Aanadii Negeeye – Qeybtii 19aad

Runtii markii ay yarayd Negeeye waa ay necbayd, gaar ahaan laga soo bilaabo maalintii uu caayay, maanta se waa ay ku faraxday in uu qurux u qiray. Malaha waxay ka ahayd aarsi iyo lib ay soo dhacsatay. Waxaa laga yaabaa nacaybkii ay u qabtay in uu wax ka beddelay markii ay ogaatay ninkii uu dilay in uu ahaa nin isagaba aabbihii dilay. Waxay kale oo ku qaddarisay sida uu dad isaga dhigay ee dunida meel uga galay.

Si ay ahaydba, galabtaas uu guurka la soo qaaday u ma ay hayn wax aan ahayn ilmo abtinnimo. Haba ka da weynaado, carruurna ha lahaado, jaahil ay ka tacliin sarraysana ha ahaado, waa ay se qiratay in ay mustaqbal la wadaagi karto.

In uu dhaqaalihiisu fiican yahay waa ay og tahay, nolosha rafka ah ee ay iyada qoyskoodu ka bixi kari waayeena waa ay ku daashay, haddii ay guursato in ay nolol tan ka debecsan ku noolaan karto ayayna istustay. Laakiin isla markaas sabab aanay fahmin ayuu guurka Negeeye u la ahaa waalli.

Waxay malaysay sida uu aabbeheed guurkooda u arki karo, wax ayna la noqotay in aanu soo dhoweyn doonin. Dabadeed iyada oo go’aan gaadhi kari wayday oo isku buuqsan ayay fikradi ku soo dhacday. Cid walba ka hor in ay ina adeerkeed Raage la tashato ayay wanaag u aragtay, isla galabtii xigtay ayayna gurigiisa ugu tagtay.

Joogto ayay iyada iyo Raage isu booqdaan isagana war hayaan, isfaham badan baa ka dhexeeya. Ilmo adeernimada iyo in ay soo wada koreen ka sokow waa saaxiibbo isku sir qarsada. Galabtaa markii ay albaabkiisa garaacday Raage degdeg ugama uu furin, mar labaad iyo mar saddexaad ayayna ku celisay iyada oo malaysay in uu hurdo. Markii ay dhaqaaq u hollatay ayuu furay.

“Oo miyaad hurudday? Alla walaal raalli iga ahow!”

“Raalli ahow maxay taraysaa haddiiba aad i toosisay. Soo gudub.” Leyli wejigiisa iyo codkiisa toonna ka ma ay dareemin in uu hurdo ka kacay, gudaha ayayna u gudubtay. Waxay qolka si kediso ah ugu la kulantay gabadh Raage la fadhida, waxayna malaysay in ay sheeko meel wanaagsan maraysa dhabqisay.

Haddii aanay sidaas ahayn ma kulaylka qolka oo keliya ayaa lala dhididayaa? Maxaa sidii maaratoon la soo orday lala neef tuurayaa? Sidii dad haghago qaba maxaa hadalka loo googooynayaa? Sidii aan awal hagaag loo fadhiyin maxaa huga loo hagaajisanayaa? Gogosha sariirtu sidii ay fooli ku galgalatay maxay la filiqsan tahay?

“Raage, in aan hurdo kaa kiciyo ayaaba roonayd ee sida muuqata sheeko ayaan kaa kiciyay”, ayay tidhi Leyli iyada oo gabadhii gacanqaadaysa.

“Waad iga aargudanaysaa ee iska fadhiiso”, ayuu ugu jawaabay ay wada qosleen. Maalin aan fogayn oo uu guriga ku booqday waxaa la joogay nin, markii ay isbartay ee u sheegtay Raage in uu yahay ina adeerkeed kii albaabka ayuu boobay. Waa taa aargudashada uu sheegayo ee ay isla xasuusteen.

“Isbarasho wanaagsan, gabadhan waxaa la yidhaahdaa Deeqa Warsame, isku dugsi ayaannu wax ka dhignaa. Deeqa, Leyli waa ina adeertay sannadkan ayayna ka qalin jebinaysaa Kulliyadda Saxaafadda.”

Barasho wanaagsan iyo barasho wanaagsan ayay isweydaarsadeen iyaga oo isu dhoollo caddaynaya. Leyli wada joogga Raage iyo Deeqa waa ay ku faraxday.

Dabeecaddeedu wax ay noqon doontaba waxay u aragtay ruux qurux badan oo weliba jinni leh. Sida uu hadalkeedu u asluubaysan yahay iyo in ay macallimad tahay waxay siiyeen dareen ah in ay tahay qof ustaqbal ka dugsanayo.

Waa ay jeclayd in uu guursado, sida uu isaguba u jeclaa in ay guursato, waxayna sharad ku dhigteen kooda hor guursan doona, weligii se gabadh Deeqa la qaayo ah ku ma ay arag. Waxay ku xifaalayn jirtay:

”Waad dookh xun tahay ee marka aad guur u diyaar garowdid aan gabadh kuu doono ee ii sheeg.” Sidaas darteed Deeqa waxay u aragtay qof ina adeerkeed ku habboon. 

“Raage, arrin yar baan kuugu imid, laakiin iska sheekaysta oo haddii aad haleeshid caawa guriga iigu kaalay”, ayay Leyli soo jeedisay markii ay shaah wada cabbeen muddo aan badnayna sheekaysanayeen.

“Maya abbaayo, aniga ayaa sii soconaya ee iswaraysta, ninkan maalin walba waanu wada joognaaye”, ayay tidhi Deeqi iyada oo kicid isu diyaarisay.

“Maya wallaahi, Deeqa, wax sidaas u muhiim ah ma aha, caawa ayuu guriga iigu iman ee iska fadhi.” Labadii gabdhood oo isku arbushan ayuu dhex galay. 

“Aniga ayaa ahlu bayd ah ee wax i wayddiiya. Deeqa mar haddii dhufayskeedii laga qabsaday waa col jabay ee ha cararto.”

“Sidaas ayaa gar ah, haddii kale jabka waxaa iigu darsamaya maxbuusnimo”, ayay Deeqi go’aanka ku taageertay.

“Raagow, xaalkaagu waa ka yar iga qabo oo ka weyn igu soo daa. Innagu waxba isu sheegi mayno ee Deeqi yaanay ku dhaafin.”

“Waxba kiiska ha iska waaline fadhi, mar haddii aad iyada iga sii daysay adiga ayaan madaxfurasho kuu haystaaye.”

Markii ay Deeqa sagootiyeen Leyli iyada oo waxa uu ku jawaabi doono aad u xiisaynaysa ayay tidhi:

“Raage, waa tan tii aad ku degi lahayd ee aad weligaaba raadinaysay.”

“Sidee baad ku garatay?” ayuu yidhi, oo qosol farxad ah laakiin uu kaftan ka dhigayo cirka ku shareeray.

“Runtii Deeqi waa ay qurux badan tahay, degganaan iyo dabeecad wanaag ayaana ka muuqda. Intee baad istaqaanneen?”

“Intii aan bukay oo dhan.”

“Miskiin walaalkay! Oo ilaa goorma ayaad buktay?” “Ilaa markii aan arkay, laba toddobaad.”

Mar keliya ayay Leyli wejigiisa ka aragtay beddelnaan aanay weligeed ku arag. Wuxuu u eg yahay qof faraxsan haddana naxsan, deggan haddana kacsan, jooga haddana maqan, sabab la’aan ayuu u qoslayaa haddana u aamusayaa. Shaki ku ma jiro in uu yahay nin ay eebo jacayl wadnaha aroortay, ayay ku fekertay.

“Raage, run ahaantii Deeqi aad ayay kuugu dheer tahay. Maxaad hore iigu sheegi wayday?”

“Sow anigan ku leh waannu isku cusub nahay.” “Xaggeeda ka warran?”

“Fili maayo in ay iga qalbi adag tahay.”

“Waaw! Haddaa waxaan isu diyaariyaaba waa minxiisad.” “Aniguna miyaanan minxiis isu diyaarinayn?”

“Raage, runtii arrin su’aashaa ku saabsan oo aad la yaabi doontid ayaan kuu la imid in aad igala talisid.”

“Haye?”

Sheekadii uu xalay Negeeye u la yimid ayay u qaadaa dhigtay, taas oo Raage ku noqotay yaab iyo amankaag. Wuu xasuusan yahay in ay necbaan jirtay. Goorma ayay jeclaatay? ayuu iswayddiiyay. Wuxuu gartay sababtii uu Negeeye shalay Leyla isaga dhisayay in ay taas ahayd. Si uu yaabka ku dhacay u qariyo kaftan ayuu hadalka ku bilaabay.

“Doqon baa laga hayaa ‘Marka wax la ii sheego ayaan wax gartaa.’ Illayn intaas ayuu shalay la baarqabbaynayay!”

“Waxay igu noqotay lamafilaan, maxay se ku la tahay?” “Haddii aad isaga guursanaysid anigaba maad i guursatid?” “Wuu kaa fiican yahay, oo kaa lacag badan yahay, oo kaa derajo sarreeyaa.”

“Weligaaba waan ku ogaa in aad isaga iga jeceshahay.”

“Waar walaal kaftan ka saar oo si dhab ah noo la tali. Isaguna caawa ayuu jawaab iga sugayaaye.” Cabbaar ayuu Raage yar aamusay, wuxuu jeclaystay in uu u sheego in aanu Negeeye sinaba ugu qalmin. Laakiin taa xaq u ma leh, iyada iyo isaga toonna xaq uguma leh.

“Leyla, wax kasta oo kaleba iska illaw oo arrin keliya iswayddii: adigu isaga ma jeceshahay?”

Laba sano hortood ayay mar nin reer gobol ah aad u jeclaatay, isaga oo aan in uu meel aadayo dareensiin ayay mar uun meel uu jaan iyo cidhib dhigay wayday. Weli waa ay daydaydaa, waana ay iswayddiisaa qofkaasi jin iyo insi waxa uu ahaa.

Dareenkii quruxda badnaa, ee xanuunka iyo raaxadaba lahaa, ee ay berigaas qaadday, welina raadkiisii wadnaheeda ka sii heli karto, mid la mid ah iyo mid u dhow toonna Negeeye u ma hayso.

Markii ay yarayd waxay moodi jirtay nolosha oo dhami in ay tahay jacayl, filimada iyo ruwaayadaha ayayna ka aragti qaadan jirtay. Laakiin in dhoweyd waxay rumaysan tahay dunida sharkeeda iyo dhibkeedu in aanu ka yarayn wanaaggeeda. Waxay taqaan dhawr qof, rag iyo dumarba, oo qofkii ay jeclaayeen mid aan ahayn sababo ka la duwan u guursaday.

Sidaas darteed waxay dareentaa in ay ka la jiraan dan iyo dookh aan badanaa iswaafaqin. “Jacayl?” ayay tidhi iyada oo ka jawaabaysa wayddiintii Raage. ”Dee mooyi, Negeeye ma jecli mana necbi, laakiin waa ina abtigay oo i gaya guurna ii la yimid.”

Raage wuxuu Leyla galabtaas ku calool adaygsiiyay in aan iyada Negeeye cidina uga aqoon badnayn, isla markaasna dookheeda iyo doonisteedu muhiim yihiin, go’aanka guurkeedana keligeed lee dahay. Haddii si kale loo qeexo wuxuu ku la taliyay in ay iyadu tashato.

“Bal aabbe waxa uu yidhaahdo aan eego”, ayay talo kaga dhammaatay.

Fiidkii markii uu Negeeye reerka u yimid iyada keligeed baa ogayd ujeeddada booqashadiisa. Iyada ayaa albaabka ka furtay hoosna ugu sheegtay: “Wax aan guurkeenna ka qabaa ma jirto haddii uu aabbe oggolaado.”

Negeeye jawaabta wuu ku farxay, waayo wuu ogaa Rooble, in kasta oo aanu isaga jeclayn, in uu gabadhiisa aad u jecel yahay, iyada doonisteedana wax walba ka hor marin doono. Markiiba Rooble oo qolka akhriska keli ku ah ayuu u galay si uu arrinta ugu soo bandhigo.

Rooblaha maantu ma aha kii toddobaatannadii ee sida libaaxa u tallaabsan jiray, ee niyadsami inta uu ka qabo ismoodi jiray rasuul Ilaahay dunida u soo diray. Niyaddii iyo jacaylkii uu shaqadiisa u hayn jiray beryahan wuu iska la yahay. Muxuu niyad u hayaa ama ku jeclaadaa shaqo aan horumar dhaqaale iyo mid derajo toonna lahayn? Wahsi ayaa laga soo taagay, in uu shaqada aado iyo in kalena maba ka la jecla.

Wax walba wuxuu ka jecel yahay in uu gurigiisa iska joogo oo sida jiirka buugaagtiisa iskaga dhex jiro afadiisana agagaarka ka arko. Waa se haddii aanu busaarad la joogi waayin, oo ku khasbanaan in uu dadka uu yaqaan ee carabta ka soo degay biil ka soo shaxaado. Karaamo la’aanta ayaa wax walba kaga daran. Karaamada Alle idinka qaad! ayuu ku habaaraa kuwa dalka xukuma.

Marba kuray xun oo aan meel wax loo wado iyo meel laga wado toonna aqoon ayaa xafiiska loogu keenayaa oo la lee yahay: ”Rooble, bal yarkan shaqada tustus.” Maalmo ka dibna wuxuu arkayaa kii oo waax dhan agaasime ka ah. Ilaa markii dambe uu isku arkay cillad iyo cuqdad ah in qofkii dawladda u shaqeeya ee uu isagu ka cilmi badan yahay ama shaqada uga horreeyay ee ka nolol sarreeyaba u arko in uu ku kasbaday dariiq aan xaq iyo xalaal ahayn.

Mar wuxuu isu arkaa qof guuldarraystay, mar kalena qof laga hiiliyay. Kurayo iyo foodley badan oo isaga shaqada gacanyare uga ahaan jiray ayaa maanta fadhiya xafiisyada ugu sarreeya waaxyaha ka la duwan ee wasaaradda, rag badan oo ay isku lod ahaayeen ayaa haysta dhaqaale aad u badan oo dhistay guryo qaali ah kuna tamashleeya baabuur qurux badan.

Isaguna masruufka ayuu ka welwelayaa. Muddo dheer ayuu caddaalad darradaa u dulqaadanayay, maanta se dulqaadkii waa ku daboyaaqo. Awal wuxuu islahaa kuwaa xaaraanta kugu dhaafay xalaal baad ku gaadhi ee iska dabo soco, laakiin beryahan waa quus.

Wax ka sii dara mooyee wax ka soo raynayaa ma jiraan. Wuxuu u garaabay kuwo markii ay ifofaalaha xun arkeen dalka debedda uga yaacay, wuxuuna isu arkay qof dhan walba seegay. Waar waxani waa dhan walba seeg ee meesha ka tasho, ayuu marar badan isku la taliyay, haddana ku ma tallaabsado.

Mar buu guddoomiye ka noqday guddi heer qaran ah oo loo xilsaaray in ay eraybixin u sameeyaan waxyaalaha af soomaaliga ku cusub ee aan ilaa markaas la eraybixin. Wuxuuna rumaysan yahay isaga iyo kooxdii la shaqaynaysay in ay taa guul weyn ka soo hooyeen.

Muddadaas yar, oo ahayd sannad iyo saddex bilood, waxay eraybixiyeen in ka badan boqol eray oo si rasmi ah af soomaaliga uga dhaqan galay. Guusha intaas la’eg in lagu abaalmariyo ha joogto ee waxaa la diiddan yahay in loo qiro. Xasadka iyo xiqdiga ayay wax walba kaga dareen.

Sannad ka hor ayaa Xarunta Wasaaradda laga beddelay oo xil aan macno lahayn looga dhiibay Xafiiska Manaahijta. Taa u ma arko dallicin iyo beddelaad toonna, ee waxa uu rumaysan yahay in ay ahayd lumin iyo tuurid, si uu waraaqaha badan ugu dhex lumo.

Xafiiska Manaahijta maxaa yaal ee aan waraaqo habaas badan iyo sanboor ahayn? Haddii aqoontiisa iyo waayo’aragnimada uu shaqadan u lee yahay la eego, wuxuu isu arkaa in aan cidina kaga xaq lahayn agaasime ama wasiir kuxigeen, haddiiba uu wasiir waayo.

Bal haddana aqoontiisa ka ma maarmaan, oo marka ay runi run tagto, ee qof waxtar ah loo baahdo, isaga ayay ilaa heer wasiir isku soo ag toominayaan: ”Rooble, bal arrintan nala eeg. Rooble, hawshan adiga cidi kuguma dhaanto ee isu xilsaar”, iyo nacnac la mid ah.

Bisha soo socotaba shir caalami ah oo lagaga hadlayo la dagaallanka qoris iyo akhris la’aanta dunida sookoraysa, laguna qabanyo London, wefdi uu isagu hoggaaminayo ayaa Soomaaliya uga qaybgelaya. Haddii ay cid hawshaas isaga ku dhaanta hayaan waa ay u diri lahaayeen ee waa ay ka maarmi waaayeen. Isaga sharfi maayaan, horumarinta danaha qarankana dan ka ma leh.

Maxaad waxaaba kaga daali, Negeeye oo dhawr sano ka hor objac askarta ku galay sow maanta cid walba ka ma sarreeyo ka mana nolol wanaagsana? ayuu Rooble ku fekeray. Bal Raage iyo Leyla oo in ay bulshada meel sharaf leh ka galaan waxii aad ogayd ee dadaal ahaa u soo maray maanta xaalkooda ka Negeeye dhinac dhig! Laakiin maxaad sidaas ugu fekeraysaa?

Si kastaba ha ku gaadho ee horumarkiisu sow adigaba horumar Kuu ma aha? Gurigan aad kiro aadan bixin karteen kaga badbaadday sow isagu ma leh?

“Haye, ilaa dorraad in aad joogtay waa la ii sheegaye, ma waxaan maqlay guri kale ayaad Wadajir ka iibsatay?”

“Haa. Maanta wax lacag la geliyo guri baa ugu aayo roon.” “Haddii sidee loo eego?”

“Si walba, sida joogtada ah ee ay dhulka iyo guryuhu u sii qaaliyoobayaan tusaale ahaan, iyo sida uu shilinku u qiimo beelayo.” “Waxaa muuqata in aad lacag yeelatay. Maamul askar ah askari uun baa ku hoos noolaan kara ee ma u malaynaysaa in ay askarinnimo ii qaadanayaan?” ayuu ku kaftamay.

“Noloshu waa khammaar qof walibana halka uu saarto waxa uu ka helo ayuu lee yahay.” Rooble si aan faraxsanayn ayuu Negeeye u eegay, hadalka wuxuu u qaatay ku digasho iyo liidid.

“Waa falsafaddaas doqonta ah waxa dalka halkaas dhigay. Ma shaqo qaran ayaad khammaar ku sheegaysaa?”  Intii aanu jawaabin ayuu isaga oo isillawsan jeebka sigaar ka la soo baxay.

“Ha igaga shidin gurigayga sigaarka, shalay baad ku shidday oo aan xalay foodda soo gelin kari waayaye.” Negeeye sigaarkii jeebka ayuu ku ceshaday hadalkii horena sii xigtay:

“Waxaan u jeedaa, xirfadda uu qof waliba doorto horumarkeedu wuxuu ku xidhan yahay duruufaha jira. Tusaale ahaan sarkaalnimadu in ay xirfado kale oo badan maanta dhaanto waxaa caawiyay xaaladda siyaasadeed.”

“Wax walba siyaasad lagu ma sheego. Ummad dhan baa lagu khasbay in ay maamul u shaqayso ama aanay shaqaba qaban, in dalka loo shaqeeyana waxaa laga dhigay denbi. Ma aha in lagu gabbado xaalad siyaasadeed oo sheyddaan iyo khammaar, ee waa in ay qorshe iyo caqli jiraan.”

Wax uu ka xanaaqo imika la ma dhihine odaygu in uu hore isaga xanaaqsanaa ayuu Negeeye maleeyay. Awalba taliska mucaarad wuu ku ahaan jiray, laakiin imika xaalkiisu waa nacayb qoddo fog. Cisho aan fogayn ayay mid taliska daacad u ah oo meel ka la shaqeeya sheekaysteen, wuuna u qirtay sida uu maamulka uga niyad xun yahay.

Kiina markiiba wuu cararay oo soo dacweeyay, isla habeenkii ayaana saqdhexe guriga lagala baxay. Laba habeen iyo laba maalmood ayaa meel uu jaan iyo cidhib dhigay la la’aa oo godka nabadsugidda ku huursanaa, ilaa wasiirka waxbarashadu cagihiisa ku tegay oo ka soo daayay.

“Anigu maamulka u ma shaqeeyo ee waxaan difaacaa dalka”, ayuu Negeeye yidhi isaga oo gartay odaygu in uu isaga ku dheg hadlayo.

“Waxay ahayd qof waliba in uu mushaharadiisa isku fillaysiiyo. Ma aha in dunida la dawarsado, haddana waxa la soo helo aan dalka wax loogu qaban ee dhagxaan iyo biro fillooyin iyo baabuur loo bixiyay la geliyo. Waxaasi miyay tahay mushaharo la shaqaystay? Xaggee baad waxaas oo lacag ah ka keenteen?”

Mar kasta oo ay labadoodu kulmaan Negeeye wuxuu sii xaqiiqsadaa abtigii in aanu jeclayn. Sidaas oo kale wuxuu sii ogaadaa in uu yahay nin ay mucaaradnimo googooysay. Rooble haba ahaado dadka hadalka qallafsane Negeeye wuu hubaa in aanu dadka kale sida uu isaga u la hadlo u la hadlin, siiba Leyla iyo Raage marnaba sidaas u la ma hadlo.

Laakiin dan ka ma leh, isaga oo intan ka yar ayuu cidna dan ka yeelan waayay. Hadaltirada odayga ka ma uu jawaabin ee dantiisa ayuu u gudbay. Wuxuu yidhi isaga oo weliba hadalka beerlaxawsi ku lifaaqay:

“Abti, wax aan kuugu imid arrin muhiim ah, taas oo ah in aan ina abtiday Leyla ku wayddiisto, oo aad reer dhisasho noogu ducaysid.”

“Reer dhisasho?”

“Haa, waayo qof igaga habbooni ma jirto.”

Odaygu cabbaar ayuu isaga oo Negeeye eegaya aamusay, dabadeed inta uu muraayadaha iska bixiyay indhaha marmaray, mar kalena eegmada ku celiyay, isaga oo muujinaya in ay ahayd wax aanu sinaba u filayn. Waxaa la arki jiray abti wiilka uu abtiga u yahay xushmeeya, laakiin isagu kan dar alle ayuu u shuufay.

Haddii uu awoodo marnaba Leyla ma uu siiyeen, iyadana sinaba ugu la ma taliyeen in ay guursato. Laakiin u ma arko in uu xaq u lee yahay in u diido, wuuna maleeyay labadoodu in ay hore wada hadleen.

Xaalku wuxuu noqon karaa ”walaashaa isku ma hubtid ee seeddigaa ha ka la dhimannina”. Isaga oo taa maskaxda ku haya ayuu doortay hadal diblomaasi ah.

“Sow ma habboona in aad iyada la hadashid?”

“Waan la hadlay, oggolaanshahaaga ayayna shardi ka dhigtay.” Mar kale ayuu Rooble aamusay, cabbaarna fekeray, dabadeed inta uu muraayadihii gashaday, buuggiina ka la furtay, oo akhris isu diyaariyay, Negeeye ku yidhi:

“Haddaba annaguna aanu isaragno ee berri isu keen keen.”

Rooble markii uu Leyla la kulmay wax badan oo uu ka la hadlo ma hayn. Oggolaanshihiisa in ay shardi ka dhigtay u ma uu arag wax macno leh, waxay la noqotay in ay guurka Negeeye diyaar u tahay laakiin doonayso in ay isagana sharafto. Haddaa maxay kale oo noqon lahayd? Haddii aanay doonayn sow iskeed u ma ay diiddeen?

“Leyla, talada guurkaaga keligaa ayaa leh, laakiin Negeeye ma u aragtaa nin aad isla keenaysaan?” Feker degdeg ah ayay maskaxda la kaashatay. Hadalka aabbaheed digniin iyo xogwaraysi labadaba waa ay ka dhadhamisay, sida wanaagsan ayay se u qaadatay.

“Aniga iyo Negeeye waxaannu nahay dad wada dhashay, waana nin shaqaysta oo isku filan, markaas anigu xumaan u ma arko haddii aad adigu oggolaatid.”

“Anigu haddii aad amxaar ii la timaaddana in aanan kuu diideen waad og tahay. Ma jiro wax dookhaaga ka sarreeyaa, markaas waan isugu kiin ducaynayaa, liibaan ayaanan idiin rajaynaa.”

Aanadii Negeeye – Qeybtii 21aad

Facebook Comments