Doodda ah fidsanaanta dhulka iyo in dhulku goobo yahay waa mid taagan. Waxa aan raadinayna bal waxa ay ka qoreen dadka cilmiga ku saleeya labadan doodoodba, waa midda ah in dhulku fidsan yahay iyo doodda tilmaamaysa in dhulku goobo yahay e’.

Inta aan ku guda jirno qormadan waxa aan dul istaagi doonnaa, waliba mid-mid, arrimaha aan is leennahay waxa ay saacidi karaan doodahan. Marka hore aan xoogga saarno arrimaha muujinaya goobo-nimada dhulka. Mid-mid aan isu dul taagno mid walbaana aan sharraxaad ka bixinno;

  1. Qorrac dhaca.

Marka ay qorraxdu dhacdo waxa ay ka qarsoontaa deegaan waxa ayna usoo daahirtaa deegaan kale. Waxaa Waa u baryaa qolo halka qolo kale gabbalku u dhacay. Tani waa natiijada gaddoonka wajiyada dhulka ee wajahaya qorraxda. Waxa aan rabnaa in aan ka warcelinno weydiinta oranaysa, “Sidee qorraxdu calaamad ugu noqon kartaa in dhulku yahay mid wareegsan?”

Ila fahan arrintan, calaamadi labo barood xilliga qorraxdu dhacayso, waa bar B iyo bar T. barta B ha ahaato deegaan siman oo qorraxda si toos ah looga arko marka ay dhacayso, deegaanka T na ha ahaado meel taag ah, buur ama dhisme dheer oo kale hana ahaado deegaan ka danbeeya bar B marka la wajahayo qorrax dhaca.

Kolka adiga oo jooga bar B ay dhacdo qorraxdu oo ay kaa qarsoonto, haddii aad tagtid bar T waxa kuu muuqanaysa qorraxdii, tanina waa astaan muujinaysa in dhulku yahay goobo. Haddii uu dhulku fidsanaan lahaa waxaa suurta gal ahaan lahayd in marka ay qorraxdu dhacdo aysan macquul ahayn in la arko meel kastaba hala fuulo e’. waxa aan leenahay haddii qorraxdu ka dhacdo bar B macquul ma ahan in laga arko bar T haddii dhulku fidsanaan lahaa.

2. Sawirrada laga qaaday hawada sare.

Sawirrada laga qaaday oogada dhulka waxa ay muujinayaan muuqaal ah in dhulku yahay mid goobo ah. Qayb ka mid ah dhulka markii aaladda samada loo diray ay dul marayso waxa aad dareemaysa janjeerka dhulka ee ka muuqda sawirrada ay qaadday. Tani waa arrin kale oo caawin u ah in dhulku yahay mid goobo ah kana fog fidsanaan. Maadaama ay tahay middani arrin il-qabatay ah, la arki karo, waxa ay wax badan ka taraysaa fahanka dadka ee ku aaddan arrintan.

 3. Cabbirka harka qalab masaafo isu jira.

Haddii aynu qaadanno labo ulood, oo aynu ka taagno masaafo kala fog (oo isu jira boqollaal mayl). Haddii labada ulood aan u kala wakiilanno labo qof si ay u cabbiraan dhererka harka ay samaynayaan labadaas ulood waqtiyo isku mid ah maalintii, waxa aan ogaanaynaa in harka labada ulood uu cabbir ahaan kala duwan yahay. Mid ka mid ah harkeeda ayaa ka dheer cabbir harka usha kale. Haddii dhulku sinnaan lahaa waxaa suurto gal ahaan lahayd in cabbirka harka labada ulood uu isku mid yahay xilli isku mid ah maalintii.

4. Xoogga cuf-isjiidka dhulka.

Xooggani waa awoodda dhulka u sahasha in uu xajiyo waxa saaran oogadiisa. waa xoog uu salkiisu yahay bartamaha dhulka; waa xoog ku xajiya walxaha awood u jiidaysa bartamaha dhulka. Haddii dhulku fidsanaan lahaa awoodani waxa ay celin lahayd walxaha ka fog bartamaha dhulka.

 

5. Shiraacashada doon ama markab

Marka doon ama markab shiraacanayo kana tagayo dekedda waxa ay ku safrayaan badda ama biyaha kale. Waxaa cad in aynaan hal mar waayin muuqa markabkii ama doontii sida aynnu ugu jeedno. Aan sharraxo e’, waxa aan si tartiin-tartiib ah u waynaa muuqa markabka ama doonta.

Waxa kolka hore inaka fogaada markabka ama doonta, ka dib waxa aan waynaa ama qarsooma qaybta hoose ee markabka ama doonta, ka dib waxa inoo muuqda tiirka shiraaca, shiraaca ama calanka, aan kusoo koobee qaybta sare ayaa ugu danbayn inoo muuqata, ka dib waxa aan waynaa markabkii ama doontii.

Ogoow oo xitaa haddii aad soo qaadatid aaladda dhawaysada ah kuuma suurto galayso in aad aragtid, waayo waa uu libray markabkii ama doontii. Tani waxa ay u egtahay sidii in markabka ama doontu ay ka daadagayso buur yar, waana arrin muujinaysa goobo-nimada dhulka.

Haddii uu dhulku fidsanaan lahaa waxaa aan u jeedi lahayn markabka ama doonta oo sii socda, qayb ka mid ah ma qarsoonteen, kolka aragtida aadanuhu gaabiso ee uu aad u fogaadana, haddii aynu soo qaadanno aaladaha wax dhaweeya waxa aan arki lahayn markabkii ama doontii oo dhammaystiran.

6. Geed fuulid

Fuulidda geedaha ama kobaha dhaadheer ee ka sarreeya oogada dhulku waxa ay caawinayaan rumaynteenna ah in dhulku goobo yahay. Tusaale haddii aad joogtid oogada dhulka waxa aad arkaysaa dhulka illaa inta ishaadu awooddo, hadaba waa maxay sababta haddii aad fuushid geed aad u arkaysid in ka badan intii aad u jeedday kolkii hore?

Tani waa caddayn inoo tusaalaynaysa in dhulku kala hooseeyo oo kolka aan meel dheer fuulnaba aan arkayno in ka badan oo aynaan u jeedin. Haddii dhulku fidsanaan lahaa waxa aan arki lahayn iftiinka magaalooyinka waaweyn ee nuurka badan ee inaka fog. haddii dhulku fidsanaan lahaa waxaa isku mid ahaan lahayd inta isheennu qabanayso marka aad taaganahay oogada dhulka iyo kolka aan fuulno meel sarreysa.

7. Kala geddisnaanta waqti ee dunida

Caalamkani ma wada ahan maalin, mana wada ahan habeen xilli isku mid ah. Waxaa marag ma doonto ah in caalamka qaarkiis uu yahay habeen, qaarka kalena uu yahay maalin. Tani waa mid astaan u ah wajahaadda uu dhulku wajahayo Qorraxda iyo sida oo kale wareegsanaanta dhulka. Haddii uu dhulku ahaan lahaa mid fidsan, ma jiri lahayn gaddoonka dhulku, sidaas awgeed waxa meesha ka bixi lahaa habeenka iyo maalinta. Dhulku waxa uu ahaan lahaa mid Qorraxdu dhalada ka hayso oo wada maalin ah.

Waxa aan oran karnaa waxaa suurta galka ka dhigaya habeenka iyo maalinta waa in dhulku wareegsan yahay ( goobo yahay) sidaas awgeed ay qayb walbaaba mar wajahayso qorraxda kol walba oo uu gaddoomo dhulku.

Fidsanaanta Dhulka

Arrinta aan kor uga soo hadalnay waxa ay ku kooban tahay un waxyaalaha muujinaya in uu dhulku goobo yahay. Waa arrimo dhammaantood inaka caawinaya fahamka in dhulku uu yahay mid wareegsan (goobo ah). Intaas kuma koobna, Waxaa jira dood kale oo xambaarsan fikrad ah in dhulku fidsan yahay. Waxaa jira Bulshada aragtida fidsanaanta dhulka oo ah bulsho xoogga saarta in ay muujiyaan in dhulku fidsan yahay. Waxa ay raadshaan caddayn kasta oo ay ku caawin karaan fahamka aragtidan.

Sidaas oo kale dadku si guud waa uu ku kala duwan yahay labadaan fikir, dadka qaar waxa ay rumaysan yihiin in dhulku goobo yahay, waxaa ay aragtidooda fahamkeeda ku caawiyaan arrimaha aan kor kusoo xusnay iyo qaar kale, kuwa kale ee aamminsan in dhulku fidsan yahay, oo ah iyaguna qaar ka mid ah bulshada caalamkan, waxa ay adeegsadaan arrimo sahlaya fahamka aragtida in dhulku fidsan yahay. Hadaba aan aragno qaar ka mid ah aragtiyaha inaka caawinaya fahamka dooda fidsanaanta dhulka.

  1. Socdaalka hawada sare

Safarada hawada sare loogu baxay waxa ay ka been sheegeen run ahaanta in dhulku yahay mid fidsan. Dadkii safarradaas loo diray waa la tuhmay. Dadka aragtidan xoogga saara waxa ay sheegeen in gabi ahaanba dadkii loo diray hawada sare ay ka been sheegeen safarkaas dunida qiimaha badan u lahaa, mana aysan sheegin xaqiiqada wixii ay soo arkeen kolkii ay halkaas gaareen ee ku saabsanaa dhulka. Dawladaha ugu tunka waynaa dunida xilligaas ayaana saamayntooda ku lahaa ayaa ay ku doodaan. Waxaa ay dawlad kastaa xoogga saartay soo bandhigidda wax lagu qanco, raadinta arrintanina waxaa ay ku xambaartay in ay ka beensheegaan safarkooda.

  1. Sawirka khariidadda dhulka

Sawirrada muujinaya in dhulku yahay goobo dadka rumaysan in dhulku fidsan yahay ama bulshada arrintan u doodaa waxa ay sheegayaan in sawirradan gacanta lagu sameeyey (photoshop). Waxa ay rumaysan yihiin in guud ahaanba sawirrada aan ku istimcmaalno goobaha waxbarashada iyo guud ahaanba nolosheenna maalin laha ah ee muujinaya in dhulku yahay mid goobo ah ay yihiin kuwo muddo hore laga been sheegay oo sidaas ku baahday.

   3. Derbiyada barafka ah ee ku xeeran dunida

Derbiyada barafka ah ee qaaradda Antaraktika waa kuwo aan laga gudbi Karin, waa kuwo aan la ogsoonayn waxa ka danbeeya, ayaa ay ku doodaan kuwa aamminsan argatida in dhulku yahay mid fidsan. Derbiyadani waxa ay guud ahaanba ku xeeran yihiin dunida, mana jiro cid ka war bixin karta waxa ka danbeeya barafkan fadhiya ee darbigani ka samaysan yahay. Dhulku waa saxan ay ku wareegsan yihiin derbiyo baraf ah, waana derbiyada qaaradda Antaraktika. Derbigan dherersiisu waa 150 cagood.

NASA waxa ay dadka uga digtaa in aysan fuulin derbigan, waayo waa ay ka dhacayaan, oo xaggee ayaa ay aadayaan kolka ay dhacaan? Taasi waa midda aan u baahannahay in aynu fahanno. Tani waa arrin ay ku tilmaamaan dadka ku dooda in dhulku fidsan yahay in NASA ay ka beensheegayso xaqiiqada ka danbaysa derbigan dhererka badan ee ka samaysan barafka.

4. Aragga aadanaha iyo guud ahaanba dareenkiisa

Aragtidani inta badan waxa ay xoogga saaraysa, aadna u caawinaya in dadka intooda badani ay isticmaalayaan aragooda caadiga ah. Qof walbaa waxa uu u jeeda inta isaga u muuqata illaa laga gaarayo illi-ku-wareertay ama meel aad u fog. muuqaas u muuqanaya qof walba waxa uu tusayaa in dhulku yahay mid fidsan oo aan meelna kasoo xoodmaynin.

Si guud se dadku waxa ay iska dareensan yihiin in uu dhulku yahay mid fidsan. Bal warayso ilmo wax kala garanaya, ka dibna waydii sida uu yahay qaabka dhulku. Waxa aan oran karnaa dadku waxaaba ay ku ababaan fahamka ay ka qaataan inta dhulka ay u jeedaan, waxaana ay ku cabbiraan jiritaan iyo qaabka suurta galka ah ee uu yeelan karo inta ka daahsooni.

 

GUNAANAD.

Qoraalkeenna sare waxa uu ka faalloonayaa arrin cilmi ah oo siyaabo kale geddisan aadanaha oogada dhulka jooga u eegay una baaray, eegiddiisii iyo baaristiisiina uu soo bandhigay fahamkii uu ka helay. Sugnaanta cilmigan waxa aan ula laabanaynaa cilmiga sugan ee aan u adeegsanayno si aan u sugno hubantida cilmiga aadanuhu helay. Arrintan ah ka faalloodka goobo-nimada iyo fidsanaanta dhulka waxa inoo caddaynaya kitaabkeenna Qur’aanka isagana ayaa aynnu rumaysannahay si buuxda kolkaas caddayn waa aynnu haysannaa.

Link -yadaan hoose ka tixraac.

  1. http://crosstalk.cell.com/blog/seven-ways-to-prove-earth-is-round
  2. https://www.livescience.com/60544-ways-to-prove-earth-is-round.html
  3. https://www.youtube.com/watch?v=06bvdFK3vVU
  4. https://www.theguardian.com/science/brain-flapping/2016/jan/26/earth-totally-flat-conspiracy-bob
  5. https://www.space.com/38931-kids-can-prove-earth-round.html
  6. https://wiki.tfes.org/Flat_Earth_-_Frequently_Asked_Questions
  7. https://www.khanacademy.org/partner-content/nasa/measuringuniverse/measure-the-solarsystem/a/a-flat-earth

Wabillaahi towfiiq

Facebook Comments