Caagiriyahu waxaa uu kamid yahay xaaladaha caafimaad daro ee ugu caansan oo  lagu arko dhallaanka,waana xaalad u baahan daryeel caafimaad.Cagaariye waxa aan dhihi karnaa marka aan ku aragnno kalar jaalle ah maqaarka iyo indhaha canugga.

Cagaariyaha waxa uu dhacaa marka ay sara u kacaan bilorabiinta ku jirta dhiigga. Qiyaas ahaan 80% waxaa lagu arka cagaariyaha isbuuca ugu horeeyo ee dhalaanka dhashay waqtigiisa ka hore sida ilmaha ku dhasha 7bil . 60% waxaa cagaariyaha lagu arkaa dhalaanka ku dhasho waqtigooda.

Halka 10% lagu arko ilmaha bila dhaafka ku dhashay iyo ilmaha naas nuuga ah.

Haddii  aad ku aragto canuggaada cagaariye iyo calamaadahaan hoos ku xusan fadlan sida ugu dhaqsiyaha badan u eggee goobaha caafimaad lagu daryeelo.

  • Nuugis xumo.
  • Kalarka indhaha iyo maqaarka oo guud ahaan yeeshaan midab jaalle ah.
  • Canugga oo ay yaraato dhaq-dhaqaaqisa sida in uu iska yaallo meel oo kale (lethargy).

Maxaa Sababo  Cagaariyaha lagu arko  dhalashada Canugga ka dib?

1-Cagaariyaha caano naaska wuxuu ku dhacaa dhallaanka qaar toddobaadka labaad ee noloshooda ugu horeyso ama wixii ka dambeeya, sababatuna illaa hada lama  garanaayo, laakiin waxay la xiriiri kartaa walaxo ku jiro caanaha naaska taasoo u sahlaysa  xiidmaha inay dib u soo nuugaan bilorabiinta.

2- Burburka xad-dhaafka ah ee unugyada dhiigga cas waxa ay sababaan cagaariye lagu arko ilmaha.

3-Shaqada  beerka  canugga oo hoos u dhac ku imaado sababo la xariiro infekshan.

 

Fikirkaada Waa Muhiim