Aanadii Negeeye – Qeybtii 15aad

Toddobadii aroornimo ayaa albaabkeeda la garaacay, laakiin loo ma soo gelin. Waxay indhaha ku ka la qaadday iftiinka qorraxda qolkeeda buuxiyay. Jimicsi ayay sariirta isku ka la bixisay eegmadana la raacraacday daah cad oo khafiif ah oo ay daaqadda furan neecawdu cayaarsiinayso. Waa ay yar fekertay riyo macaan oo ay hurdada ku aragtayna damacday in ay xasuusta ku soo celiso, waa ay se ugu soo wada noqon wayday.

Barkintu meeshii loogu talo galay iyo madaxa u ma taal ee iyada laabta ugu jirta ayay labada gacmood ku xantoobsan tahay, markii ay dareentayna waa ay isku sii cadaadisay. Hamaansi yar iyo jimicsi wadajir ah ayay mar kale iska la bixisay oo jeclaysatay in ay sii yar seexato, haddana inta ay iscanaanatay si firfircoon sariirta uga boodday.

Googgarad cad oo igasiib ah ayay ilaa naasaha dushooda kor u jiidday, dabadeed dhankii albaabka u dhaqaaqday. Intii aanay qolka ka bixin waxay ku hakatay kalaandariyad derbiga ku dhegsan, waxayna jalleecday maalinta sabtida, sagaalka bisha, ee qalinka cas ku goobaaban. Daaradda ayay u soo baxday, waxayna xadhigga dharka lagu wadho ka tiigsatay tuwaalkeedii qubayska.

“Deeqa, miyaanan boqol jeer ku odhan qaawanaan qolkaaga ha kaga soo bixin?” waxaa ku canaanatay hooyadeed Maryan oo daaradda quraac ku diyaarinaysa.

“Hooyo imika miyaan qaawan ahay? In aan sidaas guriga ku dhex maro maxaa ku jaban?”

“Waad qaawan tahay, maxaad u qaawanaan wayday? Bal sida aad tahay eeg!”

“Hooyo macaan, waxaaba saaka waa la igaga daran yahaye, welwelka aan qabo maba ogide…”

Maryan waa ay garanaysay waxa ay gabadheedu ka welwelayso. “Alla inantu fulaysanaa! Dee aniga ayay iga raacday, dunida ma qof iga fulaysan baa ku nool? In ay i dhaanto ayaan moodayay”, ayay iyadii oo musqusha sii gelaysa maqashiisay. Markii ay qubayska ka soo baxday hooyadeed quraacdii waa ay diyaarisay.

“Yaadan daahin ee dhakhso u quraaco, Deeqa. Baqdinta aad sheegaysidna iska saar. Dhiirranaantii aad ku faani jirtay meeday? Fariid iska dhig oo waxii aad intaa soo baranaysay maanta muuji.”

“Ilaahayow ardayda iyo macallimiintaba dad fiican iiga dhig!”

“Deeqa, fariid iska dhig oo waxa aad taqaan oo dhan maanta muuji, nacnacna sii muudso baqdinta ayuu kaa yaraynayaaye.” Dugsiga sare ee ay shaqada qaranka ka bilaabayso shalay ayay tagtay, waxayna ku la kulantay maamulaha oo si fiican u qaabbilay. Dhawr macallin oo halkaa joogay salaan isuma ay dhaafin waayo waxay ku mashquulsanaayeen diyaarinta sannad dugsiyeedka.

Muddadii nuse saacaha ahayd ee ay shalay halkaa joogtay maamulaha waxay ka dareentay dabeecad macaan iyo furfurnaan. Warbixin wanaagsan oo ay u baahnayd ayuu ka siiyay hawlaha dugsiga iyo arrimaha ku saabsan shaqada ay bilaabi doonto.

Waxa ay se kaga xumaatay sida uu isugu dhex darayay shaqada iyo nolosha shakhsiga. Dhawr jeer ayuu quruxdeeda faalleeyay, iskuna dayay in ammaano, taas oo ay hubtay in uu shukaansi uga dan lahaa. Laakiin boqollaalka macallin iyo arday ee ay saaka la kulmi doonto isaga ayaa ah qofka keliya ee ay barasho hore kaga talogelayso.

Siddeedda ayay shaqadu bilaabanaysaa iyada oo rubuc dhiman ayayna Deeqi dugsiga soo gaadhay. Garbosaar iyo dirac buluug ah, googgarad cad oo faraqeedu gondaha ka dhoollo caddaynayo iyo kabo midabka xareedda leh ayay ku shaqlan tahay.

Timo aad u madow oo inta ay si wanaagsan u shanlaysay dib u saydhay ayaa garbaha salaaxaya. Waysaaqyo dahab ah oo caleen laga naqshadeeyay ayaa dhegaha ka babbanaya, silis isaguna dahab ah oo dhumuc yar ayaa qoorta galgalanaya carrabkana naasaha dhexdooda ku la jira oo aad mooddaa in uu leefleefayo. Udgoonka cadar khafiif ah oo la moodo in ubax sarmaaneed laga soo tuujiyay ayaa gelbinaya.

 

Markii ay irridka ka soo gashayba waxay aragtay arday aad u tiro badan oo barxadii dugsiga ceegaagta. Faduusha wiilasha shukaansi baradka ah iyo eegmada hablaha yaryar ee bilicdeeda ka masayrsan ayay sii dhex jibaaxday iskana indho iyo dhego martay. Waxay ku tibbatay halkii ay xafiiska maamulka ku ogayd.

Koox macallimiin ah si xiiso leh isu dhundhunkanaya ayay afka ka bariidisay horena u sii dhaaftay. Jaranjarada xafiisyada markii ay sallaankii koowaad cagta saartay ayuu nin hoos u soo degayaa ka hor yimid. Indhaha ayay indhaha isugu dhufteen, iyaga oo aan ka la jeesan ayay labadooduba xawliga tallaabada dhimeen, markii ay sinnaayeen ayay isku mar socodka gooyeen, wuxuuna kaga horreeyay:

“Subax wanaagsan!” “Wacan oo wanaagsan!” Arag wanaagga cod macaanka ayay kaga dartay, ayuu ku fekeray. Wuu maleeyay in aanay ardayad ahayn, wuxuuna wayddiiyay:

“Ma shaqaad bilaabaysaa mise booqashaad u timid?” “Macallinimo shaqo qaran ah ayaan bilaabayaa.”

Jawaabta wuxuu ka helay macne iyo dhadhan aad uga badan kii ay caadi ahaan yeelan lahayd, farxad aad u badan ayaana dhiigga iyo dhuuxiisaba dhex roortay. Buugaag uu gacanta midig ku sitay inta uu bidixda u wareejiyay ayuu gacanqaad u soo taagay.

“Waxaa la i yidhaahdaa Raage Xirsi, dugsiga ayaan macalin ka ahay. Barasho wanaagsan!”

“Anigana Deeqa Warsame. Barasho wanaagsan!”

Jaranjarada laba qof oo keliya ayaa isku weydaaran kara, iyaguna waxay isu taageen si iska soo horjeed ah oo marinkii xidhay, laakiin waxaaba ma ay ogayn. Iyadu derbiga jaranjarada ayay gacanta ku cuskatay isaguna ka ka soo hor jeeda ayuu dhabarka ku tiiriyay, buugaagtiina inta uu labada gacmood isugu geeyay ayuu sidii qof uu jecel yahay laabta ku qabtay.

“Maxaad dhigi doontaa?” ayuu wayddiiyay.

“Xisaabta   ayaan   ku   wanaagsan   ahay,   laakiin   bal   horta maammulaha ayaannu isla eegaynnaa.”

“Xisaabtu waa maaddo aan ku liito, qof ku wanaagsan marka aan arkana waan xasdaa”, ayuu yidhi. Waa ay ilko caddaysay, quruxda afkeeduna fallaadhii Raage wadnaha ka qotontay ayuu ku sii gilgilay.

“Adigu maxaad dhigtaa?” ayay wayddiisay.

“Soomaaliga iyo suugaanta, iyo mar mar af ingiriisida ah.” Macallin ayaa jaranjaradii hoos ka soo qabsaday. “Waa aynu sheekaysan ee soo dhowow, guul ayaanan kuu rajaynayaa!”

“Mahadsanid!” ayay u celisay oo dhankii xafiiska u sii dhaqaaqday.

Arday, barayaal iyo maamul waxaa lagu kulmay barxaddii dugsiga. Barayaasha iyo maamuluhu waxay tubnaayeen ardaydii safnayd horteeda, calanka hoostiisa. Calanku waa duug faraqyo yeeshay midabkii buluugga ahaana inta uu caddaaday xiddigtii ku milmay oo isu ekaaday.

Qaar badan oo ardayda ka mid ahi dugsiga waa ay ku cusub yihiin oo meelo kale ayay ka soo beddesheen ama dugsiga dhexe ayay ka soo gudbeen.  Waa arday ka ka la timid qoysas ka la nolol iyo duruufo duwan, balcadda ayaa ah caddaaladda keliya ee ka dhexaysa.

Eegmo aamusan ayay indhaha kurayadu ku dabbaalanayaan gabdhaha dugsiga ku cusub iyo kuwii hore ee ay fasaxa ku ka la raageen, iyaguna jalleeco ismuujin iyo khajilaad labadaba leh ku soo jawaabayaan. Diiriye ayaa khudbaddii qaatay kuna bilaabay salaan iyo soodhoweyn uu barayaasha iyo ardaydaba u jeediyay. Wuxuu wax ka sheegay qaabka waxbarashada dugsiga, wuxuuna ka digay anshaxdarro iyo sharci jebin kasta oo lagu kacaa in ay keeni doonto in dugsiga la iska eryo.

Anshaxee? Sharcigee? Diiriye sow Diiriye uun ma aha, miyuu isa soo beddelay? Hadaltirada aan macnaha lahayn ma naftiisa ayaanu ka la xishoonayn mise dadkan yaqaan ee uu haddana sidaas u la hadlayo? Malaha labadaba.

Raage isaga oo macallimiinta ku dhex jira ardaydana ka soo hor jeeda ayuu dareemay degganaansho la’aan aad u weyn. Garabkiisa bidix ayuu milicsaday, eegmadiisuna waxay la kulantay laba indhood oo xaggiisa ku soo maqan. Waa Deeqa. Degganaansho la’aantii ayuu sabab u helay, waa muuqaas oo uu u hiloobay, mar kale ayayna neecaw farxad lihi wadnihiisa martay. Meeshii laga raacay halkaas ayay ahayd.

Wuxuu ka baqay garaaca durbaanka la moodo ee wadnihiisa in la maqlo, wuxuuna ku dadaalay in uu dareenkiisa kacsan dejiyo.

Khudbadii Diiriye oo sannad la dherer ahayd waa ay soo gabagabowday, fasalladii ayaana loo ka la dareeray. Raage wuxuu galay xisadii ugu horreysay sannad dugsiyeedka oo ahayd suugaan. Markii uu irridka ka soo galay ardaydii fadhiga ayay ka oogsatay.

“Sannad dugsiyeed wanaagsan!”

“Wanaagsan!”

“Fadhiista!” ayuu yidhi isaga oo alaabtii uu gacmaha ku sitay miiska ku ka la hagaajisanaya.

Si aad ah ayay naftiisu u kacsanayd, wuxuu se hubay in aanay soo marin subax uu shaqadiisa ka jecel yahay. Wuxuu isku mashquuliyay rogrogista buuggii miiska u saarnaa, degdeg ayuuna u gudogalay guudmar ku saabsan muqarrarka sannadka. Wuxuu ardayda u soo jeediyay wayddiin uu farwaaweyn sabuuradda ku qoray: “Waa maxay suugaan?”

Jawaabaha lagu ma degdegin, waa sannad dugsiyeed cusub iyo caadadii oo waa la ka la khajilayaa. Si uu dhiirrigelin u sameeyo ayuu qaar ardayda ka mid ah farta ku fiiqay. Dabadeed qunyar qunyar ayay dhedadii qaboobayd u kacday, jawaabo darandoorri ah ayaana iska soo dabo dhacay.

Qofba meel ayuu ku dhuftay, qofbana si ayuu erayga suugaan ku macneeyay. “Suugaan waa aynu wada naqaan oo sida aad sheegteen waa hadal dhadhan leh oo dareen xambaarsan. Laakiin suugaanta iyo hadalka caadiga ah maxaa ka la saara?”

Cabbaar kale ayaa la isla jiidjiiday, laakiin ardaydu taa waxay ka jeclaayeen in uu macallinku wax u sheego, wax ay soo qaybaan. Sidaas ayaa ah weligeedna ahayd dhaqanka wax lagu barto, taas oo dhasha aqoon tayo xun oo barako daran.

“Suugaantu ma aha, sida sayniska, wax shaybaar la geliyo oo natiijo kamadambays ah iyo qaacido la isku raacsan yahay leh, ee waa fan uu qof waliba sida uu doono u arko, sida uu doonana u dhadhansado una fahmo”, ayuu yidhi kuna daray:

“Suugaantu waa habka ugu quruxda badan, ugu qotada dheer, runtana ugu dhow, ee loo hadlo dareenkana loo cabbiro. Baahidii uu aadamigu u qabay in shucuurtiisa cabbiro, xanuun iyo farxadba, ayaa sababtay, sida ay i la tahay, in ay hadalka ka dhex abuuranto qayb gaar ah taas oo ah suugaanta.

Sida dareenka loogu muujiyo cayaarta iyada oo la adeegsanayo dhaqdhaqaaqa xubnaha oo isu miisaaman, si la mid ah ayaa dareenka loogu muujiyaa suugaanta iyada oo markanna la adeegsanayo hadal si uun isugu miisaaman. Waana isla ujeeddada mar saddexaad loo abuuro farshaxanka.

Fanka iyo suugaantu waa awood yaab leh oo aragta wax aan caadi loo arki karin, tilmaantana wax aan si kale loo tilmaami karin. Waa riyada, fekerka, farxadda murugada iyo guud ahaan dareenka qofka la soo tuujiyo. 

Waa weynaysada lagu arko iyo ilayska lagu ifiyo wax jira oo aan si kale loo arki karin. Fanka iyo suugaantu waa wax suurtogeliya in arrimaha iyo dhacdooyinka meelo ka la duwan laga eego, si qoddo dheer loo fahmo, lagalana soo baxo macnayaal badan oo ku jira amaba xataa aan ku jirin.

Fanka iyo suugaantu waa dun xariir ah oo isu haysa bulshada, mar kale qofka iyo nolosha, mar saddexaadna qofka iyo naftiisa. Waa waxa ku dareensiiya in ay noloshu tahay adiga adiguna aad tahay nolosha.”

Isaga oo sidaas ugu dhex jira sharxidda erayga suugaan ayuu iswayddiiyay meesha uu waxaa ka keenay. Buuggan uu gacanta ku hayo iyo mid kale toonna weli ka ma uu helin wax ka caawiya dood noocan ah, taa darteed waxa uu sheegayo oo dhami waxay ahaayeen aragtidiisa.

Waxaa dulmi ah masaakiintan yaryar oo fikraddaada oo tooda la mid noqon karta sideeda u xafidaya, kana dhiganaya cilmi ay ku meel maraan, ayuu ku fekeray. Markii uu xisadda ka soo baxay weli wuxuu dareemayay farxad iyo fudayd uu mooday in aanu cagahaba dhulka ku hayn.

Wuxuu ku dhowaa in uu sidii ilmo yar oo bishii ciidda arkay orod cagaha wax ka dayo. Wuxuu la kulmay saddex macallin oo geedka weyn ee barxadda ku yaal hoos fadhiya. Macallimad taariikhda dhigta ayaa ka cabanaysa ardaydu in aanay maaddadeeda xiisayn.

“Sannad walba waxaan ku tashadaa sannadka xiga in aan qaato maaddo aan taariikh ahayn. Ma waxaa la arkay arday marka buugga loo ka la furo hamaansi afka ka la furanaysa!” ayay ku ashkatootay oo sii raacisay: ”Arday dadaal xun iyo mid damiin ahba wax baa laga qaban karaa, laakiin fasal dhan oo maaddo isku mid ka ah wax lagu sameeyo la garan maayo.”

“Muqarrarkaagu muxuu ku saabsan yahay?” waxaa wayddiiyay macallin kale.

“Waxyaalo badan, sida kacaankii warshadaha, casrigii ifinta, daahfurkii dunida cusub…”

“Waa taas sababta ay ardaydu maaddada u xiisayn wayday”, ayuu hadalka kaga boobay iyada oo cutubyada muqarrarka tirinaysa.

”Qofku ma xiisayn karo wax aan waxba ka gelin.”

Daahfurkee?! Kacaankee?! Miyaa la waashay?! Dadkani waxa ay leh yihiin maa la baro wax khuseeyana loo dhigo? Waa su’aalo had iyo jeer la iswayddiiyo oo madax xanuun abuura.

Marar hore ayay macallimiintu taa ka doodeen, mar kastana waxaa lagu gunaanadaa in ay tahay in la helo taariikhyahannadii taariikhda in la barto ku habboon soo baadhi lahaa.

Maanta meesha waxaa lagu hayaa xoogaa shisheeye laga bawsaday, kuwaas oo wax u fasiray sidii ay iyagu doonayeen. Tusaale ahaan qabsashadii reer yurub ee qaaradaha Maraykanka iyo Ustaraaliya in “daahfur” lagu magacaabaa waa mid ka mid ah majaajillooyinka dunida ugu jaban.

Dhulalkaa ay malaayiinta aadamiga ahi kumanyaalka sano ku dhaqnaayeen wiil doon badweyn ku ambatay saaran in la yidhaahdo ”wuu daahfuray” waa isdafirid iyo xiqdi aan wax la barbar dhigi karaa jirin.

Ka soo qaad isla waqtigaas in ay doon ay koox hindi ama aborjiin ahi saaran tahay xeebaha yurub daalaadhac ku soo gaadho, dabadeed loo dabbaaldego taariikhdana lagu qoro in ay iyagu Yururb heleen! Laakiin hore ayaa la isugu raacay taariikhdu sideedaba in ay tahay hadba ka adkaadaa waxa uu qoro, taas oo taariikhda qudheedii qiimaha ka qaadday.

Raage isaga oo doodda xiisaynaya laakiin aan weli wax ku darsan ayuu arkay Deeqa oo geedka dhinaca kale ka soo gelaysa, wuuna u dhoollo caddeeyay si uu ugu dhiirrigeliyo in ay xaggiisa u soo gudubto, taana wuu ku guulaystay.

“Uuuh!” ayay si kaftan ku jiro neef culus u soo afuuftay iyada oo kursi agtiisa ka bannaan fadhiisanaysa.

“Ma soo samato baxday?” ayuu wayddiiyay.

“Si wanaagsan.”

“Maxaad gashay?”

“Xisaab, nasiib wanaag.”

Khajilaad ayaa weli wejiga ka saaran. Waxay sheegtay in ay baqdin xisadda ka la kulantay ay se ku faraxsan tahay marxaladdii ugu adkayd in ay ka gudubtay. Markii ay sii sheekaysteen Raage waxay u sheegtay in ay qoyskooda la deggan tahay Hawlwadaag, oo ah isla degmadiisa, laakiin waa ka la xaafad, waa isku waddo laakiin isaga ayaa in door ah shisheeya.

Mar haddii ay isku waddo noqdeen maalintaas wuxuu aad u xiisaynayay in ay isku sii lug daraan, laakiin markii shaqada laga baxay wuu waayay. Markii uu guriga tegay, ee qadada ka dib sidii caadada u ahayd damcay in uu yar seexdo, ayay Deeqi maskaxdiisa dhaanto ku tumatay, iyada oo iskeed albaabka isaga soo furtayna qolka ugu soo gashay, sariirtana dhinac kaga soo seexatay.

Araggeedu wuxuu ku abuuray kalgacal kediso ah oo madaxiisa mijo u rogay dabayshana raaciyay qurux kasta oo uu naag kale u qirsanaa.

Maalmihii uu shaqada bilaabay wuxuu bartay gabadh uu si aad ah u jeclaaday. Markii ay muddo aan bil ka badnayn isyaqaanneen ayay guur soo jeedisay, isaguna wuxuu ku taliyay in ay dib u dhigaan inta dhaqaalihiisu isbeddelayo.

Iyaga oo weli guurkooda ka doodaya ayay maalin si lamafilaan ah ugu sheegtay in ay aroos ku casuntay; arooskeeda. Nin Sacuudiga ka soo degay ayay guursatay. Gabadhaa hore in kasta oo uu jeclaa haddana markii ay tallaabada waallida ah qaadday hantaaqadeeda dhakhso ayuu uga soo kabtay.

U ma uu naafoobin laakiin mana uu illaawin, intii dambena gabadh kasta oo ay kulmaan iyada ayuu xagga quruxda ku dhererin jiray. Laakiin Deeqi fursad uu cid kale ku dhinac dhigaba ma ay siin, waxay la mid ahayd dabayl badweyn kaga kacday doontii yarayd ee noloshiisana iskeed u daaddihisay.

Maalintii labaad waxaa ka go’naa qorshihii uu shalay ku hungoobay ee ahaa in ay Deeqa isa sii raacaan. Wuxuu u baahnaa in abuuro jawi isbarasho oo shaqada ka baxsan. Cabbaar ayuu xafiisyada hortooda ku sugay, mawjad arday iyo barayaal ah isaga oo ka dhex eegeegay ayuu arkay qudheedii oo meel dhow ka soo dhoollo caddaynaysa.

“Shalay waxaan islahaa aad isa sii raacdeen mar uun baa se lagu waayay”, ayuu ku yidhi.

“Haa, waxaa i qaaday maamulaha.”

Waa dabeecadda Diiriye gabadh kasta oo dugsiga ku cusub, ardayad iyo bare ta ay ahaataba, in uu sidii qof derderan madax madax isugu tuuro. Raage markii ugu horreysay ee uu Deeqa arkay wuu isa siiyay, in ay cid kale ka xigsan kartana talada uguma ay jirin, sidaas darteed warku dareenkiisa wuxuu ugu dhacay si culus. Si qalad laga dhadhansan karo ayuu u wayddiiyay:

“Oo haddaa maantana miyaanu ku qaadayn?”

“Maya, u ma baahni. Israacista ayaan ka jecel ahay isqaadista.” “Haye?”

“Israacistu waa xaalad isu dheellitiran, laakiin isqaadista waxaa ku jiri karta iscuslayn ama isu abaal sheegad, mana jecli in aan cid cusleeyo iyo in la ii abaal sheegto toonna.”

Iyaga oo wada socda ayay dugsiga ka baxeen. Waxay ahayd labadii duhurnimo qorraxduna aad ayay u kululayd. Markii ay waddadii ay baska ka raaci lahaayeen gaadheen waxay fadhiisteen makhaayad oo ay laba faanto ah ka dalbadeen. Waxa ay aragtay isaga oo gacanta jeebka ku sii wada si uu cabbitaanka u bixiyo, dabadeed inta ay boorsadeedii ku boodday ayay tidhi:

“Aniga ayaa inaga bixinaya, Raage.”

“Aniga ayaa jeebka ku horreeyay ee lacagtaada cesho. Mise waxaad ka baqaysaa in aan kuu abaal sheegto?” Waa ay garatay in uu hadalkeedii hore hibanayo.

“Gefna ha igu ahaato ee sow run ma aha had iyo jeer raggu waxtarka hablaha in ay ka leh yihiin dan xaraan ah?”

“Dan sidee xaaraan u ah?”

“Danaysi.”

“Ma khasab baa ninka aad biyo wada cabtaanba in uu kaa lee yahay dan xaaraan ah?”

“Haa, ilaa ay si kale noqoto, taas oo aan badanaa dhicin.”

“Haddii ay sidaas tahay xaalku waa laba mid uun: in aad nasiib xun tahay oo aad rag danaystayaal ah la kulantid, iyo in aad shaki badan tahay oo aad ragga ka aammin baxsan tahay.”

Waa ay yar qososhay, laakiin isagu la ma uu qoslin ee quruxda afkeeda ayuu ku maqnaa. Qaladii iyo cabsidii ay shalay shaqada ku bilawday waa ay ka baxeen, imika waxay u deggan tahay sida bisad rabbaayad ah. Wuxuu jeclaystay in uu dhabannada ay marba timaha ku soo dhacaya ka xaydayso ka salaaxo.

“Anigu weli fikraddaydii hore ayaan haystaa. Waxba se yaynnaan weerar iyo weerarcelis noqon ee labada cilladood ee ay ku la tahay in aan middood qabo cilinkooda ma bixin taqaan?”

“Ilaahay wuu i baray.”

“Haye?”

“Nin walba qof wanaagsan u arag jeer aad xumaan ka aragtid, nasiibka wanaagsanna ku mintid si uu ka xumi kaaga leexdo.”

“Waa yahay, waa talo wanaagsan oo aan qudhaadan kaa bilaabayo.”

“Waxba ka ma qabo, barasho horteed se ha i nicin.”

“Adigu ha isxukumin ee aniga ii daa. Ta barashada se qof aadan saacad ku baran sannad ku ma baratid.”

Hadalkaa dambe waxay ku tidhi cod aad uga duwan kii kaftanka ahaa ee ay awal ku wada hadlayeen. Si ay mar kale jawiga haasaawe ugu soo celiso ayay iyada oo yar qoslaysa si debecsan dhabarka uga dhirbaaxday debeddana u la dhaqaaqday.

“Waa maahmaah mar aad u run badan marna aad u been badan. Laakiin barasho wanaagsan!”

“Barasho wanaagsan!” ayay tidhi, oo ay sidii dad imika kulmay isu gacan qaadeen.

Intii ay baska sugayeen Deeqi waxay ka sheekaysay taariikh nololeeddeeda. Waxay sheegtay in ay Xamar ku dhalatay, curadna u tahay walaalaheeda shanta ah, imikana qoyskooda la nooshahay. Waxay kale oo sheegtay in ay ku talo jirto marka ay shaqada qaranka dhammayso in ay Lafoole gasho oo macallinnimo barato.

Isaguna markii uu bilaabay in uu wax isaga sheego ayuu baskii isa soo taagay waana ay ku boodeen. Markii ay degtay, ee ay isa sagootiyeen, aad ayuu u faraxsanaa, gurigana wuxuu tegay isaga oo niyad wanaagsan.

Aanadii Negeeye – Qeybtii 17aad

Fikirkaada Waa Muhiim