Buuggan wuxuu matalaa mowqif caalami ah oo ku saabsan dimuqraadiyadda xorta ah ‘Liberal Democracy’ sida inay tahay tusaalaha dowladd dimoqraadiyadd ku dhisan meel kastana lagu isticmaali karo, iyo runtii nooca dawladdnimo ee ugu mudan in la adeegsado.

Burburkii nidaamkii wada-noolaanshaha (Communism) iyo soo bixitaankii ‘guuleystaha’ ee Mareykanka dagaalkii qaboobaa, Fukuyama wuxuu ku dhawaaqay dimuqraadiyadda xorta ah inay tahay mid guud ahaan guuleystay.

Wuxuu ku dooday in horumarka warshaduhu (Industrial) ay lama huraan u noqotay inay raacaan qaab calami (Universal) ah – taasoo dejisay hoggaamiyaasha dhaqaalaha ee hanti-wadaaga ‘capitalism’ ee reer galbeedka – oo siisay “dammaanad” “kordhisa is- dhexgalka bulshada oo dhan, iyadoon loo eegeyn asalka taariikhdooda ama dhaxalka dhaqankooda”

Sidaa darteed, wuxuu ku andacoonayaa in “dhammaan waddamada maraya dib-u-habeynta ama casriyeynta dhaqaalaha ay tahay inay si isle’eg ugu ekaadaan midba midka kale: waa inay ku midooban qaran ahaan iyagoo ku saleynaya nidaamkooda dowlad dhexe (Centeralized state), abaabul, beddela qaabab dhaqameedka urur bulsheedka (sida qabiilka, jinsiga iyo qoyska) iyo bixinta waxbarasho caalami ah oo ku saleysan [dimoqraadiya xorta ah].

Soomaaliyna, waxaa lagu wadaa in laga dhaqan geliyo dimuqraadiyad xorta ah maxaa yeelay taariikh ahaan, waxay cadeysay inay tahay meesha ugu macquulsan, la jecel yahay lagamana maarmaana ay tahay in wax laga qabto caqabadaha horumarka ee haysta.

Fukuyama Fukuyama wuxuu ku soo gabagabeeyey in dhamaadka taariikhda uu ku yimid halganka u dhexeeya fikradaha kala duwan, sababta oo ah dimoqraadiyadda xorta ah ayaa ka adkaatay xulashooyinka kale ee dimuqraadiyadda guud.

Caalimku wuxuu qabaa in dimuqraadiyadda xorta ahi ay tahay nooca ugu dambeeya ee dawladnimada aadanaha ee xallin karta dhibaatooyinka aadanaha oo dhan.

Markii si qotodheer loo baaro, aragtidan xagjirka ah waxaa loo arki karaa isku day awoodeed oo ku dhisan abuuris Soomaali Cusub. In kasta oo dimuquraadiyaddu yeelan karto astaamo caalami ah, soo bandhigidda dimoqraadiyadda xorta ah sida inay tahay malaaik siyaasadeed ee badbaadin karta Soomaali jiritaankeeda ayaa loo arki karaa inay tahay qayb ka mid ah isku-xirnaanta gumeystayaashi hore (neocolonialism).

Sheegashada Fukuyama ee ku saabsan jiritaanka raasamaalnimada waxay noqotaa wax aan macno lahayn marka aan ka soo qaadno sababihii burburka dhaqaale ee dhawaanahan ku habsaday dhaqaalaha adduunka koowaad. Intaa waxaa dheer, waa lagu doodi karaa in dimuqraadiyadda xorta ah ee Fukuyama aysan noqon karin dhammaadka taariikhda aadanaha, sababtoo ah Ummadaha kala duwani Waxay xaq u leeyihiin inay dhisaan aragtiyo cusub oo dimoqraadiyadeed, kuwaas oo uga jawaaba baahiyahooda diin, dhaqaale, iyo bulsho.

 


Kordhi aqoontaada, si aad aqoontaada u kordhiso waxaad u baahan tahay meel ku anfacdo oo aad ku horumariso naftaada iyo waajibaadka kaa saaran noloshaada. Si aad u aragto dhammaan cilmiga noocyadiisa kala duwan waxaad u baahan tahay oo kali inaad riixdo sawirka hoose

Facebook Comments