Aanadii Negeeye – Qeybtii 14aad

Habeenno aan yarayn markii uu caloolxumo arrintaa ku saabsan la gam’i waayay ayay talo ku dhalatay. Aroor hore inta uu kacay ayuu Wasaaradda Waxbarashada isku sii daayay. Subaxdaa waxaa jirtay gaadiid la’aan ba’an, dad tiro badan ayaa hakadka gaadiidka dadweynaha ku xoonsanaa, marba baabuurka isa soo taaga ayaa lagu qamaamayay dabadeed inta taagta rooni raacaysay.

Isgaadhsiintu waxay ka mid ahayd meelaha ugu daran ee uu maamulkii askartu ku guuldarraystay, iyada iyo ilays iyo biyo la’aanta joogtada ahna waxaa ka dhalan jiray nacayb taliska loo qabo. Sow ma ay ahayn dadka xilka sidaa in ay sameeyaan wax kasta oo dadkoodu ku jeclaanayo, kana fogaadaan wax kasta oo lagu nacayo?

Haddii ay taasi dhici weydo sow ma aha in uu jiro sheyddaan si kale wax u tusayaa? Xaflad farxad leh oo mugdi lagu daboolay, guri ummuli jiifto oo biyaha laga gooyay iyo qof buka oo gaadiid la’aan darteed gurigii gaadhi waayay natiijada ka dhalataa waa uun nacayb. Aragtidii karaamada qofka reer yurub kor u qaadday waxay ahayd “in tirada ugu badan bulshada ee suurto gasha la geliyo liibaanta ugu badan ee suurto gasha”. Laakiin kelitaliska Afrika wuxuu ku shaqeeyaa “in tirada ugu badan bulshada ee suurto gasha la geliyo hoogga ugu badan ee suurto gala”.

Raage subaxdaa markii uu arkay mashaqada gaadiid la’aanta ah wuxuu door biday arrin uu dhawr jeer oo hore ku guulaystay. Meeshii lagu buuqsanaa inta uu ka yar baxay ayuu baabuurtii gaarka ahayd gacanta u taagay isaga oo muujinaya baaqa ah i-qaad. Markii ay dhawr dhaafeen ayuu baabuur aanu ka filayni isu taagay. Waa BMW cusub oo uu nin cadi wato.

“Subax wanaagsan!” ayuu af ingiriisi ku salaamay isaga oo muraayaddii degsanayd ku sii foororsanaya.

“Subax wanaagsan!”

“Waxaan jeclaan lahaa in aad dhanka aad u socotid igu sii tuurtid.”

“Soo fuul.”

Degdeg ayuu albaabka isaga furay fadhina isugu hubsaday. Waa nin sida dambaska u cad, aadna u laf iyo xoog weyn oo dundun la’eg. Waxaa la iswayddiin karaa sida uu baabuurka ku soo galay ama uga bixi doono. Qadaadka waxaa la moodaa in uu ka bararay, madaxa weyn ee ay bidaartu caddaysayna saqafka ayuu ku la dhow yahay. Kursigu ku ma filna oo hore ayuu foororaa, shookaantana dusha ayuu kaga yimid oo laba gacmood oo culculus ayuu ku dul hayaa. Wuxuu lee yahay gadh orgi, da’diisuna qiyaastii waa afartan ilaa shan iyo afartan jir. Wuxuu u eg yahay nin adduunka qaybtiisii cunay qaarna ku amaahday.

“Ma shaqaad u socotaa?” ayuu shisheeyihii Raage ku wayddiiyay cod sidiisa u weyn oo onkod la moodo.

“Maya, Wasaaradda Waxbarashada ayaan dan ka lee yahay.” “Waad nasiib badan tahay waayo qudhaydu waxaan ku socdaa Hotel Jubba.”

“Waad mahadsan tahay! Runtii waan u baahnaa.” “Ma meel kale ayaad ka shaqaysaa?” “Haa, dugsi ayaan bare ka ahay.”

“Waan gartay, walaalkay ayaa isaguna bare ah.” “Yaad u dhalatay?”

“Waxaan ahay warfidiyeen maraykan ah, waxaan se u shaqeeyaa wargeys ingiriis ah.”

“Intee baad Soomaaliya joogtay?”
“Shan cisho.”
“Ma imika ayaa kuugu horraysa?”

“Maya ee waa markii shanaad … markii lixaad.” “Markii lixaad? Waxaan filayaa in ay ku raalli gelisay.”

“Runtii mar aan Hargeysa tegay iyo mar aan Xerada Qaxootiga Jalalaqsi tegay mooyee Muqdisho ma aan dhaafin iyaduna xumaan iyo samaanba waa ay lee dahay, imikana aad ayay u kulushahay.”

“Haa, aad bay u kulushahay, bishu waa maarso oo qorraxda ayaa dhalada inaga haysa. Xagga shaqadaada ka warran? Hawshii aad u timid ma kuu fushay?”

Si qunyar ah ayuu shisheeyihii u soo jalleecay Raage oo ku hoos libdhay oo dhexda dhuuban ee suunku kaga caynsan yahay la moodo in uu ka ka la go’ayo. In kasta oo qudhiisu laf iyo dherer lagu tilmaamo maanta marka uu ninkan dhinac fadhiyo dhicis ka ma duwana. Ninka la hadlayaa marka uu soo eego neeftiisu timihiisa waa ay dhaqaajinaysaa.

“Su’aashaada waxaan ka dhadhansanayaa in aad la socotid mushkiladda warfidiyeenka dalkiinna ka haysata.”

“Haa, waan fahmi karaa in aanay fududayn waayo waxaa na haysta maamul kelitalis ah.”

“Run ahaan waxaa jirta dhibaato intaas ka dhumuc weyn. Kelitaliska waxaa lagu yaqaan in uu waxii siyaasad ah saxaafadda ka daboolo, laakiin dalkiinna waxba suurtogal ma aha, haddii aan damco in aan geedkaa sawirto waa la ii diidayaa. Maxaad qarinaysaan?”

Dabeecadda saxaafadda reer galbeedka ee Afrika ku wajahan Raage hore ayuu ugu fiirsaday, sida dad kale oo badan ayayna yalaalugo ku abuurtaa. Laakiin waa dhab maamulka Soomaaliya in uu yahay nooc gaar ah oo shaqo saxaafadeed kasta u arka in ay soo faagayso xabaalaha uu dadkiisa ku guray, ama daaqad ka qooraansanayso xabsiyada uu kumanyaalka denbi la’aanta ah ku dabray, amaba faafinayso darxumada aan xadka lahayn ee uu dadkiisa baday.

“In aad foolxumo ugaadhsanaysaan ayaa la rumaysan yahay in ay tahay sababta keliya ee sidiinnaba halkan idin keenta.”

“Foolxumo sidee ah?”
“Sawir argaggax leh oo xaggaa idiinka gadma.”

“Iyaa? Ciise Masiix! Oo ma aragti sidaas u xun baa nalaga haystaa?” ayuu cod aad u weyn kaftan yaab ku jiro ku qayliyay, oo isaga oo aan jawaab sugin sii raaciyay: “Waxaad i xasuusisay maalintii aan Hargeysa tegay, oo aan damcay koox carruur debedyaal ah oo qashin ku dhex jirtay in aan sawirto, oo ay koox arday ah oo dugsi ka soo dareertay igu soo xoomeen, ilaa bilaysku isugu kaayo yimid. Qudhoodu ii ma ay dhaamin oo kamaraddiiba waa ay iga qaadeen.”

“Oo sidaas ayaad kamaraddii ku wayday?”

“Dacwad ka dib waa la ii soo celiyay, filinkii ayaa se sidii igaga tegay.”

“Maxay ku andacoonayeen?”

“Askarta iyo ardayduba isla fikradda aad ka hadashay ee ah in aanu dalkiinna sawir xun ka bixinayno ayay qabeen.”

“Waa sidaas, haddii aad marti ahayd maxaa qashinqubka ku geeyay maad muuqaal bilic leh sawiratid?” ayuu u yidhi si bisayl ka fog. “Kamaradda se in lagaa qaado ma ay ahayn.”

“Waa sababtii aan kuu lahaa ‘maxaad qarinaysaan?’ Bilicda markeeda waan sawirtaa, laakiin qashinkuba sow xaqiiqo jirta ma aha, in la muujiyo maxaad uga xumaanaysaan?”

Dalcadda Wardhiigley ayay ka soo hoobteen, midigtana waxaa laga arkayay xaafadda dhexdeeda qashin iyo biyo isdhex jiifa oo isku uray.

“Denbigu muujinta ma aha ee waa ujeeddada.” “Magacaygu waa Peterson, Oscar Peterson.” “Anigana waa Raage Xirsi. Kulan wanaagsan!”

“Kulan wanaagsan, Hirsi! Runtii eedayntaa hore waan u maqlay, laakiin ma aan fahmin, imikadan qudheedana ku ma fahamsani. Fadlan, bal i tusaalee ujeeddada aannu ka yeelan lahayn in aannu dalkiinna sawir xun ka bixinno.”

Peterson sida uu doqon isaga dhigayo u ma ahaan karo. Isagu shakhsi ahaan ha ku shaqeeyo ama yuu ku shaqayn ee wuu og yahay xirfaddiisu in ay ku salaysan tahay iska indhosaabidda wanaag kasta oo Afrika ka jira iyo raadinta foolxumo kasta oo jiri karta ama xataa aan jiri karin. Saxaafadda reer galbeedku halkaas waxay ka shabbahdaa sahankoodii ugu horreeyay ee kiniisadaha, ee markii la soo dhoweeyay, ee la sooray, sheekooyinka yaabka iyo nacaybka badan Afrika ka diray, ilaa ay gumaysi ordaya keeneen.

Ha jiro ama yuu jirin ee sawirka gaajada, cudurka, burburka iyo guuldarrada ah ee ay had iyo goor ugaadhsadaan laba isku ma diiddana in uu yahay isku day abaabulan oo ah in ay bulshadooda ku barbaariyaan sarrayn iyo wanaag. Wax cusubna ma aha ee waa hannaankii duugga ahaa ee cunsuriyadda iyo gumaysiga maskaxda. Mar kalena waa argagixin Afrika degganaanta lagaga dhaawaco maalgashiga caalamkana lagaga didiyo; maalgashigaas oo door weyn ka cayaari lahaa nabadda iyo horumarka.

“Miyaad igu diiddan tahay in ay jiraan midabtakoor iyo maslaxad dhaqaale oo inta badan ka la qolo ah mararka qaarna isku qolo ahi?” waxaa yidhi Raage.

Peterson wejigii weynaa ayuu ururiyay dabadeed ku ashkatooday: “Laakiin, Raage, miyaadan xanaaqsanayn? Runtii marka aad xanaaqsan tihiin iyo marka kale idinma ka la garto, sida aanan kiiniyiintu marka ay kaftamayaan iyo marka ay dhab ka tahay u ka la

garan”, oo qosol gaaban raaciyay. “Maya, ma xanaaqsani.”

Markii Madaxtooyada la hor marayay ayaa ganjeeladii weynayd la wada jalleecay, waxaana Raage ku abuurmay dareen xun oo uu cabbaar dhan iska saari kari waayay.

“Adiguna miyaad igu diiddan tahay muujinta sawir kasta oo dunida ka jira, qurux iyo foolxumoba, in ay tahay shaqadayada, haddii aanu nahay warfidiyeenka?”

“Maya, kuguma diiddani haddii ay intaas uun tahay.”

“Waxii aan intaas ahayni waa tuhun xaggiinna ah. Mid se aan ku idhaahdo: siddeed sano ayaan Afrikada Bari warfidiyeen ka ahay…”

“Ma siddeed ku dhan?”

“Siddeed ku dhan. Muddadaasna dad badan baan la kulmay. Arrinta ugu yaabka badan ee aan ogaadayna waxaa weeye: haddii aad tihiin afrikaanka, xataa kuwa idiinku aqoon sarreeya, waxaad ku mashquulsan tihiin wax ay cid kale idin yeeshay ama idin tartay. Maxaad sidaas isugu kalsooni xun tihiin? Maxay idiinla weyn tahay waxa ay cid kale idinku samaynayso ama idiin samaynayso, ee aad u yaraysataan waxa aad qudhiinnu naftiinna taraysaan ama yeelaysaan?”

“Waan kaaga mahad naqayaa dhaliisha, waayo waxaa ka muuqata nasteexo. Waan kugu raacsan ahay in ay taa wax badani ka jiraan, laakiin mushkiladdu iyaduna waa wax jira, waa culays na saaran oo aannaan isdiidsiin karin.”

“Kollay annagu, Maraykan ahaan, culays aanu idin saarnay ma arko. Ma aan moodayn in ay inaga dhexeeyaan wax aan ahayn saaxiibnimo. Maantaba Dekedda waxaa ku xidhan markab idiin sida kumanyaal tan oo quud ah.”

Markabka saliidda iyo daqiiqda badan sida Raage wuu og yahay, laakiin isagu deeq nololeed u ma arko ee wuxuu u arkaa sun lagu dhimanayo. Foqorada gaajaysan la ma siiyo ee taliska ayaa la siiyaa si uu u sii iibiyo oo miisaaniyadda cadaadiska bulshada ku baxda ugu kabto. Suuqyada ayuun baa lagu arkaa kiishash ay ku qoran tahay “Deeq Maraykan”. Waa mid ka mid ah siyaabaha xukunka xasuuqa umadda u dhisan ee danta aan hagaagsanayn laga lee yahay lagu ilaaliyo. Kiish kasta oo deeqdaas ahi markiiba wuxuu isu rogaa xabbad qof soomaaliyeed disha.

Toddobaatanaadkii Maraykanku taliska askarta col ayay la ahaayeen iyaga oo ku eedayn jiray kelitalisnimo. Runtu se waxay ahayd dantooda ayay ka waayeen. Siddeetanaadkii waxay ku tilmaameen “saaxiib lagu tiirsan karo”, waayo dantooda ayay ka heleen, waxayna bilaabeen si walba in ay u ilaashadaan. Laakiin taariikhdu waxay ka marag kici sagaashanaadka marka ay dantooda ka dhammaystaan in ay sidii xanjo lagu daalay u tufi doonaan.

“Waan hubaa in aad og tahay qof in lala saaxiibaa in ay ka duwan tahay ummad in lala saaxiibo. Haddii se aad xidhiidh wanaagsan labadeenna ummadood la jeclaan lahayd u sheeg dadkaaga dibindaabyada maamulkoodu shucuubta yar yar, ee aanu ka midka nahay, ku hayo”, waxaa si cabasho u dhow u yidhi Raage.

“Sida aan og ahay waad ka la qaybsan tihiin, qayb idinka mid ah ayaana deeqdaa iyo hubka abaal noogu haysa. Haddii aanu hubkaa iyo deeeqdaa siin lahayn qaybta aad adigu metelaysid, oo sida muuqata ah mucaaradka, waad soo dhoweyn lahayd, sow ma aha?”

“Ka soo qaad in ay sidaas tahay, laakiin yaabku taas ma aha ee waa idinka oo aan joogi karin jeer aad laba kasta oo aad awood dhaantaan abley isugu dhiibtaan. Labada qaybood ee aad xustayna waa siyaasiga ee waxaa aad uga badan ugana muhiimsan bulsho weynta nolosha iyo nabadda u baahan.”

“Anigu waxaan ahay warfidiyeen, maamul aanan ka tirsanayna intaas wax ka badan ma difaaci karo. Waa se dabiici hadba quwadda dunida ugu weyn in sharka oo dhan loo aaneeyo. Adigana waxaa kaa muuqata in aad si aad ah nooga niyadxun tahay.”

“Aad baan u jeclaan lahaa quwadda maanta dunida ugu weyni in aanay dhimashadayada ka talin.”

“Waa taas sababta aan kuu lee yahay waad naga niyad xun tahay. Maxaanu dhimashadiinna uga talinaynaa ee aad na yeesheen? Ma laga yaabaa cilladda oo dhami in ay tahay baqdin horumarkayaga kaa haysa?”

“Sida ay caadi u tahay in awoodda dunida ugu weyn sharka oo dhan loo aaneeyo ayay dabiici u tahay qalqaalli xoog weyni in uu ku cabsi geliyo. Xooggana waxaa laga ma maarmaan u ah xilkasnimo, sidii uu nin soomaaliyeed gabadh ugu heesay: ‘Deeq weeye quruxduye, denbi yaanay kugu noqon’.”

In kasta oo ay macnodarro weyn tahay qaddiyad noocaas ah in lagala doodo shakhsi aanay waxba ka khusayn, haddana waa muhiim Afrika dhibaatada ay gumaysiga cusub ku qabto xallinteeda in ay la kaashato shakhsiyaadka wanaagsan ee bulshada caddaanka ku jira, ayuu Raage rumaysnaa. Saamaynta ay kuwaasi arrinta ku yeelan karaan ka ma yara ta kuwa la siman ee reer afrika. Awoodda dhaqaale, warbaahineed iyo xorriyadeed ee ay qolada hore haystaan qolada dambena ka maqani waa xaqiiqo mug weyn. Waa ay ka la duwan tahay in isha dulmiga la gufeeyo iyo in marka uu dulmigaasi soo fatahmo la iska mooso.

Laakiin si ay dood noocan ahi macne uun u yeelato, ma yahay Peterson kuwii la kaashan lahaa? Ma ka mid yahay kuwa iimaanka qaba ee danta ka leh wanaajinta xaaladda dunida? Mise waa kuwa hurda ee aan waxba ogayn? Mise waaba kuwa haysta aragtiyaha arxanka daran ee la eeday?

Midabtakoorka raba in ay dadka iyaga ka duwan jiritaankooda xididdada u siibaan, shirkadaha leh danaha dhaqaale (sida kuwa ka ganacsada hubka, maandooriyaha, macdanaha iyo dawooyinka) intaba dhaawacooda dhiigga lihi korka madow ee Afrika wuu ku yaal. “Waa ay wanaagsanaan lahayd in aynu mar kale kulanno, laakiin nasiibdarro berriba waan dhoofayaa. Yaa se og, waxaa dhici karta mar kale in aynu isaragno”, ayuu Peterson Raage ku sagootiyay markii uu Wasaaradda Waxbarashada horteeda baabuurka u joojiyay.

Raage mar kale ayuu ka mahadnaqay soo qaadista. Markii uu Peterson baabuurka hore u sii cayntaariyay isaguna waddada ayuu dhanka kale u gooyay. Laba qof hadba inta ay cududda ku ka la awood sarreeyaan in la’eg ayay codkana ku ka la awood sarreeyaan. Si kasta oo ay doodda naxli uga dhawraan, iskuna dayaan in ay kor u qaadaan, waxay noqotaa uun cabasho daciif iyo digasho nin adkaaday. Raage iyo Peterson mid waliba saaka qorraxda hoosteeda wuxuu ka joogaa inta uu ku lee yahay.

Dad badan ka ma uu aqoon wasaaradda, waxaa se jirtay gabadh wasiirka xoghayn u ah oo ay isku dugsi ahaan jireen, intii ka dambaysayna siyaalo dhawr ah u kulmeen. Wuu og yahay in aanay lahayn awood ay wax badan ku la qaban karto, laakiin danta keliya bb uu maanta u socdo waa ay ka caawin kartaa, oo ah in uu wasiirka la kulmo. Wuxuu sitay arji uu ku codsanayo in maamulka dugsiga isaga lagu wareejiyo, mar haddii uu ninka halkaa ku amarkutaagleeya isagu ka shahaado iyo aqoon sarreeyo. Xoghayntu wax walba Raage waa ay la qabatay sidii uu wasiirka u la kulmi lahaa, dadaalkeeduna wuu midho dhalay. Maalintii uu halkaa tegay laba cisho ka dib ayaa la ballamiyay.

Berigaas waxaa lagu haftay badweyn musuqmaasuq ah, Wasaaradda Waxbarashaduna ma ay ahayn ta wasaaradaha ugu ladan. Laakiin wasiirka uu maalintaa la kulmay wuxuu u qaabbilay si xushmad leh haddii loo eego xushmad darradii xafiisyada taallay. Mushkiladda dugsiga sida ay cid kasta oo in ay wax ka qabato isku dayday ugu guuldaraysatay, iyo sida uu ugu niyadsan yahay in uu meel caafimaad qabta ka dhigi karo haddii maamulka isaga lagu wareejiyo, ayuu wasiirka u sharxay.

Wasiirkuna wuxuu sheegay wasaaraddu in ay lee dahay guddiyo u xil saaran kormeerka, soo qiimaynta iyo ka soo warbixinta xaaladda dugsiyada, laakiin uu fikraddiisa muhimad siin doono, codsigiisana hoos u eegi doono. Ballanqaadka wasiirku waxoogaa rajo ah ayuu Raage geliyay, rajaduna aad ayay uga wanaagsan tahay quusta.

Aanadii Negeeye – Qeybtii 16aad

Fikirkaada Waa Muhiim