Fitamin D waxa uu ka mid yahay fitamiinada ku milmo duxda. Fitimiinadu waxaa loo qeybiyaa labbo qaybood, qayb ku milanto biyaha, waxa ayna kale yihiin fitaminadaas B iyo C jirkana waxa uu u baahanyahay si maalinla ah. Halka fitamiin D, E, A iyo K ay ku milmaan duxda jirkana waxa ay ku jiri karaan muddo 6 bilood ah.

Fitamiin D waxa uu jirka ka caawiyaa  in lafaha qofka ay noqdaan kuwa caafimaad qabo oo xooggan. Waxaa muhiin ah in aan fitamiin D-ga  aan  u badinno dadka difaacooda liito sida: Hooyada uurka leh, ilmaha yar, iyo waayeelka.

Waa Maxay Faa’iidoyinka Ay Fitamiin D Uu Jirkeena U Leeyahay?

  • Waxa uu ka qeyb qaataa ka hortagga cudurada ku dhaco ciridka.
  • Waxa uu xoojiyaa difaaca jirka.
  • Waxaa uu xoojiyaa shaqada maskaxda.
  • Waxa uu kor u qaadaa caafimaadka wadnaha.
  • Murqaha jirka waxa uu ka caawiyaa in ay noqdaan kuwa adag.
  • Waxa uu kor u qaadda caafimaadka ilkaha iyo lafaha.
  • Waxa uu caawiyaa shaqada muhiimka ah ee jirka u qabto Beerka.

Xagee  Laga Helaa fitamin D?

Fitamiin D waa fitamiinka kali ah ee laga helo qoraxdda, Haa qoraxda waxaa laga helaa fitamiin D gaar ahaan xilliga subixii iyo galabki.Cunooyinka laga helo fitamiin D waxaa kamid ah:

  • Caanaha.
  • Beerka.
  • ukunta
  • malaayga.
  • Cabitaanka liinta.

Calaamadaha Lagu Garto Fitamiin D Marka Uu Jirka Ku Yaraado Waxaa Kamid Ah:

  • Daal badan.
  • Qofka oo timaha ka daataan.
  • Murqo xanuun .
  • Qofka haddii dhaawac gaaro raysan waayo.
  • Qofka oo xanuun ka dareemo dhabarka iyo dhammaan lafaha.

 

Fikirkaada Waa Muhiim