Qandho Umuleedku waa infekshan ku dhaco Hooyada marka ay dhasho ka dib, waana cudurka saddaxaad ee ay u dhintaan hooyoyinka ku nool daafaha caalamka sababo laxariiro Dhiigg-baxa dhalmada kadib iyo dhiciska. Hey’adda Caafimaadka Adduunka waxa ay ku qiyaastay 50,000 oo Hooyo 15% waxa ay si sanad la eh ugu dhintaan Qando Umuleed.

Qandho Umuleedku waxaa aan ku qeexi karnaa infekshan ku dhaco xubinta taranka Hooyada marka ay dhasho ka dib, waxa aana sababo bakteeriyo ilma aragta ah, waxa uuna caan ku yahay qandho aad u daran cabir ahaan waxa ay gaari kartaa 40Co,halka ruuxa  caadiga ah heer kulkiisa laga rabo in uu noqdo 35.5- 37.0Co.

Waa Maxay Calaamadaha Lagu Garto Qandho Qandho Umuleedka?

  • Xumad Daran.
  • Dhabar xanuun.
  • Hooyada oo dareento qoyaan  aad u badan(Abnormal vaginal discharge).
  • Madax xanuun.
  • Hooyada oo lagu arko jareys.
  • Hooyada oo omateed xumo ku dhaco.
  • Hooyada oo dareento wadno garaaca aad u badan.

Hooyadee Halis Ugu jirto Qandha Umuleedka?

  • Hooyada ay ku dheeraato foosha.
  • Hooyada dhiigg la’aanta ku dhacdo xilliga uurka waxa ay halis ugu jirtaa qandho umleed.
  • Hooyada oo infekshanka laga daaweyn waayo xilliga Uurka.
  • Hooyada cayilka xad dhaafka leh, waxa ay halis ugu jirtaa qandh umuleed.
  • Hooyada da’ahaan ka yar 18sano waxa ay halis ugu jirtaa qandho umuleed.

 

Fikirkaada Waa Muhiim