Aanadii Negeeye – Qeybtii 22aad

Beryahaa Soomaaliya waxaa gilgilayay saddex dabaylood oo awoodda burburinta ka la daran. Mid aad u hanfi badani waxay ka soo afuufmaysay xeebta koonfureed ee dalka. Mid kale oo dhaxan badani waxay ka soo dhacaysay buuralayda Itoobbiya. Ta saddexaad oo bacaad kulul wadatay waxay ka imanaysay Lamadegaanka Carabta.

Tan u dambaysa ayaa dad uu Sheekh Xasan ka mid yahay sidatay. Wahaabiya waa mad’hab ka mid ah mad’habaha islaamka kuna abtirsata nin sacuudi ah oo magaciisu ahaa Maxamed ibn Cabdulwahaab. Ninkaasi diinta ka ma uu bixin fasiraad lagu tilmaami karo mad’hab, sidii ay sameeyeen imaamyadii hore ee uu Shaafici ka midka ahaa.

Ha ahaatee arrimaha caqiidada ayuu meelo ka mid ah u arkay si ka duwan sidii ay dadkii la casriga ahaa u arkayeen. Gaar ahaan wuxuu si aan hore loo arag u farogeliyay sifooyinka iyo dabeecadda Eebbe, una qaybiyay saddex nooc oo ka la madax bannaan mid walibana wax ku tacalluqdo.

Wuxuu aad u soo dhoweeyay oo cidhiidhi ka dhigay xayndaabka islaamnimada lagu galo ama lagaga baxo. Wuxuu dhulka la dhacay oo qiimaha ka qaaday dadkii la rumaysnaa in ay Ilaahay u dhowaayeen ee jacaylkooda Ilaahay loogu dhowaan jiray. Qunyar qunyar ayay dabadeed aragtidiisu u xoogaysatay ugana mid noqotay aragtiyaha ka la duwan ee diinta laga haysto.

Markii uu Sacuudigu saliidda helay, ee hodanka noqday, ayay mad’habtaas, oo awal halkaa ku koobnayd, iyada oo aad loo buunbuuniyay dunida islaamka oo dhan dhaqdhaqaaq xoog leh ku yeelatay. Mar keliya ayay wahaabiyada, oo asaas ahaan ahayd aragti caqiido, dhinac walba diinta ka saamaysay.

Haddana waxay isu rogtay aydoolajiyad dhaqan iyo siyaasadeed: hantigoosiga reer galbeedka ayay lid ku ahayd, hantiwadaagga reer bariga ayay ka hortag u ahayd, kacaankii shiicada Iiraan ayay joojinaysay, fidinta afka iyo dhaqanka carabta ayayna qayb weyn ka ahayd.

Dadka soomaalida ee ay fikraddaasi gashay waa laba qolo, ayuu Raage rumaysnaa. Qolo u shaqaysa, mushahar wanaagsanna ka qaadata, jaamacadaha diiniga ah ee Sacuudiga iyo hay’adda Raabidat al-Caalam al-Islaami oo fidinta mad’habtaas hormuud ka ah. Iyo qolo maamulka dulmiga badan eedday, oo iyada oo meelahaa shaqo la’aan iyo xanaaq la tuban ay kooxda hore kiishka ku shubatay.

Qolada hore maslaxadda dhaqaale ka sokow waxay u halgamayaan laba awoodood oo ka la ah: in ay suuqa diinta ee Soomaaliya ka qaadaan wadaaddadii dhaqanka, iyo in ay higsadaan talada dalka. Halka ay qolada dambe u badan yihiin dhallinyaro foolxumada xadka ka baxday ee dalka ka muuqata garawsan weyday, mustaqbalkuna mugdi ka galay, arrimahaas xal u raadintooda ayaana halkaa la martay.

Duhurkii markii salaadda jimce laga soo dareeray ayuu Raage u baqoolay gurigii uu ka casumnaa. Sheekh Xasankan maanta shilis, gadhka weyn, ee afartan jirka ahi, intii aanu Sacuudiga waxbarasho u aadin muddo dheer ayuu xerow ahaa.

Isaga oo ah kuray reer miyi ah ayuu xer socoto ah sidii neef baadi ah subax iska raacay. Markii uu dhawr sano xertaa habeenba reer u la hoyanayay, diintana wax uga baxeen, ayuu waqtigu Xamar ku soo xooray. Sanooyin kale ayuu xerownimo ku sii noolaa, masjidyada iyo mowlacyada diinta lagu bartana u ka la lugaynayay.

Berigaa waxaa nolol u ahaa allabariga iyo siyaarada awliyada, xuska maytida iyo martiqaadyada la midka ah ee aakhiro abaalka loogu dhigto. Noloshiisa oo sidaas u adag ayuu Xamar ku guursaday haweenayda ay maanta wada joogaan ee carruurta u leh.

Muddo aan yarayn ayuu iyada iyo ubadka ku noolayn jiray sunuudda ay gacanta ugu shubaan qoysas uu raatub u akhriyi jiray. Dabadeed wuxuu nasiib u yeeshay in uu ka mid noqdo wadaaddo deeq waxbarasho diineed ah Sacuudiga laga siiyay.

Waxtarka aqooneed ee waxbarashada halkaa waxaa la mid ahayd ta dhaqaale, lacagta qofka bishii la siiyaana Soomaaliya waxay ka tari jirtay wax badan. Maalmaha uu fasaxa yahayna waxa uu ka shaqaysan jiray hadba waxa uu helo oo ay baabuur masixiddu ka mid tahay. Afartii sano ee uu Sacuudiga joogay wuxuu iibsaday laba dhul oo uu mid ka dhistay gurigan shanta qol ah ee uu maanta deggan yahay.

Dhawr bilood ka hor, markii ay waxbarashadii afarta sano ahayd u soo dhammaatay, hay’adda Raabidat al-Caalam al-Islaami ayaa Soomaaliya kaga hawl gelisay mushaharo bishii laba kun oo riyaal ah, si uu uga mid noqdo dadka wahaabiyada Soomaaliya ku fidinaya.

Durbadiiba wuxuu bilaabay halgan aan nasasho lahayn, wuxuuna ku xidhmay kuwo kale oo badankoodu jaamacadaha Sacuudiga ka soo baxay, gurigiisuna wuxuu ka mid noqday xarumaha ugu waaweyn ee ay jabhaddiisu ku kulanto.

Hawlaha uu markiiba xaafadda ka hirgeliyay waxaa ka mid ahaa dhallinyaro badan oo uu xertiisa ku soo xidhay. Markiiba waxaa la arkay wiilal badan oo gadhka la baxay, filimadii iyo ruwaayadihii ay jimcaha hablaha u daaddihin jireenna duruus diini ah iyo barashada af carabiga ku beddelay.

Bishii labaad ee imaatinkiisa wuxuu gurigiisa ku hor qabtay xaflad uu dhammaan raggii ku soo biiray timaha kaga wada xiiray, surwaalladana maqas ugaga gaagaabiyay ilaa qoobabka dushooda. Qaybihii surwaallada laga jeexay waxaa lagu shubay oog dab ah oo halkaa laga shiday, iyada oo isla markaas Sheekh Xasan akhriyayo aayaddii uu Nebigu akhriyay maalintii Maka la furtay ee sanamyada la burburinayay.

Maalintaasi xaafadda waxay ka yeelatay laba magac: Sheekh Xasan iyo inta raacsani waxay u bixiyeen “Maalintii sunnada”, laakiin dadkii ka soo horjeeday waxay ku magacaabeen “Maalintii macnodarrada”.

Dharaartii taa xigtay ayay dumarka xaafadda intii dhaqdhaqaaqa ku soo biirtay munaasabad taa hore u eg afada Sheekh Xasan gurigeeda ugu qabanqaabisay, halkaas oo ay si wadajir ah isaga xayuubiyeen dharkii ay hore u xidhan jireen ee ay diraca, garbasaarta, googaradda, guntiinada iyo toobku ka midka ahaayeen, kuna beddesheen xijaab madow ama aan midab lahayn oo ay qudheedu guriga ku iibin jirtay, dharkaas oo wadaadku Barri Carab ka soo waariday.

Sheekh Xasan ha ka mid ahaado dadkii iyaga oo xanaaqsan beryahaa dalka ku soo noqday ee guud ahaanba islaamnimada bulshada shakiga geliyay muranka badanna abuuray, laakiin run ahaantii kuwo badan ayuu dhaamay marka la eego xagga dulqaadka.

Wuxuu rumaysnaa diin in laga doodo iyada oo caqliga la adeegsanayo in aanay sideedaba dabiici ahayn, wax natiijo ahna laga gaadhayn, ee ay tahay in uu qof wax sheego ka kalena dhegeysto. Bes. Samcan wa daaca. Waxii intaa dheeri waa uun muran. Taas darteed wuu dareensanaa dadka had iyo jeer baaqiisa soo raacaa in ay yihiin dad ku soo hanuunay wacdiga iyo waanada.

Nasiibdarro markii uu Sacuudiga ka soo noqday dadkii ugu badnaa ee ay murmeen iskana hor yimaadeen waxay ahaayeen wadaaddadii xerownimada iyo noloshii adkayd ee uu qudhiisu soo maray ku jiray. Mushkiladdu waxay ahayd isaga oo waxii ay ku noolaayeen oo dhan ee siyaaro, allebari, raatub, qardhaas, cashar iyo jinni saarid ahaa, ee uu isaguba ku soo ceeshay, xaaraan iyo baaddil ku sheegay.

Iyaguna Sheekh Xasan waxay u arkeen nin risiqmaanac ah oo markii uu nolol helay doonaya iyaga in uu cuneqabateeyo. Sidaas oo kale waxay ka baqayeen kooxdiisa cusubi in ay suuqa diinta lagu ka la iibsado ee ay awalba dariiqooyinka badani isku haysteen qayb ku yeelato.

Laakiin dhab ahaan Sheekh Xasan iyo kooxdiisu waa ay iska la hanweynaayeen in ay dariiqooyinkaa badowda ah wax la qaybsadaan. Waxay doonayeen dhammaan arrimaha diinta in ay iyagu si buuxda u la wareegaan, bulshadana gacanta ku wada qabtaan, ilaa heer hoggaan siyaasadeed. Tiigsiga hoggaanka siyaasaddu wuxuu ka hor keenay taliska dalka xukuma oo dagaal ba’an ku qaaday oo wadaaddadii hore u hiiliyay.

Dhanka kale istiraatijiyadda ololaha wahaabiyadu wuxuu ahaa in awoodda ugu badan la saaro ururinta dadka aqoonta leh iyo dhallinyarada. Barnaamijka dhallinyarada ku wajahan ilaa markaa guul weyn baa laga gaadhay, dadka dhaqdhaqaaqa cusub ku soo qulqulana, rag iyo dumar, waxaa u badnaa dad ay da’doodu soddonka ka hoosayso.

Sheekh Xasan wuxuu xansaday mowqifka Raage ee ku saabsan waallida dugsiga ay carruurtiisu dhigato ka socota, wuxuuna u arkay nin soo dhoweyn mudan. Wuxuu jeclaystay in uu la kulmo, isaga oo aad u quuddaraynaya in uu jamaacada ku soo riixi karo.

Haddii ay suurtogasho waxay keeni kartaa in uu isaguna dad badan saamayn ku sii yeesho, siiba ardaydiisa. Sababtaas ayay ahayd ujeeddada martiqaadku. Raage isaga oo cabbaar soo lugeeyay ayuu ganjeeladii guriga soo garaacay.

Waa guri cad oo cusub kuna yaal dhammaadka Xamarjadiid, galbeedna uga muuqda gegida cayaaraha Istaadiyow Muqdisho. Derbiga waxaa ku taxan jajab quraaradeed oo tuugta lagaga gaashaamay. Waa guri soomaaliyeed oo waqtigiisa jooga: inta uu la’eg yahay, qaabka dhismaha iyo awoodda uu ugu babac dhigi karo dabeecadda nolosha rifta ee gaboojisa.

Soomaalida badankoodu in ay dhistaan guryo aan cimri dherer yeelan karin saboolnimo keliya loo ma aanayn karo, ee waa fahamka nolosha laga haysto ee ah dunidu in ay tahay habeendhax, geed lagu nasto, hoosiis iyo dhalanteed;

in aakhiro loo socdo, safar in lagu jiro, qof safar ahna aanay habboonayn culaabta in uu isku badiyo; in wax kasta oo la tacbaday la iska xisaabinayo, adduunkana macnodarro loogu harraadayo oo maro cad uun lagala tegayo. Taa darteed qofku marka uu wax dhisayo waxaa laga yaabaa in uu maskaxda ku hayo “culayska iyo xisaabta aakhiro ha isku badin”.

Fekerka sidaas ahi wuxuu hakiyaa hanka, hiyiga iyo horumarka guud ee qofka dabadeedna bulshada oo dhan. Gurigan Sheekh Xasan ee ka dhisan bulkeetiga rakhiiska ah, ee ay dhowaan dabayshu afuufi doontaa, wuxuu tusaale u yahay waxqabad kumeelgaadh ah.

Markii uu albaabka garaacayba wuxuu gudaha ka maqlay digdigtii iyo orodkii dumarka oo la moodo lo waraabe duddada isu soo taagay. Waa guri wadaad iyo caadadii. Wadaadkii oo qamiis cad ku dhex jira, cimaamad sacuudina hagoogan, ayaa albaabka ka furay, salaan iyo gacanqaad ay ilka caddayni wehelisana ku soo dhoweeyay.

Waa nin shilis oo aad u madow, markii uu yaraana waxaa lagu naanaysi jiray Xasan-Tuke. Laakiin markii uu dhuuni dux leh helay, dhaxantii iyo qorraxdiina hoy ka galay, waa kaa yeeshay dub nadiif ah oo marka ilaysku ku dhaco sida malowga u ifaya.

Gudaha ayaa loo wada gudbay iyada oo la sii dhex maray daarad yar oo hareeraha doog iyo ubax lagaga beeray. Waa daarad nadiif ah oo indhaha deeqaysa, gaar ahaan indhaha Raage ee ku basaasay barxadda habaaska leh ee guriga uu kirada ugu jiro ee ay meel walba kabta go’day iyo kalaxa jabani foororaan.

Dhawr qol oo iska soo horjeeda ayaa kii ugu sokeeyay la galay, waa qolkii fadhiga. Aadan Sheekh Xasan ayaa salaan ka la hor yimid. Daahyo qurux badan baa labada daaqadood ka deldelan, roog cas oo ah nooca Aasiya laga keeno ayaa dhulka daadsan, derbigana waxaa ku tiirsan kabadh ay buugaag carabi ahi ku teedsan tahay ishuna meel fog ka garanayso dhammaan in ay yihiin kutub diini ah.

Kuraas fadhi debecsan ayaa la wada fadhiistay, kuwiisii gaboobay ee marka salka la saaro liiqliiqan jiray ayuu Raage xasuustay. Miiska waxaa saaran nuqul ka mid ah caddadkii ugu dambeeyay wargeyska caanka ah ee al-Mujtamac.

Waa wargeys dalka mamnuuc ka ah, qofka lagu qabtaana xabbis ayuu ku mutaystaa. In aan laga qarin, ama aan ugu yaraan miiska laga qaadin, Raage waxay dareensiisay kalsoonida ay qoysku ku qabaan, taas oo isaga qudhiisa siisay degganaansho dheeraad ah. Meel dhinac ah waxaa ka muuqata gogol dhulka loo dhigay oo qadada loo diyaariyay.

Intii aan salaantii soo dhoweynta weli la iska la gudbin ayaa gogoshii cunto lagu soo toomiyay, waxaana loo fadhiistay qado saddexdooda ah oo arag iyo dhadhan wanaagsan. Bariis iyo hilib idaad oo isku karis ah oo uumigu ka baxayo, maddiibad suugo ah oo udgoonkeedu nafta taabanayo, hilib baradho, kaarooto iyo kaabej lagu kariyay, xabbado muus ah, saxan salladh ah, iyo weel cambe qabowi ku jiro ayaa bisinka loo qabtay.

Markii qadadii laga soo jeestay ee weelkii dib loo guray kuraastii fadhiga lagu ma noqon ee gogoshii lagu qadeeyay ayaa shaah iyo sheeko lagu sii wadaagay. Wadaadka ayaa haasaawaha daaddihinaya, sheekooyin goosgoos ah oo af carabi ka buuxo, oo aan sidoodaba dhadhan soomaaliyeed lahayn, ayuu midba mid uga gudbay.

Wadaaddada soomaalida si foolxun ayay af carabiga iyo af soomaaligu iskaga dardarsamaan. Hadalkooda carabi ayaa ka buuxa, maahmaaho, gabayo iyo halhaysyo carbeed ayaana had iyo jeer ku dheehan, sidii ajar looga qorayo. Sababtu ma aha oo keliya, sida lagu eedeeyo, in ay af soomaaliga dilayaan oo carabiga faafinayaan, ee iyaga oo dad waaweyn ah ayay barashada carabiga bilaabaan, waxayna ka la kulmaan hawl badan.

Dadaalka badan ee ay barashadiisa ugu jiraan ayaa keena in ay had iyo jeer ku dhadhabaan, taas oo ay ka la mid yihiin dadkii waqtigii hore afafka yurub baran jiray dabadeed meel walba isla taagi jiray. Waa caadi dadku hadba luqadda ay ilbaxnimo bidayaan in ay isku dhisaan.

Sheekh Xasan markii uu cabbaar hadalka waday ayuu dareemay in uu ku dheeraaday, si uu fursad u siiyo ayuuna ninkii martida u ahaa wayddiiyay:

“Raage, kitaabkii aan ku siiyay waad akhriday sida aan filayo?” “Haa, maalintiiba. Waxaa se qoray nin diinta ka eegaya xagal cidhiidhi ah. Waxaan xasuustay wadaadkii ay reer burco ku tilmaameen nin diinta baabka cadaabta ka bartay.”

“Khayr Alle ha siiyo ee wadaadkaas wax badan baan ka kororsaday. Diinta baabka cadaabta ka ma uu baran ee wuxuu inooga digayaa baadinnimada.”

“Runtii cabsi aad u badan ayuu igu abuuray. Sida uu wax u sheegayo ma jiro qof ka badbaadi kara cadaabta uu ka dhigay wax aan cidina ka badbaadi karin. Diinta si ay naftu ugu degto waxaa habboon in laga helo naxariis, argagixintu ma aha dariiqa ugu habboon ee diin loo gudbiyo.”

“Maya ee naartana waa in la isaga digaa. Kutub kale oo uu qoray ayaan ku siin, insha Allah.”

“Waan kaaga mahad naqayaa waayo runtii qoraallo aan carabida ku ilaashado waan u baahnaa. Laakiin wadaadkaas iga daa oo mid kale ii dayday.”

“Kutubtaydaa kii kale ee aad doontid ka la bax.”

Sheekh Xasan shaahii inta uu saddex jeer fiiqsaday ayuu dhigay, dabadeed sintii uu awal ku fadhiyay mooyee tii kale isu rogay. Shilayska iyo dheregta dartood dhaqaaqaa yar wuu ku xiiqay cabbaar ayuuna neefneefsaday.

Waxaa muuqata in uusan dheg u jalaqsiin dardaarankii Rasuulka ee macnihiisu ahaa in caloosha qayb cuntada lagu rido, qaybna biyaha lagu shubo, qaybta saddexaadna neefsiga loo banneeyo. Inta uu cimaamadda dhidid iskaga masaxay iskuna babbiyay ayuu si hadalkii hore ka baxsan u wayddiiyay:

“Raage, nimankaa reer yurub ee aad soo aragtay maxaa horumarkooda u sabab ah ayaad u malaynaysaa?”

“Dishibbiliin hagaagsan iyo shaqo badan.”
“Marnaba maskaxdayda waxaa geli weyday dad Allah beeniyay,

oo rumaysan dunidu in ay ka abuurantay qarax lamafilaan ah noloshuna ka dhalatay haro dhooqowday, in ay iga talo hagaagsan yihiin.”

“Horumarku waa natiijo ka dhalata fekerka iyo waxqabadka dadka ee diin waxba ka ma gelin.”

“Ma jirtaa horta in ay sidaas rumaysan yihiin?”
“Waa mid ka mid ah aragtiyo ay ku ka la duwan yihiin.”

“Ma isla kuwaasaa qolada rumaysan dadku in uu yahay daayeer hadal bartay?”

“Haa.”

“Innaa Lillaah wa innaa Ileyhi raajicuun! Yaa akhii, sow ma aha nadariyad mufsic ah?”

“Haa, waa aragti argaggax leh, laakiin argaggaxu waxba tari maayo, fekerka aadamigu xad ma leh.”

“Waa wax laga argaggaxo. Mar haddii se ay iyagu maanta Allah ka sokow dunida hoggaanka u hayaan, fikradaha ay ka la haystaan ee aad sheegtay mid lala noolaan karo ma ku soo aragtay ?” ayuu si quus ah u sii xog waraystay.

“Haa, waa ay ka buuxaan.”

“Dabcan waa intooda kiristaanka ah, sow ma aha?” “Maya, i la ma aha in ay diin ku xidhan tahay.”

“Innaa Lillaah wa innaa Ileyhi raajicuun! Maxaad iyagaba kaga daali, Allaah oo laga jeestaa foolxumada ay lee dahay soomaali ka eeg. Waa taa sidii geel uu dhuug cunay midig iyo bidixba diidday ee cartan ku waalatay. Ruuxii garaad lihi wuu garanayaa sababtu in ay tahay xaqii oo laga leexday xalkuna ku jiro in loo noqdo.”

“I la ma aha in xaq laga leexday ama diin la’aani jirto, ee waa jahli iyo faqri waxa dhibaatada wadaa.”

“Diin la’aan baa jirta, yaa akhii, ilaa diinta loo noqdana jahli iyo faqri midna laga bixi maayo.”

“Laakiin Sheekh Xasan, dadkeenna oo ku caan baxay diin jacayl in aad diin la’aan ku sheegtaa miyaanay dulmi ahayn? Umaddu awalba muslin waa ay ahayd ee waa maxay diinta aad lee dahay ha loo noqdo?”

“Diin la’aan baa jirta, yaa akhii, ma waxaa diin haysta qof aan tukanayn, ama sidii wax waalan xabaal dul yuurura, marna sidii wax la sixray maamul daaquud ah sacabka u tumaya?”

Wadaadku marka uu sidaas u hadlayo ma oga aragtida siyaasadeed ee Raage, warna u ma hayo in uu maamulka daacad u yahay oo xabsiga ku ridi karo iyo in kale. Waxba se yuu dadka diin la’aan iyo daaquudnimo ku eedayn, ujeeddo taa ka fog ayuu lee yahay.

Si uu mashruuca uu wato ugu weel banneeyo ayuu waxii hore u jiray oo dhan diin la’aan iyo daaquudnimo ku sheegayaa. Raage isaga oo arrinta sidaas u arkay ayay la noqotay runta in halkeeda loogu tago.

“Ma aha markii koowaad ee ay inoo timaaddo aragti ku doodaysa diin aynu ka tagnay in ay inagu celinayso, waxaana ka dhalan jiray uun iska horimaad iyo ka la qaybsan. Qarnigii horeba waxii qayladhaan inoo timid ee saalixiya, qaaddiriya, axmadiya iyo wax la mid ah lahaa, waad og tahay.

Markaas wahaabiyadan aad waddaan sow iyaduna la mid ma aha?”

Ninku gardarro badanaa! Miyaanu ogayn duulka in loo qariyo naanaysta wahaabiya oo ay ka xanaaqaan, kana jecel yihiin in loogu yeedho saxwa (baraarug)? Miyaanu ogayn dariiqooyinka uu ugu abtirinayo in ay u arkaan wax dulli ah oo ay iska la weyn yihiin?

Intaas iyo faallada uu su’aasha raaciyay dareenka Sheekh Xasan ma uu soo dhoweyn, laakiin xanaaq ma uu muujin. “Waan ka xumahay halgankayaga in aad ka la mid dhigtid khuraafaadkii suufiyada oo ah waxa koowaad ee aannu burburinayno.”

“Laakiin sow ma ogid iyaguba waqtigoodii in ay ku doodayeen dad diin ka tegay in ay ku soo dabbaalayaan?”
“Laakiin maxay ku soo dabbaaleen?”

“Waxba, sida aanan u arag diin laga tegay iyo wax aad qudhiinnu soo dabbaalaysaan toonna.”

“Aad ayay u ka la duwan yihiin kuwaa aad magacawday iyo saxwadu. Iyagu waxay lahaayeen ujeeddo macnodaran oo diinta gabbaad looga dhigtay, laakiin annagu meel ku dhaqanka shareecada ka sokaysa geeddiga ku furi mayno. Carabida waa taqaane akhri, yaa akhii, kutubta ay ka midka yihiin Macaalim fi-dariiq uu qoray Sayid Qudb, raximahu-Laah! ”

“Sheekh, kitaabkaas iyo qaar kaleba waan akhriyay, waxaan se adiga oo raalli iga ah ku wayddiiyay, sow dhab ma aha markii aad Soomaaliya ka dhooftay in aad diinta ka qabtay aragti ka duwan tan aad maanta qabtid, ee gaadhsiisan in aad bulshada u aragtid gaalo? Hadii ay sidaas tahay, sow ma jiraan wax ku soo beddelay?”

“Haa, culimo diinta aqoon fiican u leh, oo Qur’aanka iyo Sunnada faham cusub uga daadegtay, ayaan aqoon hagaagsan ka soo helay.”

“Waa si wanaagsan, waayo fekerka iyo cilmibaadhista diinta iyo aqoonta kaleba ku saabsani inta uu aadami jiro waa ay soconayaan, fac walbana waxaa hor imanaya su’aalo jawaab uga baahan. Laakiin tani sow ma aha uun siyaasad?”

“Siyaasad sidee ah?”
“Carabayn?”

“Yaa akhii, adigu muslimiinta carab iyo cajam ha u ka la qaadin. Carabnimana ma wadno ee Allaah kitaabkiisa ayaanu wadnaa.”

“Laakiin dhab ahaan ma aragtaa, sidee baad se u aragtaa, ololaha isirdoorinta ah ee inagu socda?”

“Oo walaalow isirdoorinta maxaad ku diidi haddii aad Allahaaga, Nebigaaga iyo diintaada ugu dhowaanaysid?”

“Carabnimo miyaa Ilaahay loogu dhowaadaa?”

“Haa, diinta ayaa af carabi ku degsan, Nebiga ayaa ka dhashay, xarameynka ayaana ku yaal, aakhirana waxaa lagu hadlaa carabi.”

“Soomaalinimada iyo af soomaaliga qudhooda Ilaahay baa abuurtay, markaa haddii la dumiyo sow meelkadhac ku ma aha xikmadda abuurista Eebbe?”

“Dumin iyo isirdoorin ta aad doontidba ku sheeg, laakiin carabida iyo diintu ma ka la maarmaan. Inta aan maanta af soomaaliga ka aqaan haddii aan carabi ku beddelan karo waan ku beddelan lahaa. Maxaan af soomaaliga ku qabaa oo aan ahayn qarjajac iyo gabay qabiil?”

Raage aqoon wanaagsan ayuu u lahaa diinta, sidaas oo kale fikrad ku filan ayuu ka haystay taariikhda labada mad’habood ee Soomaaliya ku cusub ee ikhwaan al-muslimiin, oo ku abtirsata wadaad reer masar ah oo lagu magacaabi jiray Xasan al-Banaa, iyo wahaabiyada Sacuudiga.

Sidaas awgeed baahi badan u ma uu qabin in uu wax ka ogaado macnaha ay ku dhisan yihiin. Wuxuu se xiisaynayay in uu ogaado aragtida dhabta ah ee wadaaddada soomaalida ee arrintaa ku jira, aqoonta, fekerka iyo wacyiga ay doonayaan in ay hoggaanka siyaasadeed ee ay u hamuumayaan ku la wareegaan inta ay qodan yihiin.

Maanta wuxuu hubsaday fekerka wadaadku halkii uu ku malaynayay in uu aad uga hooseeyo. Wuxuu u baahan yahay xoogaa aqoon guud ah oo aan diin keliya ahayn. Wax walba ka hor wuxuu u baahan yahay in uu fahmo waajibka ka saaran ilaalinta jiritaankiisa ummadeed.

Wadaadka soomaaliyeed ficil la’aantii uu beri hore tolkii dayrada kaga noqday ayuu weli qabaa oo uu qarankiisana dayro kaga noqonayaa.

Isaga oo fekerka Sheekh Xasan miisaamaya ayay mar ku soo dhacday fikrad uu ku dhowaaday in uu qosol ka wareego. Wuxuu maleeyay wadaadku salaadda uu tukadaba in uu Eebbaha awoodda leh ka baryo soomaalida in uu carab ka dhigo, oo carabida wada baro oo af soomaaliga jaan ka madoobeeyo;

in uu qamiisyo iyo cimaamado iyo weliba cigaal u wada xidho; muuska xun in uu ka gubo ama ayax iyo abaar kaga sallido, xoolahana caal iyo dhugato ka geliyo, oo dhulka timmir iyo ceel samsam ah uga soo saaro iyo batrool;

dumarkan dugsiga iyo shaqada baas lagu jaanjaamay ee waagii beryaba waddada sii jarmaadsan Ilaahay in uu tuf iyo taag la’aan ku wada rido oo sida kuwa Sacuudiga guryaha yuururiyo.

Sheekh Xasan dadka xaafaddu ma jecla. In uu gaalo u arko oo keliya ku ma ay nicin ee waxaa jirtay taariikh hore. Imaamka masjidka xaafadda, imaam Daahir, iyo isagu isku xer iyaga oo ah ayaa isku mar jaamacadda Sacuudiga loo qaatay.

Markii ay Sacuudiga tageen waxay la kulmeen dhaqan diineed ka duwan kii ay wateen, waxyaalo badan oo ay ku dhaqmayeen ayaana loogu sheegay bidco iyo camal sheyddaan. Iyaga iyo sacuudiyiintii ayaa isku dhacay, waxaana loo sheegay in ay hadal la’aan ku qaataan dhaqanka ay Sacuudiga ugu yimaadeen, haddii kale dalkoodii gaajada ahaa ku noqdaan.

Maslaxad dhaqaale iyo aqooneed oo ay ardaydii dunida saboolka ah ka timid ilaashato ayaa meesha taallay, sidaas darteed ardayda kale oo uu Sheekh Xasan ka mid yahay waxay door bideen in ay hoggaansamaan.

Laakiin Daahir taasi u ma ay cuntamin, isaga iyo maamulkii jaamacadda ayaana dhawr jeer murmay. Fursaddan aqooneed iyo nololeed ee hor taalla il baahan buu ku eegay, dhaqan diineedkiisa sidii funaanad wasakhowday laga beddelayana wuu liqi waayay.

Wuxuu u arkay liidnimo in uu sidii uu diinta ugu dhaqmayay ka tago nimanka uu soo martiyay oo sidaas doonaya darteed. Dabadeed go’aan xin u janjeedha ayuu qaatay, dalkiisa ayuuna ku soo noqday.

Xidhiidhkoodu sidii uu berigaas u burburay weli dhulka ayuu daadsan yahay, maalinbana ta ka dambaysa ayuu sii burburaa. Beryihii uu Sheekh Xasan soo noqday waa ay doodeen, laakiin waa ay isfahmi waayeen.

Bidci iyo bidci ayay isku tilmaameen, dabadeed kaafir iyo kaafir ayay ka gaadhay. Maanta haddii ay iska soo hor baxaan isma salaamaan, midba ka kale wuxuu u arkaa in aanay salaantu ku bannaanayn. Dadka badankooduna Daahir ayay la dhinac yihiin.

“Raagow, waxaan kuugu nasteexaynayaa in aad ku soo biirtid saxwada iyo shabaabka. Weliba adigu al-luqah al-carabiyah waad taqaan oo barashada diintu waa ay kuu fudud dahay. Nagala soo qaybgal muxaadarooyinka iyo duruusta qayimka ah ee socda.”

“Wacdiga waad ku mahadsan tahay, laakiin in aan urur ku biiro runtii diyaar u ma ahi.”

“Urur ku soo biir ku ma dhihin dee anigu, yaa akhii, diinta aynu wada baranno oo jahliga ka baxno weeye waxa aan kuugu nasteexaynayaa.”

Aad ayay u doodeen, ha yeeshee Sheekh Xasan maalintaas wuu ku guuldarraystay in uu xisbigiisa u helo xubin cusub oo lagu magacaabo Sheekh Raage. Sidaas oo ay tahay waxaa u bilaabatay dood joogto ah oo ku saabsan fekerka diineed ee cusub.

Facebook Comments