Kutub lagu keydiyo Taariiqda dunida soomartay waxaa ku qoran umado tirtirmay ama qowmiyado kale ku biiray kuwaasoo hayb qarameedkoodii ey baaba’day oo ku dhaxmilmay dowlado kale.

Umadda Soomaaliyeed waxa ey qarka u fuushay in ey dowlad ahaan baaba’do, laakiin naxariista Alle lagama quusto.

Bur-burkii kaddib waxaa baaba’ay oo burburay qaranimadii dalka waxaa kale oo ladumay nidaamyada asaasiga ahaa sida dhaqanka tacliinta iyo qiyamka dadnimada.

Cararkii kaddib qofba waxa uu lajaal noqday halka uu u cararay tusaale dadkii u cararay wadamada carabta waxa ey qaateen dhaqamadii carabta waxa eyna toos ugu labisteen maan iyo muuqba dhaqankii wadmada ey tageen, sidookale kuwa u cararay wadamada yurubta (Europe) waxa ey qaateen oo ey ku dhaxmilmeen dhaqamadi ey u tageen adiga oo kagaran kara hab labiskooda iyo hadalkoodaba.

Waxbarashada iyo burburkii dalka

Sabanka qaranjabka waxbarashada dalka waxaa gacanta ku dhigay oo si rasmi ah u lawareegay labo kooxood ookale ah:- Dhalinyarada gardheerayaasha looyaqaan oo laga soo khaliifaywadamada carabta, waxaa qandaraas lagu siiyay in ey ubadka Soomaaliyeed carabeeyaan isla markaana rukumada usiibaan hidaha iyo dhaqanka Soomaalida.

Kooxda labaad oo ah NGOs reer galbeedka oo dantoodu tahay iney meelmariyaan mashruuc looyaqaan kimis iyo kitaab leysku lammaaniyay (Biscuit & Bible) iyaguna waxa ey kuhowlanaayeen burburinta hide dhaqanka iyo hirgalinta kirishtaanka.

1993dii 185 waxgarad oo katirsan culumaa udiinka Soomaaliyeed ayaa soosaaray baaq cinwaankiisu ahaa kakacaay kirishtaa timide. NGOs-ka kirishtaameynta mustaqbalka fo ah oo ey wadeen kasokoow waxa ey burburinayeen dhaqanka iyo luuqadaba.

Ardayda dhigata Dugsiyada labadaan kooxood maamulaan af-soomaaliga looma dhigo oo waxaa ladareensiinayay in uu yahay wx aan macno lahayn.

Xigasho Buugga Hadimada Gumeysiga ee uu qoray “C.qaadir Oromo”

Hadda oo lagu jiro 2019-12-15 waxaa muuqato yididiilo ah in qaranimada iyo garaadkii umadda uu soonoqonaayo, taasina waxa tusaale u ah Madaxweynaha umadda Soomaaliyeed oo shalay daah furay waxbarshada qaranka ee Fasalada 1aad illaa 8aad.


Si aad u aragto dhammaan cilmiga noocyadiisa kala duwan waxaad u baahan tahay oo kali inaad riixdo sawirka hoose

Fikirkaada Waa Muhiim