeqi xaaladda kaga sii dayrisay. Cabbaar ay Raage iyo Deeqi qodobkaa sii jiidjiidayeen Leyli iyadu

waa ay aamusnayd, waana la hubay in ay wayddiintii weli ka xanaaqsan tahay. “Leyla, u ma aan jeedin in aan ku dhaliilo, laakiin su’aasha ayuun baa maskaxdayda ku soo dhacday, waana wax jira oo aad adiguba og tahay ee raalli iga ahow!” ayuu ku yidhi isaga oo dusha gacanta kaga soo duubaya dhankiisana u soo cadaadinaya ilaa ay feedhahooda caatada ahi istaabteen.

“Waxay ahayd in aad ku faraxdid aabbe in uu tegay meel aan gardarro loogu xidhayn ama lagu dilayn”, ayay tidhi.

“Waan ku faraxsan ahay”, ayuu ku maslaxay.

Rooble in uu dalka ka cararo runtii Raage waxaa ka la qiimo badnayd in uu sida tuugga ay sheegayso xabsiga ku jiro. Qofku marka uu qaddiyad xaq ah u xidhan yahay dadkiisa wuu uga qiimo badan yahay ka dalka ka carara ama macnodarro meelahaa isaga joogjooga. Daaqaddii ay fadhiyeen oo waddada ku sii jeedday ayuu Raage eegmada ka laliyay, waxayna indhihiisu ku dhaceen dhismihii casaa Baarlamaankii Hore. Haddana wuxuu arkay calammo badan oo tiirarka korantada iyo dhismayaasha ka babbanaya, wuxuuna xasuustay berri in ay tahay maalintii dhalashada Jamhuuriyadda. Waa jamhuuriyad aan la ka la garan karin in ay dhicis ahayd iyo in ay dambarkii lagu canqariyay ku sumowday; aan la ka la garan karin maanta sariirtii dhalashada iyo tii dhimashada mid ay saaran tahay. Waa jamhuuriyad dhallaannimo lagu kufsaday kuna garcatay, ku curatay kuna dhalmo dayssy, ku irmaanaatay kuna candhoolowday. Ku talogal la’aan ayay mar kale eegmadiisu ugu hakatay gurigaa xuddunta iyo xukunka mar u ahaa qaran curdan ah. Waxay ahayd ummad yar oo jaahiliin iyo foqoro u badan, laakiin aanay dunida jirin cid iska la weyn, iskaga kalsoon kana niyad wanaagsani. Sifooyinkaas oo dhan maanta qof kasta qalbigiisa waa laga masaxay, waxaana laga dhigay noole mansuukh ah oo waxii uu jeclaa iyo waxii uu necbaa iskaga darsameen, kaas oo ilayskii uu higsanayay laga damiyay dabkii uu kulaalayayna laga bakhtiiyay.

Albaabkaa madow mar waxaa is’hor iyo dabo mari jiray siyaasiyiin ay tacliintooda iyo waayo’aragnimadooda xirfadeed liiteen, laakiin doonista dadkooda inta ay doontaba ha ahaato ee ku iman jiray. Wuxuu khayaaliga ka arkay Aadan Cabdulle Cismaan, Cabdirashiid   Cali   Sharma’arke,   Maxamed   Ibraahin   Cigaal, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo kuwo kale. Waxay ahaayeen rag karti iyo aqooni meel kastaba ha dhigeene aan khiyaamo qaran iyo xasuuq dadweyne loo tirinayn, oo ah labada jariimadood ee ugu waaweyn fal uu qof xil ummadeed sidaa ku kaco. “Ma og tihiin berri in ay tahay maalintii dhalashada Jamhuuriyadda?” ayuu gabdhaha wayddiiyay. Waa ay iseegeen. Waa ay ogaayeen mana ogayn. Kollay maqle laakiin wax ay ku xasuustaan ma jiraan. Waa munaasabad weyn oo durbaanka 21-ka oktoobar ku shiiqday. Xuska dhalasho jamhuuriyad dhan waxaa mudnaanta laga siiyay maalin uu nin ciil qaba oo xabbad la roorayaa talada boobay.

“Alla haddaa berri waa bannaanbax dhaqameedkii”, ayay Deeqi xasuusatay.

Raage si uu ina adeertii Leyla u maslaxo wuxuu iyada iyo Deeqa u ballan qaaday berri gelinka dambe in uu keeni doono fagaaraha Daljirka Dahsoon, halkaas oo sida ay caadadu tahay loogu dabbaaldegayo xuska sannad guurada dhalashada iyo midnimada Jamhuuriyadda.

***

Iyaga oo saddexduba wada socda ayay yimaaddeen fagaarihii damaashaadka. Labada hablood muuqa si walba waa ay u ka la duwan yihiin. Leyli waa qof dheer oo madow, haddii lafteeda iyo hilibka saaran la isu eegana waa caato, timo ay midab cilcillaw u eg marisay ayaa qadaadka uga go’an, da ahaanna guyaal ayay Deeqa ka weyn tahay. Deeqi iyadu waa maarriin aan dheerayn oo hilibka iyo lafteedu isu miisaaman yihiin, waxayna lee dahay timo garbaha jooga. Labadooda Deeqa ayaa bashaashsan, Leyla ayaa se aqoon iyo waayo’aragnimo horraysa, da’da oo keli ah ma aha ee labada aqal ee ay ku soo ka la koreen baa sidaas u ka la horreeyay. Marka ay wada socdaan waa uun laba hablood oo isku casri iyo isku dabaqad ah, laakiin xaqiiqadoodu waa ay ka la fog tahay. Leyla firfircoonida iyo tallaabo giigsanaanta hablaha kale ee soomaaliyeed la ma wada qabaan. Inta uu doob geed ka boodo in la’eg ayay ka booddaa, kubbadda kolayga iyo qalabarogadkana lagu ma gaadho.

Deeqi iyadu waa qof dulman oo ay halbowlaha habar indho darraysay mindiil saawir ah ka la daashay. Sagaal dayrood oo caato ah ayay jirtay galabtii caafimaadkeeda iyo shakhsiyaddeeda oo dhan lagu tuntay. Aad ayay u qaylisay si uu cirku u soo dhaco ciidduna u dhaqaaqdo. Waxaa lagu sabaaliyay: “Waa lagu xalaalaynayaa ee fariid noqo oo adkayso!” Dadkii damiinka ahaa ee maalintaa ku xeerraa aqoon ay ku badbaadiyaan ma ay lahayn. Qudheedu iyada oo weyn ayaanay haddana hooggaa ku baraarugsanayn, Leyla ayaana ugu horreysay qof ay ka maqasho gudniinku in uu yahay dhaqan uu sheyddaan Fircoon hinaasi ah u hindisay.

Waa casardheere ay qorraxdu weli kulushahay. Markii ay cabbaar soo tamashleeyeen ayay soo gaadheen goobtii bannaanbaxa oo ay tobannaan kun isugu soo baxeen. Caadooyinka reer muqdisho ayay ka mid tahay in ay ciidaha iyo munaasabadaha waaweyn halkan ku tuntaan nooc kasta oo ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka. Waxay ka mid tahay dhacdooyinka tirada yar ee isu haya labada dhaqan ee bulshada, kii hore iyo ka cusub. Dad badan oo dhaqankii hore ku dhashay ama ku barbaaray isla markaas kan cusub ku jira ayay munaasabaddani u tahay fursad ay curuqa kaga jimicsadaan cabbudhkana kaga neefsadaan. Waa fursad lagu xasuusto dhaqan dhalad ahaa oo ku dhalan rogmay carabnimo iyo yurubnimo aan loo meel dayin, halkaas oo uu ka dhashay dhaqan garac ahi. Halkaas ayay ku ka la xidhiidh furteen bulshadii hore iyo tan dambe, waxaana jabtay buundadii ay isaga gudbi lahaayeen. Laba fac oo isxiga, laba qof oo isdhalay, ayaa ka la go’doomay. Qolada hore waa habsan kuwa dambena waa ambad. Bannaanbaxani waa waqtiyada ay labadaa qolo kulmaan ee isgaran waayaan. Cayaarid iyo daawashaba doorashada fagaaraha taal waa ay badan tahay, inta cayaar dhaqameed jirtana waa la tumayaa: dhaanto, wilwilo, walasaqo, jaandheer, saylici, baarcadde, kabeebay, beerray, bullo, shirib. Intaas iyo in kaleba.

Cabbaar ayay qoladii wada socotay cayaarahaa marba mid ku hakadeen, dabadeed soo gaadheen meel saar lagu tumayo. Wax kumanyaal sano soo taxnaa, oo facyaal badan dareenkooda iyo noloshooda ka soo mid ahaa, waa khasab in la hiddaysanayo oo ay qof walba dhuuxa kaga jiraan. Dadka cayaarta debedda ka jooga sababta uu dareenkoodu cirka ugu shareeran yahay, ee marka ay kooxda cayaaraysaa booddo u la boodayaan, dhaqan ay ku noolaadeen ma aha ee waa dhaxal dhiigga kaga jira. Saarku wuxuu ka mid yahay cayaaraha ay soomaalidu ka siman tahay, in kasta oo aan maanta gobollo badan laga cayaarin. Sababta looga tegay waxaa laga yaabaa in ay tahay isaga oo u dhaadhaca dareenka ugu hooseeya ee dadka, mararka qaarkoodna keena miyirbeel. Malaha waa cayaarta ugu fac weyn cayaaraha maanta la yaqaan, wuxuuna caan ka yahay Geeska Afrika oo dhan iyo Koonfurta Carabta, wuxuuna gaadhay Waqooyiga Afrika ilaa Isbayn.

Kiristaanka iyo islaamka hortood saarku wuxuu bulshada Geeska Afrika u ahaa cibaado diineed iyo xidhiidh lala yeesho rooxaan la caabudi jiray. Xaaladda fog ee uu dadka gaadhsiiyaa waxay keentay in ay dadka qaar ku andacoodaan in ay rooxaantaa saarka af yaqaannaan oo la xaajoon karaan, sidaasna ay dadka saarku ku dhaco kaga dawayn karaan. Qaar ka mid ah beelaha ku dhaqan Koonfurgalbeed weli saarku wuxuu u lee yahay xiisihii uu berigii hore bulshada oo dhan u lahaa. Waxaad arkaysaa nin ay muruqyada dhaawacyo halis ahi kaga yaallaan kaas oo markii uu barbaarka ahaa gaadhay heer loo yaqaan burur ama muraaqo dabadeed bir af leh isla dhacay. Markii ay Raage iyo asxaabtiisu isa soo taageen halkii saarka lagu tumayay waxay isugu dubba ridnayd heer sare. Tobaneeyo dhallinyaro ah oo wiilal iyo gabdho isugu jira, iskuna da dhow, oo ay xamaasad badani ka muuqato, ayaa gole ay dadweyne badani ku meegaaran yihiin saf ka soo wada jeeda, oo cayaarta tumaya. Sida ay dherer iyo dhumuc isugu jaan go’an yihiin, iyo sida ay jiibta iyo jaanta isu la helayaan, waxaad mooddaa koox xul ah oo la soo carbiyay. Waa xaalad ka marag kacaysa in aanay ahayn reer Banaadir iyo reer magaalo kale toonna.

Malaha midkoodna mid aqoon hore u ma leh. Malaha sacabka kulul iyo luuqda dheer ee saarka ayaa baadisooc u ah oo ay dadka iskaga garteen. Cabbaar ka dib gabadh labaatan jir ku qiyaasan oo daawadayaasha ka mid ahayd ayaa si lamafilaan ah golihii cayaarta isu daruurisay. Jidh iyo xubno isu dheelli tiran, iyo weji aan qurux ka qatanayn ayay lee dahay. Timaha masar ayaa ugu duuban, guntiinada, garbasaarta iyo kabaha jambalka ah ee aan qaaliga ahayn isla markaana wada duugga ah, iyo guud ahaan daryeel la’aanta ka muuqata waxa laga malayn karaa in ay tahay reer miyi soogalooti ah. Waxay dareenka ku abuuraysay in ay tahay miskiinad noloshii galoofowday ee miyiga dux ka soo wayday oo halkan naf soo bidday, maantana mawjadaha arxanka daran ee Xamar derbiyada madaxa u la dhacayaan. Malaha kulankan galabta waxay ka heshay qofnimadeedii maalintii ay magaalada soo gashay ka luntay. Waxaa lagu malayn karaa in ay qoys qudhiisu iska danyar ah dulsaar ku tahay amaba adeegto u tahay. Raage markii uu u sii fiirsaday wuxuu ku xasuustay sheeko uu beryahaa akhriyay oo ku saabsan adeegto miyi ka timid oo Xamar ku silicday.

Garbosaartii ayay dhexda ku duubatay, xoogaa digtooni ah ayay ku gashay laakiin mar qudha ayay baal shimbireed ka fududaatay oo iyadu cayaarta majaraha u qabatay, ilaa ay noqotay tiirka iyo barta ay cayaartu ku wareegayso. Mar keliya ayay noqotay xiddigtii golaha, indhihii dadkuna keligeed daawadeen. Cayaartii ay wax ka tumaysay qunyar qunyar ayay isugu rogtay mid iyada loo tumayo. Jawigii oo dhami wuu isbeddelay, barbaartiina waxaad moodda in ay gudanayaan waajib diini ah. Shucuurtii daawadayaashu waa ay sii kacday, goobtiina waa lagu soo batay. Dabadeed mar keliya ayay gabadhii sarejoogga ka duushay oo dhulka isdaadisay, sidii qof miyir beelay. Waa ay miyir beeshay. Dhawr qof ayaa ku soo yaacay si ay u caawiyaan, laakiin maya, kuwii cayaarayay ayaa diiday.

“Iska daaya idinku! Iskaga taga! Faraha ka qaada!” ayay dadka ka codsadeen.

“Waar u daaya! Jinni ninkii keena ayaa bixiya ee iyaga u ka la baxa!” ayuu nin waayeel ah oo si xiiso leh cayaarta u daawanayay isaguna ku taliyay.

Barbaartii cayaartii ayay ku sii wateen jawi ay rooxaani dabooshay awood dadka sarejoogga ka daadinaysaana ku xayndaaban tahay. Raage wuxuu dareemay in ay meesha ku xoonsan yihiin malaayiintii nafood ee cayaarta saarka jeclaa ee beryo hore dhintay oo iilka ka soo toosay. Wuxuu u baqay si dhab ah. Dadkii kale ayuu wejiyadooda eegay mise cayaarta ayaa lagu wada maqan yahay oo qaarkood haddii xubno jidhkooda ka mid ah la gooyo waxaa laga yaabaa in aanay dareemeen. Qof meel kale eegaya ama wax kale ka danaynayaa ma jiro. Deeqa iyo Leyla ayuu hareeraha ka milicsaday mise maqnaanshaha iyo kacdoonka iyaga ayaaba ugu daran. Dareenku isku mid ha ahaado, laakiin isku wax lagu ma bururo ee waa qof iyo dookhii. Xertu xadrada ayay ku muraaqoodaan, barbaartu cayaarta, haweenka qaarkoodna sitaadka.

Imika cayaartii waxay maraysaa heerka ugu sarreeya. Gabadhii weli dhulka ayay jiiftaa, laakiin dhaqdhaqaaq ayay bilawday, gacmaha iyo lugaha ayay dhulka ku xoqaysaa. Masarkii waa ay tuurtay, garbasaartii dhexda ugu xidhnayd iskeed ayay isaga luntay, kabihii jambalka ahaa midiba meel ayay foorortaa. Guntiinadii in kasta oo ay weli garaysan tahay qaarka sare wax badan ugama hayso, naasihii oo toobin ah ayaana cidla babbanaya oo marba ciidda carrabka gashanaya.

Qunyar qunyar ayay ruqaansi u bilawday, qaarkii sare ayay la kacday, timihii oo gadaal u guntanaa waa ay isfurfureen iskood ayayna fasax u ka la qaateen, dhabannada iyo wejiga oo dhidid ka hoorayo ayay ka dabooleen. Sinta midigta ayay imika ku fadhidaa, iyada oo foororta. Sida ay madaxa u walhinayso iyo sida ay gacanta bidix dhulka ugu salaaxayso waxaa laga garanayaa in ay nafteedu cayaarta ku milan tahay.

Aayar aayar ayay isu sare taagtay. Dhawr qof oo cod dhaadheer ku hadlaya oo cayaarta dhabqinaya ayay xantoobo ciid ah ku firdhisay. Si wanaagsan ayay isu taagtay, cayaartiina dib u la qabsatay. Mar kale ayay dadweynihii oo aad isu soo cidhiidhyay ku soo jeesatay, oo ciid kale iyo garbis isugu dartay. Quwad rooxaani siisay ayay dadkii oo dhan ku soo riixday, oo weliba xantoobo kale ciid ah indhaha kaga saydhay. Sidaasna waxay ku bannaysay gole weyn oo ay dadka cayaarayaa nefis ay cayaarta ku maamushaan ka heleen. Doobabkii u tumayay ayay hoosta ka gashay oo sacabkooda iyo jiibtooda xoogga leh dhegaha u dhoweysay, dhididkoodana sanka la raacday. Waxaa muuqata in ay jacayl xad dhaaf ah u hayso dadka cayaarta u tumaya.

Wax ay caynkaas ahaato oo golihii isku laba rogtaba, wax ay doobabkii marba mid gaaddada marisaba, mar keliya ayay istaagtay. Guntiinadii ka ka la laallaadday ayay hagaajisatay, garbasaartii, masarkii iyo kabihii ayay daydayday, markii ay wada heshayna isku hagaajisay. Dhoollo caddayn ayay muunsootay, dabadeed safkii cayaarta tumayay toos ugu biirtay. Qofkii mar dhoweyd dhulka galgalanaysayba iyada ma aha, qofkii ay horaaddadeedu hawada qoslayeenba ma aha. Inanta maxaa si ka noqday? Raage aad ayuu u jeclaystay in uu wayddiiyo bal waxii ku dhacay: waxay dareentay iyo meeshii ay tagtay markii ay dunida ka dhooftay. Laakiin ku ma uu dhiirran.

In kasta oo aan sida gabadha la daadan haddana dad badan ayaa ku jiray kacdoon nafsadeed oo xoog leh. Dabadeed mar uun ayaa meel golaha cayaarta ka baxsan muran laga maqlay, markii la eegayna waxaa la arkay Sheekh Xasan iyo laba wadaad oo kale oo qamiisyo iyo cimaamado carbeed hagoogan oo dadkii cayaarta daawanayay cod dheer oo xanaaq leh ku la hadlaya. “Miyaydaan diin iyo iimaan lahayn, oo aydaan macsida iyo fisqiga aad ku dhex jirtaan ka xishoonayn? Miyaydaan ka baqayn in la idiin halaago sidii loo halaagay qoomkii nebi Nuux iyo qoomkii nebi Luud iyo qoomkii nebi Huud iyo qoomkii nebi Saalax iyo qoomkii Fircoon…?” Sheekh Xasan oo dhidid waaweyni dhafoorrada ka hoorayo, labada qawlalna ka xumbaynaya, ayaa qoomamkaas magacyadooda duddubiyay.

“Adeer, maxaannu galabsannay ee naloo halaagayaa?” waxaa si la yaab ka muuqdo Sheekh Xasan hadalkii kaga ka la gooyay ninkii waayeelka ahaa ee markii ay gabadhu dhacday hadalka soo jeediyay oo cayaarta si xiiso leh u la socda. Dadka kale hadallo aan la maqlayn laakiin la fahmayo in ay Sheek Xasan lid ku yihiin ayay ku duryameen.

Runtii wadaadku wuxuu ku horreeyay goob kale oo cayaarta kabeebay lagu dheelayay, laakiin markii uu hadal bilaabay ayay gabadh kor iyo hoos si ba’an isu gilgilaysaa ku soo niikisay, oo badhi kaynaansan wadaadka laba jeer gumaarka kaga dhufatay. Dabadeed wuu ka cararay isaga oo leh: “Belo kugu dhacday oo sheyddaan ku gilgil.” Markaas ayuu goobtan soo beegsaday. “Ma waxaydaan garan karayn waxan aad ku dhex jirtaan in uu Ilaahay idiinku cadhoonayo? Bal inta rag iyo dumar ka la xaaraansan meeshaa ku xoonsan eega! Yaa idiin banneeyay in ay dumar ajnebi ahi idiin cayaaraan ama aad u cayaartaan? Cayaari ha dambayso ee marka horeba yaa idiin banneeyay in aad isu timaaddaan?”

“Cayaar dhaqameed sidii boqollaal sano loo cayaari jiray loo cayaarayo wax aan ahayn miyaad aragtaa? Cid wax la yeelayo miyaad aragtaa? Hablaha se maxaa ajnebi ka dhigay sow soomaali ma aha?” odaygii oo ay dadku si xamaasad leh ugu jiibinayaan ayaa weerarkii wadaadka u jilib dhigay.

Qoladii cayaarta tumaysay in kasta oo ay la socdeen doodda wadaaddada iyo daawadayaasha ka dhex aloosan, haddana marnaba hugunkii cayaarta may dhimin, waxaana muuqata in ay iska dhegoolaynayaan. Sheekh Xasan isaga oo xanaaqsan ayuu odaygii toos u maagay: “Bal eeg da’da aad tahay ee aad haddana difaacaysid dhaqan cawaan iyo cayaar sheyddaan!”

“Ma jiraan cawaannimo iyo sheyddaannimo ka weyn qof dhaqan aan ceeb lahayn oo ab iyo isir soo taxnaa cawaannimo iyo sheyddaannimo ku sheegaya”, ayuu odaygii yidhi isaga oo xanaaq ba’an indhaha ka muujinaya.

Sheekh Xasan markii uu xanaaqa odayga arkay wuu ka aamusay. Dabeecadda uu ku hawl galo ayaa ah in uu arrintu marka ay halkaas gaadho ka baxo, waayo’aragnimo aan yarayn ayuu huwan yahay. Labadiisii gacanyare, oo ka la ahaa inankiisa Aadan iyo saaxiibkii Carraale, ayuu dooddii daawadayaasha uga baxay, isaguna hore u gudbay. Intii in la’eg ayuu kooxdii cayaarta tumaysay jiibtii xoogga lahayd kaga dhex qayliyay. Cabbaar ayay iska dhegooleeyeen, laakiin wadaadku ka ma uu hadhin ilaa ay qayladiisu cayaartii dhabqisay, ay codka, cagta iyo calaacasha isla waayeen. Dabadeed mid barbaartii ka mid ah ayaa si xanaaq leh safkii uga soo baxay oo wadaadkii si aad u qallafsan gacanta midig dhuunta kaga qabtay, sidii uu bakhtiinayo, oo si arxandarro ah dib ugu tuuray. Sheekh Xasan jirjir cadka ayuu u dhacay, mar keliya ayaana la arkay isaga oo dadka cagahoodii galgalanaya.

Labadii gacanyare iyo Raage ayaa isku mar Sheekh Xasan ku soo yaacay, isaga oo cimaamaddii ka dhacday dhulka ka xaabxaabaya, gacmaha ayayna qabteen oo sare joojiyeen. Wadaadka gacanta dhuunta lagaga qabtay wax badan ma ay yeelin, laakiin mar haddii shishlaa, meeshuna ay ahayd didib, dhicista xanuun aan yarayn ayuu ka la kulmay. Aadan iyo Carraale mooyee tobaneeyo wadaad oo kale oo meelo ka la duwan wax ka wacdiyayay ayaa Sheekh Xasan gurmad ugu yimid. Isaguna markii uu xertiisii wada arkay ayuu dhiirraday oo ku dhawaaqay: Jihaad! Jihaadun fii sabiilillaah!”

Wadaaddadii iyo kuwii cayaarayay ayay ka dhex qaraxday. Daawadayaasha badankoodii, oo uu odaygii ay Sheekh Xasan murmeen ugu horreeyo, ayaa kooxdii cayaarta si firfircoon ugu hiiliyay. Dagaal aan naxariis lahayn oo feedh, laad, jilib, qaniinyo, ul iyo legdin isugu jira ayaa foodda la isdaray. Qaar dadka ka mid ahi waxay isku dayeen in ay labada kooxood ka la qabtaan, waa ay se isku wayraxeen oo cid walba isla jiidheen. Sheekh Xasan awalba jihaadka diyaar ayuu u ahaa, waayo markiiba ciidankiisa wuxuu ku dalbaday afgarad carabi ah oo ay ka mid ahaayeen: “Uqtuluu akbarahumulladii callamahumu sixra – dila kooda ugu weyn ee sixirka baray!” kaas oo uu u la jeeday odaygii saarka jeclaa ee ay hore u murmeen.

Dagaalkii wuu ballaadhay, wadaaddo kale iyo dadweyne badan ayaana goobihii kale ee ay cayaaruhu ka socdeen ka soo birmaday. Dabadeed iyada oo ay guusha iyo guuldarradu sida habeenka iyo maalinta u ka la baxeen, oo wadaaddadii waxii dhulka la dhigay mooyee waxii cago ku taagnaa meel gees ah oo dhismihii Barlamaankii Hore ka mid ah lagu ururiyay, ayay dhawr baabuur oo bilays ahi goobtii yimaaddeen.

Waxay ahayd intii aan hubka qarxaa weli Xamar ku soo badan, taas darteed khasaaraha maalintaasi ka ma badan dhawr nin oo dhaawac ka la duwani gaadhay. Sheekh Xasan iyo dhawr kale oo labada dhinac ah ayaa saldhigga bilayska loo qaaday.

Aanadii Negeeye – Qeybtii 25aad

Fikirkaada Waa Muhiim