Qoraalkaan gaaban wuxuu tibaxayaa khilaafka soo jiitamayay ee u dhaxeeya ururada iyo maamulada masaajidada wadankaan Norway. Waxan wada ogsoonahay in khilaaf haraadiyay bulshada Soomaaliyeed tobanaankii sano ee lasoo dhaafay.

Cilmi baarayaasha iyo dad badan oo aqoon durugsan u leh arimahaan, waxay soo xiganayaan in dhibaatooyinkaan haraadiyay bulshada Soomaaliyeed ay yihiin arimo badan ee dhinacyo badan ka kooban. Sidaa darteed aan la dhihi karin hal arin ayaa keentay dhibaatootinkaan ku habsatay bulshada Soomaaliyeed.

Dadka arimahaan Soomaalida haysata odorasa waxay sheegaan in caqabaha haysta Soomaalida ay ka mid tahay: arimo qabiil, arimo diineed, dhaqanno soo jireen ah, aqoon yari, awood mid dhaqaale iyo mid maamul, dano iska soo horjeeda, danaha wadamada caalamka oo meesha ka marneen, iyo dhibaatooyin kale oo isbiirsaday. Midkale aan kuugu daro ma jirto Soomaali mideysan oo wax wada qabsaneysa taariikhda haddii dib loo baaro Xuriyadii ka-hor iyo kadibba.

Aan usoo Noqdo masaajidka Towfiiq ee Oslo iyo kuwale ee Norway, Masaajidkaan Towfiq waxa uu ka mid yahay masaajidada ugu waa weeyn ee Norway, waxana ka diiwaan gashan in ku dhaw 8 kun oo muslimiin ah. Masaajidada wadankaan Norway sida caadiga ah waxay qabtaan adeegyo fara badan, sida fidinta diinteena suuban, dhaqanka, isku xirka bulshada, ilaalinta jiilka wadanka ku dhashay ama iyagoo yar imaaday iyo adeegyo kale oo farabadan.

In masaajidka uu dhamaan adeegyadaas fuliyo waxa uu masaajidka u baahanyahay dhaqaale iyo dad hoggaamiya danaha ummadda halkaan ku midoobay, iyo inay wada shaqeyn la yeeshaan dowlada hoose iyo doowlada dhexe.

Towfiiq waxa soo gasho lacag lagu sheegay kudhawaad 8 milyan oo kroner sanadkii (riix halkaan), iyo lacago farabadan oo xisaabsaneen taas oo muslimiinta ku xiran masaajidka ay ugu deeqaan. Dhinaca kale ee Maamulka waxa uu gaarayaa 20 ruux, kuwaas oo ah kuwa loo doortay masaajidka iyo bulshada danahooda inay ka shaqeeyaan.

Masaajidka ayaa kaalin muhiim ah ka qaato barista quraanka kariimka iyo dhisida da’yarta. Waxaa masaajidka quraanka ka barato arday badan oo Muslimiin ah oo ay u badan yihiin da’yarta qurbaha la keenay iyo kuwa ku dhashay.

Waxa soo baxday sanadyadii lasoo dhaafay in qilaaf ka abuurmo masjidka Towfiq kaas oo u dhaxeeya bulshada iyo maamulayaasha masjidka Towfiiq.

Mar aan u kuurgalay qilaafkaas waxa uu yahay waxan soo ogaaday in qilaafka uu salka ku haayo arimo farabadan, sida hab qabiil, awood, adeegyadii loo baahnaa in uu masaajidka qabto oo dadka qaar saluugsanyihiin, bulshada inta badan oo helin waxa ay xaqa u lahaayeen sida inay ogaadaan dhaqaalaha sida uu ku baxay iyo adeegyada lagu qabtay.

Taas oo dad badan shaki gelisay inay dhici karto hantida masjidka inay dad dano gooniya ku qabsadaan. Waxa kale ee soo ogaaday inay jirto kooxo awood raadis ah oo doonaya inay iyagu maamulaan masaajidka Towfiiq.

Ma masjidka Towfiiq kaliya ayaa qilaaf kajira mise dhamaan masaajidada Soomaaliyeed ee wadankaan Norway?

Jawaabta waa maya. Qilaafka inta badan masaajidada Soomaaliyeed ee wadankaan Norway waa kajiraa. Anigoo ah Jama Hursow waxan goob joog usoo ahaa arimo badan ee masaajidada Soomaalida ee wadankaan Norway ka dhacay. Waxan deganaay magaalada Hamar ee gobolka Hedmark, masjid ku yaal magaaladaas waxa ka dhacay qilaaf kaas salka ku haya maamulka awoodaha iyo dhaqaalaha.

Waxan dugsiga sare u aadi jiray magaalada Elverum isla gobolka Hedmark halkaas waxa ka dhacaayey qilaaf ku saabsan masaajidka Elverum, taas oo sababtay in masaajidka lagu wareejiyo ruux kale oo muslim ah in uu talada iyo maamulka masjida uu hayo oo Soomaalidu banaanka ka noqoto maamulka iyo arimihiisa.

Xili aan jaamacad u aaday magaalada Trondheim waxan masaajidka Soomaalida magaaladaas kusoo ogaaday in qilaaf haraadiyay ugu dambeyn gacan kale oo ajnabi ah loo dhiibay. Magaalada Lillehammer sidoo kale qilaaf ba’an ayaa masaajidkaas soo maray heer ay noqoto in qolo walbaa ay furato masjid u gooni ah.

Mar aan qiimeey dhamaan sida arimahaan qalafsan looga bixi karo, waxa iisoo baxday dhoowr arimood/talo inay lagama maarmaan tahay: Dhamaan arimahaan aan u arko inay xal u tahay caqabadaha jira waxay hoos tegayaan Sharci & Nidaam lagu heshiiyo.

Waana u muhiim bulshadeena Soomaaliyeed arintaan maxaa yeelay kalsoonidii u dhaxeeysay bulshadeena dhaxdeeda ayaa maqan. Sidaa darteed sharciga waxa uu keenayaa kalsooni, waxa uu kala saarayaa wixii bulshada ku heshiisay iyo waxa aysan ku heshiin. Sidoo kale haddii aan u dhigo maamulka iyo bulshada waxa hagaya sharciga ay ku heshiiyeen.

Bulsho wax isku darsatay ama arimo ka dhaxeeyaan oo aan sharci haggeynin dunidaan ma jirto, haddii ay jirtana ma noqodo mid natiijo wanaagsan keenta.

Maadaama masjidka uu yahay guri cibaado oo bulsho ka dhaxeeya waxa uu soo hoos gelayaa sharci & nidaam. Ula jeedka waxa weeyaan wax walba ee masjidka uu qabanaayo ama loo qabanaayo waa inay ahaadaan mid sharci ah oo bulshada iska leh masjidka dejisatay. Sharciga waa inuu yahay mid cadeynaya waxa laga doonayo in uu masaajidka uu bulshada ufuliyo (adeegyada uu masjidka bulshada u hayo). Sharciga waa in uu ku cadyahay waxa laga doonaya dadka ku xiran masaajidka inay fuliyaan.

Sharciga dhaqaalaha & xisaab xirka iyo xiliyada xisaab-xirka lala wadaagayo bulshada, taas waxay keenaysaa inay bulshada ku qancaan dhaqaalaha waxa lagu qabtay iyo inay ilaaliyaan kutakri-falka hantidooda.

Masaajidkaan wuxuu kaloo masuuliyad iska saaray sadaqo aruurinta wakhtiyada ay Soomaaliya ka dhacaan abaaraha iyo fatahaada.

Sharciga qeexayada siyaabaha loo dooranayo maamulka masjidka iyo kuwa la shaqeeynaya iyo heerka aqooneed & hogaamineed, yaasa dooranaayo ma bulshada magaalada ee ka diiwaan gashan masaajidka mise dhamaan muslimiinta, Waa mid iyadana u baahan in si fiican loo qeexo. Waxa arintaa doorashada maamulka la socota, maamulka maxoow xilka ku ween karaa, mudo xileedka maamulka masjidka waa immisa. Waa arin u baahan in si fiican la tashi bulshadu arintaa ugu sameeyaan.

Waxa arimahaas la socda oo maamulka masaajidka markaas looga baahanyahay inay wada shaqeyn iyo xiriir dhaw la lahaadaan Maamulka wadanka iyo bulshada wadanka Norway. Waxan aaminsahay haddii uu jiri lahaa sharci si hufan looga soo shaqeeyey inaysan dhaceen qilaafka iyo dhibaatooyinka kusoo laa laabtay masaaajidka Towfiiq iyo kuwa kale ee kajira wadankaan Norway. Waxan aaminsahay sharci & nidaam hufan inay xal u tahay caqabadaha maanta ka taagan masaajidada Soomaaliyeed ee Norway.

Ugu dambeyn waxan usoo jeedinayaa bulshada Soomaaliyeed inay midoobaan. Arimaha qaaska ah meel iska dhigaan oo ay ku bedelaan waxa bulshada wada anfaca.

Laga guuro qabiilka ee loo guuru Soomaalinimo, laga fugaado jaahilka iyo aqoonyarida ee la kororsado cilmiga iyo waxbarashada, la iska qabto ruuxa dhibaatada wada ee lagu bedelo ruuxa bulshada hormarinaayo, laga fogaado kooxeysiga ee loo wareego midnimmo.

Waxan aaminsahay inay jiraan dhalinyaro aqoon duruqsan u leh dhibaatooyinka jira kuwaas oo rag iyo dumarba ka kooban oo diyaar u ah inay baaritaan ku sameeyaan dhibaatooyinka soo wajaha bulshada soomaaliyeed. Dhalinyaradaas oo isugu jira kuwa wadankaan ku waxbartay, kuwa wali wada waxbarashada iyo kuwa kale ee wadamo kale kusoo waxbartay diyaarna u ah inay qeybta uga aadan xalinta iyo horumarinta bulshada ka qaataan.

Arintaan masjidka Towfiiq iyo kuwa kale ee badan waxay waayahaan noqotay mid kor laga fiirsado oo waxba laga qaban. Haddii madax matasha bulshada qaybaheeda kala duwan jiri lahayd, waxaan aaminsanahay inay xal iyo natiijo wanaagsan laga gaari lahaa. Waxwalbo xal waa laga gaari karaa, waa haddii ay jirto ismaqal iyo wax wada qabsi.


Maku haminaysaa inaad barato luuqada afka Norwejiga waliba adigoo gurigaaga jooga? Akademiyada Somalism ayaa kaalin muhiim ah ka qaadatay sidii bulshada u baran lahayeen luuqada loogu hadlo dalka Norway ee Norskspråk. Riix sawirka hoose si aad u aragto,

Fikirkaada Waa Muhiim