Dunidaan aan ku noolnahay kama dhammaadan qaladaadka ay iska galaan Aadanaha midba midka kale. Haddaba su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah qalad markii lagaa galo maxaad sameysa? Ma awoodaa adiga  oo aarsan karo in aad cafiso?

Cafiska waxa uu kamid yahay daawooyinka lagu daaweeyo qalbiga. Qofka aanan aqoon sida loo cafiya waxa uu u dhintaa cuqdad Aakhirkii isku badasho cudur nafsaani ah. Waa geesinimo in aad cafiso dadka, waana daawada qalbiga, sidoo kale waxa ay xoojisaa xariirka iyo kalgaceylka dadka ka dhaxeeyo.

Dagaalkii Uxud uu hoggaaminaayey Subanaheenna(N.N.KH) ayaa waxaa kasoo qeyb galay Xudeyfa iyo Aabihii Yamaan,waxa ayna imaadeen Madiina dagaalkii badar marka uu dhacaayey si wanaagsan loogama aqoon magaalada Madiina.

Dagaalkii marka uu dhacay ayey Muslimiinta isku qaldameen oo dadkii ayaa la kale garan waayey, Muslimiinta seefta ayey iskula jeesteen ayagoo anaan is garaneeyn, xudeyfah ayaa waxa uu arkay Aabihii oo seefta lagu boobaayo, saaxabadii buu kor ugu qeeyliyey waa aabahay, inta u hadlaayey ayey seeftii ku dileen, xudeyfah marka uu u yimad waxa uu arkay in Aabihii ay dileen saaxabadii, maxaad u maleyneysaa xudeyfa in uu ku yiri saaxabadii ? Waxa uu yiri dambigiina Allah dhaafo ka dibna waa uu ka tagay!!!.

Dadka qaar waxa aad arkaysaa in ay ku leeyihiin qofkii i xanto,ma cafinaayo aakhiro ayaan rabaa ajirkiisa!!!!  Waxa aanba dhihi lahaa iskadaa kuwa ku xamaayo haddee kuwa wax kaa sheegi doonno xataa iska cafi, dadka cafi walaal Allah ku cafiyee, walaalka/walaashaa marna qalbiga wax ha ugu qaaddin si kastooy kugu qaldamaan, ogow cafiskisa aad dadka u fidiso Adduun iyo aakhiro marna kuma qasaareysid.

Cafiska aan barano walaalayaal dadka cafisa badan alle waa uu jeclahay, Allah qur’aankiisa waxa uu ku yiri:

وَسَارِعُوا إِلَى مَغْفِرَةٍ مِنْ رَبِّكُمْ وَجَنَّةٍ عَرْضُهَا السَّمَاوَاتُ وَالْأَرْضُ أُعِدَّتْ لِلْمُتَّقِينَ * الَّذِينَ يُنْفِقُونَ فِي السَّرَّاءِ وَالضَّرَّاءِ وَالْكَاظِمِينَ الْغَيْظَ وَالْعَافِينَ عَنِ النَّاسِ وَاللَّهُ يُحِبُّ الْمُحْسِنِينَ ﴾ [آل عمران: 133، 134].

“Udadaga dambi dhaaf rabigiin xagiisa ka ahaatay iyo janno uu ballaceedu la mid yahay ballaca cirarka iyo dhulka oo laysku daray, janadaas oo loo diyaariyay kuwa dhowrsada. Kuwaas oo ah kuwa xoolahooda bixinaya marka ay dheefta haystaan iyo marka ay dhibban yihiinba.
Sidoo kale kuwaasi waa kuwa caradooda qarinaya ee dadka iska cafinaya ilaahayna waa jecel yahay kuwaas wanaagga samaynaya”.

 

Fikirkaada Waa Muhiim