Ma’ogtahay hurdada aan seexanno mar waliba in ay kor u qaaddo caafimaadkeenna, sidoo kale waxa ay ka qeyb qaadataa koritaanka ilmaha yar.

Hurdada waxa ay kamid tahay nimcooyinka Alle nagu manaystay,waxa aan seexanaa anaga oo aad u daalan diifta maalinkiina ay naga muuqato, Haddana waxa aan soo kacnaa anaga oo aad moodo in aan nahay dad cusub waxaan ku illownaa daalka maalinki..

Haddaba Door Intee La’eg Ayeey Hurdadu Ka Qaadataa Koritaanka Caruurta?

Hurada waxa ay ka qeyb qaadataa koritaanka ilmaha yar, 80% hormoonada korniinka waxa ay shaqeeyaan xilliga hurdada. Hormoonada koritaanka waxa ay sababaan korniinshaha lafaha iyo murqaha canugga.

Ilmaha da’ahaan ka yar 3sano  waxa ay ubbaahan yihiin 12saacodood oo hurda ah, halka ilmaha jiro inta u dhaxayso 3- 7sano ay ubbaahan yihiin 10sacadood oo hurda ah, ilmaha ka weyn 12sano waxa ay u baahan yihiin 8 saacadood oo hurda ah.

Hurdadu waxa ay sidoo kale saameyn ku leedahay garashada iyo laqabsiga ilmaha ee  goobaha waxbarshada.Caruurta aan si wanaagsan u seexan inta badan ma awoodaan inay fiiro gaar ah u yeeshaan dugsiga iyo waxbarashada.

U oggoloow ilmahaada in ay seexdaan waqtiyada duhurkii ah, ilmaha inta badan ma jeclo hurdada laakin waa muhiim waalidka in ay ogaadan muhiimada hurda u leedahay dhalaanka

 

Mahadsanidiin

Fikirkaada Waa Muhiim