Aanadii Negeeye – Qeybtii 16aad

 

Waxaa jirta isbarasho ku timaadda ogaan la’aan, iyo mid ku bilaabata cagojiid, iyo mid saddexaad oo digtooni iyo hubsiino ka horrayso. Waxaa se jirta mid la moodo in hore loo sii ballansanaa oo si dabiici ah haddana dhakhso ah u dhacda. Noocan dambe waxaa ahayd ta Raage iyo Deeqa. Maalintii isbarashadooda dhawr cisho ka dib, habeen ay shineemo ka soo wada baxeen, markii uu guriga ku soo dhoweeyay ee sagootiyi lahaa ayay ku tidhi:

“Inta aad sida tuugga marba mugdi iskay hor taagaysid guriga igu soo booqo.”

“Ku ma dhaco, adigana dhab kaa ma aha”, ayuu u celiyay. “Maxaad ugu dhici wayday, maxay se dhab iiga ahaan wayday?”

“Dhaawac waan isku hubaa ee dhimasho ma ka badbaadi lahaa?” “Walaashaa waxa aad ka yeeli lahayd baad sheegtay, laakiin gurigayaga dhaawac iyo dhimasho toonna ka la kulmi maysid ee waa lagugu soo dhoweynayaa.”

“Malaha waad i shirqoolaysaa?”

“Runtii odayga iyo islaanta i dhalay in aan sheekada la dhuunto waxay ka jecel yihiin in guriga la iigu yimaaddo.”

Fikraddu Raage waa ay ku kedisay, waayo gabadh gurigooda lagu la sheekaysto wuxuu u haystay dhaqan aan caadi ahayn. Isagu wuu rumaysnaa isbooqashadu in ay tahay dhaqan ka hufan kana daacadsan dhuumaalaysiga dhallinyarada iyaga oo aan xumaan samaynayn lagu khasbo. Sidaas oo kale wuu ogaa qoysaska magaalada qaarkood in ay taa caadi u arkaan, sidii Rooble.

Laakiin Warsame mar haddii uu yahay nin miyi ka soo jeeda tacliinna aan lahayn wuxuu u arkayay dhaqanraac aad u dambeeya. Martiqaadka maalintaa in uu aqbalo ku ma dhiirran jeer ay u sheegtay labadeeda waalid in ay jiraan siyaaradii Sheekh Aweys ee Biyooley oo ay maalmo ku maqnaanayaan.

Galabtii uu soo booqday guriga waxaa joogay iyada iyo walaasheeda lix jirka ah oo keliya, carruurta kalena debedda ayay ku maqnaayeen. Waxay ahayd abbaaro afartii galabnimo qorraxdu kulushahay. Gabadha yar ayaa albaabkii uu garaacay ka furtay gudahana u hor kacday. Markiiba waxaa dhegihiisa ku soo dhacday hees hallaasi ah oo ay laba fannaan oo cod baxsani darandoorri ugu luuqaynayaan.

Qolka uu soo galay, oo ah kii fadhiga, waxaa daadsan roog aan qaali ahayn oo ay saboolnimo ka muuqato. Kuraas fadhi arag san laakiin duug ah ayaa miis qudhiisu duug ah ku xeeran. Miiska waxaa ku goglan maro cad oo leh daabac ubax cagaar iyo casaan isugu dhafan. Miiskaa ayuu rikoodhka dananayaa saaran yahay. Kursi kale

daaqadda ku sii jeeda debeddana laga daawan karo ayay Deeqi ku fadhidaa, heesta baxaysa ayayna dhegta u raaricinaysaa oo isku dayaysaa in ay erayada iyo laxanka isku xafiddo. Halkaas ayay ku soo dhoweysay oo casariye hayl leh iyo sheeko ugu listay.

Dhar iska caadi ah ayay gashan tahay, timuhu dib ayay u guntan yihiin, isqurxin dheeraad ah oo ay booqashadiisa ugu talogashayna ka ma muuqato. Diraca ay gashan tahay haddii indho sida kuwiisa hunguroonaya laga dusiyo waxaa la arkayaa laab dihin iyo laba naas oo cuddoon oo sida ay u soo fiiqan yihiin ugana soo horreeyaan la moodo in ay lee dahay hoo.

Sheekadu waxay ku yar raagtay ruwaayadda ay heesaha baxayaa ku jireen oo ay isu sheegeen midkoodna in aanu daawan laakiin ay iyadu cajalad ka dhegeysatay. Waxay ahayd ruwaayad Hargeysa ka timid oo, sidii badanaa dhici jirtay, intii aanay Xamar soo gaadhin la mamnuucay.

Intii ay ruwaayadda ka sheekaynaysay isaga indhihiisu daawashadeeda ayay ku durduuranayeen, xubnaheedana ta ay ishiisu ku dhacdaaba waxay ku abuuraysay kalgacal xanuun leh. La joogisteeda wuxuu ka helay liibaan aan xad lahayn, wuxuuna la yaabay sida ay mar qudha fekerka maskaxdiisa oo dhan xakamaha ugu qabatay, ee ay jiif iyo joog ugu diidday.

Mar uun ayuu isarkay isaga oo in uu wax kaleba ka fekero diiday, wax kaleba oo aan iyada ahayn, wax kaleba in uu arko aan muuqeeda ahayn, iyo in uu ku raaxaysto maqal kale oo aan codkeeda ahayn.

Ogaan la’aan ayuu cabbaar afkeeda sheekaynaya eegmada ku raajiyay, markii uu arkay in ay dareentayna ku yidhi:

“Deeqa, ma og tahay in aad qurux badan tahay?” Waa ay yar muunsootay.

“Taasi su’aal ma aha ee waa ammaan, jawaab keliya ayayna lee dahay oo ah: mahadsanid!

“Mase og tahay in aad cod macaan tahay?” Imika waa ay qososhay, wuxuuna eegmada la sii raacay ilko qurux badan oo leh dhoollo foolasha ka yar gaagaaban cirrid madowna ku qotoma.

“Waaw! Oo cod aan heesini in uu macaan yahay ma la garan karaa?” ayay wayddiisay.

“Kollay anigu waan garan karaa.” “Oo waa sidee?”

“Waa cod leh xabeeb khafiif ah, sida kaaga.” Waxay moodaysay hadalka in uu iska yidhi imika se waa ay rumaysatay, waxay ogayd in ay xabeeb yar lee dahay.

“Haddii aad codka sidaas khabiir ugu tahay heesaaga maad caawisid?” ayay tidhi iyada oo isla markaa codkeeda macaanka uu sheegayo ka dhegeysanaysa.

“Waxaa ka horraysa in aan anigu iscaawiyo dumarkana ka la soo baxo mid qurux badan oo cod macaan.”

“Sow ma ay ahayn in aad heshid?”

“Intaasba sahan baan ahaa, mar uun baanan heli lahaa.”

Ma ahayn ninkii kowaad iyo kii tobnaad toonna ee u sheegay in ay qurux badan tahay, laakiin codka macaani waa arrin ku cusub, arrin xiiso leh. Iyadaba kulankiisa waa laga raacay, waana ay hubtay qacdii ay aragtay quwad xoog lihi in ay xaggiisa u dhufatay. Waa ay hubtay in ay iska dareentay nugayl aan caadi ahayn, oo ay ka heshay wehelnimo ay jeclaysatay in ay weligeed la joogto.

Waxaas oo dhan ay qabto qiran mayso, muujin mayso, waa Arraweelo iyo mukurkeedii. Dareenkaa xoogga leh in ay muujiso waxaa hakiyay digtooni ay ragga ka qabtay iyo xayndaab ay weerarkooda iskaga xeertay.

In kasta oo ay lahayd dabeecad farxad iyo furfurnaan u janjeedha, isla markaa waxay lahayd dhaliil ay qudheedu isku ogayd oo ah shaki ay ragga ka qabtay. Kii bariidiyaba waxay moodi jirtay in uu ka faa’iidaysanayo oo la gaadayo fursad uu kaga danaysto iyadana ku dumiyo.

Iyada oo carruur ah ayay baratay oo aammintay aragtida bulshada ka dhaxaysa ee ah gabdhuhu in ay yihiin laba mid uun: mid faraha laga qaad ah iyo mid dhawrsan. Ta hore baahida nafteeda ayay hoggaanka u sii daysaa, meesha ay riyadu ku furtana eegtaa.

Ta dambena dabar adag ayay isku yuururisaa, nabsibax iyo mustaqbal aayo leh ayayna rajaysaa. Xaaladda hore waxay keeni kartaa in ay gabadhu haloosiga nolosha ka ambato, bulshadana dayro ka noqoto. Laakiin ta dambe qudheedu guul dammaanad u ma haysato oo waxaa laga yaabaa mustaqbalka ay talo saaratay in uu weligiiba iman waayo.

Natiijaduna marar badan ayay sida la filayo beddelkeeda noqotaa, oo fiidmeertu taajkii Arraweelo waa ay xidhan kartaa. Deeqi intii ay yarayd ma ay arkayn waddo saddeexaad oo labadaa uu dhaqanku gabdhaha u jeexay u dhaxayn karta, beryahanna waxay ku fekertaa oo keliya ninkii ay si kamadambays ah u jeclaan lahayd iyo guur.

In kasta oo ay maanta tahay sagaal iyo toban jir caqli ku filan leh, haddana marnaba ka ma ay bixin cabsi joogta ah oo ay ka qabto in ay burburto. Miyuu jiraa burbur ka weyn in ay gabadh loo hanweyn yahay oo guur u joog ahi reerkooda garac u keento? Baqdintaa da’deeda la kortay waxay ka dhalatay dhacdo murugo leh oo markii ay saddex iyo toban jirka ahayd xaafaddooda ka dhacday ay weli xasuusan tahay.

Waxaa jirtay gabadh aad u qurux badnayd oo dadku wada jeclaa oo nin u doonnanayd dabadeed nin kale uur aan xalaal ahayn u yeelatay isaguna cidla kaga dhaqaaqay, dabadeed nafteeda iyo nolosha cadawga ahba kaga aargudatay in ay qudha iska jarto.

Taas oo jirta haddana xasuuso kooban oo aanay xataa nafteeda u qiran, kuwaas oo leh midabyada qaansoroobta iyo udugga saxansaxada, ayay mar mar si raaxo leh u daawataa, mar marna Alloow adiga ayaa i asturay ku fekertaa.

Mar waxay u aragtaa shil halis ah oo ay ka soo badbaadday, marna dalxiis gaaban oo ay jannada ku soo martay. Ragga yaqaannay badankoodu shukaansigeeda waa ay ka rajo dhigeen.

Marar badan baa ruwaayad iyo filin la geeyay oo gole milge leh lagu haasaawiyay, dabadeed markii geel loo heesay iyadu gorayo u heestay. Gaabsi laga martiyo gabadh bay u tahay, guur loo la yimaaddana gayaan bay u tahaye, marar badan baa labadaba loogu soo fadhiistay.

Iyadu ninna ma xumayso ee soo dhoweynta xaqa loogu lee yahay ayay u godoshaa oo hadal macaan u listaa, dabadeed meesha ay la doonto sheekada afka u saartaa. Rag badan oo codkar isu haystay ayaa ku hambaaberay iyada oo dabbaalsiinaysa duni ka fog tii ay kaga soo talogaleen. Aftahanad in ay tahay ma hubto, waxa ay se hubtaa sheekada ragga in ay si fiican u maamuli taqaan, kulan walibana sida ay doonto u dhaco.

Sidaas oo ay tahay intaa nafteeda iyo wadnaheedaba dab ayaa ka huraya, oo harraad aan biyo qaboojin ayay qabtaa. Intaa waxay ku hammiyaysaa nin ay si dhab ah u jeclaato isaguna u jeclaada. Isla markaas waa ay la yaabban tahay sababta ay ilaa hadda ninkaas ragga uga dhex la dahay. Mararka qaarkood quruxdeeda iyo shakhsiyaddeeda ayay xisaab ugu noqotaa.

Miyaadan qurux badnayn? Miyaadan dabeecad samayn? Laakiin ha degdegin, guur waa calaf, gabadh kun nin baa xodxota kow baana guursada. Sannadkan oo keliya laba nin ayaa guur ku la soo qaaday, labadaba se adiga ayaa wadnahaaga meel uga waayay. Raage wuu uga duwanaa tobannaankii nin ee ay isaga hortii la kulantay.

Waxay ka dareentay sidii qof ay hore isu yaqaaneen oo ay muddo dheer ka la maqnaayeen dibna u kulmeen. Maalintii ay isbarteen habeenkii xigay oo dhan waa ay ka fekeraysay, oo wax kale iska daa ee shaqadii dugsiga waa ay diyaarin kari wayday.

Waa ay rumaysan kari la dahay in uu yahay nin qalaad oo ku cusub oo aanay waxba ka aqoon. Kalsoonida nafteeda oo dhan ayay mar keliya wada siisay, inta sifo wanaagsan qof yeelan karo ayayna u hibaysay.

Qof iyada uga aqoon badani haddii uu xumaan uga sheegi lahaa sinaba u ma ay rumaysateen. Laakiin Deeqa, waa ku sidee? ayay isku canaanatay. Baahida naftaadu yaanay karkaarka ku weydaarin. Af macaani yuu ku hodin aafo kugu noqon. Yaadan lumin ee ha liicin. Ha jabin. Ha isdhiibin. Adkayso.

“Shaahii wuu inaga qaboobay”, ayay tidhi iyada oo mar dambe ku hambaabertay in ay eegmo aamusan isku la raageen, labadii bilaale ayay isku mar kor u qadeen. Soofaha ayay labada dacal kaga fadhiyeen iskana soo horjeedeen, markii horena in bannaan ayaa u dhexaysay.

Laakiin imika aad ayay isugu dhow yihiin, jidhkoodu wuu istaaban karaa, neeftooduna waa ay isgaadhaysaa, mana ay ogayn goor ay isku durkeen.

Iyaga oo aan weli ka la jeesan ayay laba laba jeer shaahii fiiqsadeen, dabadeed mar kale koobabkii gunta miiska u dhigeen. “Deeqa, waxaan la yaabban ahay barashadaada iyo la joogistaadu qiimaha ay ii leh yihiin. Ilaa maalintii isugu keen horreysay jacayl qof loo qaado kii ugu weynaa baad igu abuurtay.”

Eegmo aad u nugul ayay indhaha indhaha ugu beegtay, hoos ayay u yar foororsatay, haddana mar kale iyada oo illin godlatay wejigana dhidid khafiif ahi isku dhaashay soo eegtay. Ma ay hadlin, eegmadana ka ma weecin. Calaacasha midig ayuu dhabanka ka saaray, haddana ilaa qoorta kaga salaaxay.

Dhidid kale ayaa shax isku siiyay, neeftuna dirqi ayay kaga soo baxday, laakiin isma ay dhaqaajin. Waa besteed ee ma iyadaaba dhaqaaqi karta. Afka ayuu u soo dhuubay si uu u dhunkado, gadaal ayay se isu tiirisay, dibno oomman ayuuna dib u la noqday gacantiina soo ceshaday. Quwad qarsoon ayaa xaggeeda u sii jiidday ilaa uu hoosta ka galay.

“Deeqa, dhunkashadu waa sida ugu runsan ee aan kuugu sheegi karo jacaylka aan rabo in aan kuu sheegto”, ayuu ku baryootamay.

“Imika maya, laakiin waxaad samayn kartaa xaalad aad dhunkasho inta aad doontid xaq iigu yeelan kartid”, ayay u tidhi si hoose oo uu dirqi ku maqlay.

“Ma dhunkasho xaq ah iyo mid xaqdarro ah baa ka la jira?” ayuu wayddiiyay.

“Haa.”

“Haddii aan ku jecel ahay dhunkashadu miyaanay xaq ahayn?” Ma ay jawaabin. Hadalkii horeba ku talogal la’aan ayuu kaga soo baxay, isilaalintii dabiiciga ahayd ee ku jirtay ayaa ka keentay. In uu kun jeer dhunkado iyo gebigeedba in uu sida nacnaca muudsado oo liqo ayay jeclaan lahayd.

Qudhiisu afkeeda iyo uurkeedu in aanay islahayn wuu arkaa. Mar kale ayuu qunyar dhunkasho ugu holladay, laakiin kediso ayay iyada oo duulaysa uga hor timid oo laabtiisa isku tuurtay. Iyada ilmaynaysa oo sidii ay suuxday wada kurbanaysa ayay wejiga qoortiisa ku camcamisay.

Qoyaankii illinteeda ayuu dareemay. Inta uu labada gacmood ku soo wada duubay ayuu aad isugu soo cadaadiyay, ilaa uu garaaca wadnaheeda iyo hiinraagga laabteeda dareemay.

Sidii qof harraaddan oo xareed helay ayuu dibnaheeda dhunkasho qurquriyay. “Raage, aniguba intaa in kun goor ka badan baan ku jecel ahay, laakiin maad guur i wayddiisatid inta aad dhunkasho i wayddiisanaysid?” ayay ku ooyday.

Erayadaasi maqalkiisa waxay ugu dhaceen si uu mooday in uu ku riyoonayo, waxayna iyaga oo ifaya u hor mareen sidii wax la taaban karo. Wuxuu jeclaystay in ay ku soo celiso si uu u hubsado.

“Deeqa, ma waxa ay ku la tahay in aad inta aan ku jecel ahay iyo in u dhow toonna i jeclaan kartid?”

“In malyuun goor ka badan.”

“Intayda iyo in ku dhow toonna ma aad xammili karteen.”

Markii uu sidaas lahaa wuu isku sii cadaadinayay ilaa ay isku dhalaaleen, isku milmeen. Iyada oo laabta ugu jirta oo uu sida halaqa labada gacmood dhan walba u xulinayo ayuu goor dambe ku miyirsaday iyada oo leh: “Raage, waa ceeb! Waan ku jecel ahay laakiin yaan dad anshax xun la ina moodin ee i sii daa.”

Mar hore ayuuba illaawey meel uu joogo iyo in uu marti ahaa. Wuu nasiib badnaa waayo isla markii uu sii daayay waxaa soo galay Cawil oo ah da’da Deeqa ka yar. Isaga iyo Raage waa ay isyaqaanneen waayo dugsiga ayuu dhigtaa.

Waa nin xishood badan. In kasta oo uu walaashiisa ka weyn iyo macallinkaba xushmeeyo, horena wada socodkooda uga war hayay, haddana markii uu arkay iyaga oo aad isugu dhow in uu xanaaqay wejigiisa iyo ficilkiisaba waa ay ka muuqatay.

Inta uu si aan diirranayn Raage u salaamay ayuu isaga oo aan wejigiisa eegin lana hadlin qolkiisa degdeg u galay oo kubbad ka soo qaatay, dabadeed isaga oo aan hareeraha eegin degdeg u baxay.

“Markii uu qolka galay waxaaban mooday in uu hub ii doontay”, ayuu Raage ku kaftamay.

“Haddaa maxaad u carari wayday?”

“Aniga oo sii ordaya intii aan dhiman lahaa aniga oo soo fadhiya aan dhinto. Waxa ay se noqon lahayd shirqool aad ii dhigtay, waayo adiga ayaan marti kuu ahay.”

“Cudur aad wada qabtaan Cawil gooni ha uga dhigin, sidaas ayuu weliba idinku wada dhaamaa. Horta marka aad aragtaan nin gabadhiinna la hadlaya maxaad uga hinaastaan sidii aad idinku shukaansan lahaydeen?”

“Mas’uul baanu idinka nahay.”

“Oo yaa nooga kiin dhigay?”

“Muruqayaga iyo maankayaga.”

“Waxaan la yaabaa sida aad isugu raacsan tihiin in gabdhaha la ilaaliyo, iyo haddana sida aad damaaci u wada tihiin. Cawil aniga oo ka weyn ayuu la fadhigaaga sidaas uga xanaaqay, caawana wax walba wuxuu u samaynayaa in uu saaxiibaddii la kulmo.”

“Waa in la idin ilaaliyaa. Berigii aad faraha ka baxdeen ee ay Arraweelo boqoradda idiin ahayd waxii aad geysateen waa tii la ogaa.”

“Kibirkiinna Arraweelo kale ayaa idinku fiican.”

Xaaladdii uu goor dhoweyd Cawil jawiga ku abuuray ayaa dooddan ku weeciyay ee abateed u ma hayaan. Erayo kalgacal ku dhaansan iyo dhunkasho naxariistu ku dhan tahay wax aan ahayn galabta nafsad u ma hayaan.

Mar aanay isaqoon ayaa jirtay, iyo subax ay iyaga oo dad qalaad ka la ah is’hor yuubnaayeen, maantana waa taa naftoodu isku milan.

Goor dambe oo ay ku qiyaaseen in uu Cawil kubbadda ka soo noqon karo ayuu Raage ka tegay. Markii uu baxay wuxuu u cidlooday si aanu weligii iyo waaqii u cidloon. Isla markii uu albaabka dhaafay waxaa ku dhacay hilaw degdeg ah oo dhaxan huwan, ilaa uu ku dhowaaday in uu Deeqa dib ugu cararo.

Naagtan maxaa u gaar ah? Maxay dumarka kale kaga duwan tahay? Runtii miyay ka duwan tahay? Adiga maxaa ku haya? Ma doonis baa mise waa dan? Ma baahi aad naag uun u qabtid baa, naag aad baahidaada galmo ku haqab tirtid? Mise waxaa jira wax kale oo ay gaar kuugu tahay?

Malaha waa doonis qof aad lahaatid; qof aad cidlada ka weheshatid oo dhibka dunida ka magansatid; iyo hooy aad u hoyatid?

Laakiin maxay dumarka kale kaga duwan tahay? Sida aad u aragtid miyaa loo wada arkaa? Dabcan jawaabtu waa maya. Waa wax indhahaaga u gooni ah, iyo maskaxdaada, iyo dookhaaga. Dookh? Horta dookhu waa maxay? Mooyi, waa waxaas aad la dhaxamoonaysid, ee aad magaalo weyn ugu dhex cidloonaysid;

waa waxaas aad la hiloobaysid; waa waxaas ay dunidii awal dhabar yaxaas ka qallafsanayd naas dumar uga debecsanaatay; waa waxaas ay neecawada sambabkaaga gelaysaa u noqotay nadiif khafiif ah.

Warsame Kooshin, Deeqa aabbeheed, waa konton jir muruqmaal ah oo shan carruur ah oo ay Deeqi curad u tahay iyo hooyadood oo gurijoog ah Hawlwadaag ku la nool. Yaraantii wuxuu ahaa reer miyi, calansaarkii ayuuna magaalo soo galay, muddo yar ka dibna wuxuu shaqo dareewalnimo ah ka bilaabay shirkad talyaani ah oo muuska ka shaqaysan jirtay.

Berigaas ayuu guursaday Maryan, carruurtiisa hooyadood, waxaana u suurtowday in uu afar qol qunyar qunyar uga dhisto dhul bannaan oo uu iibsaday. Markii ay askartu talada boobtay ayay shirkaddii Talyaaniga ahayd dalka ka qaxday, dabadeed Warsame wuxuu dareewal ka noqday Dekadda Xamar.

Sannado ka dib wuxuu galay shil baabuur uu ku dhaawacmay, kaas oo uu ugu darraa dakharka weyn ee suunnida midig dusheeda kaga bogsaday.  Markii inta waxoogaa magdhow ah la siiyay shaqada laga fadhiisiyay talo uu jeclaystay ayaa ku dhalatay.

Wuxuu iibiyay laba boos oo dhul ah oo uu lahaa, wuxuuna gatay iskarogada uu maanta ku shaqaysto. Waa shaqo uu ku qanacsan yahay, waayo dhaqaale ahaan in ay tii hore dhaanto ka sokow wuxuu ka helay xorriyad uu jeclaystay.

Aroor walba marka uu salaadda subax tukado, shaah kulul iyo quraacna afka ku dhufto, ayuu shaadh iyo surwaal balcad ah iyo kabo geri ah isku jufaa, cimaamadna madax ku duubaa, dabadeed iskarogada inta uu bisinka u qabto waddada cagta u saaraa.

Cid guuraysa oo uu raro, cid guri dhisanaysa oo uu dhagax u guro iyo ciid uu meel ku toomiyaba, wax uu ka shaqeeyo iyo cid uu u shaqeeyo ma waayo. Makhribka ayuu isaga oo ay nuurad iyo habaas daayeer u ekaysiiyeen soo hoydaa.

Marka uu dharka shaqada iska beddelo, baaldi biyo ahna isku shubo, waxii habeenkaas la soo hor dhigana kulaylka ku cuno, dabadeed inta uu barxadda dermo dhigto falaas shaah ah iyo bakeeri isag qotomiyo, oo inta uu dhabarka u jiifsado xiddigaha daawado, hawadana sanka iyo sambabbada ka buuxsado, tixo gabay ah oo uu weligii jeclaana cod dheer kor ugu luuqeeyo, ma moodo in ay dunida jirto cid ka sed rooni.

Khamiis walba xerow ayaa guriga raatub ugu akhriya, waayo wuxuu rumaysan yahay maytidii oo dhami in ay khamiista marti u tahay. Noloshaas ayuu ku soo koriyay curaddiisa Deeqa ee uu maanta qaddarku Raage u caleemosaaray.

Aanadii Negeeye – Qeybtii 18aad

Fikirkaada Waa Muhiim