Aanadii Negeeye – Qeybtii 20aad

Negeeye markii Leyla la siiyay toddobaad keliya ayuu fasax haystay, dhakhso ayuuna u noqday si uu soo qaato waqti uu hawlihiisa ku dhammaysan karo. Sidaas ayuu ku tegay oo haddana bil in ka yar isa soo rogay. Isaga oo boorso samsanayd ah sita ayuu reer abtigii, oo imika reer soddogna u ah, booqasho ugu tegay.

Fadhiga ayaa shaah lagu wada cabbay, dabadeed sidii caadada u ahayd Qarad iyo Leyli si ay labada nin u sheekaystaan ayay si dhuuban uga siibteen. Markii ay isu keliyaysteen ayuu Negeeye boorsadii uu sitay odayga u taagay isaga oo leh: “Abti, innagu yarad isa siin mayno ee bal waxan masruuf ka dhigta.”

Odaygu boorsadii ma guddoomin ee inta uu ismaahiyay ayuu indhihii xunxumaa ee uu Negeeye necbaa ku eegay. Negeeye markiiba xanaaq kulul ayaa dhiiggiisa wada xulay. Bal axmaqaa eega, isaga oo niyadda iska leh ayuu boorsadu dhankii ay u taagnayd qunyar dhulka u dhigay. Rooble inta uu boorsadii si digtoon u qaaday oo miiska saaray ayuu furay, markii uu lacag badan oo si qurux badan u rasaysan arkayna ninkii hor fadhiyay ayuu mar kale fiiriyay. “Waa xoolo aad u badan. Weligay lacag intan tiro la’eg indhahaygu ma ay arag.” “Wax macno leh ma aha ee abti masruuf ka dhigta.” “Waxaan ku wayddiiyay, adigu horta ma askari baad tahay mise baayacmushtar?” “Askari baan ahay, laakiin abti, idinka dalku haddii uu idinka galoofoobay annaga wuu noo irmaan yahay.” “Haye?” “Dee waa sidaas.” “Waxba idiin ma irmaana ee inta aad wadnaha ka dalooliseen ayaad dhuumo gashateen oo dhiigga kaga nuugaysaan. Marka aad dhiigga ka dhammaysataanna dhuumuhu waxay idiin soo qaadayaan sun aad ku dhimataan. Waa haddii aan dhakhso la idinka qaban.”

“Dhiig iyo dhay mid aanu ka nuugnaba sow dalkayagii ma aha, miyaanu dal kale leh nahay?” Rooble inta uu boorsadii xidhay oo xagga Negeeye u riixay ayuu ku yidhi: “Waar nin yahow, dal baa noo irmaan lahaane lacagtaada qaado. Dalka irmaani waa kee ma meeshan goraygu ka hadaafay?!”

Negeeye wuxuu ka la garan la yahay odaygu in uu isaga neceb yahay oo xasdayo, in ay mucaaradnimadu cudur ku noqotay, iyo in Laakiin adiga ayaa qaldan, horeba taa waad ugu ogayd ee maxaad uga tashan la dahay? Bannaankaa Ilaahay maad ka martid? ayuu ku fekeray. In kasta oo uu doonayay in uu dareemo, dadkana dareensiiyo, in loo baahan yahay oo uu cid wax tari karo, haddana runtii isla markaas wuu jeclaa odaygan u abtiga ah ee ciilka iyo caydha ka bixi waayay in uu wax taro. Si kastaba ha ahaato ee abaalkiisii muxuu noqday? In lagu qoslo! Isaga oo aan dood kale gelin ayuu lacagtiisii qaatay gurigiina ka baxay.

Rooble haddii bastoolad madaxa lagaga qabto lacagtaa ma qaateen, waxay u la mid tahay dhac loo la yimid. Isba wax wuu dhici karaa haddii uu sida dadka kale isa soo qaawiyo oo xaar isku soo dhammuuqo. Ma isaga oo da’daas jooga ayuu xaaraan canka iyo caloosha ka buuxsan karaa? In uu xalaalcun yahay waa waxa ugu weyn ee uu maanta ku faani karo. Weligiiba se xalaalcun ha ahaado, sheyddaanku haddii aad iska naartid qof kale ayuu isaga kaa soo dhigaa. Lacagtii uu maalintaas diiday iyo mid ka badaniba gurigiisa waa ay soo gashay, Leyla oo aan iyadu fikradda aabbaheed la qabin ayaa sabab u noqotay lacagta Negeeye in ay qoyska bidix iyo midigba u jiidho.

Maalintii taa xigtay, goor barqo ah, ayuu Negeeye saaxiibkii Diiriye shaqada ku soo booqday. Xisad ayaa lagu jiray, barxadda dugsiguna waxay ahayd cidla waaqla aan dhaqaaq yar lahayn. Halka ugu shishaysa waxaa ka soo jeeda xafiisyada oo jaranjaro loo fuulayo, barxad yar oo meel sare oo xafiisyada hortooda ah waxaa keligii sida waardiye kursi ku soo fadhiya Diiriye oo dhaqdhaqaaqa ilaalinaya. Isaga iyo Negeeye halkaas ayay wada fadhiisteen. Wuxuu u sheegay in uu toddobaadka soo socda aroos gelayo uguna yimid in uu hawsha la maamulo.

“Oo Amran miyaad ka la tagteen?”

“Amran waa tii jiman raacday, carruurtii ayay se haysaa oo aan ka welwelayaa.”

“Oo maxaad uga welwelaysaa, weligoodba sow iyadu ma ay hayn?”

“Waar qoftu tii aad ogayd ma aha, in ay miyir qabtaba u malayn maayo.”

“Haye, ta cusubina waa ayo?”

“Odayga ii abtiga ahi mid uu dhalay.”

“Ma Leyla?”

“Illayn waad taqaan.”

“Yaraantii waa anigii aqaannay, cisho dhoweyd oo ay Qaawane halkan ku soo booqatayna waan arkay oo waa ay qurux badan tahay. Hambalyo!”

Waa beentii ee Leyla si wanaagsan ayuu u yaqaan, ugu yaraan laba jeer wuu shukaansaday. In kasta oo aanu labada jeer marna darar ka maalin wuxuu islahaa waa ay kuu dihin tahay. Markii uu isagu taa ka fekerayay Negeeye wuxuu ku qoslayay naanaysta Raage.

“Oo illayn Qaawane waa loo yaqaan?”

“Anigu markii uu yaraaba waa u aqaannay, ma nin aan naanays lahayn ayaa se jira? Nin aan naanays lahayni sow ma aha ri seenyoon?”

Negeeye wuxuu xasuustay qudhiisa naanaystii mar magaciisa ka caansanayd, Habaarqabe, oo aan maanta dad badani u aqoon, inta u taqaanna u qariso. Sababta ugu weyn ee aanay taa beryahan dhegihiisu u maqali waa dadkii ay isku kacaanka ahaayeen iyo guud ahaan reer damalweyn oo aanay badanaa isarag. Wuxuu kale oo xasuustay tii Diiriye ee ahayd Dalab, oo aan qudhiisa qof Damalweyn ka yimid ma aha ee cid kale Xamar uga aqoon. Dalbihii markii uu yaraa looga baqi jiray in uu jabo intii uu weynaaday aad u ma muuqdaan.

“Diiriye, adiga qudhaada waa tan bidaartu kuu xiirtay, calooshana lagu moodo jannaale Sacuudiga ka soo degay ee dhakhso isu meelee.”

“Talada guurku waa ay wanaagsan tahay, laakiin faallada bidaartayda iyo calooshayda hablaha u daa.”

“Waa yahay ee waxan oo naag ah midina miyaanay fal iyo madiiddo kugu goyn?”

“Sida aad og tahay falkooda awal si fudud ayaan isaga fardaamin jiray, imika se sida aad sheegtay waa waqtigii aan guur isku fardaamin lahaa.”

“Isku fardaami oo weliba dhakhso isu fardaami.” Dawankii  xisadda   ayaa  dhacay,   mawjado  arday   ah    ayaana fasalladii ka soo butaacay, waa nuse saacihii. Negeeye sidii qof gaajaysan oo jeex midho badan soo galay ayuu hablaha yaryar ee fasallada ka soo dareeray marba mid eegmada ku la haliilayaa, oo isaga oo aan ka bogan haddana mid kale ku la boodayaa. Markii uu yaraa wuxuu jeclaa naagaha isaga ka waaweyn, laakiin beryahan wuxuu jecel yahay kuwa aad uga yaryar. Wuxuu ku hakaday gabadh aan dharka ardayda sidan oo wiil arday ah la taagan.

“Diiriye, taasi ma ardayad baa mise waa macallimad?” “Waa macallimad.”

“Abba baabay! Ilaah baa ina leh ee taasi waa biyo dahab. Kollay in aad maamule u tahay ku ma aad xushmayn ee warkeeda i sii?”

Qaawane wayddii.”

“Waxaa muuqata ina abtigay in uu ku muquuniyay.”

“Waxba i ma uu muquunin ee wuxuu lee yahay dhaqan aanan jeclayn. Haddii aanan adiga kugu qaddarinayn, isla markaas maamule u ahayn, waanu isku ceeboobi lahayn.” “Maxaa jira?” “Taa aad tilmaamaysaa markii ay shaqada bilawday iyada oo sheeko noo socoto ayuu daf na soo yidhi, markii aan faraha uga qaadayna in uu hoosta uun kaga jiro mooyee horumar ka ma gaadho. Muxuu u sheegaa? Waa la yaabban yahay!” “Ma jecli in aan idin dhex galo, ma waxaad se lee dahay ‘dhuuggu naqa ma daaqo laga mana daaqo’?”

“Naagi waa gaabsi iyo guur mid uun, wax labadaas ka dhexeeyaa miyaa ay jiraan? Isagu sida ciyaal xamarka ayaad maqlaysaa isaga oo leh: ’Waanu isjecel nahay. Waanu wada soconnaa.’ Waxaasi ma wax nin weyni ku hadlaa?”

“Allaa i lehe wax uu nin weyni ku hadlo ma aha.”

Raage isaga oo fasal ka soo baxay ayuu arkay Negeeye oo Diiriye la fadhiya wuuna u yimid oo salaamay. Maalintii kulankooda cusub ugu horreysay sidii ay guriga Rooble isugu afdhaafeen isuma niyad furna, laakiin laba jeer oo markaa ka dambeeyay sheekadoodu waxay u dhacday si dabiici ah. Mid waliba wuxuu diiddanaa in uu isagu noqdo daciif wax gocanaya. “Maanta waad soo dheeraatay ee nabad sow ma aha?”

“Waa nabad ee kormeer baan ahay ee adiga iyo Diiriye maxaad meesha ku haysaan?” “Waxaanu ku haynaa waxaa aad ubax daawanaysid ee aad ku indho daraandartay.” “Laakiin ubaxa daawashadiisu maxay taraysaa haddii aan la daaqayn?”

“Ubax la ma daaqo ee horta midho ha ka bislaadeen, inta ka horraysana daryeel iyo xannaano ha la siiyo. Degdegga iyo khasabku waa dhaqankii askarta”, ayuu Raage ku jawaabay, isla markaa u dhawaaqay Deeqa oo qolo kale la taagan, markii ay soo eegtayna in ay timaaddo ugu gacan haadiyay. “Isbarasho wanaagsan, ninkani waa Negeeye, ilmo abti ayaanu nahay.”

Deeqa iyo Negeeye waa ay isgacan qaadeen. Hore ayay u maqashay sarkaalka magacaas leh ee ay dhowaan Leyla aqal gelayaan. Markii ay sii eegtay waxay ku dhowaatay in ay qososho, waayo waxay ka heshay isla sawirkii ilaa maalintii ay sheekadiisa maqashay maskaxda ku haysay. Isaga oo labada cagood derbiga hortiisa ah ku haya kursiga uu ku fadhiyo inta uu dib ugu jiifsaday sida uu ugu leexaysanayo, shaarubaha weyn ee madow iyo naxariisdarrada indhihiisa, iyo sida aanu waxba dan uga lahayn, waa aragtidii ay sarkaal maanta jooga ka haysatay oo tabtii ah.

“Innagu waxa aynu isu nahay waad sheegtay ee inanta waxa aad isu tihiin maad ii sheegtid?” Negeeye ayaa yidhi.

Deeqi waa u xabiib ee xile u ma aha, saaxiibad in uu ku sheegaana dhaqan ahaan waa ay yar foolxun tahay. Isla markaas Diiriye oo meesha fadhiya in uu u quus gooyo Negeeyena dumaashidii uga digo ayuu rabay. Taas darteed wuxuu ku jawaabay:

“Waxaanu isu nahay saaxiibbo shaqo iyo xoogaa kale.”

“Xoogaa kale? Quruxda intaas la’eg ma xoogaa keliya ayaa kaaga fillaaday?” ayuu Negeeye la soo booday isaga oo xasuusan warbixintii Diiriye.

“Qofkii kuu macaan mar la ma wada muudsado.”

“Waar muudsi lahaane, miskiin yahow, dunida waxii aad aragtid burburso horena uga soco.”

In kasta oo la wada qoslay Diiriye si gaar ah ayuu u sii qoslay waayo wuu jeclaa in Raage sidaas loo la hadlo. Berigii uu isaga iyo Deeqa u ka la baxay runtii wuxuu islahaa waxba ha ku la tartamin ee marka uu soo tuuro hawada ka daf, adiguba kuwa aad tuurtid waa la dafaaye. Laakiin kani mid wax tuuraya ma aha, waxaad mooddaa in ku ag indho beelay, sidii iskudhoon ayuun buu dhexda kaga maran yahay waxbana ka ma dheefo.

“Waa tii aan hore kuugu sheegay oo degdeggu waa falsafaddii askarta. Noloshu maalin keliya ma aha”, waxaa si wacdi u eg u yidhiRaage.

“Taaduna waa falsafadii wadaaddada. Dunidu maanta oo keliya in ay tahay iyo in kale adiga yaa ku raaciyay?”

Diiriye weli qosol xumaani ka buuxdo ayuu wadaa. Ciil uu si kale u muujin kari waayay ayuu intaa ku cabbiray.

Deeqa waxaa u taagnaa gabdho ay debedda u wada bixi lahaayeen, iyada oo sii dhaqaaqaysa ayayna tidhi:

“Negeeye, nabad gelyo! Ninkaagan leh dunida mar keliya ha la burbursado waaban kaa baqaye.”

“Nabad diino, Deeqa! Waxbana ha iga baqin gabdhuhu igama baqaane.”

Raage qudhiisu wuxuu doonayay kooxda baxaysa in uu raaco, wuxuuna Negeeye ku sii sagootiyay:

“Maanta waad soo dheeraatay, waxaan se filayaa saaxiibkaa ayuun baad soo gaadhay?”

“Haa, ninkan ayaan arrin yar ugu imid.”

“Haddaba nabadeey!”

“Nabadeey!”

Shaqadani waa ay fudud dahay marka lacag loo hayo. Wax kasta arooska looga baahdo Negeeye heegan ayuu u ahaa awood dhaqaale ayuuna u lahaa. Filladii ayuu wax walba ku soo toomiyay. Beerta barwaaqada ah ayaa si walba loo qurxiyay, ilaysyo ka la nooc ah ayaa dhirta lagu taxay oo caleenta iyo ubaxa toban midab u yeelay. Halkaas ayaa labada arooska ah iyo labada la jira salooto dhan u soo wada jeedda loo dhigay, kuraas iyo miisas maryo cad lagu goglayna la iska hor jeediyay. Halkaas iyo gogol gudaha la dhigay ayaa marti aan boqol ka yarayn shaqaale jajabani gacmo furan iyo waji faraxsan ku soo dhoweeyeen. Qaar ka mid ah Hobollada Waaberi ayaa la soo casumay oo heestii caanka ahayd ee “Xamdi” iyo kuwo kaleba qaaday.

Xoogaa kulayl ah baa jira. Negeeye isaga oo wejigii dhuubnaa ee salxanyaha dheeraa dadka uu safka la fadhiyo ka dhex mudhay, dhegihii waaweynaa lulalaya, indhihii godgodnaa ee ay naxariistu ku yaraydna golaha marba dhan u la raacaya, waa kaas Leyla dhinaciisa bidix ku hubsaday, oo sidii kelitalis afrikaan ah gafuurka kibir la taagaya. Waxaa midigta ka fadhiya Diiriye oo aad uga muuq duwan oo kursigii debecsanaa ku dhex lumay, bidaartii caddaydna markii ay dhididday ee ilaysku ku dhacay dhalaalayso.

Leyla iyo Deeqa labaduba habeenkaa waxay lahaayeen qurux lala ashqaraaro, laakiin eegmada harraaddan ee ragga, ee qaarkood suuxdinta ku dhowi, waxay ku tiigaalayeen minxiisadda oo ay u arkayeen qof madax bannaan. Golaha waxay uga dhex muuqatay sida uu dayax dhammays ahi cirka oo aan daruur lahayn xiddigaha uga dhex muuqdo. Toobka dheer ee cas ee gacmogaabka ah jidhkeedana sida wanaagsan ugu jaan go’an waxaa laabta ka soo riixayay laba naas oo la moodo doombir barwaaqo. Dhexdeeda dhuuban si gaar ah waxaa loo arkayay barta ay xudduntu ku beegan tahay ee godan. Qoorta ilaa naasaha jirridooda bannaan ee uu siliska dahabka ahi galgalanayo iyo cududaha qaawani ninkii eegaba waxay ku abuurayeen ladaadyo.

Waa markii koowaad ee ay Deeqi minxiisad noqoto, ama sideedaba fadhiisato meel intaas oo indhood ka soo eegayaan oo aan fasalka ahayn. Sidaas awgeed aad ayay uga khajilaysay indhaha badan ee aad mooddo in ay cawryayaan. Laakiin waxaa dhiirrigelinayay Raage oo aanay mar keliya indhahoodu ka la libdhin.

Diiriye Deeqa weli rajo ayuu ka qabaa, caawana waxa qalanjo goobta isugu timid keligeed ayaa uga qoondaysan. Wuu farxay markii uu maqlay in ay noqonayso minxiisadda arooska, waayo wuxuu filayay haddii uu mar keliya fursad habboon u helo in uu gacanta ku dhigi karo. Munaasabaddani waa fursad aad waqti badan ku la keliyaysan kartid, kas dumar oo kadalloob rag kaaga dambeeyay kaad ku ogayd ma aha ee aad madaxeeda mijo ugu rogi kartid, ayuu islahaa. Wuxuu rumaysan yahay marka martida la ka la diro, ee ay labada arooska ah iyo labadoodu isu soo hadhaan, isla markaa FIAT:kii uu Faras-Cadde u la baxay kambalka ugu qoofalan yahay, in ay isaga iyo Deeqa wax badani dhex mari karaan. Haa, habeen ay ka nugushahay heli maysid, waa tii la yidhi habeenka ay naagi aroos tahay naaguhu waa wada aroos.

Marba af dheer ayuu Negeeye iyo Leyla ka dul lalinayaa oo Deeqa erayo degdeg ah ku tuurayaa. Mar uu labada kale oo mashquulsan dhabarkooda ka la hadlay wuxuu ku yidhi: “Caawa halkan aynu isaga wada hoyanno.” “Halkan maxaa inoo hoynaya sow guryo ma lihin?” “Arooska sow innagu gacanyare u ma nihin?” “Haddii aynu u nahay ma hawl baa inoo hadhay?” “Haa, in aynu cidlada ka ilaalinno.”

“Haddii ay isku cidloonayaan maxay isu guursadeen?” “Loxos bixintu waa muhiim.” “Intaasi waa kugu adiga.”

“Haddii ay bixid noqotana aniga ayaa ku sii qaadi.”

“Taa waa aynu isku leh nahay ee na wada qaad.”

“Adiga iyo?”

“Raage.”

“Isagu inama sugi karo ee aniga ayaa baabuur kale sii saari.” “Maya, kollay annagu waanu israacaynaa.”

Markii golaha lagu ka la dareeray habeenkii gelin dambe ayuu u wareegay. Halhayska ah “aroos lagu ma raago laga mana raago” waa iska hadal ee arooska soomaalida aad baa loogu raagaa. Martida intii aan baabuur wadan intii baabuurta wadatay ayaa lagu daray, Diiriye iyo Raage ayaa taa maamulkeeda isu xilsaaray. Beerta guriga iyo debedda baabuurtu tuban tahay ayay gaaf wareegayaan oo kii qof ka dhiman yahayba qof ku tuurayaan. Diiriye in kasta oo uu baabuur wato haddana daadguraynta martida xil iska ma saarin.

“Diiriye, adiga ayaa baabuur wata ee dadka maad qaar inaga gurtid?” ayuu Raage wayddiiyay. Diiriye meel kale ayuu hadalkii u la booday: “Hawsha inta dhiman annaga ayaa ku filan ee adigu iska hoyo.” Caawa fekerkiisa oo dhami waa Deeqa, sidaas darteed imaatinka Raage ee arooska iyo joogitaankiisa goortan soo gaadhay midna ku ma faraxsana.

Wax la qulqulaba, wax habsami ama habaqle loo dareero, wax koox koox buuqaysa, laba laba faraxsan iyo keli keli nasiibxun loo baxaba, shantoodii ayaa isu keliyaystay. Halkii ay aroosku awal fadhiyeen ayaa la iska soo hor jeestay lagana hadlay in ay xafladdu si fiican u dhacday, marka laga reebo tobaneeyo daqiiqo oo ay korantadu tagtay oo mugdi lagu jiray oo ahayd intii aan la haleelin in mishiin guriga u gaar ah la shido. Waxaa kale oo dhacday in uu nin hamuun qabaa gabadh toojo ah xaluska qabtay iyaduna quraarad madaxa kaga dhufatay.

“Diiriye, ina keen aad annagana na sii qaaddide”, ayuu Raage codsaday.

“Aniga iyo Deeqi qoladan ayaannu loxos bixinaynaa ee adigu iska hoyo. Miyaan ku qaadaa?”

Raage tuhun uu ujeeddada Diiriye ka qabay ayaa u caddaaday. Isaga oo aan weli jawaabin ayay Deeqa oo qalab qaadasho bilawday soo jeedisay: “Maya, ciddan caawa dhisnay, berrina waa aynu soo booqan ee inaga kaxeeya.” Diiriye Deeqa oo sii dhaafaysa ayuu gacanta soo qabtay ilaa ay xaggiisa u hantaaqootay oo ku yidhi:

“Ha noqon doqontii midhaha gurtay ee xabbaddii ugu dambaysay ka caajistay, ee waa laguu baahan yahay ee ha tegin.”

Waa ay iska dhufatay oo si xanaaq leh u tidhi: “Joog adigu haddii aad joogaysid, oo doqon iyo wax ka xunba adiga ayaa ah ee annaga waxaa ha noogu maahmaahin.”

“Maahmaahdu labadeennaba waa ay ina khusaysaa ee maxaad ii cayday?” “Waannu ku caayaynnaa ee mar dambe ha na qabsan.”

Saddexdii kale meel ay labadan qof ee isku mashaqoobay ka dhex galaan waa ay garan waayeen, waxayna door bideen in ay sugaan erayga xiga labadooda ka bilaaba si ay markaa u aamusiiyaan. Laakiin Diiriye isaga oo ka xun shukaansigii uu caawa oo dhan maldahayay in la fahmay, oo ay ka jajaban tahay, ayuu iska aamusay. Waa la ka la xanaaqay, waxaana khasab noqotay Negeeye in uu Raage iyo Deeqa isagu qaado.

Raage qudhiisu habeenkaas Deeqa guul ku la ma hoyan ee gurigeeda ayay toos u tagtay, waxaa se isaga guul u ahayd in ay weli gacanta ugu jirto. Habeenkaa ka dib fiiro dheer ayuu u lahaa, af iyo addin, wax kasta oo uu Diiriye ku kaco oo Deeqa ku saabsan, wuxuuna go’aansaday haddii uu xushmad ka waayo in uu gacan u la tago. Laakiin Diiriye maalintaa ka dib Deeqa waxba ku ma uu darsan, sababtuna runtii ma ay ahayn baqdin uu Raage ka qabay iyo ixtiraam uu siinayay midna, ee iyada ayuu ka rajo dhigay.

Negeeye isagu markii uu Raage iyo Deeqa ka soo noqday wax keliya ayuu ka fekerayay waa Leyla. Jidhkeedii dheeraa ee dhuubnaa ayaa intaa hor jooga. Dumarka shilis isagu ka ma helo, laakiin kuwa sideeda u dhuuban wuxuu ka jecel yahay kuwa leh hilib debecsan oo taabashada u macaan, sidii Amran.

Aanadii Negeeye – Qeybtii 22aad

 

Fikirkaada Waa Muhiim