Aanadii Negeeye – Qeybtii 21aad

Goor casargaab ah isaga oo Raage bixid isu diyaarinaya ayaa albaabkiisa la garaacay. “Iyaa! Waar nimankani ma Carraale iyo Aadan baa?” “Salaamu calaykum!” ayay ku bariidiyeen. “Wa calaykuma salaam!” Waa ina Sheekh Xasan iyo Carraale oo labaduba ardaydiisa ah. “Haye macallin, nabad sow ma aha?” “Waar waa nabade, maanta waad soo dheeraateene.”

“Haa, waannu soo dheeraannay, weliba guriga waanu soo garan weynay oo cabbaar baanu warwareegnay.” “Denbiga idinka ayaa leh, haddii aad imanaysaan waxay ahayd in aad iga soo tilmaan qaadataan. Waxba se ma aha mar haddii aad timaaddeen.

Dhabcaal baan ahay oo marti badan ku ma aan tashan, waan se idiin helayaa laba kursi ee soo fadhiista”, ayuu yidhi isaga oo laba kursi oo ay buugaag iyo wargeysyo ku daadsanaayeen u bannaynaya.

“Iska yar fadhiya gabdhaha ayaan shaah innoogu ballaminayaaye”, ayuu haddana isaga oo qolka ka sii baxaya martidii u sheegay. Qolku waa qol soolane caadi ah. Sariir bir ah oo aan qaali ahayn ayaa gurada soo taal, qaddiifad doogo ah oo caag ah ubax casina ku sawiran yahay ayaa dhulka ku goglan.

Daaqad daah buluug ahi ka lusho ayaa albaab debedda u sii jeeda ku dhinac taal, albaab labaad oo ah ka ay ka soo galeen ayaana gudaha u sii jeeda. Waa qol aan wax badan kaga duwanayn qolalka ay iyagu ku nool yihiin, waxaa se dheeraad u ah buugta badan ee kabadhka duugga ah iyo miiska ay hareero fadhiyaan ku rasaysan, oo ingiriisi, carabi iyo soomaali isugu jirta.

Wargeysyo carabi iyo ingiriisi ah oo duug u badan ayaa iyaguna miiska saaran. Buugta qaarba si ayuu Raage ku helay, Yurub ayuu se badankeeda ka la yimid. Asxaab uu qurbaha ku lee yahay ayaa wargeysyada badankooda u soo diray, oo dalka si kale ku ma soo gelin karaane gabadh Somali Air Lines adeegto ka ah ugu soo dhiibay.

Markiiba labadii arday buugtii ayay ku qamaameen oo magaca iyo muuqa daawasho ku boobeen.

“Mabaan moodayn in ay waxan oo buug ahi soomaali ku qoran yihiin”, ayuu Carraale maqashiiyay Raage oo irridka ka soo gelaya.
“Sidaas u ma badna. In kasta oo uu qoraalka af soomaaligu ugub yahay haddana runtii dadaal xumo badan ayaa jirta.”

Wuxuu eegay labadii buug ee ay ku foognaayeen oo ahaa ‘Ayaandaran’ iyo ‘Ma dhab baa jacayl waa loo dhintaa?’ dabadeed wayddiiyay:

“Ma akhrideen ‘Ayaandaran’?”

“Haa, anigu waan akhriyay”, waxaa yidhi Carraale oo ahaa ka ‘Ayaandaran’ gacanta ku hayay.

“Aadan, adigu ma akhriday?”

“Maalmihii ay Xiddigta Oktoobar ku soo bixi jirtay ayaan akhriyay, laakiin haddii ay maanta ahaan lahayd buug kale oo aan cilmi adduun ama mid aakhiro ka kororsado ayaan ka dooran lahaa.” Ujeeddada Raage durba garay. Bilahan dambe dugsiga waxaa ka socday dhaqdhaqaaq diineed oo xoog leh, Aadan iyo Carraale ayaana hawshaas hormuud ka ahaa.

“Ma waxaad lee dahay waan akhriyay waxbana i ma tarin?” “Haa, nasiibdarro! Wuxuu ii ahaa uun madaddaalo.” “Madaddaaladu, aniga aragtidayda, waa qayb ka mid ah faa’iidooyinka sheekada ee ma aha faa’iidadeeda keliya, waa haddii ay marka horeba tahay sheeko nuxur leh. Maxaad se u malaynaysaa sideedaba in sheeko loo qoro ama loo akhristo?”

“Ma diiddani sheeko, laakiin waa in ay lahaataa waxtar la taaban karo, taariikh macno leh, sida tii Khaalid ibn Waliid oo aan dhowaan akhriyay tusaale ahaan.”

“Laakiin taasi waa taariikh oo ka duwan suugaan.” “Haye?” ayuu yidhi Aadan.

“Tusaale ahaan sheekada Khaalid ibn Waliid, in kasta oo aanan akhriyin, waan garan karaa in ay tahay taariikh nololeed ku saabsan qof gaar ah, laakiin ‘Ayaandaran’ waa sheeko faneed ka hadlaysa dhacdo dadka oo dhan qof walba si uun u taabanaysa.” Albaabkii ayaa la garaacay.

“Shaahii ayaa inoo yimid”, waxaa yidhi Raage oo kicid u sii hinqanaya. ”Aad ayaad u mahadsan tahay, Aammina!” ayuu ina Xaaji Cabdule ugu mahadnaqay isaga oo falaas shaah ah, saddex bakeeri iyo koob caddays ku jiro ka guddoomaya.

“Haddii se aad dhacdo dhab ah xiisaynaysid”, ayuu hadalkii ku sii watay isaga oo shaahii ku shushubaya, “tan kale sidee baad u aragtaa, ‘Ma dhab baa jacayl waa loo dhintaa?’?”

“Qudheeda waan akhriyay, laakiin haddii aan ogaado Cilmi-Boodhari caashaqa la lee yahay wuu u god galay, maxaa iiga kordhaya? Miyaan ka helayaa, tusaale ahaan, waxtarka aan ka helayo ta Khaalid ibn Waliid ee ah taariikhda diintayda?”

Kaaf iyo ka la dheeri! Dhawr bilood hortood Aadan wuxuu ahaa hormuudka dhaqanka iyo suugaanta ee dugsiga, taas oo ah sababta ay Raage isugu dhowaayeen. Xataa tartan faneedkii kalhore ee dugsigooda tix gabay ah oo uu tiriyay ayaa kaalinta koowaad ku guulaysatay.

Inanka maxaa ku dhacay? Miyaanay wax laga xumaado ahayn, ayuu Raage iswayddiiyay, in uu arday dugsi sare dhigtaa sidan u fekero? Laakiin isbeddelka Aadan iyo Carraale si wanaagsan ayuu u la socday, wuu ogaa in ay wadaaddo noqdeen.

Sababta ay wadaaddada u noqdeen qudheeda wuu ogaa, waxay la bilaabatay imaatinkii Sheekh Xasan, Aadan aabbihii.

“Khaalid wuxuu meel ku lee yahay diinta, Boodharina dhaqanka, midkoodna in aad jeclaatid wanaag mooyee xumaani ku ma jirto. Haye Carraale?” ayuu yidhi isaga oo isku dayaya in uu garab ka helo. Laakiin isla markaa wuu hubay in ay tahay rajo dhalanteed ah, waayo isaga iyo saaxiibkii Aadan isku waddo in ay ku taagan yihiin wuu hubay.

“Wallaahi, macallin, anigu intii aan diinta dhex galay waxyaalo badan oo awal qiimo i la lahaa ayaan hadda qiimo i la lahayn, waxyaalo kale oo aan dhayalsan jirayna waxaan ogaaday in ay aad muhiim u yihiin. Waxayna i la tahay qofku waqtiga uu buug sheeko ah ku lumin lahaa in uu kaga faa’iidaysto barashada diinta”, ayuu Carraale ku garnaqay.

Marka wax laga doodayo dadka had iyo jeer diinta oo keliya cuskada, ee ka taga tijaabada nolosha, natiijada cilmiga iyo oddoroska caqligu, waxay xaqirayaan guud ahaan dadnimada gaar ahaanna garaadkooda.

“Arrin yar aan meel kale idinka tuso, oo tusaale u soo qaato ‘Ayaandaran’. Shaki igagama jiro mushkiladda ay xallinayso iyo cudurka ay bulshada ka daweynayso in aanay jirin dariiqad ka habboon oo lagu xallin kari lahaa iyo dawo ka waxtarsan oo lagu daweyn kari lahaa.

Ma shaki baa ku jira gabadh kasta oo da yar oo sheekadaa akhriday in ay ka kororsanayso waayo’aragnimo mustaqbalkeeda wax ka tari karta, mushkiladda Asli (shakhasiyadda kowaad ee qisada) soo foodsaartay haddii ay soo foodsaartana sheekadani u noqon karto bartilmaameed ay ka duusho?

Ma shaki baa ku jira nin kasta oo akhriyay in ay ku abuuri karto xilkasnimo iyo in uu xidhiidhka hablaha ku saleeyo edeb? Ma shaki baa ku jira waalidka akhriya in ay siin karto ka diyaar garow iyo u diyaar garow dhacdo taa la mid ah oo qoyskooda ku iman karta?

Ugu dambayn shaki miyuu ku jiraa qof kasta oo damiir leh sheekadanna akhriyay haddii uu xaalad noocaas ah la kulmo in uu ku baraarugayo xilna iska saarayo? Saamaynta intaa la’eg ee ay ‘Ayaandaran’ keeni karto u malayn maayo in ay jirto aalad kale oo keeni kartaa.

Raad sidaas u qoddo dheer ayay sheeko faneed nolosheenna ku yeelan kartaa, xataa haddii aanu qoraagu isagu ujeeddadaaba ka lahayn. Midda kale, adiga oo kursi fadhiya sheeko aad saacado yar ku akhriday ka ma dhacdo adiga oo waxaas oo dhan waayo’aragnimo ku soo maray.”

“Macallin, runtii waxa aad sheegtay waa ay jiraan”, Aadan ayaa Carraale hadalka kaga hororsaday, ”laakiin qofka iyo bulshaduba waxay ku toosi karaan in caqiidadooda islaamka la toosiyo, oo macneheedu yahay in diintooda si saxiix ah loo baro, jahliga iyo khuraafaadkana laga saaro.

Markaas intii marka ay dhibaatadu timaaddo xal loo raadin lahaa sidaas ayaaba lagaga hor tegi karaa.” Carraale madaxa ayuu u ruxay isaga oo saxiibkii u muujinaya in uu hadalka meeshii habboonayd ka abbaaray. Raage wuxuu ka fekeray in uu majaraha doodda beddelo oo inamada la soo qaado wahaabiyada ay qaateen. Laakiin maya, hadalka in uu soo afjaro ayuu ka door biday.

“Doodda waa aynu ku dheeraannay, fasalka ayaynnu ka sii wadiye, sida kale sow khayr uun ma aha?”

“Wallaahi, macallin, waa khayr…”, Aadan ayaa yidhi isaga oo xidhmo lacag ah jeebka ka soo bixinaya, ”runtii waannu ku xiijinnay, adiguna waxaa laga yaabaa in aad bixi lahayd.

Maadaama adiga, Deeqa iyo wadaadku aydaan ku jirin jabhadda Diiriye, fasalkayagu waxaannu isla garannay in aannu bishiiba waxoogaa aad baska ku raacdaan isugu kiin dardarro, Ilaahay shaqadiinna ha idinka abaal mariyee!” Raage waxay ku noqotay filanwaa, wuuna qoslay isaga oo labada arday marba mid si ammaan leh u eegaya, lana yaabban sarbeebta ah ”Jabhadda Diiriye”.

“Horta lacagta jeebka geli. Marka labaad aad ayaad ugu mahadsan tihiin labadiinna iyo ardayda kaleba isxilqaanka.

Marka xigta, idinka denbigiinna ma aha musuqmaasuqa dalka ka jira iyo daryeel la’aanta waxbarashada haysataa, mana aha in aad ka fekertaan wax aan ahayn waajibkiinna ardaynimo. Annagu mushaharo ayaannu qaadannaa, haddii ay nagu filnaato iyo haddii kaleba shaqaalaha kale ayaannu ka la mid nahay, u mana baahnin haba yaraato ee taageero noocan ah.

Deeqa iyo wadaadkuna laga ma yaabo in ay idinka yeelaan. Markaas idinka oo aad u mahadsan, hawshan halkaas ku joojiya.” Aadan iyo Carraale xoogaa khajilaad ah ayay dareemeen, laakiin fikradda macallinka waa ay garawsadeen.

“Macallin, odayga i dhalay wuxuu i soo faray in aad jimcaha guriga nagala qadaysid”, waxaa yidhi Aadan Sheekh Xasan.

Raage aqoonta keliya ee uu Sheekha u lee yahay waa maalintii uu isku dayay in uu isaga iyo Diiriye dhexdhexaadiyo ee uu buugga siiyay. Laakiin casumaaddu waa wax had iyo jeer xiiso badan.

Isla markaas waxaa xasuustiisa ku soo dhacday gabadhii uu Diiriye maalintaas dugsiga ka eryay. “Waan aqbalay martiqaadka, waanan ka mahad naqayaa. Oo Aadan, waxa aan ku wayddiiyay, gabadh aad walaalo tihiin sow sannadkan dugsiga ma ay bilaabin?”

“Haa.”
“Haye, xaggee bay ku dambaysay?”

Aadan wuxuu sheegay aabbihii in uu ku adkaystay Safiya haddii loo diiday dugsiga in ay xijaab ku dhigato in ay joojiso, dabadeed ay Hargeysa oo ay qaraabo ku leh yihiin u baxsatay, imikana halkaa dugsiga Kalkaalinta Caafimaadka ka dhigato.

Raage warkaa wuu ku farxay, wuxuu xasuusan yahay maalintii Safiya aayaheeda laga doodayay sidii ay u ahayd miskiinad dhan walba ka dulman.

“Si wanaagsan ayay yeeshay. Insha Allah waa loo aayi, siiba haddii ay caafimaad barato. Haddii ay guriga fadhiyi lahayd nafteeda iyo naf kale toonna waxba ma ay tarteen. U sheeg aabbe martiqaadka in aan aqbaly.”

“Waa yahay, aniga ayaa jimcaha kuu iman doona si aan guriga kuu geeyo.”

“Maya, waxba ha isa soo luggoyn, aniga ayaa iman ee ii tilmaan uun adigu.”

Aadan markii uu Raage guriga u tilmaamay ayay isaga iyo saaxiibkii bixid u kaceen.
“Haddaba nabad gelyo!”
“Nabad diino!”

Aanadii Negeeye – Qeybtii 23aad

 

Facebook Comments