Dhiigkarka  ku dhaco Hooyada  xilliga ay uurka  leedahay waxa uu halis galiyaa caafimaadka Hooyada, sidoo kale waxa uu sababaa dhimashada  cunugga ku jiro caloosha Hooyada.

Waxaa badanaa lagu arkaa  dhiikarkaan marka Hooyadu uu uurkeedu maraayo 20 isbuuc ama 5bil iyo wixii ka dambeeyo, waxaa uuna dhammaadaa markay ay Hooyada dhasho,wallow mararka qaar lagu sii arki karo Hooyada isbuucyada  ugu horeeya ee umusho. 50kii  Hooyo oo uur lehba waxaa lagu arkaa 3kamid ah.

Dhiigkarka xilliga uurka waa uu ka gadisan yahay dhig-karka kale caadiga ah, dhiigkarka caadiga ah waxa uu ku dhaci karaa qof ka waqti waliba, waxa uuna ku badan yahay dadka da’ahaan  ka wayn 40 sanno mana ah cudur laga reysto. Waxaana  lagu tiriyaa cuduradda loo yaqaan dilaagga aamusan.

Laakiin dhiigkarka xilliga uurka waxa uu u gaar yahay Haweynka gaar ahaan  xilliga ay uurka leeyihiin oo kali ah, waana mid laga reysto oo waqtigiisa kooban yahay. Dhiigkarka xilliga uurka waxaa uu kamid yahay sababaha keeno dhimashada Hooyada.

Hey’adda caafimaadka adduunka (WHO) waxa ay ku qiyaastay 50,000- 75,000 oo Hooyo oo uur leh in ay u dhintaan dhiikarka xilliga uurka dhammaan daafaha Caalamka.

Hooyoyinkeenna Soomaaliyeed dhibaato ba’an ayuu ku hayaa dhiigkarka xilliga uurka. Marka aad tagto goobaha caafimaadka hooyada lagula taacaalo waxa aad arkaysaa hooyoyin badan oo la il daran dhiikarka xilliga uurka, qiyaas ahaan waxa aanba dhihi karanaa 60%  goobaha caafimaadka hooyada  waxa ay la tacaalaan hooyoyinka qabo dhiikarka xilliga uurka, marka loo barbar dhigo dhibaatoyinka kale oo  Hooyinka ay  ka  cabanayaan.

 Dhiikarka xilliga uurka waxa uu leeyahay labbo marxaldood oo kale ah:

Marxalada1aad dhiikarka xilliga uurka waxa aan dhihi karnaa marka aan hooyada ku aragno calaamadahaan:

  • Cadaadiska dhiigga cabir ahaan waxaa laga rabaa in uu noqdo 120/80mmHg. Marka cabirka cadaadiska dhiiga hooyada uu ka saro maro cabirka 130-140/90mmHg waa calaamad kamid ah marxaladda 1aad ee dhiigkarka xilliga uurka lagu garto.
  • Hooyada waxaa lagu arkaa barar xagga lugaha, gacmaha, iyo wajiga.
  • Madax xanuun badan inay ka cabato hooyada.
  • Baaritaanadda kaadida hooyada oo lagu arko in ay la sacoto boratiin.
  • Matag iyo lalabbo in lagu arko Hooyada.
  • Hooyada oo arageeda uu noqdo labo labo.

Marxalada labbaad ee dhiikarka xilliga uurka waxaa loo yaqaan kalaamiso waxa aan ku arki karnaa Hooyada calamadahaan hoos ku xusan:

  • Cabirka dhiigga Hooyada  oo ka sara maro 150/100mmHg.
  • Hooyada oo lagu arko dhammaan calamadihii marxalada koobaad.
  • Hooyada oo lagu arko jareys aad u daran
  • Hooyada oo ugu danbeeyn miir daboolanto.

Siddee Ayaan  ku yareen karnaa dhiigkarka hooyada xilliga uurka  leedahaay ku dhaco?

  • Waxa aan ku yareen karnaa hooyada oo inta ay uurka leedahay laga illaaliyo wax waliba oo ku keeni karo isku buuqa.
  • Waxa aan ku yareen karnaa hooyada inta ay uurka leedahay in ay iska illaaliso cunnooyinka ay u badan tahay cusbada.
  • Hooyada in ay mar waliba ku xirnaanto xarun caafimaad.

 


Maku haminaysaa inaad wax badan ka barato ganacsiga iyo maamulka? Halkaan waxaad ka heli kartaa koorsada Maamulka Ganacsiga Caalamiga waliba waxaad ku qaadan kartaa shahaado adigoo meelwalbo caalamka ka jooga. Riix sawirka hoose:

 

Maamulka Ganacsiga Caalamiga – Koorso

Facebook Comments