Mashiinka shucaaca ama kombiyuutarka caloosha waxa uu leeyahay mowjado dhawaaq ah oo is daba joog ah, celcelis ahaan waxaa uu ka sareeyaa xadka maqalka Aadanaha. Xadka maqalka Aadanaha uu maqli karo cabir ahaan waxa ay tahay 20kiloherz ( 20,000 hertz), Mashiinka shucaaca (Ultrasund) cabirka codkiisa waxa uu ka sareeyaa 20kiohertz  illaa asagoo gaaro dhowr gigahertz.

Mashiinkaan  waxaa soo iqrtiraacay  Lazzaro spallanzani 1794kii markuu muujiyey in Fiidmeerta ay ugaarsadaan in ay ku socto dhawaq maqal, ee ma ahan aragti.

Francis Galton sanadkii 1893 wuxuu sameeyay foorida Galton, oo ah foori laga  hagaajin karo soo saaridda  firinbi( whistle), kaas oo uu u adeegsan jiray cabirka maqalka ee dadka iyo xayawaanada kale, isagoo muujiyey in xayawaan badan ay maqli karaan dhawaqyada ka sareeya maqalka tirada dadka.

Mashiinka shucaaca(Ultrasound) waxaa loo isticmalaa go’aan ka gaarista caafimaadka  xubanaha ku jiro jirka Aadanaha,waxaa lagu arki karaa mashiinkaan xubanaha gudaha ku jirka haddii ay wax iska  badalaan sida haddii  xubinta bararto ama  biyo ay galaan. Sidoo kale waxaa loo isticamaala ka warqabidda xaalada cunugga aan wali dhalan.

Saameyn Intee La Eg Ayuu Ku Leeyahay Kombiyuutarka Caloosha Dhalaanka Aan Wali Dhalan?

Saamaynta tikniyoolajiyadda ‘Ultrasound’ ayaa la caddeeyay inay saameyn badan ku leedahay xubnaha taranka. Australiya daraasad lagu sameeyay 1400 haweenka uurka leh waxa ay muujisay in dumarka lahaa 5 baaritaan  oo kambiyuutarka caloosha  ah bilkasta ah, marka la barbar dhigo dumarka kaliya lahaa hal mar uurka oo dhan, waxay dhaleen dhammaan ilmo miisaankoodu hooseeyo.

Gunaanad kale oo ka soo baxday daraasaddan ayaa muujisay in dhallaanka uu ku dhacay kombuyuutarka ( ultrasound) inta badan gacanta bidix.

Daraasad kale oo lagu daabacay joornaalka Ururka Caafimaadka ee Canada ayaa muujisay in daraasad lagu sameeyay 72 caruur ah oo qaba xanuun xagga hadalka ah, in kabadan 70% caruurta waxay la kulmaan  Mashiinka shucaaca (ultrasound) si  joogto ah inta ay uurka  ku jireen.

 


Kordhi aqoontaada, si aad aqoontaada u kordhiso waxaad u baahan tahay meel ku anfacdo oo aad ku horumariso naftaada iyo waajibaadka kaa saaran noloshaada. Si aad u aragto dhammaan cilmiga noocyadiisa kala duwan waxaad u baahan tahay oo kali inaad riixdo sawirka hoose

Facebook Comments