Aanadii Negeeye – Qeybtii 17aad

Saddex sano markii uu Negeeye Mudug joogay, noloshiisuna si walba isu beddeshay, ayaa loo raray Qaybta 26-aad. Gobollada waqooyi waxaa ka bilawday kacdoon dadweyne oo ilaa markaas bannaanbax u badnaa laakiin qunyar qunyar weji hubaysan yeeshay. uddadan Negeeye wuxuu helay waayo’aragnimo ku saabsan siyaasadda Soomaaliya.

Wuxuu u fiirsaday, oo wax badan ka ogaaday, sida uu maamulku u dhisan yahay, waxa uu ku dhisan yahay, iyo dadka ka soo hor jeeda ujeedadooda intaba. Wuxuu u dhabbogalay dagaalka mucaaradka iyo maamulka ku dhex maraya Mudug, wuuna ka dhergay xaqiiqada qalalaasaha waqooyi ka bilawday.

Arrimahaas oo dhan markii uu maskaxda ku soo ururiyay wuxuu isku dayay in uu raadiyo bal isaga qof ahaan waxa la gudboon iyo talada habboon ee ay dantiisu ku jirto.In kasta oo ay qariskatuurnimo la ahayd haddana wuu ka fekeray in uu mucaaradka ku biiro, wuxuu se waayay sabab uu taa u cuskado.

Wuu ka fekeray in ay noqon karto fursad haddii taliska la tuuro uu taliska dhalanaya mansab kaga heli karo. Nimanka maanta dalka xukumaa in ay yihiin koox fursad ka faa’iidaysatay ayuu istusay. Laakiin iyagu maamul rayid ah ayay kursiga ka harraatiyeen ee tani waa khammaar ay khasaaraha iyo faa’iidadu siman yihiin.

Miyaad se halkanba ku qatan tahay? Barwaaqadan aad dhowaan gashay miyay tahay in aad iska dhooqaysid? Mucaaradku sow ma aha wax ay injiri gashay? Adeer waad waalan tahay ee midho gunti ku jira kuwo geed saaran loo ma daadiyo, ayuu ku fekeray.

Mucaaradku waxay leh yihiin dan, maamulkuna dan, haddaba adiga dantaadu waa maxay? ayuu iswayddiiyay. Waa ay jirtay beri uu madaxweynaha qaddarin u hayay maamulkana daacad u ahaa, berigii uu jibbaysnaa. Laakiin maanta maamulka iyo madaxweynaha toonna ma jecla, mana necba.

Ciddii xukun u legdamaysaa ha u legdanto, maxaa ka galay, isaga dantiisa miyaa la daaray? Dantiisuna ma dhaafsana in aanu dib u gaajoon dibna u ciishoon.

Marka uu sidaas u fekero wuxuu isarki jiray isaga oo umaddii oo dhan dhinac isugu saaray isaguna dhan kale istaagay. Soomaalidu sow ma aha dadkii dhalashadaada ka naxay? Sow ma aha dadkii agoonka kaa dhigay? Sow ma aha kuwa maanta darajada garbahaaga saaran kugu neceb? Dunidan qof waliba dantiisa ayuu wataa ee adiguna dantaada raaco, ayuu isku la taliyay.

Saddexdii sano ee uu Mudug joogay isaga oo waalli ka qaaday, isaga oo dhiigga ku walfay boobkana ku mamay, isaga oo ay saxa iyo qaladku iskaga darsameen oo ay wax waliba ka suurtoobaan, ayaa waqooyi loo beddelay. Halkaa waxaa looga baahnaa biyo dabkii markaa hulaaqay lagu bakhtiiyo, wuxuu se Negeeye ahaa dogob ka mid ah xaabadii lagu shiday.

Hargeysa wuxuu soo galay barqo ay dhedo culusi ku yuururto, waxayna ahayd aragtidiisii ugu horreysay. Jawiga guud ee magaaladu wuxuu ku abuuray dareen ah in uu soo galay dhul qalaad, gaar ahaan qabowga wuxuu ku xasuustay kii Buuraleyda Itoobbiya.

Maalintii uu magaalada yimid tii xigtay goor hore ayuu toosay oo aad isu diyaariyay. Sidii nin aroos gelaya ayuu xiirxiirtay, dirayska kaawiyadaystay kabahana baalasheeyay. Dabadeed wuxuu afka saaray Xafiiska Taliyaha Qaybta.

Waxaa qaabbilay laba nin oo mid saddex xiddigle lebbisan yahay ka kalena dharcad yahay, dhankii xafiiska janaraalka ayayna u gelbiyeen. Wuxuu ahaa xafiis madaxeed oo uu galo kii ugu horreeyay, laakiin fikraddii uu ka haystay iyo sidii uu ku malaynayay wuu ka liitay kana dayacnaa. Sidaas u ma weyna, wax qaali ahina ka ma dhex muuqdaan.

Xalaal iyo xaaraan hantida dhulkan laga helo waxii aan Xamar guryo lagaga dhisan qaydhinka ayaa lagu cunaa oo halkan wax mustaqbal ah laga ma leh. Taliyuhu wuxuu ku soo fadhiyaa iskuna wareejinayaa kursi madow oo maas ah, waxaana ka soo horreeya miis weyn oo ay si foolxun waraaqo badani ugu filiqsan yihiin.

Warqadahaa qofka eegmada ku sii dhoweeyaa wuxuu ogaanayaa in ay yihiin araaji cabasho ah oo ka ka la timid dadweynaha nasiibka daran ee dulmiga lagu daboolay ee gobolladan. Dhabarkiisa iyo garabkiisa midig waxaa ku yaal laba daaqadood oo daahyo waaweyn oo casuus ah leh, daaqadahaas oo ay midiba in yar furan tahay. Inta yar ee furan ayuu qiiqa sigaarku ka baxayaa.

Derbiga midigta Janaraalka ku beegan waxaa isku dhinac safan saddex sawir oo waaweyn oo dhammaan derajo ciidan lebbisan: waa Madaxweynaha, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Janaraalka Qaybta ee halkan fadhiya. Imikadan qudheeda wuxuu lebbisan yahay tuute ay derajo janaraal garbaha kaga teedsan tahay, wuxuuna si aan xushmad lahayn u la hadlayaa nin shacab ah oo kursiga ka soo hor jeeda fadhiya.

Ninka shacabka ahi qiyaastii waa dhawr iyo konton jir, wuxuu xidhan yahay macawis bilic leh oo indoniisiya ah, shaadh gacmo dheer iyo go shaal ah, wuxuuna lee yahay gadh weyn oo xinne ku aslan.

Waxaa ka muuqata ladnaan dhaqaale, laakiin wejigiisa waxaa saaran kalsoonidarro aan mustawihiisa u dhigmin. Nin kale oo gaashaanle sare labbisan ayaa dhinaca kale soo fadhiya ninka shacabka ahna docda kale hadalka kaga mudmudaya.

Jawiga guud ee xafiiska qiiq sigaar iyo nacayb culus ayaa ku gufaysan. Negeeye kolkii uu soo galay albaabka ayuu ku hakaday oo salaan ciidan bixiyay. Markii ay labada sarkaal afka ka salaameen inta uu dhiirraday ayuu midba meeshiisa ku gacan qaaday, ninkii shacabka ahaana wuu gacan qaaday.

Kan shacabka ah oo yar hinqaday mooyee salaantiisa labada sarkaal midkoodna isuma taagin. “Janaraal, bil keliya ayaa laga joogaa markii baabuur xammuul ah la igala wareegay, ilaa maantana dacwaddaa la iigama soo jawaabin. Miyay xaq tahay maantana in tagsi la iga boobo, eedduna tahay in uu guuxay oo keliya?” waxaa ku ashkatooday ninkii shacabka ahaa.

“Taasi waa sababta baabuur badan oo kaleba loo la wareegay. Bandooda gaadiidka la saaray kaga guuxintu waxay la mid tahay dhaqaaajinta, dhaqaajintuna waxay la mid tahay in burcadda loogu adeegay.

Sidaas darteed dacwadda baabuurkaaga lagu la wareegay, sida la ii soo gudbiyay, waa in burcadda loogu adeegay”, ayuu taliyaha qaybtu ninkii shacabka ahaa ku huruufay. 

“Hargeysa idinka ayaa xukuma, baabuurkayguna magaalada ka ma bixin, haddii uu guuxayna dhexdeeda ayuu ka guuxay…”

“Sharci ayaannu gaadiidka u dejinnay, ciddii jebisana waxaannu u aragnaa in ay sharciga burcadda fulinayso. Ma garatay oday?” janaraalkii ayaa ninkii dacwoonayay hadalka kaga boobay.

“Marka aad se dembi ka dhigaysaan, baabuurtana ku la wareegaysaan, in xadka Itoobbiya laga gudbay ama laga soo gudbay, sow ma ogidin qayb dhan oo umadda ahi in ay xadka dhinaca kale kaga nooshahay oo aan laga maarmin iyaguna inaga maarmin? Taasi sow ma aha xadbeenaadka oo aynu aqoonsannay?” ayuu miskiinkii janaraalka ku beerlaxawsaday.

“Sababta aad iigu timid waa baabuurtii lagaa qaaday, sow ma aha? Ka bax haddaba xuduudda iyo aqoonsigeeda si fiicanna u dhegeyso hadalkan: Baabuurtaadu sharcigii aannu dejinnay ayay jebisay, laguuna soo celin maayo, adigana waxaan kaaga digayaa waxa aad ku jirtid haddii aadan ka bixin in aad naftaada rakhiiska ah ku waayi doontid.”

Ninkii markii uu arkay dacwadii baabuurtu in ay rajo la’aan tahay inta uu candhuufta dib u liqay ayuu dacwad kale furay.

“Xaaladda magaaladu sida ay u foolxun tahay waad og tihiin. Haddii aad maatadii guryaha xabsi kaga dhigteen, maad u adeegtaan

oo dawaysaan, cuntona siisaan, illayn maxaabiista waa loo adeegaaye? Sidee baad doonaysaan in lagu noolaado?”

“Yaa kugu yidhi nolol baa lala rabaa? Haddii ay wada bakhtiyaan sow ma ogid hubkii aan la dhici lahaa in uu ii baaqanayo? Adiga se sow hore kuuguma sheegin waxii aan ku khusayn in aad faraha ka la baxdid?” janaraalkii oo aad mooddid isagu in uu duni kale ku abtirsado ayaa si ku tumasho ah ninkii shacbiga ahaa ugu canaantay.

“Wallee wadkaaga gacmaha ayaad ku sidataa! Adeer ma waxaa lagugu kari la yahay dantaada raaco, waxa aad ku jirtana ka bax?” waxaa hadalkii janaraalka ka dabo tuuray kornaylkii meesha fadhiyay oo u ekaa eey marka ninka lihi hadlaba isaguna ciyaya.

Negeeye weli wuu taagnaa cidina u ma ay tilmaamin kursi uu ku fadhiisto. “Orod gabdhaha shaah noo keena ku dheh”, Negeeye ayuu janaraalku sidii kuray yar ugu amray, isaguna degdeg ayuu u cararay, wax yar ka dibna isa soo rogay isaga oo leh: “Dhakhso ayaa loo keenayaa, taliye.”

Dabadeed waxaa loo tilmaamay kursi bannaan in uu ku fadhiisto. Cadaadiskii iyo bahdilkii xushmaddarrada ahaa ee ay ninka shacabka ah ku hayeen markii ay cabbaar wadeen ayuu janaraalku wayddiiyay.

“Hadalkaagii ma dhammaysatay?”
“Haa, intaas ayuun baan kuugu imid.”

“Orod haddaba iska tag keenna adkaada waa la arkiye”, ayuu ugu hanjabay, dabadeed kursigii isku wareejiyay oo dhabarka u soo jeediyay, oo sidii axmaq kibray qolkii qiiq culus ku afuufay.

Odaygii isaga oo aan cidna sagootiyin ayuu albaabka ka baxay. Mar kale ayuu janaraalkii kursigii isku soo wareejiyay, fayl miiska u saarnaana laba warqadood oo isku lifaaqan ka soo dhex saaray, oo inta uu kornaylkii la fadhiyay u taagay ku yidhi:

“Hawshaas meel ku soo hubso, berrina ha inoo ahaato.”

Kiina inta uu warqadihii gacanta ku qaatay ayuu markiiba albaabka ka baxay. Gabadh jimidh yar oo weji qurxoon ayaa sarkaalkii sii baxayay shaah la soo weydaaratay, oo inta ay labadii fadhiyay u dhigtay iyada oo aan midkoodna eegin dhakhso u baxday.

Negeeye wuxuu jeclaystay gabadha in uu sii daawado, laakiin janaraalka ayuu ka baqay, waayo wuxuu u arkaa xoolihiisa. Goorma ayaad xafiis ay gabadh sidan u qurux badani kaaga adeegayso yeelan doontaa, ayuu ku fekeray.

“Haye, laba xiddigle Negeeye Geeddi Buraale waa adiga, sow ma aha?” ayuu janaraalkii wayddiiyay.

“Haa, taliye, waa aniga.”

“Dorraad baad timid, sow ma aha?”
“Haa, taliye, dorraad baan imid.”

“Magaalada maxaad ka fahamtay?”

“Sidee, taliye?”

“Xaaladda iyo nolosha guud ee magaalada sidee baad u aragtaa?” “Wallaahi taliye, aad u ma aan dhex gelin, laakiin wax aan caadi ahayn ku ma aan arag.”

“Su’aashu ma aha in aad wax aan caadi ahayn ku aragtay ee miyaad wax caadi ah ku aragtay?”

Negeeye awal wuxuu islahaa jawaabta habboon su’aasha ayaad ka dhex heli doontaa laakiin waa ay ku sii adkaatay. Wuxuu maleeyay xumaan iyo samaan ta uu janaraalku rabo in Hargeysa laga sheego, waxaana uu istusay ninna meel uu xukumo in aanu doonayn xumaan in laga sheego.

“Wallaahi taliye, xaaladda magaaladu aad ayay ii la fiican tahay, laakiin nasiibdarro weli aad uguma fiirsan.”

Janaraalku intaa eegmo xun ayuu Negeeye ku qodqodayaa, intaana shaaha iyo qiiqa sigaarka ayuu la legdamayaa. Shaaha waxaa uu ka jecel yahay bunka oo uu beri koorso Yurub loogu diray ku soo bartay, laakiin qurunkan qurunku dhalay ee magaalada ku nooli rag iyo dumar haddii ay isu tagaan in aanay bun hagaagsan samayn karin ayuu qabaa.

“Hargeysa wax caadi ah iyo wax fiicani toonna ma jiraan. Ma fahamtay hadalkayga?”

“Haa, taliye.”

“Qof kasta oo magaalada ku nooli fursad uu nafta kaaga jaro ayuu ku la gaadayaa, adiga iyo kumanyaalka kale ee ciidanka iyo shaqaalaha dawladda ah. Ma garatay hadalkayga?”

“Haa, taliye.”

“Waxaa magaalada ka buuxa ee aad shacbiga moodaysaa waa ciidan siyaabo ka la duwan u hubaysan. Waxaanu nahay laba col oo is’hor fadhiya, xabbadduna mar kasta ayay dhici kartaa. Intaa ma garatay?”

“Haa, si wanaagsan, taliye.”

“Mudug waad ka soo shaqaysay, sow ma aha?” “Haa, saddex sano, taliye.”

“Wax bay kaaga taraysaa waajibkaaga halkan.”

Negeeye waxaa loo sheegay isla berri in uu ku biiri doono gaas fadhigiisu yahay degmada Burco. Wuu ku farxay kana naxay. Aad ayay ciidanku uga baqi jireen jiidda xadka Itoobbiya ee ay mucaaradku dagaallada joogtada ah ka wadeen. Laakiin isla markaas waa meelaha sida fudud looga lacagaysto.

Xerada uu Negeeye ka shaqo galay waxay ku beegnayd soohdinta ay degmada Burco la lee dahay Itoobbiya, siddeed kiiloo mitir ayayna gudaha xadka ku sii jirtay. Waxay ahayd meel jiq ah oo ay galool, qudhac, sarmaan, jeerin, cadaad, bilcil, qansax iyo dhir la nooc ahi foodda isla gashay.

Xoolaha halkaa ku luma cidda leh waxaa uga nasiib badan askarta noolaha ay heshaba degdeg u dooxanaysa. Dadka waaweyni marka ay arkaan dhulkaasi sida uu noqday ee haddana xasuustaan sidii uu ahaan jiray qalbiga ayaa gariira indhahana illin baa kaga soo joogsata.

Qarnigan wixii ka horreeyay degaankaasi wuxuu ahaa dhul daaqsimeed caleenta iyo cawska hodan ku ah, noocyada ka la duwan ee ugaadha iyo xooluhuna isdhex daaqaan. Tarankii dadka iyo duunyada, iyo Burco oo muddo dheer ahayd suuqa ugu weyn ee xoolaha lagu ka la iibsado, iyo gobolka Hawd ee oommanaha ah oo ceelasha Burco looga soo aroori jiray, ayaa sababay dhulkaas in cagta iyo carrabka la mariyo oo habaas ka kaco.

Burco iyo tuulooyin badan oo agagaarkaas laga abuuray dhismahooda halkaas ayaa laga jaray, dhuxusha iyo xaabadana halkaas ayaa laga gubay. Waxaas oo dhami waxay galaafteen caafimaadka degaanka, ciidduna waxay u badatay bacaad ay daadka iyo dabayshu duxdii ka la tageen.

Bah ugaadheed: cawl, dibtaag, garanuug, deero, biciid, goodir iyo intii la abtirsiin ahayd hub casri ah ayaa loo helay oo lagu halaagay, hambadiina abaaro ka la daran oo askarta la socday ayaa isu dabo maray, maantana waxaa ka sii jooga goosanno dhuumaalaysi iyo silic ku nool.

Gorayadii raxan raxanta u mushaaxi jirtay meesha lagu arko, raad iyo ruux, waa la isu sheegaa. Bah dugaag: libaax baabbulle taajkii laga tuur, dhulkii uu boqorka ka ahaana looga xoog sheegay.

Maanta haddii la arko la ma dileen oo waxaa loo yaqaan “gob jabtay”, laakiin horta mee? Shabeel iyo hariimocad burkii ay galeenba waa loogu galay, iyaga oo nool ayaana haragga lagala baxay, ka mana duwana noole aan jirin ee sheeko khuraafaad lagu maqlay.

Dhurwaa, dhidar, weer, dawaco, guduudane iyo xoor awalba haybadda boqorkooda, libaax, ayay ku hoos noolaayeen, meel boqorkii lagaga adkaadayna iyaga waxba u ma yaallaan.

Doofaar-diqle iyo daayeer iyagu cidna cadow u ma aha iyagana loo ma aha, haddana jiritaankoodu geyigan waa ku gabaabsi. Dabadeed dhulkii waxaa isugu soo hadhay dadkii oo aan wax ka la qariyaa jirin.

Markii gobolka Hawd la berkedeeyay, lagana maarmay in Burco loo soo arooro, isla markaas adhigii la soo iibgeyn jiray loo helay baabuur lagu soo daabbulo, ayay mar kale ciiddu nasatay. Laakiin waxaa abuurantay nolol tii hore ka duwan; waxaa yaraaday cawska, geed midhoodka iyo geed quwaaxa, waxaana beddelay oo batay dhir kale oo xananku ama sogsogtu ugu badan tahay.

Xilliga abaarta dhirtaas waxaa daboola man (ubax) aad baraf mooddid, waxaana ka guuxa xasharaadka duula. Mankaa udugga badan ee midabka cad dartii ayay sagaarada oo manka iyo dhillawyahanka jeceli degaanka ugu badatay, iyada ayayna askartu si ba’an u dilan jireen iyo baadida xoolaha.

Meesha sidaas xagashada ugu gaashaaman, ee jiqda cufan ah, ayay xerada ciidanku ku dhex taallay, oo dhufays dabiici ah u ahayd, iyo kaga dhuumashada ama ugu dhuumashada, mucaaradka hubaysan, oo sidii wax derderan xadka isku soo maqiiqa.

Markii uu degaankaasi noqday meel ay mucaaradka iyo xukuumaddu ku hirdamaan ayay dadkii xoolodhaqatada ahaa badankoodu qaxeen, oo gobolka Hawd ee ay Itoobbiya xukunto u gudbeen, ama waqooyiga hoose ku fogaadeen.

Dadka weli halkaas ku nooli waxaa ay isku dayayeen in ay la qabsadaan xaalad dagaal oo aan lala qabsan karin. Ugu yaraan waxay isbareen in aanay habeen socon, in aanay lacag iyo wax kale oo qiimo leh guryaha dhigan, qof xadka Itoobbiya ka soo gudbay in aanay martigelin, iyo in aanay u dhowaan fadhiisimada ciidammada maamulka dalkooda xukuma.

Laakiin dadaalkaa badani dhibaato ka ma badbaadin jirin. Waxaa dhici jirtay mucaaradka oo duullan ahi in uu habeennimo meelahaa maro, dabadeed halkii uu raadkoodu maray dadka ku dhaqan subaxdii la gabagabeeyo.

Waxaa kale oo dhici jirety ciidammada dawladda oo dagaal ku soo jabay oo weyraxsani in ay beel dhan dad iyo duunyo gelelefaan. Haddii makhluuq nooc kale ah samada laga keeno wuu garan lahaa meeshaasi in ay tahay meel colaadeed.

Habeen iyo maalin waxaa la maqli jiray qaraxyo xoog leh oo meel dhow iyo meel dheerba ah. Qaraxyadaa badankoodu waxay ahaayeen miino dhulka laga buuxiyay oo aan waxba u ka la aabbayeelin. Saqdhexe adiga oo hurda ayuu qarax culusi dhulka kaa qaadaa, oo aad mooddaa in la isgalay.

Laakiin marka uu qarax labaad raaci waayo ayaad garataa in ay ahayd miino, markaas ayaad si naxdin leh u malaysaa qof dayoobay iyo duunyo dibbootay ka ay qudha ka jartay. Suryada aad soo martaba waxa aad ku aragtaa raq xoolaad oo miino kidiftay; waxa aad maqashaa qof aad taqaannay oo ay miino hawada ku dubatay, markaas ayaad isku daydaa in aad malaysid waallida jirtaa halka ay ku sal lee dahay.

Waxa aad iswayddiisaa: ujeeddada uu Ilaahay abuurista soomaaliga ka lahaa ma macnadarradaas baa? Ma in ay isaga oo tamashle ah miino jarjartaa? Inta aadan isu jawaabin ayaad taada u baqdaa, oo aad si digtoon faraha fooddooda ugu socotaa.

Bilihii ugu horreeyay ee uu Negeeye halkaa joogay dhawr jeer ayuu ka qaybgalay gurmad loogu baxay meel ay mucaaradku weerareen, ama ciidanka talisku gabagabeeyay. Inta badan se waxa uu, sidii Mudug, hoggaamiye ka ahaa ciidan argagixiso ah oo miyiga iyo tuulooyinka ka soo qabqabta dad mucaarad lagu eedeeyo.

Bilawgii waxaa la qabqaban jiray dadka la tuhmo ama si uun mucaarad ugu ekaan kara. Dabadeed waxaa loo gudbay qof kasta oo lagu maleeyo dhadhan dhaqaale.

Awal qofka la qabto waxaa loo gudbin jiray saldhigga bilayska iyo xabsiga Burco, laakiin markii dambe xerada ciidanka qudheeda ayaa laga furay saylad dadka lagu ururiyo dabadeed ehelkooda laga iibiyo. Waa se qofkii nasiib badan ee aan degdeg looga takhallusin.

Xaaladda sidaas ah darteed Negeeye jaranjaradii uu cagta la helay weli wuu fananayaa. Durdur lacag ah oo dhibic xalaal ahi ku jirin ayaa ku socda, jeeb waliba wuu u buuxaa, faqrigii uu moodi jiray in xagga Rabbi lagaga xukumay ka la jiite.

Intii uu Mudug joogay lacag badan ha helo laakiin nolosha aad uguma uu furfurnayn. Tumashada markaas ayuu bilaabay, weli se waxaa uu ahaa layli. Berigaa weli waxaa naftiisa ka sii qiiqayay dabkii faqriga, waxaa dhegihiisa ka sii dhawaaqaysay dhirbaaxadii gaajada, waxaana uu qabay dabokawelwel.

Laakiin intii uu Togdheer yimid wuu doob dillaacsaday. Waxa uu bartay una hagarbaxay sida loo tunto iyo waxyaalaha lagu tunto. Maalin keliya ayuu gubayaa lacag sannado lagu noolaan karo. Waxaa uu bartay, kuna biiray, mafrishyo ay fadhiistaan saraakiisha ciidammada iyo madaxda kale oo gobolku.

Sida ay isugu xidhan yihiin, sida ay daacad isugu yihiin, sida ay isu naasnuujiyaan, iyo sida ay bulshada ay xukumaan lid ugu wada yihiin, waxaad mooddaa in ay ka socdaan quwad shisheeye oo dalka gumaysi ku haysata.

Sida ay wax u boobayaan ee aan haddana waxba u deeqayn waxaad mooddaa juuj iyo majuuj: hormada hore waxii qoyan oo dhan ayay fuuqsataa, hormada xigtaa rayska ayay ku galgalataa, hormada saddexaadna habaaska dhulka ka kacay ayaa indhaha ka gala.

Waxaad mooddaa in ay ku jiraan maaratoon bililiqo oo ka ugu xaaraan badsada la abaal marinayo. Xaggee baas ee ay ku degdegayaan? Miyaanay waxba xeerinayn? Magac qaran iyo maamuus dadnimo labadaba dile. Dal iyo dad toonna damiirkoodu u ma damqado. Bulshada ay xukumaan inta ay iyaga neceb tahay in boqol goor ka badan ayay iyaguna neceb yihiin.

Maalintii ugu horreysay ee uu Negeeye tegay mid ka mid ah guryaha dulmiga iyo dunuubta loo furtay, oo ku yaal galbeedka magaalada, isaga oo fadhiga aad uga mabsuuday, asxaabtiisa cusubna dareensiinaya in aanay ahayn nolol ku cusub, ayuu si lala yaabay asxaabtiisa u wayddiiyay:

“Waxaan idin su’aalay, gurigan magacii?” Iyada oo aan ujeeddadiisa la fahmin ayuu mid qolada meesha fadhiday ka mid ahaa ugu jawaabay:

“Waxaa lagu magacaabaa guri. Miyuu magac kale yeelan lahaa?” “Guri wanaagsan oo aanu Gaalkacyo ku lahayn waxaanu u la baxnay Seybeeriya.”

“Seybeeriya?! Oo belo gashaygu dhaxan badnaayee, miyaydaan hablo iyo wax idin diiriya ku haysan?”

“Kaas dhaxani waa ay ka dheerayde oday gaashaanle ah oo Seybeeriya lagu soo carbiyay oo macallin nooga ahaa ayaa loogu magac daray. Wax ay naf aadami jeclaato oo aan oollini ma ay jirin.”

Ujeeddadiisu intaas ayay ahayd, in uu sheego tumashadu in aanay ku cusbayn.

Aanadii Negeeye – Qeybtii 19aad

Facebook Comments