Buradaan waxa ay kasoo  baxdaa qanjirka tayroodhka loo yaqaano. Inta badan koritaanno aan caadi ahayn ayey unugyada tayroodhka soo saaraan, marka ay burada ruuxa ku cusub tahayna malaha wax astaamo ah haba yaraatee.

Buradu marka ay kasoo baxdo dhuunto waxaa bato hormoonka loo yaqaano Tayroksiina oo uu soo saaro qanjirada tayroodka, waxa aana qofka lagu arkaa calaamado muujinaayo in ay jirto burada dhuunta waxaana kamid ah calaamadahaas:

 1. Miisaanka ruuxa oo lumo.

2. Burada dhuunta oo noqoto mid muuqato.

3.  Daal badan iyo murqaha qofka oo daciifo.   

4. Wadano garaac badan .

5. Qofka oo ay ku adkaato seexashada.

6. Qofka oo dareemo cabis iyo nasiino la’aan.

7.  Qofka oo lagu arko Dhidid badan.   

8. Omatateedka oo siyaado.

 Maxaa Sababo Burada Dhuunta Kasoo Baxdo?

1- Jirka haddii ay ku yaraato maadada loo yaqaano  Aayoodhiin (Iodine deficiency) , Cunnada aan cuno maalin waliba haddii aysan ku jirin maadadaan waxa ay sababtaa in qanjirada kasoo baxaan buro.

2- Infekshanka  ku dhaco qanjirada haddii laga daaweyn waayo muda badan waxa ay keenta in qanjirada buro kasoo baxdo.

3- Kansarka waxa uu sababa burada dhuunta.

4-Dhaxal ahaan waa ay kugu imaan kartaa haddii ay waalidkaa qabaan buradda dhuunta.             

Gunnaanad, bulshadeenna waxa aan kula dardaarmeynnaa in mar waliba ay badsadaan cunooyinka laga helo maadada Aayodhiinta( Iondine) waxaa kamid ah cunooyinka: Caanaha, Ukunta, iyo Malaayga,si uu jirka u helo Aayodhiin ku filan.

Sidoo kale waxaa  kula talineeynnaa mar waliba oo ay qanjirada aad ka dareento infekshan in aad iska daaweyso sida ugu dhaqsiya badan si ay u yaraato sababaha ay noogu imaan karto buradda qanjirada dhuunta.

Facebook Comments