Aanadii Negeeye – Qeybtii 18aad

Maalin baa Negeeye Xarunta Taliska Gaaska Burco looga yeedhay. Taliyaha gaasku wuxuu soo gaadhsiiyay amar ah hawlgal ciidan oo laga soo fulin doono gobolka Hawd ee ay Itoobbiya xukunto. Waa dhul ku dhow meelaha ay mucaaradku saldhigyada ku leh yihiin, isla markaas weerarrada ka soo abaabulaan. Arrinta Negeeye xiisaha u lihi waa isaga oo qudhiisu hawlgalkaas hoggaamin doona.

Habeenkaas waxaa lagu qayilay guriga taliyaha gaaska ee Burco, waxaana aad looga wada shaqeeyay, aadna la isu hoga tusaaleeyay, hawshaas oo laba cisho ka dib la fulin doono. 

Maalintii uu weerarku bixi lahaa tii ka horreysay oo dhan Negeeye keligii ayaa geed bilcil ah hooskiisa fadhiyay oo sida filosoof ama doqon u fekerayay. Habeenkii xigayna goor hore ayuu gogosha tegay cabbaar isaga oo sigaar iska daba shidaya arrinta ka sii fekerey.

Sidee ayuu u fekerayay? Miyuu baqayay? Miyuu ka xumaa mise wuu ku faraxsanaa? Wuu ogaa in uu mas’uul buuxa ka yahay waxa uu samayn doono ama samayn doonin, dhaqaaqa labadiisa dibnoodna saaran yihiin aayaha nafo badan iyo hantidoodu.

In kasta oo uu degganaansho la’aan darteed teendhadii uu seexan lahaa laba jeer debedda uga soo booday haddana su’aalaha sidaas isuma wayddiin, arrintana halkaaba ka ma eegin. Dareenkiisa isugu dhex daadsan baqdinta, nacaybka, welwelka, faanka iyo shakiga, marnaba ku ma uu dhex arag su’aasha mowqifkan dabiiciga u ah: falkan loo xilsaaray xaq iyo xaqdarro, sax iyo qalad, ka uu yahay.

Marnaba fekerkiisa ku ma ay soo dhicin maskaxdiisana fursad u ma siin in uu maleeyo silsiladda culus ee kaaraha iyo cadaabta kulul ee madfaca dadka ku halaagmi doona xaalkooda. Marnaba kuwaas qoyskiisa iyo qof kale uu ka naxayo ma uu barbar dhigin.

Saldhigyada mucaaradku ka ma foga dhulka uu berri weerarayo, kana feker haddii uu ciidankiisa mucaaradka u la galo natiijada uga dhalan karta. Wuxuu kale oo maleeyay haddii uu hawlgalkaa ku soo guuldarraysto iyo haddii uu ku soo guulaysto mustaqbalkiisu waxa noqon karo iyo farqiga labadaa xaaladood u dhexayn kara.

Wuu istusay xil sidaas u culus oo lagu aaminaa in ay tahay fursad weyn oo uu taliska sare ka helay, waxaana uu u arkayay imtixaan ku saabsan mustaqbalkiisa. Fekerkiisa oo dhami wuxuu ku mashquulay weji kasta oo ay hawshaasi yeelan karto iyo natiijada isaga shakhsi ahaan uga dhalan karta, shar iyo khayr labadaba.

Berigii uu Mudug joogay ayuu isbaray in uu hawl kasta oo shaqadiisa ciidan ah ku saleeyo maslaxaddiisa shakhsiga ah, taas oo ahayd markii uu aamminay qof kastaa in uu dan gaar ah u ordayo, xataa haddii ay umaddu ku halaagmayso. Dabadeed cutub aad u hubaysan ayuu waaberigii xerada koonfur qumman u dhaqaajiyay.

Waxa uu amar ku haystaa in uu baynaadda daro haddii ay suurtogashana soo labadibleeyo qof kasta oo si uun ugu muuqan kara mucaarad, in uu ka takhalluso qof kasta oo laga dareemo dhego adayg, in uu dab qabadsiiyo laba tuulo oo lagu tuhunsan yahay in ay mucaaradka midiidin u yihiin, iyo in uu soo furto soona raro wax kasta oo lacag ah ama lacagoobi kara.

Qodobka dambe ee dhaca iyo bililiqadu waa muhiim, waana sida ay masuuliyiinta taliska ee aaggaasi ku lacagaystaan askartana lagu quudiyo.

Lixdii aroornimo markii uu ciidanka Negeeye xadka ka tallaabayay ciidammo kale oo soohdinta meelo ka la duwan fadhiyay ayaa madaafiic isdaba joog ah si teelteel ah ugu asqeeyay beelaha reer miyiga ah ee xadka dhinaca Itoobbiya ka deggan jiid ku dhereran ilaa soddon kiiloomitir.

Ujeeddada duqayntaasi waxay ahayd in dadkaa laga arbusho in ay u gurmadaan meelaha uu Negeeye weeraray. Markii tuulo yar shan boqol oo tallaabo tacshiirad lagaga furay waxa ay ahayd goor hore oo aan reer miyigii cammiri jiray weli iman.

Sidaas darteed dad tiro yar ayaa subaxdaa ka soo toosay. Waxaa hambaberay shan nin oo hubaysan oo dhinaca tuulada laga soo galay joogay. Baqdin joogto ah ayaa beryahan laga qabaa duullan ka yimaadda xagga Jamhuuriyadda, sidii muddo yar horteed baqdin looga qabay duullan ka yimaadda dhanka Xabashdida.

Sidaas darteed waxaa caado ah in hadba inta rag hubaysan la heli karo ilaalo ahaan habeenkii xagga Soomaaliya la geeyo, si ay weerar iman kara u hakiyaan. Laakiin dhawr nin oo qoryo fudud ku hubaysani wax badan ka ma ay qaban karayn culayskii ku waaberiistay.

Nimankii hambaberay intii aanay ogaan ciidanka ku soo maqani inta uu cudud la’eg yahay dhawr jeer ayay tacshiirad dhankii weerarka u afuufeen. Laakiin waxba ma ay beddelin, oo xataa socodkii ciidanka ma ay hakin, waxayna isarkeen iyaga oo noqday qudhaanjo maroodi ku joogsaday.

Shantiiba kaarayaasha ayaa silsiladda ku qaatay. Dadkii kale ee tuulada joogay intoodii ordi karaysay orod ayay cagaha maaleen, qaar ka mid ahna dhabarka ayaa laga daldalooliyay. Dhawr qof oo carari kari waayayna halkooda ayaa lagu khaarajiyay.

Markii ay ciidanku tuulada qabsadeen ugu horrayn waxa ay urursadeen waxii hub ahaa ee ay dadku haysteen ama meel u yaallay. Markii ay taasi fushay ayuu Negeeye laba askari kiish u dhiibay, kuna amray in ay ku soo ururiyaan waxii lacag, dahab, saacado iyo wax kale oo qiimo leh ah ee ay arkaan.

Markii ay askartu hawshii soo guteen Negeeye isaga oo aan jowaankii waxa ku jira eegin ayuu dayacantii uu saarnaa ku raray. Dabadeed wuxuu amar ku bixiyay in tuulada dab lagu qabto. Markii ay holac iyo qiiq isla kacday ayuu ciidankii koonfur u sii dhaqaajiyay.

Waxaa dhacaysay dabaylxagaa taas oo weerarka Negeeye dan u ahayd, waayo guuxa gaadiidka dhinaca dabaylka mooyee jahada kale laga ma maqli karayn. Taas awgeed dadku maalintaa waxay arkeen uun iyada oo la haysto.

Tuuladii labaad maalintaas si dheeraad ah ayay u cammirnayd. Waa xagaa jimcoon, degaankana waxaa taal beel weyn oo reer guuraa ah. Waa maalin iideed, dadka tuulada isugu yimidna aad ayay u badan yihiin.

Tuuladan saboolka ah lacagta maanta taal weligeed ma ay soo gelin, waayo muddo yar horteed waxaa laga iibsaday adhi badan oo carabta loo dhoofiyay carrafada darteed. Bangi la ma yaqaan, reer miyiguna lacagta waxay dhigtaan dukaammada. Waxaas oo dhami qorshaha duullanka waa ay ku jireen.

Salaaddii iidda oo bannaan debedda ah lagu tukaday laga soo noqoy oo waxaa la isku cidhiidhyayaa makhaayadaha iyo dukaammada. Xabbadaha dhacaya waxaa la moodayaa damaashaadkii ilaa xalay cawayskii socday.

Waxaa se dhiillo abuuray guux iyo gariir culus, haddana baroor dumar iyo oohin carruureed. Dadkii oo dhan waxaa lagu soo toomiyay farasmagaalaha.

Ugu horrayn waxaa dadka laga ururiyay waxii hub ahaa ee ay gacanta ku siteen ama guri ku jiray, dabadeed Negeeye ayaa dadkii la isu soo toomiyay hortooda foosto isku taagay, hadal gaaban oo bahdil iyo hanjabaad isugu jira u soo jeediyay, kuna tilmaamay in ay yihiin cadow uu dabargoyntooda amar u haysto.

Wuxuu dadka u sheegay lacag, saacado iyo dahab waxa ay hayaan in ay ku shubaan kiishashka ay askartu wareejinayso, wuxuuna ka digay qofka laga helo wax uu qariyay ciqaabtiisu in ay tahay dil. Dabadeed saddex askari ayaa saddex jawaan dadkii la dhex galay, sidii sadaqo masjid laga ururinayo.

Dadkiina iyaga oo Eebbaha awoodda leh ka rajaynaya in uu nacabka gacanta ku dhigay intaa kaga badbaadiyo ayay wax walba kiishashkii ku shubeen.

Haddii Negeeye la eedayn karo inta isaga amarkiisa hoos timaadda xaalkoodu waa sidee? Waa kuwaas iyaga oo tuute caddaaday oo hilfo ah iyo kabo daldalooshamay gashan, kalaashinkoof xun oo daxalaystay iyo buraashad ay biyo aan nadiif ahayni ku jiraan ku raran, aadna caato iyo uskag u ah, waa kuwaas tuulada ku xayndaaban. Qaarna waa kuwaas sida yeyda dadka diiranaya, marna sida dukhsiga iyo dirxiga meel walba gelaya.

Cid nolol u ma oggola iyaguna ma haystaan, waxa ay se ka soo baxeen mid tan ka sii liidata. Dhar korkooda astura tuutaha ayaa ugu horreeyay, cunto caloosha u buuxisana gallaydii dhibbooga, cilmina waxaa u ah erayada askari ku amar qaato iyo xabbadda ay ku adeegaan.

Waxaa Ilaah u ah marba sarkaalka hor taagan, waxaa u diin ah amarka uu isagu siiyo, waxaa u raaxo ah darxumada, noloshiisa iyo dhimashadiisana waxaa isu haysa dun aad u dhuuban oo daqiiqad kasta go’i karta. Qoriga uu intaa keebka ku dheggan yahay, ee fartiisa ku mirdhay, cidda uu ku dili karo ayay la tahay in uu ka sarreeyo.

In cid dili karo wax ka shisheeya iyo wax ka sokeeya toonna ma arki karo. Fursad uu wax ku ogaado waxna ku ka la miisaamo weligiiba ma uu helin. Laakiin isagaba bulshada ayaa dhashay, geedna midhihiisu meel ka fog ku ma dhacaan.

Haddii ay xaqiiqo tahay beryahan dadka la ciidameeyaa in ay yihiin tuugta, kuwo maskaxda wax ka qaba iyo dulmanayaasha bulshada, waxaa iyaduna xaqiiqo kale ah marka ay qori cabbaysan gacanta ku qabtaan in aan khayr laga filanayn.

Awoodda sidaas ah ayuu Negeeye awood u sii yahay. Inta ay askartu sida dukhsiga iyo dirxiga meel walba gelayaan isaguna waa kaa dadkii qorraxda u yuururay isaga oo kelyaha is’haya hor marmaraya, ee marba canaan iyo digasho aan cadaawad mooyee macno kale lahayn ku tuuraya.

Dhismayaasha iyo dadka tuulada markii uu indhaha la raacraacay wuxuu ku xasuustay Damalweyn oo ay aad isugu eg yihiin. Wejiyada caatada ah ee ay baqdintu saaran tahay reer damalweyn laga ma garto.

Indhahaa ka wada hooseeya, ee iyaga oo cabsanaya kor u soo wada eegaya, wuxuu ka dhex arkay kuray uu saddex iyo toban jir ku qiyaasay oo qayd iyo shaati calal ah oo dufan badan xidhan, timahana aad mooddid in aan weligood biyo iyo shanlo la marin. Wuxuu xasuustay maalintii uu qudhiisu da’daas ahaa.

Markaa ka dib wuxuu dadka ka sii dhex eegeegay shakhsiyaad kale oo reer damalweyn u ekaan kara, gaar ahaan Aw Faarax iyo odaygii dukaanka lahaa iyo Amran. Wuxuu ka fekeray berigii uu yaraa haddii uu awooddan heli lahaa waxa uu Damalweyn ku samayn lahaa. Nacayb ayaa sida laan xanan ah naftiisa u xagtay.

Isaga oo sidaas u fekeraya ayuu meel hortiisa ah ka arkay gabadh labaataneeyo jirta oo dahab iyo saacad kiishkii askarigu siday ku ridaysa. Waa ay qurux badnayd sababtaas ayayna eegmadiisu ugu hakatay. Isaga oo weli daawanaya ayuu askarigii ka dhaqaaqay, waxayna ishiisu halacsatay silis qoorteeda ka lusha. Dhankeeda ayuu u dhaqaaqay, inta uu soo kor joogsaday ayuuna timaha qabtay oo sare kiciyay.

Yartii oo baqdin la kurbanaysa ayuu isaga oo weli timaha haya wejigeeda kor u jeediyay oo wejigiisa ku beegay oo qoorta ka salaaxay, oo haddana gacanta kale ee bastooladdu ugu jirtay inta uu siliskii ku qabtay daawaday. Waa dahab ay si qurux badan carrabka ugaga naqshadaysan tahay kelmadda Allaah oo carabi ku qoran.

“Magacaa?”

“Hodan.”

“Silis aad jeceshahay ayuu ahaa, sow ma aha?” “Haa.”

“Waxaan u geynayaa mid kaa sii jecel, ma garatay?” “Haa.”

Dahabkii kaleba dhiibtay ee kan waxay ku sii jeclaatay magaca Eebbe ee ku qoran iyo walaalkeed oo Sacuudiga uga soo diray. Waxay islahayd magaca Alle ayaa indhaha sharka ka xijaabaya, markii uu askarigu ka dhaqaaqayna saadaashaas waa ay rumaysatay. Laakiin imika Negeeye waxa ay u aragtaa sheyddaan aan araggiisa wax xijaabi karaa jirin.

Isaga oo yartii sidii u haya ayuu arkay nin waayeel ah oo meel dhinac ah indhaha kaga soo gubaya. Muuqiisa guud, gaar ahaan gadhka weyn ee cillaanka ku aslan, laga ma garto Xaaji Haybe, kii reer damalweyn.

Sida muuqata waxa uu aad uga xun yahay silcinta gabadha lagu hayo ee aanu waxba u qaban karin.

”Duqa, Istaag!” Wuu istaagey. “Maxaad ka shaqaysaa?” Odaygu wuu cabbaysnaa ee mar keliya ayuu furka tuuray oo sida bamka u qarxay.

“Dad aan waxba isku falayn baad tihiine, haddii aad doontaan annaga na laaya laakiin maatada silica ka daaya. Miyaydaan soomaali ahayn anshax xumada intaa la’eg xaggee baad ka keenteen?”

Miskiinku xanaaqa uu la dillaacay naftiisa ayuu wadka ugu xidhay. Hadalkii oo aan afkiisa ka soo dhammaan ayay xabbaddii bastooladda Negeeye oo xiimaysaa jirjircadka u tuurtay.

“Eeyga eeygu dhalay, ma in aanan garanayn buu moodayaa!” ayuu maydkii odayga oo sii dhacaya raaciyay.

Odayga ma uu garanayn ee hadalka falkiisa ayuu ugu qiil samaynayay. Cadownimada ka sokow dilka wuxuu uga dan lahaa dadka in uu baqdin ku abuuro si aanay gilgilasho quus ah isugu dayin.

Markii ay odayga xabbaddu ku dhacday dumar iyo ilmo badan ayaa isku mar oohin ku dhuftay, yartii uu Negeeye hayay iyaduna qaylo kulul ayay cirka u dirtay. Laakiin isagu dareen isma gelin ee inantii ayuu ku jeestay oo bastooladdii oo weli baaruuddu ka qiiqayso afka u geliyay, dabadeed qayladii waxay ku beddeshay hiinraag iyo codad xun oo argaggax leh, indhuhana waxaad mooddaa in ay inteeda kale ka go’ayaan.

Iyada oo sidaas ah, baaruudduna saaqday, ayuu wejigeeda oo heemo la qoyay cabbaar eegay sidii uu muraayad isku daawanayo. Haddana siliskii ayuu soo furay oo jeebka sare ku ritay, dabadeed yartii inta uu sii daayay in ay iska fadhiisato ugu bishaareeyay.

Iyada oo rumaysan wayday markii ay dhulka kuududsatay ayuu isaguna si islaweyni leh halkii uu awal taagnaa ku noqday. Ka wax dila waxna nooleeyaa waa Ilaahay, ayuu maqli jiray, laakiin wuxuu dareemay isaguba in uu wax dilo waxna nooleeyo. Daqiiqad gudaheed ayuu laba nafood mid gooyay midna sii daayay.

Muddo saacad ku dhow ayay ciidanku tuulada haysteen, meel walbana galeen, dadkana kor iyo kal baadheen, guntin kasta oo risiq lagu malayn karana fureen. Dabadeed mar uun ayaa si kediso ah loo arkay iyaga oo si dhiillo leh isu dhex yaacay.

Gurmad ciidanka mucaaradka ah ayaa galbeed ka soo galay. Markiiba hub culus oo ay inta badan ciidanka dawladdu ridayaan ayaa la isku duqeeyay. Dadweynihii oo ay farxad iyo baqdini isugu darsameen orod iyo dhuumasho ayay meel walba nafta ku la eerteen, in kale oo badan ayaana tuulada debedda uga yaacday.

In aan toban daqiiqo ahayn markii la isduqaynayay ayaa la arkay ciidankii Negeeye oo dhanka Soomaaliya u dareeray. Ciidanka xukuumadda waxaa ka dhintay saddex looma-ooye oo ay maydkoodii ka tageen, dhawr ka dhaawacmay se waa ay qaateen.

Mucaaradkana nin ayaa ka dhintay saddexna ka dhaawacmeen. Dadweynahana odaygii uu Negeeye hore uga dilay mooyee gabadh yar ayaa hubkii la isku riday ku qudh baxday.

Markii ay ciidammada dawladdu yaaceen mucaaradku ma ay eryan; awood ay ku eryadaanba ma ay lahayn oo iyaga ayaa gacmo ku gabbad ahaa. Markii ay tuulada soo galeen waxay dadweynaha ugu baroordiiqeen hadallo ay ku tilmaamayaan waxshinnimada taliska.

Laakiin run ahaan si weyn ayay falalka noocaas ah ee ay dawladdu ku kacdo ugu farxi jireen, waayo waxaa sii badan jiray taageerayaashooda, waxayna xoojin jirtay sheegashadooda ah in ay yihiin xaqudirir.

Yeelkoode, dadku maalintaas mucaaradka abaal weyn ayay u hayeen, waayo waa ay hubeen dhimashadoodu intaas in ay ka badan lahayd, tuuladana sidii tii hore la gubi lahaa.

Markii ay xadka shan kiiloomitir u jireen, ee ay hubsadeen in aan mucaaradkii raacdaysanayn, ayuu Negeeye ciidankii hakiyay, wax uuna amar ku bixiyay in dhulka lagu aaso labaatan miino ah oo isugu jirta ta lugta iyo ta gaadiidka, sidii ayaana la yeelay.

Markii uu ciidanku saldhigga ku soo noqday Negeeye wuxuu teendhadiisa ugu yeedhay saddexdii askari ee dhaca soo ururinayay, wuxuuna ku amray in ay lacagta isku habeeyaan oo ay tiriyaan. Intii ay askartu shaqada ku jireen ka ma uu tegin ee isaguna wuxuu ka la xulayay saacadihii iyo dahabkii.

Saacaduhu waxay u badnaayeen duug uskag leh, laakiin intii qiimo yeelan karaysay gooni ayuu isugu soocay, kiish ayuuna ku wada guntay, intii kalena dhinac ayuu isugu duway. Dahabku wuxuu isugu jiray inta nooc ee dumarka: silisyo, dhego, kaatunno, jijimo iyo xataa noocyo uu Negeeye wax lagu falo garan waayay.

Waxaa ka mid ahaa qoorgashi culus oo ah nooc aanu weligii hore u arag. Waa qoorgashi waqti hore la qaadan jiray oo lagu magacaabo murriyad. Waa hubaal in uu yahay lacag malaasan, ayuu ku fekeray.

Wuxuu xasuustay siliskii uu maanta jeebka geliyay, shaadhkii tuutaha oo meel u dhow sudhan ayuu ku booday kana soo saaray, mar kalena daawasho ugu noqday. Ina abtidaa Leyla haddii aad kan u geysid aad ayay ugu farxaysaa, ayuu ku fekeray.

Saacad ka dib hawshii habaynta iyo tirinta lacagta saddexdii askari waa ay ka soo jeesteen, waxayna iyada oo xidhmooyin u rasaysan taliyahooda u gudbiyeen warbixin ku saabsan tiradeeda. Dhawr xidhmo ayuu tii shan shanta iyo toban tobanka ahayd midba qayb u taagay, markii ay ka guddoomeenna saddex saacadood oo qaybtii uu qiimo la’aanta ku tiriyay ah iyo saddex baako oo sigaar ah ka mid ah xoolihii la soo dhacay ugu daray.

Makhribkii waxaa Burco ka yimid taliyihii gaaska oo saddex jawaan oo qaad ah ciidanka soo guulaystay u sida. Qaadku dalka waa ka xaaraan haddana meel walba waa lagu haystaa, dadka cuna ama ka ganacsadana waxaa ugu badan dadka maamulka u shaqeeya.

Waxaad mooddaa danta loo mamnuucay in ay tahay si loo dejiyo sharci lagu xadgudbo. Sharci jebinta ayaa lagu raaxaystaa. Si weyn ayaa Negeeye loogu hambalyeeyay, waxaana la soo gaadhsiiyay bogaadin uu janaraalka qaybtu soo diray.

Dabadeed lacagtii la soo dhacay ayaa laba inood oo isla’eg loo ka la dhigay oo in askarta loo qaybiyay tii kalena Negeeye loogu deeqay. Taliyaha gaaskuna isaga oo wakiil ka ah janaraalka qaybta wuxuu Negeeye ku yidhi: 

“Si kale ayaannu wax u qaybsannaa, laakiin adigu weli waad qallalan tahay ee bal horta intaa isku qoo.” Wuxuu kale oo sheegay in isagu dahabka iyo saacadaha sii qaadi doono isaga oo yidhi:

“Waxyaalahani in si asturan loo maamulo ayay u baahan yihiin. Waxii ka soo baxana qaar xaggaa igu sugaya ayaan iskaga furfurayaa.” Markii uu dib u ambabaxayna wuxuu ku la sii dardaarmay: “Iska qayila, laakiin digtooni ha illaawina.”

Negeeye isaga oo qorshayaal muhiim ah wata ayuu mar kale Xamar ku soo noqday. Maalintii uu yimid tii xigtay gelinkii hore guri ay isaga iyo ka lihi hore ugu heshiiyeen ayuu iibsaday. Waa fillo cusub ku taal degmada Wadajir, xaafadda Booliqaran. Galabtiina reer Rooble ayuu booqasho ugu tegay.

Rooble wuu maqnaa, laakiin Raage oo isaguna booqasho ku yimid ayaa reerka la jooga. Waa markii kowaad sidii uu Yurub waxbarasho ugu kacay ee ay isaga iyo Negeeye kulmeen. Labadoodaba isbeddel weyn ayaa muddadaas ku dhacay, muuq iyo maan labadaba.

Negeeye wuu la yaabay canuggii xumaa in uu intan la’ekaaday oo macallin yahay. Raage isaguna wuu rumaysan waayay gacankudhiiglihii reer Damalweyn in uu sarkaal noqday. Negeeye sidii uu garbaha u casaystay jeebabkana u buuxsaday wuxuu noqday batraan, galabtana taa waa laga arkaa.

“Raage, Yurub ayaad wax ku soo baratay, sow ma aha?” ayuu wayddiiyay isaga oo sigaar iyo dab jeebka ka la soo baxay.

“Horta aan ku xasuusiyo gurigu in uu sidii aad ogayd weli sigaarka ka yahay.” Qarad ayaa iyaduna raacisay:

“Waar hooyo Negeeye, millaterina waad tahaye balaayada suntiisa maxaa kugu ibtileeyay? Abtigaana sidii buu uga dhintaa oo weliba beryahan sanboor ugu darsamaye.”

“Waxba ma aha. Odaygu haddii sigaarka laga daayana kollay wax kale oo uu ku sanbooro waayi maayo”, ayuu yidhi oo sigaarkii shitay.

Awal arrinta sidaas u ma uu xasuusnayn, laakiin imika waa ka canaadnimo. Raage isaga oo falka Negeeye ka xun ayuu wayddiintii ka jawaabay:

“Haa, Yurub wax waan ku soo bartay laakiin dalka ayaan ku qalin jebiyay.”

“Intaa dambe ayaad igaga baxsatay. La i ma soo mariyo dadka Yurub wax ku soo barta.”

“Waayo?”

“Lacagtii dalka ayaa wax lagu barayaa markaas ayay la soo noqonayaan suuf xun oo ay qoorta iskaga giijiyaan iyo in ay sidii mulac qooqan meelahaas iskojiyaan”, ayuu yidhi Negeeye isaga oo sidii mulac qooqan isu kojinaya.

“Waa ay jiraan dad noocaas ahi, laakiin waxaa ka badan inta wanaagsan ee naftooda iyo bulshadaba wax tarta.”

“Wax ay taraan ma jirto. ‘Dunida mindi iyo fargeeto ayaa wax lagu cunaa ee idinku weli ma sidii baad faraha wax ugu cunaysaan?’ waxaas ayay cilmi moodaan oo meelahaa isla taagtaagaan. Waxaan maqlay madaxweynuhu dadka tacliinta sheegta wuu neceb yahay, waan hubaa in uu nacasnimadaas ku arkay”, ayuu Negeeye ku dooday.

“Dad badan oo debedda wax ku soo bartay ayaa shaqooyin muhiim ah dalka ka haya ee adigu ha arkin uun inta lunsan, kuwa dalka wax ku bartay iyo kuwa aan wax baranba qaar badan baa lunsane.”

“Mid aan waalli iyo miyirqab u ka la garan waayay, oo kuwaas aan sheegay ka mid ah, ayaan maalin maqlay isaga oo ku doodaya in dadka geelleyda ah geela laga baabi’yo oo beero iyo kalluun la geliyo. Weligaa qof ka caqli xun miyaad aragtay? Waa maxay khayrka geel laga waayay ee bad la quuso iyo habaas la qodo laga helayaa?”

“Sida aad og tahay qoyskayagu waa geelley, haddana anigu ninkaas fikradda waan ku raacsan ahay. Beerato iyo kalluumaysato horumar dhaqaale iyo mid ilbaxnimo waa ay samayn karaan, nolol deggan oo daryeel leh ayayna heli karaan. Laakiin qof cimrigiisa oo dhan geel hawd wareegaya daba socdaa nolol macno leh ma haysto mana heli karo.”

“Oo waa maxay waxa aan gooryaan iyo dhiqle ahayn ee ay beerato iyo kalluumaysato qabaan?”

“Waxa ay maanta qabaan waa halkeeda, waxaa se hubaal ah in ay yihiin laba habnololeed oo horumar laga samayn karo. Ugu yaraan haddii ay xilliga wanaagsan kayd dhigtaan xilliga xun gaajo waa ay ka badbaadi karaan. Laakiin kuwa cirka uun eegaya ee haddii roobku bil keliya dib u dhaco maydkooda iyo raqda xooluhu isdul fuulayaan cid ka liidata ma arko.”

“Cid kaleba ha joogto ee in aan adiga geel kaa difaacaa waa mushkiladda aad la timaadeen ee aan sheegay qudheeda, maxaad se soo baratay?”

“Cilmiga barista iyo barbaarinta.”

“Oo maxaa lagaga shaqeeyaa?”

“Sida mulac qooqan ayaa meelahaas la isla kojiyaa.”

“Dee waaba sidaas, in aan la idiin aayin taas ayaa u daliil ah. Cilmi barbaarin cali fatuush! Dadka qof walba waxii dhalay ayaa barbaarsaday ee adiga maxaa ku raaciyay? Umaddu waxay u baahan tahay cilmi manfac leh, ma aha in lagu meeraysto wax aan waxba ka kidhiish ahayn.”

“Haye, maxaa ka mid ah cilmiyada manfaca leh?”

“Maxaa ka mid ah? Dee waxaa ka mid ah cilmiyada lagu ka la horumaray, sida hubka nukliyeerka loo sameeyo tusaale ahaan.”

“Laakiin qof waliba wuxuu bartaa waxa uu jecel yahay, aniguna waxaan bartay waxii aan jeclaa, adigu se haddii aad nukliyeerka jeceshahay maad baratid?”

“Anigu halkan ayaan joogaa, oo shaqo kale umadda uga hayaa, laakiin adigu meeshii bahalkaba lagu abuuray ayaad tagtay markaas ayaad cilmi barbaarin halkan ii la soo fadhidaa.”

“Haddaba aan kuu sheego ee waxaa loo baahan yahay waa nolol ma aha dhimasho. Ummad gaajo iyo qaaxo qabta nukliyeer waxba uga dan ma aha.”

“Khuraafaadkaas ayaa maskaxda idiinka buuxa”, ayuu si iska weynayn ah Negeeye u yidhi oo raaciyay: “Gaajada iyo qaaxadaba nukliyeerka ayaa daweeya. Bal fiiri ummadaha haysta, laga ma daba hadlo. Haddii ay wax kale waayaan isaga ayay dunida ku baadaan.”

“Qori AK ah ayaad dadkii ku gumaaddeen ee maxaad u malaynaysaa haddii aad nukliyeer u heli lahaydeen?”

“Annaga oo ayo ah?” ayuu indho kulul ku wayddiiyay. “Idinka oo ah askarta.”

“Xaggee baad ku aragtay askar dad gumaadaysa?” “Sow gobolkaa aad joogtid imikaba ka ma socoto?”

Negeeye dib ayuu u fadhiistay neef culusna sigaarkii ku soo afuufay isaga oo qaadanwaa muujinaya.

“Waar bal horta maad iswaraysataan? Allow muwaafaqada ha naga qaadin! Xaggee lagu arkay walaalo intaas ka la maqnaa oo muran isku salaama!” waxaa tidhi Qarad oo jeclayd in ay sidan si dhaanta u wada hadlaan.

Negeeye hadalka duqda dan ka ma uu gelin ee halkii hore ayuu Raage uga sii miisay.

“Waxaad u hadlaysaa sidii qudhmista? Yaa kugu yidhi dad baa la gumaaday?”

“Adiga yaa kugu yidhi waa ay qarsoon tahay? Malaha waxaad moodaysaa umaddu in ay maskaxda la dahay?” Qarad iyada oo sigaarka ku cabbudhay sida ay labada nin u wada hadlayaanna jeclaysan wayday ayay Leyla oo mar hore shaah karis u kacday ka daba tagtay.

“Waxaa muuqata in aad hadaltiradii Raadiyow Qudhmis ku dayowday”, ayuu yidhi Negeeye.

“Qudhaada waxaa muuqata in aad afkii Raadiyow Muqdisho igu la hadlaysid.”

“Laakiin yaa kugu yidhi dad baa la gumaaday?” “Negeeye, isfahmi mayno ee halkaa inoogu jooji.” “Halkaa inoogu jooji? Weliba waad isla qumman tahay!” “Fadlan isfahmi mayno ee ina ka la daa.”

“Laakiin yaa kugu yidhi dad baa la gumaadaa?” Raage ma uu jawaabin.

In kasta oo aanay labadoodu Rooble isku da ugu iman haddana Negeeye wuxuu rumaysan yahay odaygu in uu Raage siiyay fursad ka weyn ta uu isaga siiyay, markii uu koolkoolinayay ee mustaqbalkiisa dhisayayna isaga dayriyay.

Taa darteed sinaba uguma faraxsana tacliinta Raage iyo horumar kale oo uu sameeyo toonna. Qoyska oo dhan in uu cagihiisa hoos keeno ayuu ku riyoodaa, kaas oo ahaa aarsi beri hore dareenkiisa ku abuurmay.

Dhanka kale, labadoodu waxaa ay ka ka la dhasheen laba tol oo uu talisku colaad ka dhex aloosay, kuwaas oo miyiga birta iska aslay xafiisyadana qalinka. Negeeye in kasta oo aanu tolkii jacaylka iyo abaalka nafta loogu huro u hayn haddana si weyn ayuu uga war hayaa, dagaalka iyaga iyo reeraha kale dhex marana, guul iyo guuldarraba, si joogta ah ayuu u la socdaa.

Waxii uu hiil xafiisyada uga tari karo ka ma hagrado, weligiina qaadhaan ka la ma masuugin. Taas wuxuu kaga duwan yahay Rooble iyo Raage oo ficil la’aan Alle ku tuuray, taas oo aan tolkood ku jeclayn.

Leyla oo shaahii sidda ayaa u soo gashay, markiibana waa ay dareentay in ay si aan caadi ahayn u ka la aamusan yihiin. Si ay hadal u furto xaaladdana u fahamto ayay tidhi:

“Maanta miyaydaan sidiinnii libaax iyo geel ka sheekaysanayn?” “Maya ee adiga ayaanu ku yar xamannay”, waxaa been ku

sheegay Negeeye.

“Waad fiican tihiin haddii aad wax uun isku raacdeen. Wax la qirtay se xan ma aha ee maxaad igu xamateen?”

“Aniga ayaa quruxdaada faalleeyay. Waan u qaadan la ahay in aan lee yahay ina abti sidan u qurux badan.”

Leyli hadalka Negeeye waa ay la yaabtay waayo weligii sidaas u la ma kaftamin oo wuxuu u la dhaqmi jiray sidii foodley aan macno lahayn. Horeba isbeddel waa ay uga dareentay, ma ay se moodayn jidhiftii adkayd ee Damalweyn in ay ka wada fuqday.

“Weligayba sidan baan u qurux badnaa ee ma maanta ayaad aragtay?” ayay kaftan ku tidhi iyada oo rajaynaysa in uu la xasuusto berigii ay kow iyo toban jirka ahayd ee uu ku sheegay doqon foolxun.

“Sidaas ayaan qudhaydu u la yaabban ahay, su’aashaas lafteeda ayaanan iswayddiinayaa.”

Galabtaas oo dhan Negeeye wuxuu u sheekaynayay si firfircoon oo kaftan iyo faan ka buuxo. Waa ay muuqatay in uu Leyla iska dhisayo, laakiin sababta cidina ma ay fahmin. Xataa markii uu sheegay in uu fillo cusub iibsaday si faan ku jiro ayuu u yidhi: “Dalka qofkii aan guri ku lahayni waa ku marti.”

Raage faataannimada Negeeye wuu ku diiqadooday, markii uu shaahii cabbay ayuuna bixid u sare joogsaday. Leyla oo dareentay in ay isaga iyo ina abtigii sheekadu isugu bixi wayday ayaa irridka ku sii dhoweysay.

Qarad qolkii la fadhiyay ku ma ay soo noqon, Raage markii uu baxayna Negeeye si weyn ayuu ugu diirsaday, waxay ahayd fursad uu u baahnaa. Waqtiba iska ma uu lumin. Hadal badan dan baa dhaanta. Degdeg ayuu dantiisa u gudo galay. Kursigii uu dhabarka ugu tiirsanaa ayuu ka soo toosay, fadhigana hagaajistay.

“Leyla, maxaad u guursan wayday?”

Wayddiintu macno u ma ay lahayn ee ujeeddadiisa ayuu ugu gogol dhigayay. Iyadana naaska uu walaalkeed qabtay hadba waa sida ay u qaadataa. Ma ay garan ujeeddada, qosol shaki ku jiro ayayna isku madaddaalisay, laakiin waa ay arkaysay in uu jawaab uga fadhiyo.

“Maxaa dhacay, miyaan guumaysoobay?”
“Maya ee waan rumaysan la ahay adiga oo sidan u qurux badan in aan lagu afduubin ama la isku kaa dilin.”

“Waah waah, waxaas baa ammaan ah! Waar cidina isku ma kay dilin cidina i ma ay afduubine, maxaad guurka ii la jeclaatay? Malaha askari saaxiibkaa ah ayaabad yarad igaga qaadatay?”

“Aniga oo doqon ah ayuun baan ina abtiday oo sidan u qurux badan nin kale siin lahaa.”

“Dhiig kulaylkaas kuguma aan ogayne maxaa soo kordhay?” “Dhegayso Leyla”, ayuu yidhi isaga oo afka u soo dhoweynaya sidii uu wax sir ah hoos ugu sheegayo.

”Waad og tahay naagtii jaan ee carruurta ii lahayd in ay jiman raacday oo aannu ka la jiidannay, waxaanan ka fekeray in aynu labadeennu isguursanno, waayo ma jirto qof kaaga habboon in aan reer la dhisto. Maxay ku la tahay?”

“Ma aniga?!… ma adiga?!… ma labadeenna?!… alla ba’ayeey!…”

“Waxaa laga yaabaa in aad isleh dahay walaalo ayaad tihiin, laakiin taa qudheeda ayaa ugu weyn sababaha ay ii la noqotay in aynu reer wada dhisanno”, iyada oo afkalaqaad ku dhacay jawaab habboonna haleeli wayday ayuu intaas ku beerlaxawsaday.

Jacayl dheeraad ah oo uu Leyla u qabay ma jirin, mar haddii se uu guur ku tashaday iyada wuxuu ugu xishay waxa ay isu yihiin, taas oo uu u arkayay mid dhisnaanta qoyska wax u tari doonta.

“Laakiin Negeeye, ma anigaa tan oo kale weligayba ka fekeray. Aadna waad iiga weyn tahaye.”

“Haa, waa intii loo baahnaa uun in aan kaa weynaado.

Buugaagtan jinni ee ciidda ka badatay miyaadan ku arag in ay wanaagsan tahay ninku in uu naagtiisa ka weynaado?” Wax kaleba ha joogeene miyay weligeedba Negeeye ka soo qaadday in uu noqon karo wehelka gogosheeda.

Sow ma aha kii markii ay yarayd ay sheyddaanka la iska naaro ka necbayd? Sow ma aha gacankudhiiglihii isaga oo qaad cantuugsan qiiqna buufinaya oo nin soo dilay Damalweyn ka yimid?

“Maya ee in aynu isgeynaba ma anigaa moodayay!”

“Imikaba ogow. Weliba ilmo abti iyaga oo isguursan kara isguursan waayay waa denbi iyo ceeb.”

Waa runtiis oo waa ay isgayaan, laakiin weligeedba ka ma ay fekerin. Kedisadu waxay u diiday fursad ay si dhab ah arrinta uga fekerto iyo in ay shakhsiyadda Negeeye ka eegto dhinac ka duwan kii ay awal ka eegi jirtay.

Riyadeedu ha iska qurux badnaato, wadnaheeda dareen jacayl u egi ha iska dhex mushaaxo, qaar wiilasha jaamacadda ka mid ahi maskaxdeeda ha ka dhex gabyeen, waqtigaa se ma jirin nin gaar ah oo uu dookhu farta ugu fiiqay.

Laakiin rag badan oo ay marar ka la duwan mustaqbalkeeda u sharraxday marnaba Negeeye ka ma ay dhex arag – marnaba. Muggii uu fekerkeedu halkaas ku oodmay ayuu hadalkiina ka oodmay.

“Berri ayaan abti Rooble la hadlayaa, una malayn maayo in uu wax ka qabayo haddii aynu labadeennu wax isla meel dhigno, adiguna iska daa isyeelyeelka oo sidaas ayaa inoo ballan ah”, ayuu markii uu aamus ku hubsaday war ugu koobay, dabadeed dhunkasho aan dhankeeda ka dhisnayn inta uu la tiigsaday oo dibnaheeda muudsaday dhabanka calaacasha ka mariyay.

“Maya, maya, aabbe ha dambeeyo ee bal horta aniga fursad i sii. Ilaa berri galab iga war sug.”

“Waa yahay”, ayuu yidhi oo sare joogsaday.

Markii uu ka tegay muddo dheer ayay qolkii sii fadhiday madaxeeduna feker oo dhan faaruq ka ahaa. Waxa keliya ee ay maskaxda ku haysay wuxuu ahaa guurka uu Negeeye u soo bandhigay. Habeenkiina waxba ma ay akhriyin, sidii ay u fekeraysay ayayna ku gama’day.

Waxay ku riyootay Negeeye oo tuute xidhan oo bastoolad cabbaysan madaxa kaga haya oo ku qaylinaya: ”Waan qayilayaa ee degdeg shaah iigu kari!” Waxaa ku abuurantay baqdin iyada oo xasuusatay berigii uu ku qayliyay isaga oo doonaya in ay u kariso shaah uu ku qayilo, dabadeed dhegta maroojiyay ee sida xun u caayay.

Aanadii Negeeye – Qeybtii 20aad

Fikirkaada Waa Muhiim