Toddobo iyo toban kii September, oo Isniin ah, galbeed b’aan u socday oo jarnay konton liig habeen kii iyo maalin tii. Maayad wacan baa nagu gargaaraysay majaraha.

Aroor tii muuqaal cushub baa soo siyaadayay u muuqday sidii dhiro webi, oo mid kood raggii ku arkay qooqab nool. Kan oo’n ugu faro adaygay si ay dhammaan u arkaan oo cindiga u geliyaan berri. Biyaha baddu waa ka milix yaraayeen kuwii ‘Canaries’ ee aannu ka soo baaryoonnay.

Tan oo’n ku dukhuulay in badan in ay dhadhamiyaan. Geyreyaashu, giddi, waa fududaayeen. Qof kasta waa faraxsanaa, oo kor’aa baxridi fiicnayd u baxday si ay u bidhaamiyaan berriga u horreeya. Kalluun huduf ah ayaa dhinac wal ba naga marayay oo hal ka dileen daaqim kii.

Calaamadahaas oo dhan baa ka imanayay galbeed, jihadaas oo’n aamminsanaa in fadliga Sarreeyaha Gacmihiisa ku jiraan guulo oo dhammi, aannu degdeg u arki doonno berri……

Sabtidii, September labo iyo labaatan keedii, b’aan u qaabeeyay majarhaygii G.W.G taqriiban, ku duway madaxeedii jihadan danbe oo jaray soddon liig. W’aan ku qasbanaa dabayshan cakiseed waayo dad kayg’aa ka gadoodsanaa fikirka in badahan an ay jirin dabayl u dhacda jihada Isbaaniya. Subixii ma jirin cushub laakiin galabnimadii waa soo qaro yeeshay…….

Salaasadii; xawaal kaddib na dabayl…

Qorraxdhicii baa Martin Alonzo u baxay dheegga sare ee markab kiisa oo si riyaaq leh ugu qayliyay in uu arkay berri. Jilbah’aan u dhacay oo ugu xamdiyay Ilaahay, maxaa culays igu hayeen xammilladaydu maalmahan danbe, raga ayaa niyadjabsanaa oo is la dhex marayay dhuxdhux ah in dib loo laabto.

Oo Martin Alonzo ku dhawaaqay, Ilaahay u roonaa addoomihiisa. Kuwii Nina ayaa wada fantay dakhal kii iyo marbad kii shiraaca oo wada sugay si ay u sugaan warka. In uu jiray shan iyo labaatan liig b’ay u egayd. Oo sidaas ugu muuqatay ilaa habeennimadii.

In majaraha laga beddelo K.G. b’aan amray, jihadaas oo berrigu ka muuqday. Afar liig b’aannu u goynay galbeed maalin taas iyo toddobo iyo toban K.G. habeennimadii, iskudar kow iyo labaatan, laakiin aan ragga ugu sheegay masaafad saddex iyo toban ah.

Sida baddu amlas u ahayd, baxri badan baa ku qobaysatay janbiga. Madaxdahablayaal badan b’aannu aragnay iyo kalluun kale.

Arabacadii, wixii lagu sheegayay berri daruur’ay ahaayeen, an na majarihii galbeed b’aan ku sii waday ilaa galab tii, oo kaddib u dhuftay K.G. Maalin iyo habeen, kow iyo soddon liig an ugu tiriyay afar iyo labaatan dadka. Sida webig’aa baddu ahayd, naftu jeclaysanayso oo mucdil ah.

Quus tii ragg’aa ku sii labanlaabatay niyadjab kan, laakiin in tii itaal kay ahayd w’aan dejinayay, aniga oo ka baryayay in ay adkaystaan woxoogaa kale iyo in wax wali ba u dhici doonaan sid’ay rabaan aakhirka…..


Kordhi aqoontaada, si aad aqoontaada u kordhiso waxaad u baahan tahay meel ku anfacdo oo aad ku horumariso naftaada iyo waajibaadka kaa saaran noloshaada. Si aad u aragto dhammaan cilmiga noocyadiisa kala duwan waxaad u baahan tahay oo kali inaad riixdo sawirka hoose

Fikirkaada Waa Muhiim