Mooska waxa uu kamid yahay miraha  ugu macaan ee laga cuno Adduunka. Dalkeena waxa uu Hodan ku yahay Mooska. Cilmi baaris ay Taliyaaniga sameysay waxa ay ku caddaysey in Mooska ugu macaan Adduunka laga helo Dalkeenna Soomaaliya.

Mooskii waxaa laga helaa fitamiinnada badan iyo macdan muhiim u ah jirka.Sidoo kale cilmi baaris ay sameysay Landon ayaa waxaa ay ku caddeysey dadka cuno 1xabo oo moos ah maalinkii  34%  in ay yartahay in uu ku dhacdo cudurka neefta.

Waa Maxay Faa’ida Mooska Laga Helo?

  • Mooska waxa uu ka qeyb qaataa ka hortagga nafaqo-darada ilmaha ku dhacdo.
  • Mooska waxa uu qurxiyaa maqaarka.
  • Waxa uu kor u qaadaa Caafimaadka Wadnaha.
  • Waxa uu wanaajiyaa shaqada dheef-shiidka.
  • Waxa uu ka qeyb qaataa ka hortagga calool fadhiga.
  • Moosku waxa uu jirka siyaa tamar.
  • Mooska waxa uu jirka ka difaaca dhiig-la’aanta.
  • Waxa uu wanaagsan yahay dadka qabo dhiig-karka.
  • Mooska waxa uu ka qeyb qaataa miisan dhimista (weight loss).

Ilmaha la siiyo Mooska, liinta,iyo cabitaanada casiirka ah labbo sanno ee ugu horeeyso noloshooda, waxa ay ka qeyb qaadataa ka hortagga kansarka ku dhaco dhiigga. Mooska faa’iidoyinkiisa laguma soo koobi karo hal maqaal.

Waxa aan ugu baaqeynaa Bulsha weynta Soomaaliyeed in ay ka faa’iideystaan miraha macaan ee waddankeena uu Hodanka ku yahay sido mooska oo kale, miruha waa kuwa macaan caafimaadkaaga u wanaagsan ugu roon mar waliba naftaada iyo caruurtaba.

Fikirkaada Waa Muhiim