Maalin waliba waxa aan la dhaqanaa dad badan sida kuwa  shaqo wadaaga  aan nahay ama kuwa nala dhashay oo xaafada aan wada joogno, mar waliba waxaa lagama maarmaan ah in aan codsi samayno haddii  ruuxa  aan rabno in aan wax ka helno, sida walaal ma isoo qaban kartaa buuggaas?

Marka uu kusoo qabtana in aan dhahno mahadsanid.

 Mahadcelinta iyo codsiga waxa ay tayeysaa xariirka bulshada. Bulshadana waxa ay ka yeeshaa kuwa jecel in ay is caawiyaan. Subanaheenna (N.N.KH)  waxa uu yiri “ Ilaahay uma mahadnaqo kuwa aan mahadin dadka”.

Bulshadeenna waa ay ku yartahay isticmaalka codsiga iyo mahadcelinta tusaalle: qofba waxa uu ku dhahaayaa taleefankaada gacanta lacag maku jirtaa?

Haa marka aad dhahdana ii dhiib ayuu ku leeyahay, marka aad u dhiibto oo uu qof ka wacdana waa uu kusoo celinaya telefankaada, markaas buu qofkii iska tagayaa  asagoon wax kale ku dhihin hada ogow xumaan kama aha qofkaas. Kawaran maxaa ka wanaagsanaan lahayd haddii u dhihi lahaa qofkaas walaal ma igu caawin kartaa telefanka gacanta, ka dib uu ku dhaho mahadsanid walaal waad i caawisay.

Dhinac kale ilmaha marka ay waalidkooda wax wanaagsan u sameeyaan oo aad  ku dhahdo canugga u mahadceli waalidkaa wax fiican buu ka qabatay, waxa uu ku leeyahay sideen ugu mahadcelinaya waa waalidkeey !!! Mahadcelinta waaa wax wanaagsan waa wixii laga billaabi lahaa waalidka noo huray naftooda.

Allah waxa uu na yiri “ haddii aad i mahadisaan waan idin siyaadinayaa”.Mahad oo dhan Alle ayey u sugnaatay. Waxa aan dhihi laheyn dadka mahadcelinta u fahmay  inay tahay wax dadka isku dhow aysan isku isticmaalin ha oggaadan inay tahay waxa ugu wanaagsan oo la isku dhihi lahaa.

Subanaheenna (N.N.K.H) waxa uu ahaa habeen waliba mid salad u taagan illaa ay cagaha bararaan, Hooyadeen Caaisha Allaha ka raalinoqdee  ayaa waxa ay ku tiri maxaad isku dhibeysaa dambigaadi hore iyo kii damba Allah waa uu ku dhaafaye waxa  uu yiri “ Miyaanan noqoneyn addoon mahdiyo”.

Fikirkaada Waa Muhiim