Waxa aan maantay ka hadleynaa hoos u dhaca heer kulka-jirka aadanaha ee Afka qalaad loo yaqaano (Hypothermia).

 Hoos u dhaca heer-kulka jirka aadanaha waa xaalad caafimaad daro oo qatar ah, waxa ayna halis galin kartaa nolosha shaqsiga. Xaaladan waxa ay dhacdaa marka uu  hoos maro heer-kulka jirka  Aadanaha  35.0Co.

Waa Maxay Calaamadaha Lagu Garto Hoos U Dhaca Heer –Kulka Jirka Aadanaha?

  • Qofka oo lagu arko jarees badan.
  • Qofka oo ay ku adkaato in uu hadlo.
  • Garashada ruuxa oo hoos u dhac ku imaado, sida in uu dadka kale garan waayo.
  • Garaaco wadana oo yaraado.
  • Neefta ruuxa oo is badasho sida in uu qofka neef qoto dheer neefsado.

  Maxaa Sababo Hoos u dhac heer-kulka jirka Aadanaha?

  • Xilliga qabowga oo uu qofka heli waayo dirimaad badan. Sida haddii uu qofka joogo dhulka uu barafka ka da’o  in uusan  ka gaashaaman ama uusan qaaddan jaakadaha qabowga loo xirto, waxa  ay sababtaa hoos u dhac heer-kulka jirka.
  • Cudurada  qaar waxa ay sababaan hoos u dhaca heer-kulka jirka Aadanaha  waxaana kamid ah: Cudurka Macaanka, Nafaqo-darada iyo Cudurka faaliga (Stroke).
  • Dadka Da’dda ah iyo ilmaha yar ba waxa ay u nugul yihiin in ay ku dhacdo hoos u dhaca heer-kulka jirka Aadanaha.

Maxaa Lagu xalin karaa Hoos u dhaca heer-kulka jirka Aadanaha?

  • Qofka in laga daboolo qabowga.
  • In laga joojiyo faleenbo haddii ay ku socotaa markaa.
  • In laga qalijiyo qoyaanka qabowga uu keenay.
  • In la siiyo ruuxa cunno diiran
  • Ilmahana waxaa wanaagsan in lagu qabto laabta ayado waliba aan ka xigin wax maro ah ( Skin to Skin Contact), si uu cunagga u helo dirimaad.

Si aad u aragto dhammaan cilmiga noocyadiisa kala duwan waxaad u baahan tahay oo kali inaad riixdo sawirka hoose

Facebook Comments